Sooyaalka Halgankii SYL – Axmed Maxamed Ciise ‘Senda’

SYL

HORDHAC

Bilogii gu’gii 1943-dii, waxa bilaabantay sheeko sooyaalka Soomalida ku xardhan, ku hubaysan wadaniyad iyo siyaasad la jaan-qaaddi kartay wacyiga taagnaa baryahaas.

Waxaa koonfurta dhulka ay Soomalidu deegaan ahaan dagto kasoo baxay neecaw udgoon kuna baahday gayiga soomaliyeed, neecaw xambaarsan hal-adayg, dhiiranaan iyo tallao saaridd Eebbe (kor ahaaye).

Waa sheeko bilaabantay xili dhulwaynaha soomaliyeed ku heegantahay heeryo guumaysi, waa taxane sheeko socotay 17-Sanno, 204-Bilood, 6120-Maalmood.

Waxaa dhextaal u ahaa astaamo baddan oo ay wadaniyaddu kow ka ahayd, dhiiranaanta iyo geesinimaduna ay ku lifaaqnayd, wada-tashiga iyo isu calool furnaantu ay u ahayd mabaadi’dooda waawayn.

Dhamaadka Sheekada waxa ay ku dhamaatay guul iyo yoolkii ay dhigteen bilowgii geediga oo guul-wayn laga gaaray, isu keened Soomaali uu gumaysigu kala ooday iyo hilow loo qabo helidda dhulwaynihii Soomaliyeed oo xor iyo midow ah “Soomaali wayn”.

15, Maajo, 1943-dii Waa maalin milgaha sooyaalka Soomaalidu ku faanto fool-horaad u ah, waa maalintii dhidibadda loo taagay halgankii dhalinyaradda Soomaaliyeed ee magacoodu caanka ku ahaa “Leegadii” ama “SYL”, ayna hormuudka u ahaayeen 13kii dhalinyaro ee baalka tariikhda ka galay halkankii guumaysi diidka Soomaliyeed, hal-kudhidiisuna ahaa Xoriyad iyo Midnimo (dhulka Soomaali degaan ahaan dagto oo gumaysi ka xorooba iyo midow ay soomali ku midowdo hal maamul iyo hal calan), dhamaadkiisuna ahaa 1-dii, Luuliyo, 1960-kii midowgii labadii gobal ee Soomaaliyeed koonfur iyo waqooyi.

FIKIRKII YAGLEELIDDA XISBIGA

Markii aan bilowno sheekada, bilowgi gu’gii 1943-dii waxaa magaaladda Muqdisho galab galbaha ka mid ah ku kulmay Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake iyo Cabdilqaadir Sheekh Sekhawudiin, oo ahaa labo dhalinyaro oo wadeeyo (saaxiibo) dhaw isu ahaa kana buuxday qalbiyadooda wadaniyad iyo jacayl ay u qabaan in uu dalkoodu iyo dadkooduba gumaysiga ka xoroobaan, waxa ay iska waraysteen xaalka aduunka hadda meesha uu marayo iyo wacyiga taagan ( xiligaas aduunku waxa uu ku jiray Dagaal waynihii 2-aad oo dunida daafaheeda oo dhan ka holcaya), waxay isu waramaanba, oo ay ka sheekaystaan in aduunku dagaalkiisu fiday, wadamo bariga dhexe iyo kan fogba iyo qaybo ka mid ah dhulwaynaha Afrika, ay kacdoon guumaysi-diid galeen oo ay asaaseen jamhado la dirira guumaysiga dalkooda ku soo duulay muddona khayraadkooda guranayay, dadkoodana Adoomo ka dhigtay, dalalkaas waxaa ka mid ahaa dalka Hindiya iyo dalka Indunesiya.
Haday isu waramaanba oo sheekadu ay la fogaatay wax badana ay iska warsaysteen, waxa ay fikir ahaan u soo jeediyeen in dalkooduna kocdoon nocaas oo kale ah ay ka hir galiyaan, Cabdilqaadir Sheekh Sakhawudiin ayaa hadalka qaadatay oo fikir ahaan u soo jiidiyay “ Yaasiin, ka waran hadaynu dhidibadda u taagno urur Islaami ah oo xaqiijinayo yoolka iyo yididiilada ay ummadda Soomaaliyeed ubaahanyihiin in ay guumaysiga kaga xoroobaan ”, Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake, ayaa hadalka ka dhex galay saaxiibkii Cabdilqaadir oo waxa uu ku taliyay “ Kawar Cabdiqaadirow hadaynu aasaasno xisbi siyaasi ah oo ay Soomaali leedahay, dalbanayana macluumaadka dalka iyo Madax banaani in la siiyo dadka Soomaliyeedna guud ahaana matala”, fikirkii Yasiin ayaa Cabdilqaadir la dhacay oo waxa ay isku raaceen in ay yagleelaan xisbi ku hadla afka Soomaali-wayn, waxayna ku balameen in laysku soo ururiyo intii dhalinyaro la heli karo oo firfircoon fikirkana xambaari kara, midba dhankiisa ayuu u kacay wxayna isku keeneen 11-dhalinyaro oo ay 2-badoodu ku jiraan, waxayna ku balameen in ay kulmaan maalinta ay bishu tahay 14, Maajo, 1943-dii kuna beegnayd maalin Jimce-ah.

Dooddheer kadib waxa ay ka soo saareen kulankoodi iskuna raceen qodobaddatan:-

1. In loo gudbiyo dowladda Ingiriiska codsi (dowladda Ingiriiska ayaa markaa dhulka Soomaliyeed gabi ahaanba ka talin jirtay, Talyaaniga iyo xulu fadiisina waa la jabiyay dagaal waynihii 2-aad ee dunida), lana waydiisto ogolaansho ah in loo furo Madal ay dhalinyaradu ku kulmaan waxana ay isku baraan.

2. In la kireeyo guri ku haboon howlaha xisbiga laguna soo dumo quluubta dhalinyaradda Soomaliyeed.

3. In la dajiyo barnaamij jadwalaysan ku meelgaarna u ah howlaha xisbiga.

4. Iyo in xisbiga loo bixiyo magac si loogu aqoon sado sumad ahaan, waxayna isku raaceen gorfayn badan kadib magaca Somali Youth Club “SYC” oo micnaheedu Soomaali ahaan yahay “Naadiga Dhalinyaradda Soomaliyeed”.

Waxayna kulankaas ku doorteen hogaamiyaasha xisbiga

• Cabdilqaadir Sheekh Sakhawudiin- Gudoomiye
• Xaaji Maxamed Xuseen- G. ku xigeen
• Yaasiin Xaaji Cusmaan- Xog-hayaha guud.

Hadaba maalintii danbe ayay dhalinyaraddu isu raaceen xaruntii xaakimkii ufadhiayay Ingiriiska magaalada Muqdisho, si ay uga dalbadaan arinkii ay ku soo heshiiyeen kulankoodii hore.
Markii ay soo gaareen xaruntii taliska Ingiriiska waxa ay la kulmeen Xaakimkii Ingiriiska, waxayna ugudbiyeen warqadi uu codsigoodu ku qornaa.

Markii uu akhriyay warqadii uu codsiga Dhalinyaraddu ku qornaa, Xaakimkii waxa uu ugu jawaabay dhalinyaradii (Waxaad ka koobantihiin dhalinyaro qabiilo kala duwan leh, waxaana hubaal ah in aydan kuwada heshiin Karin hal-fekar iyo ra’yi toona).
Hadaba dhalinyaradii iyaga oo aan hadal kulul u celin madaxa mustacmarka ayay ugu jawaabeen (Hadaan qabiil isku layno naga xir, adiga ayaana arkaya dhawaan in aan isu tanaasulno oo hal niyad wax kuwada qabsano).

Hadalkaa markii ay ugu jawabeen, markaas ayaa ogo laansho loo siiyay in ay furtaan naadigooda lakiin waxa loosheegay in aan loo ogalayn arimo la xiriira siyaasad, haday arinkaas ku kacaana in laga xiridoono xisbiga).

KIRAYNTII GURIGA XISBIGA

Dhalinyaradii markii loo ogolaaday in ay furtaan naadi ay kuwada sheekaystaan kuna shaaheeyaan, waxa ay u dhaqaaqeen in ay howshoodii labaad ku xijiyaan oo guri kiraystaan, waxa ay gurigoodi ugu horeeyay oo hal qol ahaa ka kiraysteen aaga-gaarka“Isku raran”, hase yeeshe waa uu ku filnaan waayay howlahooda, waxa ay guri saddex qol ah ka ijaarteen nin Hindi ah, wajahaada “Via Roma”, qolna waxa ay ka dhigteen xafiis, qolna jiko (kushiin) ay shaaha ku kariyaan, qolkii kalana kuraas bay dhigeen oo waxa ay ka dhigen meel lagu qax-weyo, muddo kadibna guri kan ka siiwayn bay waxa ay ka kiraysteen isla xaafada Xamar-wayne, si ay dadka wax ugu baraan fikirkoodana ugu gudbiyaan, waxa ay dadka bari jiraan akhriska iyo dhigaalka af Soomaaliga oo xiligaas ay u adeegsan jireen qoraalki Cusmaaniyadda oo uu Cusmaan Keenadiin hindisay, iyo qoridda iyo akhrinta luuqadda Ingiriiska oo ahayd xiligaa mid koonfurta Soomaaliya ku cusbayd oo ay dadkuna danayn jireen.

Muddo markii ay howlahooda wadeen dadkii ayaa jeclaaday kuna soo hirtay oo ukala soo dagdagay, sidaas ayayna meela baddan oo dalka ah xarumo uga furteen, si ay dadka wax ugu baraan fikirkoodana ugu gudbiyaan.

DHAMAADKII DAGAAL WAYNIHII 2-aad EE ADUUNKA

Dabayaaqadi 1945-tii waxa soo gabagaboobay dagaal-waynihii 2-aad ee dunida ka qarxay dhamaadki 1939-kii.

Hadaba dhamaadka dagaalkaas waxa ay isku raaceen dalalkii guusha gaaray in la yagleelo Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa ee ‘Qaramadda Midoobay’, muhiimadeeduna ahayd in la nabadeeyo aduunka lana xakameeyo in dagaalkale uu dunida ka qarxo.

Dhawr bilood ka dib dhamaadkii dagaalka, waxaa bishii September, 1946-dii ay Qaramada Midowday shirwayne ka keentay deeganaddii ay maamuli jireen wadamadi dagaalka ku jabay oo Talyaanigu ka midyahay si looga xaajoodo wadamadii ay guumaysan jireen.

MAGAC BADALIDII XISBIGA

Dhalinyaradii SYC (Somali Youth Clup) waa ay la socdeen, in xaalkooda loo gole fariisanayo diyaar garow adag ayay muujiyeen waxa ayna ku baaqeen in shirwayne Soomaali oo dhan ay ka soo qayb galaan in la qabto si hal cod oo midaysan Soomaali looga helo.

Dhalinyradii SYC, waxa ay diyaar garow u muujiyeen sidii loo qaban lahaa shirwaynaha Soomaaliyeed, waxa ay ku marti qaadeen shirka dhamaan cuqaashi iyo nabadoonadii beelaha Soomaaliyeed, waxayna dhamaan isugu keenen magaalada Muqdisho.
Maajo, 1947-dii ayay shirwaynihii qabteen kuna qabteen hoolka “Shaneemo Banaadir”, waxayna shirkaas ka soo sareen cod midaysan oo ah:-

 In ay cod wada jir ah ku muu jiyaan in ay diyaar u yihiin xornimo iyo midnimo.
 In codsi loo gudbiyo Qaramada Midoobay.
 Iyo in xisbiga magaca laga badalo oo loo bixiyay SYL (Soomali Youth League).

Dhalinyaradii waxa ay warqad u direen Qaramada Midoobay oo ay ku qoreen cod ay ummadda Soomaaliyeed ku midaysantahay.

DHACDADII HANOOLAATO (11 JANAAYO 1948)

September 1947-dii ayay Qaramada Midowday kulan looga hadlaayo codsiga xisbiga SYL Soomaaliya ka soo dirsaday, waxayna ku go’aamiyeen in Soomaaliya loo diro wafdi soo idha-indheeya xaalka iyo wacyiga bal ka jira Soomaaliya si xal looga keeno.
Wafdigu waxa uu ka koobnaa 4-qaybood oo wadamada Mareekanka, Ingiriiska, Faransiisk iyo Midowga Soofiyeeti, ay soo dirsadeen.

Soo bixi taanka wafdiga waxa ogaaday Talyaaniga oo ku so amray Jaaliyadiisi Soomaaliya joogtay in ay Mudaharaad sameeyaan si loo arko xooga ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo sida ay ugu qanacsanyihiin dadka Soomaaliyeed maamulitaanka Talyaaniga.

Wafdigii marka uu soo gaaray soomaliya waxa ay kormeeren meelaha ay dadku isugu yimaadan, waxayna ku arkeen meelksta calankii Talyaaniga iyo dad Talyaani ah oo ku dabaal dagaya kuna tumanaya heesihi dhaqanka ee Talyaaniga, dadka soomaaliyeed ee dabi-dhilifka u ahaa iyo dad masaakiin ah oo aan waxba kala ogayn oo ay soo duufsadeena ay la jiibinayaan, waxa mid kasta oo wafdiga ka mid ahi u gudbiyay Qaramada Midoobay in dadakani ay taageersanyihiin in uu Talyaani maamula ilaa inta ay ka gaarayaan in la siiyo xornimo.

Dhalinyradii SYL, kama aysan gaabsan arinkaas lakiin waxa ay codsi u dirsadeen maamulka Ingiriiska in iyagana loo ogalaado in ay mudaharaad sameeyaan si loo ogaadda rabitaankooda, maamulka Ingiriisku waa uu ka ogalaaday arinkaas dhalinyaradda, waxa uuna balamiyay maalinta ay Bisha Janaayo, 11-keedii ku beegantahay, SYL diyaar garow balaaran bay sameeyeen una diyaar garoobeen malinta loo balan qaaday si ay u muujiyaan codkooda, maalintii markii la gaaray SYL iyo dhamaan Soomaalidiina ay diyaar garowday, baa iyaga waxaa dhankooda isu diyaariyay isla maalintaas Jaaliyadii Talyaaniga si ay khalkhal u galiyaan mudaharaadka Soomaalida, maamulkii Ingiriisku waa uu usheegay in manta ay tahay maalinta SYL idinkuna aad soo qadateen maalmihiini ee kama qayb galaysaan, waa ay ka diideen sidaas ayaa Talyaanigana loogu soo fasaxay.

Hadaba waxa iska hor yimid Soomaalidii iyo jaaliyadii Talyaaniga madaxa ayayna isla galeen oo dagaal gacan iyo qofkasta waxa uu heli karay ayaa lays kala hor yimi khasaaro ba’an baa ka dhacay, Jaaliyadda Talyaaniga waxaa uga dhintay 51-qof, halka Soomaalidana ay uga shahiideen 14-qof oo ay halgamaa Xaawo Taako ka mid ahayd. Sidaas ayay dhacdadaasi kula magac baxday “Hanoolaato”.

DHACDADII DHAGAXTUUR (5-OKTOBAR-1949)

September 1949-kii aya waxa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. Kal fadhigaas ayaa waxa laga sugaayay in ay go’aan ka gaarto ayatiinka dalalkii uu Talyaanigu guumaysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.

SYL, waxa ay UN (United Nation) udirsatay xoghayihi xisbiga Cabdillaahi Ciise Maxamud, si uu umatalo xisbiga iyo dhamaan ummadda soomaliyeed kana mid ahaado madasha lagu go’aaminayo mustaqbalka soomaaliya.

October 5, 1949-kii ayaa SYL mudaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameysay magaaladda Muqdisho, Mudaharaadkaas waxa isku dayay in uu hor istaago maamulkii Ingiriiska, SYL iyo taageeradeedi waxa ay sameeyen iska cabin iyo dhagaxtuurid, Ingiriiskuna waxa uu adeegsanaayay rasaas, muddo markii uu socday dagaalkii waa uu soo afjarmay, waxaana halkaa ku dhintay 2-qof, 50-qofna wa ay ku dhaawacmeen oo Soomaali ah, Ingiriiskana waxaa ka dhaawacmay 3-askari, sidaas ayay dhacdadatanina kula baxday magic “Dhagax Tuur”.

MAAMULKII DAAKHILIGA (1950-1960)

November 21, 1949-kii ayay Golaha guud ee Qaramadda Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamulka Talyaani ah oo 10-sanno Soomaalida ku gaarsiiya xornimo, Qaramadda Midowdayna ay ku dul maamusho.

April 1950-kii, ayaa maamulka Talyaanigu la wareegay xilka Soomaaliya, waxaana Talyaaniga waheliya guddi sadex ah (Philibin, Masar iyo Colombia) oo ay Qaramadda Midoobay u xilsaartay in ay ku kormeeran qaabka uu Talyaanigu wax u maamulayo.

Kadib Talyaanigu markii uu soo laabtay waxa galay damac ah in uu muddada dheraysto, waxa uuna isku dayay in uu Soomaalida kala qaybiyo, qabyaaladdana uu xoojiyo, xisbiyo uu ku adeegtana uu yagleelo, leegadana uu isku dayo in uu laaluusho.
Qorshahaas waxaa si aan gabasho lahayn u hor istaagay xisbigii SYL, oo beeniyay qorshihii uu Talyaanigu watay, kana dhaadhiciyay gudiyadii 3-dowladood ka kala socday in uu Talyaanigu rabo muddo korarsi.

Talyaanigu waxa uu arintaa uga jawaabay in uu xirxiro madax kamid ah xisbiga SYL ee Kismaayo, arintaasna xisbiga Leegada iyo taageerayaashiisu waxa ay ka keeneen Mudaharaad rabsho isu badalay waxayna malmaahas ku dileen askari ka mid ahaa Talyaaniga.

Xisbiga Leegadu waa uu sii watay halgankiisi xornimo raadiska ilaa uu ku guulaystay dooroshooyinkii dowladaha hoose ee la qabtay sannadii 1954-tii, markaas ayaa talyaanigu badalay siyaasadiisii, soona dhawaystay xisbigii SYL.

Waxaa farxad wayn ahayd 12, Oktoobar, 1954-tii markii la taagay calan Soomaaliyeed, oo matalaya dhamaan deegaanada dadyowga Soomaliyeed waxaana farshaxanka iyo hindisahaba lahaa Eebbe ha uraxmadee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda xisbiga leegada.

Sannadii 1956-dii, waxaa mar kale la qabtay Doorasho siyaasadeed tii ugu horeysay ee dalka ka dhacda waxaana si Aqlabiyad leh kuraasta ugu Guulaystay xisbigii SYL, oo dhamayd 70-kursi waxaana la dhisay maamul daakhili ah, oo uu Reysalwasaare ka dhoqday Cabdullahi Ciise Maxamuud, Xoghayihii Guud ee Xisbiga Leegada.

Bishii Maarso,1959, waxaa markale la qabtay Doorashadii 2-aad ee siyaasadeed, iyada oo tiradda kuraasta laga dhigay 90-kursi oo dhamaan Soomaaliyihiin, halka kii hore ajnabigu ku lahaa 10-kursi, waxaana markale ku guulaystay Xisbiga SYL, Kuraasta inteedii badnayd, waxaana markale R/wasaare loo magacaabay Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo hayay ilaa dalku uu xornimadiisa hantay 1960-kii.

Geedigii halganka xisbiga Leegadu waxa uu ku soo gabagaboobay guushii xornimadda ee 1, Luuliyo, 1960-kii, midowgii Labada Gobal ee Waqooyi & Koonfur, waxaana dadaalkaas lahaa Labada Xisbi ee ka kala halgamaayay koonfurta iyo waqooyiga “SYL & SNC”, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xorooban heeryadda Guumaysiga iyo maamulkiisa guracnaa, una yeeshaan maamul Soomaaliyeed.

GUUBAABADA GABAYGA

Suuugaantu jaadkastaba ha lahaatee kama aysan maqnayn halgankii SYL, ee waa ay ku larnayd oo dhiirigalin bay ka korarsanjireen.

Hadaba gabaygan hoos ku xusan waxa dhalinyaraddii gobanimadoonka SYL ku dhiirigalinayay Abwaan Jimcaale Dhagataag, oo ugu baaqaya dhamaan dadyawga Soomaaliyeed in ay taageero iyo taakulaba ay ku garabgalaan dhalinyaradda si ay inoogu soo dhiciyaan xornimadeena.

Abwaanku erayga ‘Kulub’ ee ku xusan gabayga waxa uu ugulajeeda ‘Club’ oo ah eray Ingiriis-ah macnaheeduna yahay “Naadi”, waana Xisbigu markii u magaciisu ahaa (Somali Youth Clup)

GABAYGA KULUB HA NOOLAADO

-Afar kaafku yiri baan la kacay, karisay laabtaydu
-Oo qasadka kulubtaan ahaa, idinku kaalmeyne
-Kaabbe faarax shuuriyaa gabay, igu karaameeyay
-Oo kumam ducaa iigu maray, kulub ha noolaado
-Kariimkii na uumaan baryee, kulub ha noolaado
-Intaan beer kurtuma goyn lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan koore geel qori lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan ariga kaaleyn lahaa, kulub ha noolaado
-Kirish-booy intaan noqon lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan kaba la’aan socon lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan karis la’aan duban lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan carab u kaalmeyn lahaa, kulub ha noolaado
-Kii koosya keyfya xaalagey, nagu kadeedeene
-Kebbedana saarnaan jirtee, kulub ha noolaado
-Kurayadiini soomaaliyeey, kori la haayeene
-Kuleyleey ku kariyaan derbiga, kumanna waa meyde
-Kibistoodi cadawgaa cunee, kulub ha noolaado
-Kasi meyn kolii ay furdada, kuba la’aayeene
-Oo ay kutaanta boodada wateen, inay kibraayeene
-Iminkey kuraas inya gateen, rogrog ku kaadsheene
-Kufkood nimaan ahayna gabdhuhu, nagala koodaane
-Ku kurrey intay noqon lahayd, kulub ha noolaado
-Kufri sii dhacayaad gacmaha, kor ugu haysaane
-Kaniisadda ninkii doonayow, waa ku kaligaahe
-Nin waliba kolkiisa kursiga, looga kacayaaye
-Annagey kolkeennii tahee, kulub ha noolaadoo!
*****
XUSKA 15 MAY
(Xus oo xasuuso)

Sannad kasta bisha Maajo (May) 15-keeda waxa dalka Soomaaliya iyo dhamaan daafaha dunida meelkasta oo ay bulsho Soomaaliyeed ku nooshahay laga xusaa aasaaskii xisbiga gobanimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL, kaasoo ahaa xisbigii ugu horeeyay ee konfurta Soomaaliya laga yagleelo, kuna midaysnaayeen dhalinyaro dhexda u xirtay halgankii guumaysi diidka, iyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen xornimo.

Waxa maalintaas la qabtaa munaasabaddo waawayn oo lagu xusayo taariikhdii 13-dhalinyaro ee dhidibadda u taagay xisbigii SYL iyo halkankii ay soomareen.

GUNAANAD

Guntii iyo gabagabadii waxaan qoraalkan ku soo af meerayaa:

“Ugu danbayntii waxaa nasiib daro wayn ah in 13kii-dhalinyaro markii ay u hubqaadanayeen halkangii dheera ee guumaysi la dirirka ay ahaayeen kuwo da’ahaan yaryar, aqoon baahsana aan lahay, shayga kaliya ay ku hubaysanaayeen uu ahaa waddaniyad iyo wadatashi. Manta waxa madax inoo ah rag da’ahaan ka wayn kana waayo aragsan, kana cilmi iyo aqoon baddan, lakiin ay ka marantahay wadaniyadii u riixi lahayd waxqabad bulsho iyo hormarin, una diidi lahayd sad-bursi iyo maamulid la’aan hantida qaranka mood iyo maalba”.

Manta maalin ay uga baahi badantahay ma jirto in dib loo yagleelo kacdoon dhalinyaro oo hilowgoodu yahay, dib u-hanasho dawladeed iyo la dagaalan cuduradda Dadka Soomaaliyeed aafeeyay (Qabyaalada iyo Xarako-Diimeed).

MAGACYADA 13-DHALINYARO EE “SYL”
TAARIIKHDA IYO GOOBTA AY KU DHASHEEN

1. Cabdilqaadir Sheekh Sakhawudiin—-1919—-Tiyeeglow/Bakool
2. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaarke—1917—-Hobyo/Mudug
3. Maxmed Xirsi Nuur (Siidii )————–1915—-Mareeg/Galgaduud
4. Xaaji Mxamed Xuseen ——————–1917—-Xamar/Banaadir
5. Cusmaan Geedi Raage———————1925—-Xamar/Banaadir
6. Dheere Xaaji Dheere———————–1926—-Xamar/Banaadir
7. Daahir Xaaji Cusmaan(Dhaga-wayne)-1925—-Xamar/Bnaadir
8. Cali Xasan Maslax(Berdura)————–1927—-Xamar/Bnaadir
9. Maxamed Cali Nuur————————1917—-Xamar/Bnaadir
10. Maxamed Faarax Hilowle—————1925—-Xamar/Banaadir
11. Xaaji Maxamed Cabdi-llaahi Xayeesi–1918—Xamar/Banaadir
12. Huudow Macallin Cabdulle————-1926–Mareerey/Sh.Hoose
13. Maxamed Cusmaan Baarbe————1910—-Baar-dheere/Gedo

QORSHAYAASHII WAAWAEYNAA EE AY KU TAAMAYEEN

1. Xornimo, iyo midayn ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay dagto.
2. Qoridda af Soomaaliga iyo hormarintiisa.
3. Waxbarista dadka.
4. Dhisidda xarumo waxbarasho.
5. Ladagaalamidda Qabiilka iyo isirsooca.
6. Barashadda Diinta iyo ku dhaqankeeda.

RAADRAAC

 Taariikhda Soomaliya Qarnigii Tagay (1900-2000), Soojeediye Dr. Saadiq Enow.
 Buugga Halgankii SYL & SNL, Qore Dr. C/qaadir Cali Boolaay.
 Buugga qalin-jabinta ee Shahaadada B.A ee Halyeygii SYL Cismaan Geedi Raage, Qore Layla Geedi Raage.

FG- Akhristow, wixii khaladad ah ee aad kala kulanto intii aad ku guda jirtay akhrinta maqaalkan kooban ee “Taariikhda Halgankii SYL”, igala soo xiriir Emailka hoos ku usan.

Qalinkii: Axmed Maxamed Ciise (Senda)
Email:- Ahmedsenda4@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here