Warqaddii Hooyo – Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ‘Sancaani’

Hooyo

Waan jiifay habeenkan, hurdaduna way igu yarayd. Kolba waan yara suurayey, adiguna waxaad fadhidey dushayda. Waxaan baraarugey dhawr jeer, dib ayaanan u gam’ay. Shalmad keliya ayaad sidataa, qaboowga dhacayana waan ogaa. Jilbaha ayaad madaxa saartay adiga oo indhaha isku yara qabtay. Ma aad tegin sariirtaadii, mana aad huwan bustahaagii, sababta oo ah aniga ayaa xanuunsanayey. Go’aan ayaan qaatay; go’aan ah in sidaada oo kale aan yeelo. Waan fadhiistay, bustihii ayaan iska qaaday, jilbahana waxaan saaray gadhkayga, qaddar yar ka dibna waxaan u seexday si dhab ah. Adigu ma aad hurdin sidayda; dhaqdhaqaaqayga ayaad la socotay. Waa aad i jiifisay, markaasaad i saartay bustahaygii, adiguna waxa aad ku noqotay sidaadii. Muddo ka dib ayaan baraarugey, waxaanan mar kale doonay inaan yeelo sidaadii oo kale. Haddana waan seexday, adiguna waad i jiifisay mar kale. Habeenkii dhawr jeer ayaan isku dayey inaan kula maro xaaladda aad maraysay kaligaa, waan se mari kari waayey, sababta oo ah maan dareemaynnin waxaad dareemaysid ee dhabta ah. Subixii ayaan toosay waxa aanan is weyddiiyey sababtii aad aniga ii seexinaysey, ee aad u seexan waydey adigu? Haddana, waxaan is weydiiyey sababta aan kuu seexin waayey anigu? Wax kasta oo aad samaynaysaa kaama ay ahayn metelaad sidayda oo kale. Waan ogaadey in noloshaada oo dhan aan kaaga qaalisanahay.

***

Waxaan nasiib u helay adiga, ‘HOOYO.’ Kumuu dhibin culayskaygii, xanuunkaygii iyo xannaanayntaydii midkoodna. Uma aad haynnin sare wax kale, inta aad aniga kaliya ii haysay kor. Waad ii yeedhay adiga oo i leh “Hanad—halyey iyo haldoor,” aniga oo aan midkoodna garanayn waxa uu u taagan yahay. Waa aad diiddey inaan xanuunsado, marar kalena caafimaadkaaga ayaad i siisay. Waad gaajootay aniga oo wax cunay, illaa aan dhargey. Waa aad soo jeedday aniga oo ku seexday dhabtaada. Waa aad i xambaartay adiga oo xanuunsanaya. Waad i nadiifisay aniga oo ku wasakheeyey. Quruxdaadii, qaayahaagii iyo qalbigaagiiba aniga ayaad ii gelisay oo aad ii hurtay. Waan xarragooday aniga oo aan ka fikirin yaa ku bilay. Waan iska xanaajiyey aniga oo aan xeerin dareenkaagii, waanan kibray markaasaad tidhi “daaya inankayga.”

Maanta ayaan dareemayaa hadal kasta oo aan ku idhi; hadal kasta oo aan kuu qalmin. Hadal walba oo aad adigu hilmaantay. Dunida oo dhibaato miidhan ah waxa kaliya ee ku dhibi waayey waa aniga. Xitaa haddaan wanaagsanahay uma qalantid waxa kasta oo wanaagsan, sababtoo ah wax kasta ayaad ka wanaagsan tahay.
Waad i kicisay adiga oo ii naxariisanaya iyada oo ay tahay xilli hore. Waad ii waysaysay, kolkaas baad ii xidhay dhar fiican oo dugsoon, waxaanad i keentay masjidka oo inoo jiray masaafo badan oo qabow iyo madow badani ka sokeeyo. Dib baad u laabatay, ka dib markii aad soo tukatayna waad ii soo laabatay, si aad dib iigu kaxaysid. Ma aad rabin inaan kaligey maro waddadaa mugdiga badan, wax kasta oo aad iiga baqaysey adiga ayaa iiga nuglaa, haddana dan kama aanad lahayn taada.

Waad i tarbiyaysay, wax i bartay, oo aad i kaalin gelisay. Aniga oo yar baad iigu yeedhay hawlaha reerka ee aanan waxba ka qaban karin, si aan rayi uga dhiibto. Maanta ayaan dareensanahay inaad igu laylyeysey la qabsashada masuuliyado aan qaabbili doono wakhtiyo aan fogayn.

Subixii Shaqada:

Salaaddii subax markii aan soo tukadey kaddib waan yara jiifsaday, waxaana ay maskaxdaydu ka fikiraysay sida ay noqonayso shaqada aan qaban doono oo ah tii iigu horraysay ee aan xarun dawladeed ka hawl-galo. 06:00 aroornimo ayay i toosisay walaalo, waxay i tidhi “walaal hooyo waxay ku tidhi ‘soo kac hooyo, wakhtigii aad diyaargaroobi lahayd baa la gaadhaye. Soo kac walaalo.” wax kasta oo aan u baahnaa waa diyaar, biyihii aan ku maydhan lahaa, quraacdii aan cuni lahaa, dharkii aan xidhan lahaa iyo kabihii aan gashan lahaaba. Makii aan diyaar-garoobay ayay hooyo ii dhigtay kursi dheer si aanay dharku iiga jacdadin inta aan gaadhiga sugayo. Saacaddii gacanta iyo cadar ayay hooyo soo qaadday oo ay ii marisay cadarkii, saacaddiina ii dhiibtay oo i tidhi “xidho”. Hortayda ayay soo istaagtay iyada oo wejigayga gacanteeda marmarinaysana waxay igu tidhi “saaka waxa aad bilaabaysaa shaqadaadii ugu horraysay, waan kuugu duceeyey. Wax kasta isku day inaad deggenaan ku qabatid oo ha ku degdegin mar walba qabashada shayga. Waxa gacanta laguu geliyey waa hanti ummadeed ee is dhawr oo waxa calooshaadu qaaddaa way yartahay ee yaanay kula weynaan.” Hadalkaas aniga oo sii dhex jooga ayay ii raacisay, “hooyo gacantayda iyo wejigaaga kee ayaa weyn, inta ay gacanteeda wejigayga ku balaadhisay.” Waxa aan ugu jawaabay “hooyo gacantaada ayaa weyn”. “Noloshaada ka ilaali taa”. Maan fahmin subaxaa dardaarankaas oo dhan, mar danbe oo aan shaqadii la qabsaday, xafiiskiina masuul ka noqday, ayaan fahmay hadalkii hooyo ee maalintii ugu horraysay shaqadayda.

***

Waad ila kaftantay oo aad i bartay sida loo dulqaato, illaa aan ogaadey inaad ii tahay saaxiibka noloshayda oo dhan. Wax kasta oo kugu soo kordha ayaad ii sheegtay si aanan aniguna kaagala biqin waxa igu soo kordha. Waan kaa qariyey markaasaad i dareentay mana garanayo sida aad u ogaatay wax kasta oo ii qarsoon, waanse illoobay inaan ahay qayb adiga kaa mid ah. Waxaad i tustay inaan cido badan ka maarmi karo, waanan ka maarmay. Waad ila talisay illaa aad iiga sheekaysay wax kasta oo caqabad igu noqon kara sida aan isaga ilaalin karo ama aan uga gudbi karo.
Aniga oo weyn ayaad madaxa ii salaaxday, boggayga taabatay si aad u ogaato inaan wax cunay iyo in aan gaajaysanahay. Illaa maanta ayaad iigu yeedhaa magacyo ammaan ah. Waxa aad ka werwertaa maqnaanshiyahayga, marka aad i aragtana waxa aad i tidhaahdaa “Hanadkaygiiyoow waad ducaysantahay.” Ma garan karo ‘Hooyo’ sida aan noqon lahaa haddii aan ku waayo, waxaanse xaqiiqsanahay in noloshayda oo dhan aad tahay. Duni aad ku kammilatay caafimaad, cibaado iyo caqli taam ah iyo aakhiro aad heshay janno, ‘waa waxa aan mar walba Ilaahay kuu weydiiyo.’

Warqaddan waxaa, Maammo, kuu soo qoray wiilkaagii.

WQ: Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ‘Sancaani’

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here