Quutayaasha Aragtiyaha – Jamaal Cabdinaasir

Jamal Cabdinaasir

Macaamiisha aragtiyaha qaadata ma weel cidla baa iyagu? yaa udiiday in burjigooda adeejiyaan?
Hannaan kasta oo la meel mariyo ama la dheeli tiro wuxuu soo dhex jibaaxay garasho sooyaal, iyadoona lagu meel mariyay qeexidda wax loogu yeero (waaqica). Badanaa markii aan weel aan wax ku cuneyno waa hubaal in weelku asalkii ahaa mid faaruq, yeelkeede haddii loo kuur galo xaqiiqada weelku inuusan marneyn ee uu awood faaruqid uusan ku dhisnayn, isla markaana qofka bini’aadamka ahi aalaaba ma’aha mid ufaaruq ah sida weelka oo kale oo is difaac aan garasho ku dhisnayn buu leeyahay oo meelo kale buu ka dhisan yahay. Majirto sabab loo raacdeeyo qof guul dareystay mana jirto sabab loo niyad jebiyo qof meel ka dhac sameeyay, hubbaanti ruuxa la raacdeynayo ama ruuxa ka meel maray xeendaabka uu kujiray isagoo ubaal maray caadadii uyiilay isla xeendaabka uu joogay.

Ma ufiirsatay dadka waxa ay ugu yeeraan qofka guuleystay? Mise ufiirsatay ruuxa xanaaqa waxa ay ugu yeeraan? Ma’ahan wax qiil in loogu raadiyo ubaahan waxaase jiro garasho togan oo loo baahan yahay daruufaha maxalliga ee ruux ama duul saameeya. Waxa jiro nisbooyin la meel mariyay waayahan aynu noolnahay iyadoona nisbadaas lagu qiimeeyay qaaciddo aan loo rafaadin laakiin garashadu waa inay ina tustaa ruuxa loo gartay heerka iyo juhdiga uu usoo maray inuu gaaro maamuuskaas ee ma’ahan nisbo qaaciddo fudud in lagu miisaamo ruuxa heerkaa iyo waayahaa adag in lagu dheelsiiyo.

Waxaan ku baraarugay dadka quuta aragtiyaha dadka, iyagoon ucuskan garashada saxda ee ruuxa uu lasoo halmaashay mana jirto sifo loo bahaleeyay in wakhti kooban lagu cabbiro ruuxa iyo heerkiisa waana wiiq soona saarto maskax ragaadis. Aragti kasta looma sababeyn karo xadka iyo waayaha ay jiri karto kaliyaata waa in loo kuur galaa aragtidani daawada ay uheyso waaqican taagan, illeen aragtiyahu waxay cabbir iyo miqiyaas hor leh uleeyihiin waayaha iyo xaaladda la taagan yahay inay baraarujin in xalal ukeento si xaaladdaa looga samata baxo.

Aalaaba bulshadeenna badankii waxay usafteen qeexidda waxa loogu yeero, magac bixinta iyagoo iskula qumman marxaladda ay joogaan, haddana waxay wax ku miisaamayaan heerka iyo fahamkooda halka uu marayo, waana wax qarriban in ruux lasoo halmaashay waayo iyo maskax furnaan badan inay dad wakhti iyo miisaam fudud ku cabbiraan waana wareer iyo kacaa kufiisa.

Maxay dadkeena kaliya ay macamiil magacyo ubixida keennii garashada ku socdaalayey unoqdeen? Maxaa udiiday inay la socotamaan fahamka iyo garashada saxda ee ruux loogu baahan yahay. Waa mayal adeeg aan ku daraaseeyay waaqicaan iyo jiilka joogo ay uhirdamayaan ubixidda magacyo aan loo cuskan weyneyn maskax. Dadkeenni waa inay ufurnaadaan baaluqa akhriska si miisaamka ay wax ku cabirayaan uu usareeyo qiimaha uu soo saarayo ama tirada uu soo saarayo.

Sharci ahaan iyo garasho ahaan ma sababto in weel buuxa loo dhawaado, waa in weelka buuxa lagu eego, eegmo fog loona barakeeyay maan-furnaan. Halkii lagu eegi lahaa indho furnaan.
Waxaa jiro qeexitaano dhowr ah oo si fudud usuuq galay iyagoo qeexitaanadaas soo saarayaan aragtiyo loogu talagalay suuq fur, waana mashaakisha loo aananeyn karo inay magacaabeen duul aan maan-furneen. Waa si fudud in lagu tillaabsado horumar xaga soo saaridda aragtiyo gar leh iyadoonan loo maraneyn xeerarka uu aragtiyahu soo marayo.

Kolkii aad weel cidla ah aad wax ku cunto waa kuu sabab inaad weelka waxa ku jiro faarujiso, adigoo cuskanaya ansixinta iyo nadiifinta weelka waxa ku jira, laakiin waa sabab kaloo fudud in weelka asalkii loogu soo baraarujin in waxyaabo yar-yar oo ka horo ruuxa cunayo inuu ku dheel-dheelo si barakada xitaa loogu nisbeeyo isla weelka wax lagu cunay. Miyeysan ahayn? Illeen insaanka kaliya inuu qaata iyo magac bixin ujoogo ifkaan dooni meyno, waa inuu isagu xitaa weelku wax ugu reebaa haraa si weelka xitaa qaato unoqdo. Badanaa weelku waa faaruq si dareemaha indhuhu qabaan laakin maqabto dareemaha garashada waayo weelku isu ma arko inuu faaruq yahay, isla markaana wuxuu u awood sheeganayaa weelka waxa lagu soo rido. Marka lama oran weelka waa faaruq.

Wax kasta waa in loo jeexaa dhabbo garasho ahaaneed iyadoona loo cuskanayo fahamka saxda ee walaxdu ama aragtidu sheeganeyso, ee yeynan ucararin erey-bixin iyo maamuus bixin. Kaliya aan utillaabsanno xaqiiqda iyo sahayda aan uqaadaneyno waxa aan kala saareyno.

Gu’ kasta waan socdaalnaa oo Wakhtiga iyo xaalad kasta waa loo tillaabsadaa ilaa aadmigu inta uu ka dhimanayo, laakiin waa inaynu garanaa xadka inta aan socdaaleyno ma xad lugo baxsibaa mise xad garasho garaad baxsibaa. Waa hamuun in nolosha aysan noqonin wax kaliya in laqaato ubaahan oo aan noqono wax ficil iyo waayo-aragnimo ubaahan aynu ubadalno.

Waxaase hubaal in la qeexo ruux kasta wax lagu sheego maamuus ama waxyaabo kale ayku hoos noolyihiin garashooyin kale oo dhibadda u aasa ruuxa iyo maamuuskiisa, waa sax oo haddii ruux oo wax akhris iyo faham sarreeyo waase wax jiro inuu lalloolama waaqica iyo daruufaha taagan si uu xal garasho u helo. Waa muhiim in la garto xaqiiqada cidda isu nisba yeeleysa iyo cidda loo nisba yeelayo, iyadoo loo marayo gunta garashada ee insaanka leeyahay, wax waliba yeynan qalad ka raadin, saxnaanna yeynaan ka raadin aan ka raadinno wax ina sifeeya oo caqligeenni halka uu usocdaalayey dhinac kaduwan waa inaan wax ka eegnaa. Waa in loo guuraa garashada caqliga ee wax lagu kala saaro, yeynaan wax ku halbeeginin garashada hadal ama far iska dhaqaaqda.

Oo haddaa marka aynu ruux ku carbaabineyno xirashada dhar uusan awoodi kareyn ama uusan xiran karin soo ma baadigoobi karno joog la’eg uu ku socotami karo, isla seeskaa kolkii ruux noo yimaado ina yiraahdo ii bixi magac, haku deg-degin bixista magac eeg halka uu jooggiisa dhirir ama gaabni jooga, adigoo ka tusaala qaadanaya cabbirkiisa kolkaas way inoo fududaaneysaa bixista magac loo riyaaqo. Isla seeska markii aan ruux mug leh aan ku suntaneyno magac waa inaynu ka eegnaa halbeeggiisa fikir mid waaqic, mid bulsho ahaaneed, mid sooyaal iyo mid saadaalineed kolkaa kadib waa inoo fududaaneysaa inaynu ku dharbaaxno maamuus loo eegay garasho sal ahaaneed.

Kolkasta oo aragti inoo soo gudubta ma’ahan inaynu qaadano waa inaynu lafaqnaa oo kala shaandheyn miiran la tiigsanaa halkii aan noqon lahay weel ubislaada kaliya in lala tiigsado dabka holcaya. Dhinaca kale dabku waa shidaal quudiya korrarka waxa uu shidaalka siinayo laakiin aadmigu haddii lagu qanciyo waxkasta oo cusub ama aragti kasta inuu qaato, waa u wareer aan sal lahayn.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir
jamaalabdinaser@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here