S.S.C: Isdiidka Isdiiddooyinka! – Cabdiqaadir Jaamac Xuseen

Cabdiqaadir Jaamac

Horudhac

Muxuu u taaganyahay magaca S.S.C.?, maxaase uu xaqiiqo ahaan ka turjumayaa?. Maxay tahay u jeedadiisu?. Yaa madaxa kuwata?. Maxay tahay xaqiiqada kajirta deegaanka magacaas leh?. Intee magac oo kale ayaa kullammaan, oo kafarcama?. Waa eegmo guud oo aan ku dulmari doono duruufaha isbedbeddalayey ee soomaray deegaankaas, laga soobilaabo gumaysigii geyigeenna qaybsaday ilaa iyo hadda.
Waxyaabaha aan nasiib-darrada kutilmaami karo waxa kamid ah, in aanan weligey arag qoraal xaqiiqada iyo duruufaha kahadlaya oo laga qoray deegaankaas. Duruufaha iyo wacyiga jira ayaa sababay in aan la arag qoraal kamadhan danaysi, qabyaalad iyo eex gaar ah. Taasina waxay sababtay in qof walba oo kahadlaya deegaankaas uu marka hore sooxirto ookiyaale aan arkayn xaqiiqada, ee ujeeda dan dad gaar ahi leeyihiin.
Qormadaydani, waa ay ka madax-bannaantahay hardanka siyaasadeed ee deegaanka kajira. Sidaa oo kale waa ay ka dhowrsoontahay qabyaalad iyo qalbi-xanuun looqaado qayb bulshada kamida. Waxay ku qotontaa oo keliya ogaalkeyga iyo aqoonteyda deegaanka, dadka iyo is-diiddooyinka soojiray ama hadda jira.

Magaca S.S.C.
  Kolkii iigu horreysay ee aan maqlo magaca S.S.C. waxa ay ahayd 2006-dii. Xilligaasna waxa aan kamaqlay nin deegaanka caan ka ah oo goob fagaare ah kasheegaya “In hadda laga bilaabo aan loo siibaahnayn in deegaanku katirsanaado maamullada Soomaalilaan iyo Buntilaan”. Waxa uu bulshada ku boorrinayey in ay maamul gaar ah, oo S.S.C. ladhoho samaystaan, isla markaasna ka xoroobaan wax uu ugu yeedhay “Maamullada hareeraha”. Waxa loo soogaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn. Sool iyo Sanaag waa laba gobol oo katirsan siddeed iyo tobankii gobol ee ay kakoobnayd Jamhuuriyaddii Dimuqaadiga Saamaaliyeed. Gobolka Caynna waxa magacaabay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf intii uu Buntilaan maamulayey, xaruntiisuna waa Buuhoodle oo katirsanayd Gobolka Togdheer. Sidoo kale Buuhoodle waxa gobol u magacaabay Madaxweyne Daahir Riyaale intii uu Soomaalilaan maamulayey, laakiin magac-bixintiisii manoqon mid taabbo-gashay, bulshaduna waxa ay qabsadeen magicii hore ee “Cayn” ahaa.

Xaqiiqo ahaan ma’ahan magucu sida loo idlaaqayo. Waxan dhihi karaa qofka leh “Gobollada S.S.C…….” waxa uu ujeedaa waa “Inta ay degto Beesha Dhulbahante”. Beesha Dhulbahantena ma wada degto Sool iyo Sanaag. Sidaa darteed waxaan u adeegsanayaa sida xaqiiqadiisu tahay ee ah Xadka Beesha. Taasna waxa keenaya lama arag cid kale oo sheeganaysa magacaas iyo qaar kale oo kafarcamayba. Sanaag-Bari oo  ay degto Beesha Warsangeli weli lagama maqal magacaas, shuqul iyo shaqo toonnana kuma lahan. Galbeedka iyo Wuqooyiga Sanaag oo ay degaan beelo badan sida: Habar-jeclo, Habar-Yoonis , Gahayle, Warsangeli; Dhulbahante waa ku keli  sheegashada, oo cidi kuma tarraxdo. Sidoo kale Gobolka Sool oo ay beesha ladegaan beelo badan sida: Sacad-Yoonis, Fiqi-Shinni iyo Habar-Jeclo weli sina ugama mid noqon micnaha uu leeyahay magacu.

Intaas haddii aynu isla fahamnay  isticmaalkeygu waa S.S.C.  ujeedkana waa aad garatey.

Gumaystihii geyigeenna iyo S.S.C.

Gumeystihii gayigeenna yimid qarnigii 19aad ee lasoodhaafay, waxa uu kamid ahaa musiibooyinka inagu dhacay ka ugu ugu qarada weyn. Waxa uu u yimid dal iyo dad uusan lahayn, isaga oo iskudayey inuu kusameeyo dhaxal-wareeg mulki iyo maskaxba leh. Waxa uu inooga tegay mahadhooyin murugo leh, ilaa iyo maantana aynu salliga salka lasaari la’nahay.
SSC waxa ay kamid ahayd dhulkii nasiib-darradaasi kudhacday, waxaana mulkiyaddeeda sheegatey Boqortooyadii Ingiriiska. Sida aan kusheegay qormo aan baahiyey hadda kahor, magaceeduna ahaa “Dhulbahante: Halgamayaal hiil waayey” Ingiriisku soogalitaankiisii Soomaalilaan waxa uu heshiis lagalay lix duub oo hogaaminayey lix beelood oo kamida dadka dega dhulkan. Laakiin arrinta layaabka leh ayaa ahayd in duub dhaqameedkii Dhulbahante aysan wax heshiis ah lagelin gumaysiga!. Taasi waxay sahashay in ay gummuc iyo ganitaanba u noqdaan halgankii gumeysi-diidka ahaa ee uu hogaaminayey wadaadkii barakaysnaa ee Mujaahid Sayid Muxammad.

 

Halgankaasi dowladowgii Soomaaliya kahor waxa uu S.S.C. buugga taariikhda kaga qoray baal dahab ah. Waxa uu ku suntay halgamayaal, dhashii xorriyadda dhalisay, iyo wadaniyiin dhiiggooda usoo huray xorriyadda dalkooda, intii dadka kale haraca harsanayeen. Maxaase ka dambeeyey Dir-dhuubo!

S.S.C. Iyo Dowladihii Soomaaliya.
Kun iyo sagaal boqol iyo lixdankii kolkii xorriyadda been-beenta ah laqaatey, labadii gobol ee Soomaaliduna isku biireen S.S.C. waxay nasiibka kala sinnayd deegaamada iyo gobolada la ayniga ah.
Sagaalkii sano ee ugubka xorriyadda guud ahaan dalka waxa hagaasiyey musuqmaasuq, qabyaalad, iyo habac guud oo ku yimi hannaankii dowladnimo ee banka-unugga ahaa. Wax horumar lagu tilmaami karona laguma tillaabsan marka laga reebo doorasho dimuquraaddi ah oo guud ahaan dalka ka qabsoontay markii ugu horreysay uguna dambaysay.

Ciidamadii lawareegay taladii dalka  waxay ahaayeen nasri Ilaahay usoodiray ibbo-furka horumar badan oo dalka ka hirgalay, sidoo kalena waxay ahaayeen arammi hoog iyo halaag u horseeday himiladii qaran, sababna waxay u noqdeen burburkii dalka, iyaga iyo iimaan-laawayaal jamhado sheeganaya.
S.S.C. marna kama mid noqon jamhadihii magaca qabiilka iyo qoriga Xabashida watey ee burburiyey dalka. Wuxuuna ahaa deegaanku mid aan laga soodhawayn kacdoonka beeleysan ee jamhadaha. Taasna waxa sababtay xididdada xoogga leh ee dowladdii Kacaanku ku lahayd deegaanka. Dadka naqdiya siyaasaddii Maxamed Siyaad ee sanadihii dambe waxay sheegaan; in qaab-dhismeedkii dowladdu isu-beddelay isbahaysi-beeleed ay u soogaabiyeen magaca “MODH” [Marreexaan, Ogaadeen, Dhulbahante]. Waxa sidaas meelo badan kusheegay rag siyaasiyiin iyo qalinleyba isugu jira sida: Cabdillaahi Yuusuf (Halgan Iyo Hagardaamo), Cabdiqaadir Oromo (Hadimadii Gumaysiga iyo Halgankii Umadda) iyo kuwa kale oo badan.
Waxa kale oo muujinaya in deegaanku iska dhego-tiray jamhadaha; jamhaddii ugu dhawayd hayb ahaan ee taageero-qabiileysan waydiisatay waxay ahay S.S.D.F. Hogaamiyaashii S.S.D.F. waxay iskudayeen in Dhulbahante qayb kanoqdo kacdoonka, laakiin waa ay ku guuldarraysteen, waxayna la kulmeen diidmo qayaxan.
Waatii uu Khaliif Sheekh Maxamuud oo ahaa Abwaankii jamhadda  lahaa, isagoo ka calaacalaya in Daaroodkii iyo xitaa kuwii ay Hartiga isla ahaayee ay wax taageero ah kawaayeen:

Kulli miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmay!
Ma kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay!
Maangaab Dhulbahante ah miyaa, nagu maraabeeyey!
Margaguufyadii hore miyaa, muruqa noo tuujey!
Muhanniga Ogaadeen miyow, mabay xumaanteenna!
Warsangeliga maahee dadkii, mayna wada meershey.

Halkaasna waxa ugu soo idlaaday S.S.C. eed-la’aan, marka laga eego jamhadihii burburka soodedejiyey, laakiin dhanka Maxamed Siyaad wuxu lahaaba laleh, samaan iyo xumaan!.

Burburkii Dalka iyo S.S.C.
Jamhadihii qaran-dumiska ahaa, ee qorshe la’aanta qarankii dhisnaa dabka usaaray, kolkii ay dumiyeen dowladdii dhisnayd, guud ahaan waxa Soomaali ubilaamay raad madow oo ruuxna uusan kabadbaadin. Waxay cagta saareen waddo hoog iyo halaag karraacay. Way iscuneen, way iscalashadeen, ceebtoodi ayaa bannaanka timi. Qabiil-qabiil, jifi-jifi, reer-reer iyo bah-bah ayaa ay isu raamsadeen. Qolo walba raaska cid ugu xiga ayaa ay kabilowday. Waxba kasheekayn mayo wax sooyaalkeenna ceeb ku ah, jiilasheenna dambena ay ka yaqyqasan doonaan.

Meelihii ugu horreeyey ee guud ahaan geyigii Soomaaliya caqligu shaqeeyey waxa kamid ahaa Soomaalilaan. Intii lagu jiray kufaan-kacii Dowladdii Kacaanka waxa beelaha Soomaalilaan dega kala gaaray aanooyin iyo qudh-gooyo badan. Iyadoo taas la tixgelinayo ayaa 27-03-1991-kii waxa Burco ka furmay shir loogu magacdaray “Aaya katalinta iyo turxaan bixinta beelaha Wuqooyi(Soomaalilaan)”. Shirkaasi wuxuu ahaa mid mudan in la bogaadiyo, oo kasoo maaxday maskax fiyow iyo maan caafimaad qab ah. Waxa la isla meeldhigay in “Xalay dhalay” laga noqdo wixii beelaha kala gaaray intii lagu jiray dagaaladii qabiil-dowladaysnaa ee Dowladdii Kacaanka iyo beelaha qaarkood.
Qodobka labaad ee saamaynta leh, guurtidii beeluhuna ay saxiixeen wuxu ahaa “In Wuqooyi lasoonoqoto xorriyaddeedii”, oo ay noqoto dal madax-bannaan [Indepedence nation], waana qodobkan midka keenay saamaynta baahsan.
Haddaba heshiiskii uu qodobkaasi kujiray, guurtidii saxiixday S.S.C. cidi makaga jirtay?
[….] Haa waa ay kujireen!. Garaad Cabdiqani Garaad Maxamed AHU-tee waxa uu ahaa isinkii ugu meeqaamka sarreeyey ee beesha Dhulbahante, waxa uuna kamid ahaa guurtidii qalinka ku duugtay arrinkaa.
Garaad Cabdiqani waxa uu ahaa isinka guud ee Dhulbahante. Sidoo kale waxa uu kamid  ahaa raggii faro-kutiriska ahaa ee beesha kamidka ahaa, ee kasoohorka jeeday qaabkii uu wax u waday Maxamed Siyaad Barre, wuxuna ku jiray Golihii bulshadu ubixisay “Maanofesto” ee bayaanka kasoosaari jiray Xamar.
Waxa kale oo kamidka ahaa guurti badan oo isugu jirtay caaqillo, garaado iyo aqoonyahanno beesha ah.
Halkaa marka aan kaqiyaas qaadano Dhulbahante waxa uu wax kadhistay, qaybna ka ahaa Soomaalilaan, dhammaanna shirarkii aaya-kataliska ahaa ee kadhacay Burco iyo Boorama waxay kulahaayeen ergo kumatalaysay.

1998-kii ayaa Buntilaan ladhisay. Dhammaan shirarkii yagleelidda ee ka dhacay Garoowe Dhulbahante waxay ka ahaayeen hormuud. In S.S.C. qayb kanoqoto Buntilaan waxaa ka dambeeyey siyaasiyiin uu kamid ahaa AHU Cabdillaahi Yuusuf Yey. Suldaan Siciid Garaase oo hadda nool waxa uu nooga sheekeeyey in hay’adihii lacagta ku bixinayay madasha shirka, ay lacagtoodii la laabteen, kolkii ay maqleen in shirka S.S.C. ay qayb kayihiin, taas oo sababtay buu yiri “In martida iyo ergooyinkii shirku wakhtiyada qaar aysan waxba cunin”, laakiin dheg jalaq loomasiin cadaadiskaas .
Weli waxa jiray siyaasiyiin kasoojeeda beesha, oo axdigii hore kutaagan, islamarkaana xilal kahayay Soomaalilaan. Laakiin dhammaan duubabkii dhaqanka ee si uun magac ulahaa, markan waxay qayb kayihiin dhisitaanka Buntilaan, waxa sidoo kale wehliya laba qaybood oo siyaasiyiin ah:
   1. Qaybta koowaad waa qaar aan markii horeba kuqanacsanayn in Soomaali laba dal      laga dhigo, oo kasoo horka jeeday qasdigii Soomaalilaan.
   2. Qaybta labaadna waa qaar kusoo hungoobay inay xil ka qabtaan Hargeysa, ama  xilalkii ay hayeen laga qaaday, kalkanna hunguri iyo “Xaggan ayaa aad wax kahelaysaan” wax aan ahayn aan u socon.

Buntilaan waxay ahayd nasri iyo naruuro markeedii timid. Waa mar e, waxay ahayd hannaan dowladeed oo dadka gobolku ay kaga nasteen jamhadayntii iyo jigraarkii joogtada ahaa. Waa mar labaad e, waxay ahayd hillaac bilig yiri, oo dadka u horseeday horumar ilaa iyo hadda dadkii dhistay qaybtood ay kufaa’iiddeen. Laakiin dhisitaankeedii dhowr cilladood ayaa uu lahaa:
●Waa marka koowaad e, waxay ahayd hannaan dowladeed oo halbeeggeedu yahay qabiilka!, dowlad-qabiileed!. Waxay ahayd caqliyad ceebaysan tii labada wiil ee reer Ceerigaabo midna ka dhigtay muwaadin Reer Buntilaan ah midna ka dhigtay ajnabi shisheeye ah! Arrintaasi waxay qayb katahay mushkilada maanta taagan. Waxay ahayd ama in dowladnimada loogo’o ama qabiilka, laakiin waa dhib iyo mushkilad taagan haddii xadkii dowladdu noqdo xadka qabiilka!.
●Waa mida labaad e, dhammaan dadka deegaanku malahayn qadiyad kawayn ama kamadax bannaan qabiilka oo midaynaysay. Marka dadka iyo dowladnimada la isku beerayo, waxa muhiim ah in lahelo hal qaraar oo midaynaya dadka dowladdaa iska leh. Buntilaan middaas mahelin, waxayna dadkeedii kacabbeen oo kadhaansadeen ceelka qabiilka, kaas oo xariga lagaga cabbi karo wakhti dheer uu aad ujilicsanyahay.
S.S.C. markan waa isugu fadhidaa, waxay haysataa maamul Harti, oo aan cidina kaxigin!, waxayna heleen awood-qaybsi laban-laab kabadan kii ay kaheleen Soomaalilaan, waa hab-fekerkii maalintaa.

Dhanka kale S.S.C. waxay laashay axdigii 1991-kii, iyadoo kubeddelatay axdigii 1998. Sidoo kale Buntilaan waxay gacanta kudhigtay deegaanka maadaama ay taageero kaheshay duubabka dhaqanka iyo bulshada oo idil.

 

Dabayaaqadii 2002 ayaa xukuumaddii uu hogaaminayay Daahir Riyaale waxay iskudayday inay dadka deegaanka kadhaadhiciso qadiyadda Soomaalilaan. Waxa wadahadal ubilowday cuqaasha Laascaanood qaarkood iyo siyaasiyiin dhinac ah, iyo Soomaalilaan, taas oo sababtay inay gunaanadka wadahadalka Madaxweyne Daahir Riyaale ku casuumaan magaalada Laascaanood. 07-12-2002-dii ayuu Madaxweyne Riyaale yimi Laascaanood, laakiin dhowr saacadood uun kadib waxa soo weeraray ciidamo Buntilaan taabacsan taas oo fashilisay shirkii, Riyaalena ku khasabtay inuu degdeg uga boxo magaalada. Malahayga waa sababta wixii wakhtigaa ka dambeeyey uu Riyaale u aaminay tillaabo ciidan.

Toban sano kahor 15 Oktoobbar 2007-dii ayaa Soomaalilaan dagaal khasaare badan gaystay dabadiis lawareegtay ubucdii S.S.C. waa Laascaanood e, taasi oo horudhac unoqotay duxitaankii Soomaalilaan ee deegaanka S.S.C.
Qabsashadii Soomaalilaan ee Laascaanood waxay sababtay barakac baahsan oo hoos udhigay horumarkii magaalada. Dadkii waxay ka carareen dhiillooyinkii colaadeed waxayna uqaxeen Garoowe, Boocame, Boosaaso iyo Buuhoodle. Waxa dadkii deegaanka oo dhan kuhadleen hadal isku mida oo ah “WAA NALA QABSADAY, TOLLA’YEY, MAANTAAN GUMOWNAY, GABADHAYADUNA GUUR MALEH…”. Arrintaasi waxay keentay in qofka Reer Laascaanood ee awood u leh inuu magaalada ka guuro, uu ku kaco falkaas. Oo awalba Buntilaan ayaa ka talinaysay e, maxa keenay markii Soomaalilaan qabsatay in ladhoho “WAA NALAQABSADEEY”?!– waa waydiin maankaagu iswaydiinayo e, bal adigu kafikir, oo axdiyadii dib u jalleec [….].

Wixi intaas kadambeeyey waxa bilowday halgan Buntilaandhiyeysan oo Laascaanood lagu doonayo,  markii caguhuu kusocday daciifeenna waxaa bilowday halgan S.S.C.-yeysan, maya e halgan Dhulbahantaysan. Halganka S.S.C.-yeysani wuxuu yimi kadib markii dadka deegaanku ka quusteen in Buntilaan ay markale qabsato Laascaanood. Waxa bilowday abaabul hoose oo beelaysan, odayaasha deegaanka ayaa hormuud u noqday kacdoon looga horjeedo Soomaalilaan oo deegaanka ka curta. Maansooyin ayaa lagu muujiyey, magacyo badan ayaa lasiiyey, waxa la soo nooleeyey caadifad qabyaaladaysan oo casrigii jaahiliga u eg, “YAA DHULBAHANTE AHEEY” ayaa kadhacday. Kicintaasi waxay dhashay shirarkii BOOCAME(3), shirkii Buurawadal, Shirkii Nayroobi iyo aakhirkii oo Taleex laga unkay maamul loogu magacaabay Khaatumo State.
Khaatumo waxay katimi weydiin ahayd “War maxaynu Isaaq iyo Majeerteen ugu dhex dhimannay? Waa maxay sababta siyaasiyiinteenu  aysan u istaagi karin ilaa ay labada dhinac mid u dusaan? Maxa baylahda ina dhigay burji baa aynu lahaan jirnay e?
Guurtidii waxay kaga jawaabeen waydiintaas in Khaatumo lasameeyo, in laga xoroobo Majeerteen, sidaa oo kale in Isaaqna laga xoroobo, in maamul uu tolku leeyahay lasameeyo!. Waxa ka soobaxday farriin ah “Dhulbahante waa Khaatumo, Khaatumana waa Dhulbahante, Dhulbahantena waa isku mid, Khaatumona waa u dhex!”
Farriintaasi dhaliishay doonto ha lahaatee, waxay ahayd mid ay kasinnayd Bulshada S.S.C. carruur iyo cirroole hal mar ayaa sidii nasri cirka ku daahnaa soodaahiray loo damaashaaday Khaatumo. Sidaa oo ay tahay waa ay jireen wax-garad badan oo aaminsanaa tani [Khaatumo] in aysan sii shaqayn doonin, xamaasadduna jabi doonto. Laakiin “Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba waa ay kuqaadaan e” waxay goosteen inaysan dadka jidbaysan wax ay kunacaan kudhaqaaqin, ee ay sugaan inta ay iskood isaga degeyaan.

Bilowgii sannadkii 2012 ayaa lasoo gaba-gabeeyey shirkii Taleex. Waxa ladoortay laba gole oo lagu magacaabay Golaha Madaxtooyada oo ka kooban saddex xubnood:
1. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
2. Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel)
3. Cabdinuur Cilmi Qooje (Biindhe) A.H.U.
Iyo Golaha wasiirada oo lix xubnood ah. Kal-wakhtiyoodkoodana waxa laga dhigay muddo saddex sano ah.
Durba waa loo jeeday in suryo khaldan lamaray, xitaa haddii maamul lasameenayo. Saddex Madaxweyne oo la is duldhigay waxay u muuqatay fashil kasoo hormaray xilligiisii. Waxay ahayd kalsooni la’aan dhextaal S.S.C. oo ifaysa. Maye e, waxay ahayd xil-jacayl aan kudhisnayn khibrad siyaasadeed. Haddii dhaliilaha la iska indho-saabo-se tani waxay ahayd horumar siyaasadeed. Awood muujisay Laascaanood inay wax samaysan karto iyadoon ka amar qaadan Hargeysa iyo Garoowe midna. S.S.C. mar kale ayay furatay baab cusub. Baabka cusub waxa ku qoran Magaca Khaatumo. Waa Khaatumo oo uu u qarsoonyahay magaca dhabta ah ee aan isla fahamsannahay. Haa waxa u qarsoon Jaalle Dhulbahante. Waa sidii S.S.C. ay ugu jaango’nayd magaca reerka oo kale. Khaatumo=Dhulbahante dhanka kasta oo laga eego.

Wakhti aan badnayn kadib laba madaxweyne oo katirsanaa saddexdii madaxweyne ee la is dul-dhigay ayaa kasoo muuqday golihii wasiirada ee Buntilaan!
Oo meeday Khaatumadii loo dhaariyey? Ma khayaanooleyaal horayba Buntilaan ka tirsanaa ayay ahaayeen? Ma Buntilaan iyo Khaatumaa isku mid noqday? Mise awalba waxay ka ahayd jaranjaro ay usii maraan siyaasadaha nacfiga leh ee Gobolka? Bal adba!

Wakhti yar kadib shir kale ayaa la iclaamiyey. Sidii oo kale ayaa laqiirooday. Sidii oo kale ayaa la iscanaantay. Sidii oo kale ayaa xilal loo tartamay.  Maanta waa lafududeeyey. Waxa ladoortay Madaxweyne iyo kuxigeen, iyo sidoo kale gole baarlamaan. Dowlad gibina ayaa loo ekaysiiyey. Madaxweynuhu waa Pro. Cali Khaliif Galayr. Waa aqoonyahan jaamacadaha Maraykanka wax kadhigi jiray, marna Rsysal-wasaare ka soonoqday Soomaaliya.

Mr Galayr waxa uu ku ammaananyahay inuusan dagaal abaabulin. Inuusan dhiig daadin iyo inuusan sidii qabqablihii udhaqmin.
Sida ay iila muuqato aniga hogaamintiisii Khaatumo waxa uu ku bilaabay inuu dadka u wajaho qaab dowladaysan, kolkii ay fahmi waayeenna qaab Dhulbahantaysan, kolkii ay maqli waayeenna uu Hargeysa laheshiiyey. Waa intaas uun, laakiin dadka waxaa Alle daba-dhigay midhaa ugu dambaysa ee Hargeysa!

Hoos u siibo!

S.S.C. maxay tahay belaayada haysata? Maya belo mahaysato! Hee maxa had iyo jeeraale yabqaya? Bal dib u eeg shirarkii Boocame-1, Boocame-2, Boocame-3, Nayroobi, Horseed, Buurawadal, Taleex, Khaatumo-1, iyo Khaatumo-2 ? Maxa hadda midka la qaban-qaabinayo uusan u noqon doonin miradhal kaduwan kuwii hore?!

Dadkeena weli waxa haysata badownimo, waxaana isaga khaldan nidaamkii beelaha iyo kii dowladnimada, waana dhibta ugu wayn ee inaga hortaagan inaan hanaqaadno. S.S.C. dad ahaan waa caynkaas deegaan ahaanna waa dhul qarfo ah. Waa dhul aan lahayn khayraad badan. Waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool. Markii ay gaajoodaan waa lala gaajoodaa, kolkey dhergaan ee orgoodaanna waa lala dhargaa oo lala qooqaa.
Sow gar maaha markaa in labada dekadood [Boosaaso iyo Berbera] cid loo dirsado?. Haa dabcan, anigu waxaan u arkaa gar, waaqici ah.
Boosaaso waxay tiri “Anigaan isku dhiig iyo dheecaan nahay ee Siciid Hartiyow ii imow”!. Berberana waxay tiri “Innagaa isku dhul iyo iskudan ahe Laascaanoy ii imow”!. Markaa ma in dadkii iyo deegaankii kala tagaan baa?! . Siciid Harti Boosaaso haqabto, Laascaanoodna Berbera ha aaddo?! Bal adigu si dheh!

Maxa xal noqon kara?
Xuluul badan ayaa laheli karaa. Waa haddii aan caqliga iyo cilmiga boorsooyinka lagu qafilin! Waayo mararka qaarkood waxa adduunka ka shaqaysta inta caqliga soo hilmaanta, ee iyagoo maran ku dirira dunida. Waa kuwa dhulka qarfada ah ee haddaad maantoo idil socoto aadan ka helayn koob biyo ah kudila naflaha Ilaahay sharfay ee Aadanaha ah. Waa kuwa aan maqal kuwa caqliga haysta ee cabudhiya. Waa kuwa aan ogolayn inay maqlaan waxa aan saxamadooda maran kasoobixin. Kuwaas haddii laga badbaado waxaa la heli karaa xuluul badan, haddii kale aakhiraa loo foof tagayaa!

Waxaa ka mid noqon kara xalka:

  • In Laascaanood la doorransiiyo, halka ay rabto iyo sida ay rabto, laguna ixtiraamo natiijada.
  • In dadka matalaadda shacabka ku hadli kara taladeeda loo gacan geliyo, sida cuqaasha iyo isimada dhaqanka.
  • In loo sameeyo maamul goonni ah ama la aqoonsado ama kuwii horay u jiray, si geesuhu warmaha u dejiyaan, ergada meelaha kale joogtana lagu qanciyo ka qayb –noqoshada maamulkaa.
  • In laga wada hadlo qadiyadda gooni-u-istaagga, oo ay Laascaanood wax laqaybsato Hargaysa iyada oo ku qanacsan, Reer Waqooyi ahaanna u midoobaan.
  • In la sameeyo wacyi-galin guud, oo bulshada looga wacdinayo cunfiga qabiilka ku salaysan ee ka hor imaanaya wadanoolaashaha bulshada iyo qabaa’ilka deriska la ah.

Ugu dambayntii, dhammaan waxaa aan soo sheegay qofkii ay u muuqan waydo waxaan kula talinayaa inuu Tuka-raq tago, oo labada ciidan ee meesha gaahiga ah isku hor fadhiyo midkood isku qarxiyo, sidaasna aakhiro ugu safro. Waxaanan ka codsanayaa inuu nagu salaamo kuwii aan jeclayn ee aakhiro naga aaday.

Cabdiqaadir Jaamac xuseen
Cajiib121@gmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here