Sheekadii Geela – Naciima Xasan Xuseen

Naciima

Mid kamid ah ardaydii wax ka baraneysay dugsiyada Dalalka Carbeed ayaa
waxa uu ku dhacay amaba uu dhibca hoose ka keenay maaddadii curiska(Tacbiir).
Waa arrin aan looga baran ardaydu in ay ku dhacaan maddadaas, maxaa
yeelay kama mid  ma aha maaddooyinka ad-adag.

Markii la weydiiyay Macallinkiisii sababta uu ugu dhacay maaddada waxa
uu yiri Macallinkii: ” Mar waliba oo aan fursad u siiyo in uu wax ka
qoro mid kamid ah canaawiinta loo soo bandhigay waa uu ka baxaa oo waxa
uu guda galaa cinwaan kale oo aan shaqo ku lahayn kii loo diray”.

Tusaale ahaa mar baan waxa aan ku iri waxa aad wax ka qortaa “Xilliga Gu’ga”.
Waxa uu soo qoray :
‘Xilliga Gu’a waa mid kamid ah xilliyada ugu qurxoon ee sannadka,
dhulku waa doog daaqsin miiran ah kaasoo u suura gelinaya in uu Geelu
ka dhargo dhirta daaqsinta ah.
Geeluna waa noole adkeysi badan oo u dulqaato gaajada iyo harraadka,
waxa uuna awood u leeyahay in uu ku socdo bacaadka kulul iyo lama
degaankuba.
Reer baadiyuhuna waa ay dhaqdaan oo rartaan waana ay ku guuraan isaga
oo ka kala gooshayo dhulal fog fog.
Geelu waa noole rabbaayad ah….’

Ardaygii waxa uu ku talax tagay ka sheekeynta Geela waxa uuna ilaaway
ciwaankii laga sugayay.

Macallinkii ayaa yiri waxaa laga yaabaa in uu xiriir ka dhexeeyo Gu’ga
iyo Geela haddii si loo fiiriyo, bal aan u weeciyo cinwaan kale.

Markale ayaa ardaygii fursad la siiyay oo la yiri waxa aad wax kasoo
qortaa wax-soosaarka Warshadaha Dalka  Jabbaan iyo sida ay u
horumareen.

Ardaygii waxa uu qoray sidan :
“Jabbaan waxa ay ku caan baxday wax-soosaar warshadeed waxaana kamid
ah wax-soosaarkeeda gawaarida iyo waxyaabo kale, balse reer guuraa’ga
noloshoodu waxa ay ku tiirsan tahay geela.
Geeluna waa  noole adkeysi badan oo u dulqaato gaajada iyo harraadka,
waxa uuna awood u leeyahay in uu ku socdo bacaadka kulul iyo lama
degaankaba.
Reer baadiyuhuna waa ay dhaqdaan oo rartaan waana ay ku guuraan isaga
oo ka kala gooshayo dhulal fog fog.
Geelu waa….”

Macallinkii waa uu yaabay oo is weydiiyay tolow maxaa iska khuseeya
labada cinwaan? Maxaa si ka ah ardayga!

Fursad kale oo saddexaad ayaa uu siiyay ardaygii waxa uu yiri waxa aad
wax ka qortaa Aaladda Computer-ka.

Ardaygii waxa uu qoray sidan:
“Alladda Computer-ka waa aalad aan lasoo koobi karin
faa’iidooyinkeeda, waxaa laga helaa magaalooyinka. Balse reer
baadiyihu mahaystaan aaladdaas baddalkeedase waxa ay heystaa geel.
Geelu waa noole adkeysi badan oo u dulqaato gaajada iyo harraadka,
waxa uuna awood u leeyahay in uu ku socdo bacaadka kulul iyo lama
degaankaba.
Reer baadiyuhuna waa ay dhaqdaan oo rartaan waana ay ku guuraan isaga
oo ka kala gooshayo dhulal fog fog.
Geelu waa….”

Ardaygu waxaa maankiisa buuxiyay geela iyo astaamihiisa sidaa darteed
waxa uu waayay xuquudii uu ku heli lahaa dhibcaha sare ee maaddada
curiska.

Waxa uu farriin cabasho ah u qoray Wasaaradda waxbarashada isagoo leh

“Madaxda wasaaradda waxaa idiin soo gudbinayaa cabasho ku aaddan in la
i siin waayay xuquuqdaydii ku aaddanayd maaddada curiska, balse waan
dulqaatay sida uu geeluba ugu dulqaato dhibaatooyinka soo wajaho.
Geeluna waa  noole adkeysi badan oo u dulqaato gaajada iyo harraadka,
waxa uuna awood u leeyahay in uu ku socdo bacaadka kulul iyo lama
degaankaba.
Reer baadiyuhuna waa ay dhaqdaan oo rartaan waana ay ku guuraan isaga
oo ka kala gooshayo dhulal fog fog.
Geelu waa ….”

Wasiirka sharafta lahow waxaa aan rajo ka qabaa in aad cabashadeyda wa
ka qabatid. Waayo Macallinku waxa uu ii dulmay sida Geeluba loogu
dulmiyay meelo badan.  Maxaa yeelay beerka geela ayaa looga quraacdaa
dhammaan Wasaaradaha iyo Xarumaha Dawladda.

Waxa aad iga mudan tihiin Mahadnaq iyo Maamuus.’

March 2018
Naciima Xasan Xuseen
E-mail: naciimaxasan93@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here