Ceeryaanta Waayaha (Maanso) – Cali Ileeye

Cali Ileeye


Maansada: Ceeryaanta Waayaha.
Godka: Jiifto.
Curiye: Cali Ileeye
Taariikhda: 18/03/2018.

Casri uunka kala dilay
Qof cadhooday kaa duday
Kala caagay deriskii
Ka calool xumaatee
Dib-u-curashadaadii
Caawana ma barideen
Caynaanka nabaddaay.

Gulufkiyo colaadaha
Cilmi baad ka baratoo
Cashar weeye noloshuye
Xamareey carfooneey
Culaygii xasuustaay.

Ceelgaabtu waa tane
Ma cishooyinkii baa
Cabdiqays ku noolaa.

Ma cishooyinkii baa
Jubba oo camiraniyo
Curubooy la tegi jiray.

Ma cishooyinkii baa
Nacabkaagu ciiddiyo
Cagta uu ku hoos jiray.

Ma cishooyinkii baa
Caqligaagu joogee
Curintaadu fiicnayd.

Ma cishooyinkii baa
Codka weedhahaagiyo
Carrabkaagu noolaa.

Ma cishooyinkii baa
Afrikaan casuumiyo
Carabaha u yeedhyeedh
Hadba aan cid wici jiray.

Sooyaalka ciiroow
Ma cishooyinkii baa.

Maantana cibaarooy
Caynkeed ku sugan tahay?

Waa nabad curdinahoon
Cago badan ku taagnayn
Colna waa dul joogaa.

Dadku cawlni mooyee
Cindiguu ka yahay hodan
Rejo way cayilan tahay.

Soorta iyo caanaha
Muuskiyo canbuulada
Weli waa la cunayaa.

Caku baylahdeedee
Coomaadde boobiyo
Nin ka ceesha mooyee
Curad dhawra may helin.

Cadaw beegsanaayoo
Nafta ceejinaayoo
Ku curyaaminaayoo
Cillad keena mooyee
Soomaali cudud loo
Mar ku caawinaysoo
Kuu ciidmay baan jirin.

Codsigaagu waa nolol
Cawdaadu waa nabad
Hawo caafimaadleey.

Maalmaha culayskee
Talo iga cakiran tahay
Cadho iga badbadataay
Cidna uma dulqaatee
Car I taabo weeyaan.

Maalmaha cajiibkaa
Faalkuna cuddoon yahay
Saadaasha curataay
Cafis baan u fidiyaa
Qof kastoo I caayoo
Ma canaanto ruuxnee
Cilladuhu ma waagaa?

Faqri aragtay waa ciil
Jahli cugatay waa iil
Dulmi baa colaad dhala
Kibir caano kaa qube.

Dharag baa ciyaar lee
Waa cawda nabadduna,
Caqli baa wax dhaliyee
Waa cuudka noloshuna,
Cilmi baa lib keenee
Nalku waa caqiidada.

Codsi waa Hargaysee
Xabsi iyo car juuq dhaha
Waa taad ka carateed
Carshigii u dumisee
Maanta cunfiga diid.

Tuug baa ka dhacay calal
Col ayay ku saareen
Caashaqan qalbiga xaday
Cidi maanay ila arag.

Hooyada cadceeddiyo
Kulka lagu cashuuraay
Ceeshkaad ka soontiyo
Shilinkaaga uu cunay
Nin calooshu kiish tahay
Cawrida u adagaa.

Xeer lagu ciqaabiyo
Xabsi lagu cidhiidhshay
Bulsho xori u curisee
Xadhig ma le ciddeenuye
Ku cadgooso aakhiro
Ololkiyo cadaabaha.

Wanku wuu caddibanyoo
Caag buu la galay madax,
Caqli fooraraa yidhi
Cunahaba ka soo jara!
Caynkaasi waa sida
Bulsho caydha oo tidhi
Noo tali cashiirooy.

Xalku waa cakiran yahay
Xisku waa cuyuban yahay.

Nin cirraystay baa yidhi
Jeegaantu waa cudur
Cidhibtira daruuraha.
Fad culayska hooroo
Cosob saari laa bay
Cirbaddeedu nuugtaa.

Cadrad uu nin xumi qabay
Furistaa u ciidee
Ciil wuxu ka joogaa
Suuqyada is-cugashada
Ugub wada cusaybiyo
Carmal baa tartamayee
Calafkii labaad mee.

Qaran lagu cidloodoo
Laga soo carceeroow
Cigalee ayaankaa,
Carrigaan u guuroow
Citibaaro weeyee
Cirku maanu kuba helin
Caku siigadaadee.

Jiilyahaw cadhaysani
Kii hore an caynee
Ma ku caafimaadnaa?!
Mise waxaynu curinnaa
Yool uu ku ciilbaxo
Cunugaynu keennaa.

Nin cammoola baa beri
Curadkiisu qaadoo
Kaymaha cidlaa iyo
Cawdii u dhigay geed,
Waa caadi xaalkuye
Yara gama cabbaaroo
Biyahana cab buu yidhi.

Caqli wuxu ku haystaa
Ha cunaan dugaaguye
Odaygaba ka caymee.

Cagta qaad dhaqaaqii
Odaygiina ceeryaan
Cabsi baa dul timidoo
Cod ayuu ku yidhi dheer
‘Bi’I waa Cigaaloow
Kan cishaan awawgaa
Cimri kaga dhaqaaqee
Carar oo I lumisaye
Cuqubada ku xidho faraq
Nabsi baa cadgoostee’.

Kidigaasi waa caan
Cidna booqan maysee
Cawo iyo nasiibkeen
Maalmaha celceliskaa.

Ceeryaanta waayaha
Anba siday culayskee
Waxa lay casirayaa
Inta yool cakiraniyo
Curubtayda qaadhaa
I cabsiisay murugee
Iga caafi tabashada.

Ciriq baad I qabatee
Xiddigtii Calmadaw iyo
Cawo sheekadeedii
Anigoon canaan badin
Calafkaa adeegee
Erayada cuddooniyo
Daymada cajiibkaa
Hadba camal samaantii
Cadar jabay ka soo qaad.

Caawana ujeeddada
Cirku filasho weeyee
Ma daruur cusayb baa
Curataye ma roob baa
Cagcagaar ma doog baa
Ma dareen cusayb buu
Wadnahayga ciillani
Caashaqa ka dhamayaa?

Ubaxyahaw casuustii
Nolol inan ka caagiyo
Calmashada mar kale eeg
Ta danbaan codeeyee
Cudurkayga baanoo
Qalbigayga soo celi
Cindigayga daawee.

Cidlo weeye maalmuhu
Marka cugashadoodii
Ifka laba ku ciillani
Cudud ay u waayaan.

Ciid weeye maalmuhu
Marka laba is caashaqay
Googaa codsiya iyo
Cigalee jawaabaha
Xiisaha celceliyaan.

Cimrigaa degdegayee
Inta calafka dhawrtaay
Adiguna caruus noqo
Mar cillaamo gabadh yahay.

Ciid noqo adduunyooy
Farax farax carruureey
Dhool caafimaadoow
Carrigayga maanshee
Mugdi baa na ciilee
Mudh u dhalo cadceed yahay,
Cadli weeye noloshuye
Cirka noqo sinnaan yahay,
Cisi waa midnimadee
Calanyahow na wada deeq.

Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Muqdisho – Soomaaliya.
18/03/2018.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here