Runtii Qadhaadhayd – Cali Ileeye

Laba dhexdood

Aqoonyahanka, waxgaradka, abwaannada, culimada iyo guurtida dunidu waxa ay qaabeeyaan habnololeedka bulshadooda, iyaga ayaa rayiga bulshada dhisa, oo u jiheeya dhanka wanaagsan. Haddii heerka aqooneed, dhaqaale, siyaasadeed, horumar iyo midnimo ee bulsho uu hooseeyo ama liito taasi waxa ay astaan u tahay in haldoorka bulshadaadi uu ku fashilmay kaalintii hoggaaminta iyo jihaynta ee dadkaas. Haldoorku bulshada waa uu ka horreeyaa oo waxa uu kolba u sahamiyaa kob cagaar leh iyo nolol karaamo leh.
Haldoorka Soomaalidu waxa ay noqdeen laba: kuwo bulshada dabasocda oo ugu baaqaya badhaadhe iyo barwaaqo beri hore la soo maray iyo wax la soo dhaafay, haldoor kalena waxa ay noqdeen kuwo bulshadooda iska dhexsocda oo aan waxba ku dhaamin. Waa haldoor halkii uu rayiga bulshada ka qaabayn lahaa noqday mid la falgala ama ka falceliya dhacdooyinka maalin laha ah, oo aan waxna saadaalin karin waxna sababayn karin. Qofafka sidaas ah laguma tilmaami karo haldoor, sidaa darteed runta qadhaadh waxa ay tahay maanta Soomaalidu ma laha waxgarad iyo guurti aqooneed oo bulshada horseed u noqota. Bulsho bilaa haldoor ahi waa bulsho bilaa madax ah, madaxa ayaana laga kacaa ee mijaha lagama kaco.

Dunida Kale iyo Innaga.

Bulshada adduunka ee u kala miirantay saddexda qaybood ee kala ah: dalalka horumaray ee meerayaasha sahanka u tagay, dalalka horumaraya ee hadda jidkii haya iyo dalalka dunida saddexaad ee ka dhacsan hayaanka nolosha, waxa ay Soomaalidu ugu sii danbaysaa dalalka dunida saddexaad. Soomaaliya waa: dalka ugu musuqmaasuqa badan, astaanta dalalka fashilmay, dalalka ugu faqiirsan dunida, hoyga budhcad badeedda, goobaha ugu amniga xun adduunka, dalalka weliga lagaga dhaqmo caadooyinka bahalnimada ah sida gudniinka fircooniga ah, heerarka ugu sarreeya ee shaqo la’aanta dhallinyarada, dadka ugu badan ee tahriiba, Guunnimada (guur la’aanta) oo heersare maraysa, kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan, meelaha ugu badan ee boobka iyo faragelinta shisheeye ka jirto. Dalalka ugu hooseeya waxsoosaarka dhan walba iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ba innaga ayaa hoggaaminayna.

Dhammaan astaamaha xun ee magaca Soomaaliyeed ku lammaan waxa ay muujinayaan in haldoorkeennii ku fashilmay hagaajinta ceebahaas. Siyaasigeennu waxa uu inoo horseeday in aynu noqonno dalka ugu musuqmaasuqa badan iyo dal ku fashilmay siyaasadda. Wadaaddadeennii waxa ay inoo keeni kari waayeen aragti Islaami ah oo Soomaaliyeed, aragti la jaanqaadaysa baahiyaheenna fikir iyo kuweenna nololeed oo Af Soomaali ku dhisan. Aqoonyahankeennii waxa ay soo bandhigi kari waayeen cilmi baadhisyo dawo u ah dhammaan dhibaatooyinka ina haysta, dunida cilmibaadhista Soomaalidu wax ay ku darsatay ma jiraan. Abwaannada iyo waxgaradku waxa ay ku guuldarraysteen in ay soo dhiraandhiriyaan aragti falsafadeed oo sal u noqota horumarkeenna iyo wadajirkeenna. Waxa la odhan karaa dhammaan horjoogayaasha siyaasadda, wadaaddada, abwaannada, oday dhaqameedka, aqoonyahanka, xirfadlayaasha iyo haldoor kasta oo Soomaaliyeed maanta waa mid fashilmay, dhammaantoodna waxa ay mudan yihiin in la dhaliilo oo farta laga saaro fadhiidnimadooda. Ma aha in qolo gaar ah la dhaliilo sida siyaasiga iyo wadaadka e dhammaan cid kasta oo hormood ku magacaabani waa ay libdarraysatay, oo waxa ay mudan yihiin dhaliil.

Maxaa Xal ah.

Maalin waxa aanu ku wada-sheekaysannay magaalada Hargeysa wiil hal-abuura, waxa uu ii sheegay in ay isaga iyo hebello kale ay isla qaateen in ay u guntadaan badbaadinta Soomaaliland. Waxa uu igu yidhi maanta marka la eego xaalka Soomaaliland oo ah mid madow oo gudcur, waxa uu la mid yahay xaaladaha ay dhashaan haldoorrada badhaadhaha u horseeda ummaduhu. Waa aan la qiray hal-abuurkaas waxa uu sheegay oo dhan balse waxa maskaxdayda ka guuxaysay dhibaatadu maanta waa mid ummadeed ee maha mid deegaan gaar ah ku kooban. Mahmaata Gaandhi markii uu Hindiya u halgamayay ma deegaanno gaar ah ayaa uu xoogga saaray mise Hindida oo dhan wax u dan ah ayaa uu ku dhaqaaqay. Marka aad dhimato ma waxa aad jeceshahay in lagu yidhaahdo halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa, qoraa Soomaaliland ah ayuu ahaa, fannaan Galmudug ah ayuu ahaa, abwaan reereed ayuu ahaa. Ummad, qawmiyad, qaran, qoys iyo qofnimo waa heerar aad u kala sarreeya.

Soomaalidu si kasta oo ay u dhibaataysan tahay waa dad geesi ah, maskax badan oo karti badan. Marka ay Soomaalidu waxbarashada, ganacsiga ama dhoofka u tagaan dalalka kale waxa lagu majeertaa in ay yihiin dad maskax badan oo guul ka gaadha nolosha. Dhibaatadu waxa ay tahay marka ay dalka hooyo joogaan waxa ay maskax badnaantii iyo geesinimadii u adeegsadeen dhanka taban ee kala furfurista, colaadda iyo nacaybka dhexdooda.

Waxa aynu haysannaa deegaan istaraatiiji ah, hodan ah oo dihin. Dhul daaqsimeed balaadhan oo xoolaha nool ku tarmaan, dhul beereed carro san ah oo dalag kastaa ka baxayo. Webiyo, biyo roobaad iyo biyo hoose oo la soo saari karaba waa aynu leennahay. Waxa aynu leennahay xeebta labaad ee ugu dheer Afrika oo khayraadka ku jira aan la dhammayn karin. Waxa aynu leennahay xeebo iyo goobo dalxiiska ku wacan iyo buuro silsilado ah oo quruxda ka sokow macdantoodu dihin tahay. Waxa aynu nahay bulsho af, diin, dhaqan iyo isirba wadaagta. Waxaas oo dhami waxa ay kaabe u noqonayaan in la hirgeliyo qaran Soomaaliyeed oo dadkiisu badhaadhe iyo horumar ku nool yihiin .

Isku soo wada xooriyo faca maanta jooga ee dhallinyarada ah waxa horyaalla imtixaan adag iyo fursad weyn. Waxa horyaalla jirrabka ah in ay dalkooda dhulka ka soo qaadaan, oo kaalin geliyaan. Waxa ay haystaan fursadda ah in ay noqdaan jiilkii dhidibada u taagi lahaa aqoonta islaamka ee Soomaaliga ah, aqoonta sayniska ee Soomaaliga ah, falsafadda Soomaaliga ah, waxbarashada Soomaaliga ah, aqoonta siyaasadeed ee Soomaaliga ah; dawladnimada casriga ah iyo cusboonaysiinta dhaqanka Soomaaliga ayaa ay noqon karaan kuwo tiirarka u dhiga facani. Facani waxa uu noqon karaa kuwii joojin lahaa dhiigbaxa Soomaalida ee sareedada u horseedi lahaa. Waxa ka soo bixi kara facan abwaanno, siyaasiyiin, mufakiriin, falaasifo iyo aqoonbaadheyaal seeska u dhiga nolosha Soomaalida Cusub.

Dhanka kale waxa aynu noqon karnaa fac kale oo khasaaray oo dulsaar ku ahaa dhulkii Gabayga, dhulkii udugga iyo dhulkii Barwaaq; Soomaaliduna sidaas ayaa ay ugu jiri doontaa balanbalka iyo bayhoofka inta uu Eebbe ka dhaxlayo dhulka ama inta uu shisheeya la wareegayo dalkan baylahda ah –kolba ka soo horreeya – maalintaasna waxa aynu sida dhibbanaha ugu ooyi doonnaa dhul aynu u ilaashan weynay sida dhiirranaha.

Cali Ileeye
caliileeye@gmail.com
Tifaftiraha Faca Cusub.
Muqdisho – Soomaaliya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here