Ilaahow Wacyiga Jifadayda ha Noolayn! – Cabduwahaab Saqa

Saqa

“Baastar dheh. Lacag jecelaa wuxu!” Lambar uu cabbaar la hadlayay oo Dubeey ah ayuu ku jaray. Mar kasta oo uu ninkaa taleefankiisa dhigo wuu kaftan-canjarafeeyaa. Waa saaxiibkii ay jaamacad wada dhigteen, immikana waa ganacsade uu kalsooni badan ku qabo. Saaka waxa uu kala hadlay qorshe uu maalgashi ugu yeeray oo ay gadaalkiina isla meel dhigeen. Dhan kalana wuxuu ka helay bishaaro ah in uu markab u soo saaray agabkii ugu danbeeyay ee aqallada lagu goglado, kaas oo uu toddobaad ka hor dalbaday. Sariiro iyo furaashyo aan qof Soomaaliya jooga weli ku seexan ayaa ugu mudan agabkaas. Balse in agabku lacag badan ku kacay oo uu degdeg u soo diro ayuu ganacsadaha saaxiibkii ahi ka codsaday. “Waar nacas yohow meesha ha inagu ceebayn sidan aad wax u daldalaysaa waa waalli e” ayuu isna kula kaftamay. Lacag jacayl ayuu ku dacaayadeeyaa, waana sababta uu u kaftan-canjarafeeyo kolka kasta oo uu taleefanka ku jaro.

 

Gadaal ayuu isugu dhacdiidiyay kursi soofe ah oo uu ku fadhiyay. Dhafoorrada ayuu u dhigtay neecow qabow oo uu mukayfi ku deeqay, sankana waxa uu ka qaatay samuun udgoon oo aroornimadii hore lagu fasaxay hawada xafiiska. Wuu kuurkuursaday oo barida oo jactadday nafis galiyay. Dabadeed maro buluug ah oo laydi u jaran oo xiddig cad oo shan geesood ahi dhex kaga xardhan tahay oo qori caag ahi kor u hayo oo miiska u saarnayd daawaday. Su’aal uu xiiseeyay ayaa dubaaqiisa ku dhalatay: horta ma siyaasi soomaaliyeed ayaad tahay, mise Soomaaliya oo qura ayaad siyaasi u tahay? ayuu is wayddiiyay. Wuu ka fekaray oo rogrogay jawaabtii, dhinac se wuu u ridi waayay cidda ama degaanka uu siyaasiga u yahay. Kollay ba waxa uu hubaa in uu siyaasi yahay oo waa xildhibaan iyo wasiir subaxan saaka ah ee uu xafiiskiisa dhex dhacdiido.

 

Mar kale ayuu arrin xiise leh dubaaqiisa ka helay. Noloshiisu sida ay isu beddeshay ayuu ka yaabay. Muddo yar ka hor xayaatadii uu ku jiray iyo tan uu maanta ku jiro ayaa sidii cirka iyo dhulka ula kala fogaaday. Wuu maammiyay. Ma agabkii qaaliga ahaa ee uu ku waday in uu gabar ugub ku reeraysto ayaa saaka markab la soo saaray? Ma guri cusub oo fillo ah oo dhir iyo barkad lagu dabaasho leh oo aad loo waardiyeeyo ayaa daqiiqaddan hantidiisa ka mid ah? Ma caafimaadkiisa jireed iyo kiisa nafsadeed ayaa ku sugan heerkii ay ugu wanaagsanaayeen abid, xitaa kolkii uu uurka hooyadii ku jirayna ku dar oo? Ma isaga iyo ganacsadihii ay saaxiibbada ahaayeen ayaa daqiiqado ka hor isla meel dhigay digaag tiro badan oo ka nafaqo badan digaagga uu wasiirka u yahay in ay ka soo waaridaan Baraasiil, qorshahaas oo ay maalgashi ugu yeereen? Ma wiilkiisii curad ayaa gaangisnimadii ka hanuunay, saddex bilood ka horna bilaabay jaamacadda gabowday ee qaaliga ah ee Cambridge? Ma islaantiisii ayaa xasaraddii ka daysay oo xilajanno u noqotay oo bil ka hor ahraamtii ay jeclayd ee Masar u dalxiis tagtay? Qiyaastii islaantu busaaraddii uu qoysku ku raagay ayay la buuqi jirtay, ayuu is tusay. Ma yaqaanno. Laakiin waa wax la la amakaago sida kadiska ah ee ay axadkan noloshiisu isu doorrisay. Haddii loo baahdo in la yaqiinsado in Ilaahay si mucjiso ah u afganbin karo nolosha makhluuq uu abuuray, tusaale waa laga dhigan karaa.

 

Dubaaqiisa ayaa mar saddexaad arrin xiiso leh ka fekeray. Asalka liibaanta noloshiisa ayuu raad raacay. Xasuuso fajac iyo xiise miiran ah ayuu dhex maquurtay. Saddex iyo labaatan bilood ka hor subaxan uu soofaha ku dhacdiido ayuu maskaxda ku celiyay.

 

Waa galab. Caleen engagan oo huruud ah oo ay qorraxdu bilcisay oo hoos iyo hareer daadsan kursi dibadyaal ah oo uu ku fadhiyo ayuu daawanayaa. Waa jiilaal, dumarka iyo dhirta London-na sidoodii ayay qaawan yihiin. Shaqo xun oo aan mushaar fiican lahayn oo uu ku soo daalay ayuu ka soo baxay, gurigiisa in uu aadana cidlada in uu fariisto ayuu ka doorbiday. Dhagaha waxaa u suran xargo sameecado buurbuuran madaxa ku leh oo ay BBC Somali ka baxayso. Dooddii jimcaha ayaa socota, waxaana lagu faaqidayaa Soomaaliya in ay doorasho ka dhaci karto sannadka soo socda iyo in kale. Wax uu ilhaam iyo garabdaar u kala garan waayay oo aad uga farxiyay ayuu maskaxdiisa ku dhex arkay. Isku mar ayuu sawirtay isaga oo xildhibaan noqday iyo waddadii uu xildhibaannimada ku gaari lahaa oo saxar tiran. Muddo dheer ayuu siyaasadda Soomaalida ka murmayay ama BBC-da ka dhagaysanayay, balse daqiiqaddan ka hor waligii kuma uu fekerin in uu ka qayb qaato.

 

Halhaleel ayuu caleentii jiilaal uga dhex toosay, markii uu lugta saaray wadiiqada jidka gawaarida ku teedsan ee ay dadku maraanna dabada ayuu sii jafanayay. Dad iyo duunyo Geeska Afrika ku saxariirsan dhexdooda ayuu waqal uga hillaacay. Wuu hammiyay oo farxay, dabadeedna maskaxdiisa ayaa gariirtay oo sidii qulux la ruxay u gilgilatay. Qorshayaal kun ka badan iyo siyaalo boqollaal ah oo ay ujeeddadiisu ku fuli karto ayaa dubaaqiisa is dhaafdhaafay. Koox dad ah oo iyaguna ka caawin kara in uu ka biyo cabbo waqalka Geeska Afrika uga hillaacay ayaa xasuustiisa ku soo xaadiray. Dabadeedna wuu is bogaadiyay, sidii nin libin gaaray ayuuna u muusooday. Labo toddobaad oo galabkaa ka danbaysay qorshayaashii, siyaalahii iyo dadkii xasuustiisa ku soo xaadiray ayuu isku xirxiryay, maskaxdiisuna sidii qulux la ruxay ayay daqiiqad walba u gariiraysay. Xilli fiid ah isaga oo ku dhex fekeraya qolka fadhiga ee gurigiisa ayuu tiifiiga ka daawaday muuqaal ka yimid tuuladii jifadiisa.

***

Saddex beri ka dib galabkii uu qorshuhu ku dhashay, subax talaado ahayd, wuxuu la hadlay suldaankii jifadiisa; suldaan Guutaale suldaan Colaad. Si diirran ayuu u nabdaadiyay, dabadeedna xaaladdiisa caafimaad iyo tiisa nololeed si muxubbo leh uga waraystay. Suldaankii oo la yaabban bashaashnimadiisa iyo danayntiisa ayaa u warramay. In uu aad u mashquulay oo sababtaas darteed taleefanka uga qaban waayay ayuu ugu cataabay, suldaankiina isaga oo waliba yaabban ayuu ka guray. Dabadeed si degdeg ka muuqdo ayuu hadalkii ugu gunaanaday in uu berri xawaaladda ka doonto kun doollar, lacagtaas oo uu isagu ka suldaan ahaan bar leeyahay, barka kalena uu yahay qaaraan kal hore lagu soo qoray oo uu la daahay. Intaa ka dib in uu goob shaqo joogo ayuu ugu cududaartay, degdeg ayuuna suldaankii u macsalaameeyay. Been ayuu se sheegayay. Caleentii jiilaal ee uu dhexdeeda fekradda xildhibaannimada ka helay kursi qotomay ayuu ku dhacdiidsanaa. Intii uu Geeska Afrika caashaqay ba shaqadii xumayd wuu ka sagsaagay.

 

Ilbiriqsi uu filayay in suldaan Guutaale salaaddii cishe ka baxay oo gurigiisii joogo ayuu taabtay bar cagaaran oo shaashadda taleefankiisa ku taallay. Qalalow. Cod gaboobay oo hargabsan oo qaylinaya ayaa “Haloooow!” yiri isaga oo aan taleefankii dhagta gaarsiin. Waa suldaankii. Salaanta islaamka ayuu hadalkii ugu ballaysimay, dabadeedna xaaladdiisa iyo tan degaanka jifada ka waraystay. Suldaankuna isaga oo hadalkiisa dhex galgalinaya duco ka dhalatay shantii boqol ee doollar oo uu ari doon ah ku kaakacsaday ayuu u deexday. Intaa ka dib waxa uu xasuusiyay in ay jifadoodu mooggan leedahay mansabka xildhibaannimo ee tolka, awooddiisa suldaannimana ay ku bilkaydan tahay soo dhicinta xilkaas. Soddon daqiiqo oo uu suldaanka la hadlayay tallaabooyin horay u socod u muuqda ayuu u qaaday xildhibaannimadii ee uu jeclaaday isaga oo caleenta jiilaal dhex fadhiya.

 

Suldaan Guutaale fiidkaa ka dib waxa uu dedaal adag u galay sidii uu salaaddiinta degaanka uga dhaadhicin lahaa in mooggan ay jifadiisu leedahay mansabka xildhibaannimo ee tolku qaybta u helay. Waxa uu agaasimay xaflado iyo shirar lagu taageerayo aqoonyahanka jifadiisa ee xildhibaannimada ka soo jeclaaday London. Muuqbaahiyayaal af Soomaali ku baxa ayuu degmo tan jifada ka fog uga yeeray, maalintii xafladdana waxaa buraanburtay oo la duubay gabar jifada ah oo cod macaan. Sidoo kale carruur diifaysan oo ku labbisan maryo uskag badan oo lulaya caleemo mirimiri iyo sawirka ninka xildhibaannimada u qooqan, iyo odayaal uu suldaan Guutaale ka mid yahay oo calalinaya magaca iyo muhiimadda ninka xildhibaannimada jeclaaday ayaa la duubay. Dhammaan arrimahaas si fudud ayay suldaanka ugu hirgaleen, imtixaankii London lagu soo diyaariyay ee suldaannimadiisu maraysay wuu ku baramoosay, muuqaalladii la duubayna muuqbaahiyeyaasha af Soomaaliga qaarkood ayaa laga daawaday.

 

Waxaa se xusid mudan muddadii uu suldaan Guutaale ku howllanaa dhicinta xilka jifada iyo xafladaha dhowrkii beri ba mar ayaa la arki jiray isaga oo sii xuluulanaya kadinka xawaaladda tuulada, dabadeedna gunti kuusan kala soo baxaya. Dabcan qof walba wuu fahmi jiray in ay suldaanka lacagi meesha ugu soo dhacday, laakiin suldaanku ma uu ogayn in ay lacagtaasi ahayd ayuuto habreed iyo dayn la soo qujaafqujaafay. Kaliya waxa uu yaqaannay magaca ninka soo diray, in ay London ka timid iyo in xildhibaannimo lagu doonayo.

***

Maanta lix bilood ayaa laga joogaa fiidkii uu daawaday muuqaalkii xildhibaannimadiisa lagu taageerayay. Waa barqo uu kulayl badani jiro iyo madal la isu muuqmuuqday. Kitaab Qur’aan ah oo miis hor yaalla saaran ayuu farahiisa midige fooddooda ku hayaa. Baqdin yar oo salka ku haysa dhaarta uu marayo ayaa dubaaqiisa ku jirta, in gacantu isla ilbiriqsaqaan qallashana wuu ka cabsanayaa. Balse dhaartii ugu horraysay ee uu jeexo ma aha. Afar bilood ka hor ayuu xaf ka siiyay tii xildhibaannimada. Maanta waxaa loo dhaarinayaa wasiirnimo. Wax kale ayaa se dubaaqiisa baqdinta ugu xoog badan. Ugu horrayn wuxuu ku faraxsan yahay in uu golaha wasiirrada ee cusub ku biiray oo ka dallacay golaha baarlamaanka ee roobsada uun doorashooyinka iyo xilliyada mooshinnada. Laakiin in aad afar sano wasiir sii ahaan doontid dammaanad uma haysatid, ayuu is xasuusiyay. In lagu casilo, in iskushaandhayn wasiirrada lagu sameeyo oo mashaariic isku kaa saarsaarnaa ay kala kacaan, iyo in golaha ba kalsoonida laga la noqdo, intuba waa suuragal. Meeshu waa Soomaaliya, dal ay abaaraha iyo mooshinnadu aad ugu soo noqnoqdaan. Ilbiriqsigii uu arrimahaas xasuustay ayuu nidar ku galay in aanu dantiisa mooyee tu kale ka shaqayn doonin. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Digaagga iyo Dabargoynta Kaneecada ayaa loo dhaariyay.

Markii uu ka dhaqaaqayay miiska dhaarta wasiir kale oo isagana la dhaariyay ayuu la sheekaysanayay, wuxuu se isula muuqday in uu la mid yahay muslim caasi ahaa oo cadaabta laga xoreeyay, xagga jannadana usii luudaya. Cimrigiisii oo dhan in uu cadaab ku soo jiray, haddana uu u sii socdo janno wasaarad ku dhex taalla ama albaabkeedu yahay ayuu naftiisa ku qanciyay. Siiba London nafsad ahaan iyo nolol ahaan in uu ku caddibnaa ayuu aaminay. Lix sano ayuu ku noolaa oo carruur ku korsanayay, daqiiqaddaana waxa uu sanadahaa u aqoonsaday in ay yihiin kuwii ugu kharaaraa noloshiisa, marka laga reebo labo sano oo ay TB ku haysay tuulada jifadiisa ee uu suldaan Guutaale ugu soo farsameeyay tuubbada uu ku dhuuqi doono Wasaaradda Xannaanada Digaagga iyo Dabargoynta Kaneecada.

 

***

Wuu hambabaray. Sidii ruux soo miiraabay ayuu indhaha ka mirigmirig siiyay. In uu xafiiskii shaqada dhex fadhiyo oo howlo u yaallaan ayuu yaqiinsaday. Weligii sidan oo kale uga ma fekerin tagtadiisii. Xasuusta wuu ku fogaaday. Mar labaad ayuu kuurkuursaday oo barida oo jactadday nafis galiyay. Dubaaqiisa ayaa kol afaraad siraadtay, laakiin mooggan arrimo aan xiiso lahayn ayuu isku xirxiray. Ka fekerkooda in uu isdiidsiiyo ayuu jeclaystay, laakiin wuu kari waayay. Hal mar ayay su’aalo tiro beel ahi dubaaqiisa ku soo daateen.

Noloshaadu ma xalaal baa? Ma xaaraan baa? Ma horumar baa? Ma dibudhac baa? Ma musuqmaasuq baa? Ma xilgudashaa? Ma fataalnimaa? Ma boob baa?… Horta Ilaahay raalli ma kaa yahay mise wuu kuu caraysan yahay? Guriga aad lacagta boolida ah ka dhisatay ilmihii dhexdiisa ku uurgala ma waladxalaal baa?… ma…

 

Horta dadkii iyo duunyadii aad magacooda xildhibaanka iyo wasiirka ku noqotay wax ma tartay? Jifadaada ayaan ka hadlayaa. Asalka liibaanta noloshaadu waa daawashadii caleenta jiilaal ee London ee iyaga asalka hantaaqada noloshoodu waa maxay? Ma taqaannid, in aad baratidna uma xiiso qabtid! Abaar daran in ay la sirirsan yihiin se waad og tahay oo waa iyadii shalay tiifiiga laga sheegayay. Alla kuwaasi ayaan daranaa! Alla maxay talo ka hoostay! Way wada mayd. Kollay ba haddii ay yihiin dad noolnool yihiin suuragal ma noqoteen in aad matasho! Waad ku dhaaran kartaa xoolaha ay dhaqdaan in ay kaga duwan yihiin oo qura labo addin in ay ku socdaan iyo in aanay dhogor lahayn. Bes. Heerkii ay nolosha aadanahu ka soo bilaabatay heer u dhow ayay noloshoodu maraysaa. Wax ba ma akhriyaan, wax ba ma qoraan… xildhibaannimada iyo wasiirnimada waxa ay u haystaan dukaammo iyo mansabyo qof nasiib lihi helo, dabadeed ka hodmo… lama socdaan in ay dowladnimadu muhiim tahay casrigan… laakiin yeelkadood. Nidarkii aan galay subaxii aan dhaaranayay waan ka dhabeeyay anigu. Maanta noloshayda raalli ayaan ka ahay ee yeelkadood. Ilaahow wacyiga jifadayda ha noolayn! Ilaahow mooshin iyo shayddaan ayaan kaa magan galay. Sidaas ayay dantaydu ku jirtaa, danta jifadaydana halka ay ku jirto Ilaahow ha I barin haddii aan dantayda ku waayayo.

 

Kaadi aan hayn ayuu musqusha ugu kacay isaga oo ka yaabban waxa maskaxdiisa sidii quluxii u gilgilay.

WQ: Cabduwahaab Saqa
abduwahababdukadir@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here