Milicsiga Sooyaalka Ismaamul Bulsheed iyo Xeer ee Soomaalida – Cabdifataax Dhegbahaaf

Dhegbahaaf

Aadanaha adduunka ku nool mid walbaa waxay leedahay nidaamyo is-maamul hoosaad iyo xeerar kala jideeya una degsanaa muddooyin aad dheer oo ay ka dhaxleen aabbayaashood, xeerarkaasi waxay ka kooban yihiin ustuurro ay ka dhaxkeen aabbayaashii hore  iyo qaabab ay u doortay dhaqan-dhaqaalaha iyo duruufaha deegaan, bulsheed, diimeed IWM. Bulshada Soomaaliyeed haddaad dhab u dhugato sooyaalkeeda is maamul iyo qaab dhismeedkeedii dawliga ahaa waxaa kuu soo baxay; in ummadani muddo  qarniyo badan ku siman oo aad u dheer lahaayeen qaab dhismeed dawladeed oo ku dhisnaa wax wada lahaansho, wax kala lahaansho, qaddiyado kala difaacasho iyo qaddiyado wada difaacasho, nidaamkaas oo aad u shabbaha midka haatan loo yaqaano [federal  system].

Waxaad kale oo  bulshada Soomaaliyeed lahaayeen illaa haddana leeyihiin xeerar bulsho [Xeer hoosaad iyo xeerar guud] oo dallad u ah hab nololeedkooda. Sidoo kale hab maamulkeedu hoggaanka  taladu ka go’do waxaa ka madax bannaanaa qaybo bulshada ka mid ah, sida haweenka, dhalinyarada, waayeelka aadka u gaboobay ee aanay garashadiisu sugnayn wadaaddaha diimeed (Ha ahaato tan Islaamka ama diimihii hore ee islaamka ka hor jirey)  iyo kuwo kale. Sidoo kale qaab golayaasheeni is maamul waxa Iyaguna  ahaayeen kuwa ku dhisan sal dimuqraadiyeed oo talo wadaag ah. Dhaqanka Soomaaaliduna aad buu u caayey macangegnimada iyo madax-adaygga iyo in talada lala gaar noqdo, illaa heer ay gaarsiiyeen; in ninka aan talada wadaajini uu yahay kan rag u liita. Xusuuso maahmaahda ah; rag waxaa u liitada saddex, ma tashade, ma toshe iyo ma tashiishe, waxaana cad in labada dambe ay yihiin maxsuulka kan hore ee ah ma tashenimada.

 

Horta waa maxay xeerku?

Xeerku asal ahaan waxa weeye; marka aqalka la dhisayo ee dhigaha la taago xarriga weyn ee isku haya dhigaha oo dhan si aysan dabayshu u kala daadin ayaa xeer la yari. Sidaas ayuunna xeerku ku noqday isku hayaha iyo ilaaliyaha bulshada.

Xeerka aynu se u soconno; waa shuruuc dad meel wada degaa dhigteen heshiisna ku yihiin, una dhigteen si aysan isugu xadgudbin, una kala jideeyo xaquuqahooda u kala dhacsho. Erayga xeer ee asalka iyo kan dambe ee la soo dheegtayi waxay  si gun dheerna kuu tusinayaan in uu xeerku yahay isku hayaha bulshada la’aantiisna la dugaaggoobayo, oo waa tii murtida Soomaaliyeed arinkaa qeexday oo tiri “xeer la’aantiis waa la xooloobaa .!”

Noocyada ama jaadadka xeerarka Ummadeena waxaa ka mid ah; xeel colaadeed, reer guur & xidid,  xeer magaalo, xeer Suugaaneed, xeer geelley, xeer fardooleey, xeer ergo iyo kuwa kale badan oo la mid ah kuwaas. Xeerarkaasi waxay u kala qaybsami jireen Xeer Ciqaabeed iyo Xeer Madani. Mid walbaana wuxuu lahaa habab u gaara marka la galayo iyo doodo xeerkaas ku saabsan.

Maadaama aanay Bulshada soomaaliyeed lahayn dawladnimo guud oo midaysa wixii ah isirka soomaaliyeed waxay u kala madax bannaanaayeen hab qabiil. Qabiilka qudhiisu si kasta oo uu ballaaran yahay ama u kooban yahay ma lahaynndawladnimo buuxda oo gaarsiisan dhammaan deegaankiisa iyo dadkiisa, wax se ay qolo walba oo qabiilka ka mid ah lahayd isimkeeda u gaarka ah, jifi waliba oo qolada ka mid ahna waxay lahayd isin hoosaad (Badi magaca caaqil ama Nabadoon). Isimka guud ayaa midaynayey dhammaan isim hoosaadyada, waa na halka ay ku fadhido maahmaahda ah Duub waa isku dume.  Qabiil walbaa wuxuu lahaa xeerar u gaar ah golayaal iyo hoggaan  taladu ka go’do hoggaankaas oo lsimo ama duubad loo yiqiin. Sida; Garaad, Boqor, Imaam, Suldaan, Ugaas, Amiir, Malaaq, Wabar iwm.

Bulshada Soomaaliyeed wax ayay si guud u  wada lahayd, oo waxa ay si guud u wada lahay.  xeerar guud oo qawmiyeed, dhulka, caqiidada diinta, Afka, dhaqanka, is dhex galka bulsho,  xulufaysiga siyaasadeed iyo u midoowga cadowga shisheeye ee hadba duulkaanka ku soo qaada nafahooda, dhulkooda, maalkooda iyo diintooda. Sida oo kale waxay kala lahaayeen oo u kala xadaysnaa, xeer hoosaadyada beelaha oo waxaa jira xeer ay beelo gaar u lahaayeen oo daaqqooda,  dhulkooda beeshooda oo keliya u gaar yahay, sida: Xeer Ciise, Xeer Biyamaal Xeer Daarood, Xeer Abgaal,

Markaynu dhab u jalleecno qaab dawligeenna xukumeed, waxaad arinki in  wadaadka iyo hoggaamiyaha Isinku kala geed iyo gole ahaayeen beesha waayeelkeeduna waligeed talin jirtay, halka wadaadku qaabilsaa arimo ay ka mid yihiin ducada, marinta diinta ee ardayda iyo kala goynta masaa’il bulsheedka diinta looga maarmi waayo sida, meherinta guurka, qaybinta dhaxalka Iwm . waxaa taas kuu caddayn waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo ku kala tusinaysa kala badhxidda hawlaha shaqo ee Hoggaamiyaha talada ka go’do iyo wadaadka, oraahdaas oo tiraahda saddex ayaa lagu caano maalaa;  “Waayeel taliya, wiil aqbala iyo wadaad duceeya !”

Haddii aynu dib u milcsano afartii geed fadhi aynu lahayn way kala madax banaanaayeen geedahaasi. Afartaas geed oo kala ahaa;

■ 1: Geedka Xeerka iyo Xukunka:  geedkani waa geedka duqayda, oo ay fadhiistaan dadka talada Beeshu  ka go’do. Waana geedka dadka loogu garnaqo xeerbeegtiduna fadhiisato.

■ 2: Geedka Xaquuqda : waa geedka ay fadhiistaan wadaadadda culimadu, waana geedka la geeyo masaa’ilka diiniga ah ee bulshadaa la soo gudboonaada sida; guurka, magta, furniinka iwm. Sidoo kale waa geedka ay fadhiistaan Ardayda quraanka iyo arimaha diinta wadaadadda ka raacanaya.

■ 3: Geedka Hindisaha iyo Haloosiga: waa goob ay lahaayeen dhalintu  siiba wiilashu, kuna baran jireen sooyaalka beeshooda, midda Ummadooda, Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa kala duwan.

■ 4: Geedka Qaansada: waxaa halkaa fariisan jirey farsamo yaqaanka is maamul beeleedkaasi lahaayeen. Waa goobta lagu sancayn jirey agabka bulshada deegaankaasi u baahato sida gaashaanka, warmaha iwm.

Halkaa waxaa kaaga soo bixin sida midaamkeeni is maamul bulsho u kala qaybsanaa, dhalinyarada, wadaadka iyo hoggaanka siyaasiga ahina xitaa isku darmo ma fadhiisan jirin isku hoosna ma hadhsan jirin oo shaqadu waa u kala cayinnayd.

Waxaynu tusaale u soo qaadan hardamadii Siyaasi ee is diidanaa kuwaas oo lagu dirirayey aydhiyoolajiyo kala duwanaa, dhacdadan soo socota waxaad ku arkin Isin aad u daafacan Taliskiisi beeleed oo wadaadku banaanka ka ahaa, iyo Wadaad daaficin nidaam siyaasi cusubaa kaas oo ka duwan kii bulshadu la qabsatay. Nidaamkan oo ah mid taladu wadaadka kaligiis gacanta ugu jireyso isaga oo diinta cugsan. Lollankaas qaraar ayaa ka dhacay Dhulka  Soomaliyeed siiba Nugaal. Sidan ayuuna u dhacay; ka dib markii wadaadkii waddaniga ahaa halgamaa Sayid Maxamed uu dhulka soomaaliyeed keenay nidaam dawli ka duwan kii hore ee is maamuul qabiileedka Isinka Iyo guurtidiisa go’aamada beesha ay ka go’ayeen wadaadaddu banaanka ka ahaayeen mid ka duwan oo cusub, Kaas oo ahaa dawlad qura, hoggaan qura. xeer  maamul Islaamiga ahna leh wadaadkaas oo qurana ka go’do masiirka dhulkaas iyo dadkaba.

Beelihii Soomaaliyeed aad ayeey uga maagteen nidamkan koodi aadka uga duwan ugana macangagsan, is maamuladii Soomaaliyeed ee dhulkii Sayidku degay ka arimin jirey iyo kuwii ku xeernaaba waxaa ka dhex alawsantay iyaga iyo Sayidka  loollan siyaasadeed oo xooggan. Haddaba waxaynu ka soo qaadan Garaad Cali Garaad Maxamuud oo ahaa [Garaadka guud ee Dhulbahante] oo ahaa hoggaanka ama Garaadka guud ee reerkaa dadkiisuna deganaa deeganka Nugaal aagga taliska u ahaa Sayidka. Garaadku waa ka biyo diiday in dhulkii uu Maamuli jirey Sayidku uu ku fidiyo taliskiisa. 1899-kii ayuu Sayidku Garaadka wafti u diray si loogu qanciyo ku soo biiridda dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Balse markii Garaadka loo tagay wuxuu ku soo  jawaabay sidan; “Wadaadku hala falgalo arimaha diinta, Reerahana ha u daayo masiirka Taladooda. Gaalo Nugaal joogtana ma jirto Magaalo xeebeedyada ay joogaana waxba u  doonan maynno, dhulka uu doonayo [Sayidku] inuu Awoodda ku yeeshana waa ka inan hablood, dadkaan raba inay raacaan raadkii Aabihiina, aabihiis wuxuu ahaa Macalin quraan….!”

Mar kale ayuu Sayidku diray ergo kale, wuxuuna Garaad Cali ku marti qaaday Xaaruuntii Cago-jiid. Garaadkii goobtii waa yimid meeshiina waxaa ka dhacayday dood adag. Garaadku wuxuu Sayidka si cad ugu sheegay in uu Nugaal isagu ka talinayo maamulkeedana uu isagu xaq u lee yahay. Is fahan waa iyo loollan dheer  ka dib Garaadku wuxuu qaylo-dhaan garab u diray Is maamulkii Bariga Soomaaliya [Boqortooyadii  Majeerteeniya] iyo Qunsulkii guud ee Berbera si looga kaalmeeyo ka hortagga Taliskii Wadaadka Sayid Maxamed ah. Kaas oo ay is maamuladii Beelaha Soomaaliyeed u arkayeen mid dool ku ah nidaamyadooda maamul bulsho. Markii ay muuqatay colaaddii Garaadka, Sayidku wuxuu markiiba diray ciidan Dawaawiisheed si Garaadka loo soo dilo. Weerarka dilka Isinkaa Hoggaanka bulsho ee Biri ma-gaydada ahaa wuxuu argagax galiyey guud ahaan bulshadii Soomaaliyeed oo dhan. Sidoo kale wuxuu noqday boog madoow ku taalay Halgankii Daraawiisheed.

U soo daaddeg Nidaamkii talo wadaaga bulsheed ee dimuqraadiga ahaa. Bulshada Soomaaliyeed oo lagu tiriyo kuwa dunida ugu dhiigga fudud talis walba oo adagna aan u dhega nuglayn ayuu arinkaasi  geyeysiisay baan oran karnaa inay yeeshaan madal maamuleed furan oo duqayda Reeruhu leeyihiin kuna talo iyo tashi wadaagaan. Waxay beel walba lahayd waxa Haatan loo yaqaan Baarlamaan oo aynu Gole ku magacaabi jirnay. Gole furnaa Laf hoosaad walba oo Beeshaa ka mid ah waxay Golahaas ku lahaayeen xubno matala. Waxaa golahaas looga doodi jirey danaha gaarka ah ee beesha iyo si guud midda beledka. Iyadoo laga doodi jirey arimo si hufan oo furan arimahaas ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka deegaankooda, mid dhaqaale, mid bulsheed iyo wixii la mid ah.

Kalfadhiyeedkii  Golayaashii Bulshadeena waxaa la oran jirey Shir. Shirkaasi waxay bulshadeeni u kala qaybin jireen laba qaybood. Mid rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn. Midka rasmiga ah wuxuu ahaa mid duruufo iyo xaalado adag lagu gorfaynayo xubnaha beeshuna daruuri ahayd in ay xaadiraan kulankaas, xilli la isla wada og yahayna waa qabsoomi jirey shirkaasi. Halka midka aan rasmiga ahayn uu ahaa mid ka miisaan khafiifsan kan hore. Kan aan rasmiga ahayni ma lahayn xilliyo u gaar ah, sidoo kale ma lahayn wax guddoon ah.

Bulshadeeni hore hab maamul dhaqameedkoodi mid dimuqraadi ah oo hufan ayuu ahaa, haddii hoggaanka sare ee beeshu baal maro shuruucda iyo danaha guud ee bulshada ama xadgudubyo lagu helo lama daawan jirin ee tallaabo ayaa laga qaadi jirey Golaha ayaa kalsoonida kala laaban jirey, deedna xilka taliska Reerka ayaa laga xayuubin jirey. Isimadii beeshoodu kalsoonida kala laabatay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xaashi [ mid ka mid ahaa Isimadii beelaha Ogaadeen] kaasoo sida la sheegay xilligaas xilka looga xayuubiyey eex uu sameeyey awgeed.

 

Gunaanad.

 

Aadanuhu marnaba kama maarmi karo isku dultaagga tabihiisi nololeed Ee kala duwanaa, sooyaalkiisuna waa soor u keydsan, sahayna u ah samman walba halka uu degin ku daadihin. Ummad walbaana waa u muhiim inay ogaal ka haysto waayahoodi nololeed. Ha ahaato xeerarkoodu, hab maamulkoodi hooose, qaab dhaqmeedkoodi, iyo nidaam dawligoodi kore.

Dadkeeni hore ayaa oran jirey xeerku waa dayr iyo dallad, sidoo kale waxay oran jireen xeerku waa Geed Jeerin ah. Geedka jeerinka ahi waa geed balaaran oo dhulka ku naban, lama huluulan karo oo dhulka ayuu ku dheggan yahay, lagamana boodi karo oo dhulka ayuu fidsanyahay waad ku dhex dhici marka. Xeerarka heshiis bulshu ama dastuuradu waa caynkaa, waa sida geedkaas oo lama haluulan karo, lagama boodi karo. sidoo kale waa dayr waana dallad dadku wada hadhsado waase marka sidiisa loogu camal falo oo loo raaco. Hay’adahaas kala duwan aynu kor ku xusnay  waxay ku dhisnaayeen xeerar adag, dhaqan hagaagsan, iyo maamul miyirqaba, waana kuwa qayb weyn ka qaaday nidaamkii maamul ee bulshadeenna.

Balse muddooyinkan dambe waxaa bulshadeena ku dhacay doorsoon, Isinku kii hore ee garaadka iyo hiraalka badnaa maaha, wadaadku kii hore ee iimaanka waasaca ah lahaa maaha, shacabku kii hore ee addeeci jirey xeerarkooda maaha. Sidoo kale waxaa xusid mudan Bulshadii Soomaaliyeed iyagoo Islaam ah xeerarkooda is maamul bulshana leh haddana waxay ahaayeen kuwa diintu biyo dhigtay oo ku dhaqanka diinta iyo u cibaadaysiga Rabbigood aad ugu adkaa. Wadaaddadu xilligaa waxay bulshada dhexdeeda ka ahaayeen kuwa maamuus iyo xurmo badan ku dhex leh wadaado, waddaniyad badan,  astaana u ah khayra iyo nabadda, waxayna ahaayeen culimadaas hore kuwa qunyar socod ah kana reebtoon fal kasta oo aadmiga Eebbe lagu dulminayo.  Run ahaantii markaad isku eegto wadaadkeenni xilligaa iyo kan haatan masaafo dheer ayaad ka dhex helin, waxayba kala joogaan bari iyo galbeed.

Bulshada Soomaalidu waxay dhaqan iyo hiddo Ismaamul u lahayd garsoor wanaagsan, is xurmayn, xeerar qumman iyo mucaamil nololeed hufan, kuwaas oo la odhan karo waa kuwo shuruucda ay dunida Casrigan ahi maanta Caalami ahaan u dajisay  kuna dhaqanto la maqaam ah ama ka hufan.

Ugu dambayn diyaarin baaris la’aanta cilmiyeysan, falsafadayn, dhigid iyo dhiraan-dhirin la’aanta nidaamyadeeni iyo xeerarkeeni hore ee dawliga ahaa waxaan u sababayn lahaa laba arimood oo midda koowaadi  tahay;  far dhigaal la’aanta Ummadeena muddada dheer ku habsatay. Far Soomaali la isku raacsan yahay oo qoran la’aantaasi wax badan ayeey inoo geysatay ka bulsho ahaan wax badana waa inaga lumisay. Laba; Bulshadeena oo aan lahaan jirin ama ay aad u yareeyeen xilligaas aqoonyahano  bartay cilmul maaddiga siiba Maamulka iyo Hoggaaminta. Haddii aynaan labadaa cilladood iyo kuwa la mid ahba la dersi lahayn waxaan qabaa in aynu sidan  in badan dhaami lahay, oo dhaxli lahayn dhigaallo iyo falsafado maamul dawli oo la laga soo shaqeeyey qaab cilmiyeed  kala duwana loo lafa-guray dhaxalna u noqda lahaa Bulshadeena Soomaaliyeed & Uummiga Adduunka innagula nool intaba.

Dhammaad.

Tixraac:

Dhaqanka Soomaalida.

Xeer Ciise.

Taarikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed [Cabdalla Cumar Mansuur]

Waayihii Somaaliya. [ bogag ka mid taariikhdii Soomaaliyeed.]

W/Q: Cabdifataax Maxamuud Cabdi ( Dhegbahaaf ).

Cilmi-baadhe Shahaadadda Labaad Ee Masterka diyaariya

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here