Hodan iyo Halaaggii Widhwidh – Abshir Umal ‘Mooge’

Mooge

Laydh macaan oo saafi ah baa dhanka buuraha ka soo dhabanaysa, aadaanka masaajidka tuulada ayay marba dhan u tuuraysaa, laba iyo saddex jeer buu afarta jihaba u laba dhacaya aadaanku. Faynuus aftiinkiisu sii gabaabsiyayo ayaa miiska gidaarka ku tiirsan ee lugta la’a saaran, laydhaa macaan ee dhacaysa ayaa marba dubaalada ku dhacayso oo dhaafaysa, dubaaladuna intay dhadho ayay haddana isa soo kojinaysaa. Hodan ayaa dhankaa bidix ka jiifta miiska, xalay siday isugu daawanaysay oo ay marba wejigeeda iyo faraheeda marba mid ugu daawanaysay Faynuuska ayay markii danbe ku dul gama’day.

Racwi waa Hodan hooyadeed, waxa ay degantahay buul yar oo shiraac casina dusha kaga dedanyahay oo mutulaha ay Hodan hurudo ku dhegan. Waa qof cibaado badan, oo aroortii hore inta aanu waagu soo beryin ayaa kacdaa si ay dadka salaadda arooryo ugu kiciso. Habeenkii inta danbe salaatudda saqda dhexe bay u istaagtaa. Deriska oo dhanna waa ka caan Racwi. Go’ yar oo faraqyo gaagaaban labada dhinac ku leh, midab casuus ahna leh ayay isku jeeni qaartay, dhaxanta iyo laydhaa macaan ee dhacaysa awgeed ayaa ilkuhu isku garaacmayaan. Dhowr talaabo oo kala fog fog ayay dhanka mutuluha u soo qaaday, labo xantoobo oo sacab ah ayay kaga gawsiisay albaabkii mutulaha. Mar labadaad ayay hadana ku celisay iyadoo markiiba daashay. Hodan saaka khuuro xoog leh bay mutulkii oo dhan kaga yeedhsiinaysaa, xoogga khuurada awgii waxaad moodaysaa in dhoobadii mutulka lagu dhisay ay tarabtarab u soo daadanayso. Waa albaab jiingad iyo alwaax ka samaysan, handaraab jajaban oo dhowr jeer oo hore qafil lagu jabiyayna ka laalaado. Racwi inta ay gadaal u baxday ayay bilowday inay Hodan la u yeedho, si ay Salaada ugu kiciso.

-Hodan, Hooyo salaada u kac. Ma i maqlaysaa?

Hodan riyo aad u qurux badan bay dhex dabaalanaysaa, qurux iyo xarrago ayay illaa xalay ku dhex jirtay, waxa ay xalay riyo kula joogtay inan ay saaxiibo ahaayeen oo arooskeedii loo cilaan saarayo, waxa ay marba daawanaysay sharraaxada quruxda badan ee saaxiibteed Milgo loo saaray. Hodan, inta ay marba dhinac ka soo fadhiisayto ayay cod hoose oo rajo ku hareeraysantahay odhanaysaa ”Way! Tolow goorma ayaan sidaa laygu sharaxayaa? Maalintaydu dhabbada ayay soo haysaa. Mooyi, dhabbo maxay ah”…. Cod culus oo gadaal u garanaya ayaa Hodan dhagteedu ku soo dhacay, inta ay indha labada baal si feejigaan u kala qaaday ayay horteeda eegtay, waxa ku wareegsan shandarawo. Inta ay xabadka barkinta ku sii cadaadisay ayay laabta la soo kacday, dhidid qoyay oo laabteeda iyo furaashka u dhexeeyey buu furaashkuna dib u nuugay, laabteeda buuxdina way ka yar nefistay cishiidhigii furaashka. Labada gacmood ayay furaashka dhexda kaga xoogsay kolkaasay jidhkeedii oo dhan toos uga soo wada qaaday furaashka. Waa tan bilowday inay diracay xalay ku seexatay oo kelyaha u maraya dib u celisay, googaradiina duluca u giijisay, inta ay timaheedii kala filqsanaa ee suufkii yaraana ka dhacay ay duub wayn iskugu gaysay dhabarka u tuurtay.

-Haah, Hooyo, waan soo socdaaye i sug. Ayay Hooyadeed Racwi oo irridka sidii u taagan ugu warcelisay, judhii codka Hodan maqashay bay Racwi gadaal laba talaabo oo awood yari ka muuqata dib u qaaday, buulkeedaa yaraana madaxa la sii gashay sidii goray haldhaa ah oo waayuhu quruxdii iyo qaayihiiba ka qaadeen. Waa xili hore, masaajidka tuulada ayaa imaam cod qurux badani ka tujinayaa, waa tuulo haddeer uun soo dhisamaysa, xiliga lagu jiraayi waa gu’gu oo xareedu sidaasay meel walba u wadhantahay, ciirtaa jug leh, abaar dad iyo duunyaba leeftay baa laga soo doogay. Xasuus madow ayay baalasha waayaha kaga tagtay, waxa ay sadhaysay rajadii dadka. Aad bay niyada iyo mustaqbalka tuulada u welwel gelisay. Widhwidh imminka uun baa dadka deegaanka u dhashay ee magaalooyinka waawayn ka soo cararayaayi ay il naxariis leh ku eegayaan, Dawladii Kacaanka ayaa sii liiqliiqanaysa, codka rasaasta ee nacaybka iyo dhimashada soo afuufaysa ayaa magaalooyinkii waawaynaa saameeyay. Habaas baa ka kacay wadooyinkii nadiifta ahaa, geeridii baa fududaatay, oo melegii wedka baa maalin walba raq six un u gorofsan oo uu ruuxda ka soo ligligay ka dul tallaabsanaya, Kursigaa madow ee labadaa derbi dhexdooda yaala ayaa ajal badan galaaftay, waa damac fog, oo haddana dhaw. Askarigu waxa uu gaadhka ka hayaa malaga seefta wata si uu isagga surka ugu jaro. Dhuunta qiiqaysa ee xabada casi ka soo boodaysu ayuu garabkeeda rayfal qoor dheer la yuururaa.

Albaabkii duuga ahaa ee handaraabka jajaban ee foolxumada wayni ka laalaado ayay horey u soo riixday, caagad afarqaad ah oo biyo ku jiraan bay docdaa ka sii qaadatay. ”Ax.. ah..! Qaboobaa biyuhu” laydhii xalay dhacaysay baa caagada siday u garaacasay qabow ka dhigtay, hodan shalalaxdii koobaad ee sacabadeeda dhaafa ayaa ayba qabowgoodii ka booday. Waxa ay bilowday inay si feejigan ay waysada jidhkeeda oo dhan u gaadhsiiso, weli waa qabow, dareen cabsi iyo farxad isugu jira ayaa dubaaqeeda ka soo gurtay, waa ta bilowday inay timaadada ku raaxaysato. Rajadu waa qurux, mar walba waa wada macaan, in yar oo qadhaah haddaad xataa ku aragto waad ka soo saari kartaa. Adigaa hogaanka u haya, waa barta is moodsiisku ka bilowdu. Hodan iyadu nolol qurux badan bay rejada kaga nooshahay. Alla wanaagsanaa, waa meel aan cidna maamulkeeda kula lahayn, riyada sideedaba banaanba Hodan waa lagu falay mooyaane jacayl ay kasha ugu haysaayi ma jiro. Riyadu waa duni bilaa mala awaal ah, ma sii haysan kartid dhacdadeeda, ilbidhiqsiyo kooban ayaa humaageedo ilowga raacayaa. Waysadii inta ay isku ilowday ayaa laydhii waaberigu wejiga ka leeftay, sidii oo ay laydhu diiranayso labeenta wejigeeda, biyihii ay timaha ku waraabisay ayaa dhabarka u daadegay, markaasay ka xantoxantaynayaan. Goojo biyaha ah oo aad mooday in qasabad laga maamulayo ayaa dhabanka soo taraaraxday kolkaasay iyadda oo si baar la’ gacanta midigta dhabanka ku haysa bishinta sare soo raacday. Waa waa goojo yar oo qabow oo liicliicaysa, dareenka dibnaha waa uu ka xoog badan wejiga intiisa kale, markiiba waa ay dareen inay isla baxday. Inta ay diraceedii oo biyahay ku waysaysanaysay qooyeen tafta iska laalaadisay ayay mutulki dib ugu noqotay. Faynuuskii oo dubaaladii cunay, gaastiina ay sagxada tagtay ayay inta ay naxday ku booday waa ta markiiba birtii yarayd wareejisay oo dubaaladii kor u soo duuduubtay. Naxdin aanay garanayn meelay ka soo gashay baa marka keliya isku talaashay. Waa wax lexejeclo badan, oo dad iyo duunyada dareen kaga tagtay. Waxa ay ka xumaatay faynuuskii ay fiidkii marka ay mutulaha keligeed joogto isku daawan jirtay oo dubaaladii cunay, gaaskii ayay welwel kale ka sii qaaday. ”Alla hoogay aanay ahayn, caawa maxaan shidan doonaa. Hurda ayaa idilaysa, dayac bay baan u dhiman doonaa. Alla, maxay hurdadaasi xun iyo luladaa wayni ay i hodeen. Bal sakaada sii qoyan eeg, Faynuuskaygii baa dubaaladaa cunay, gaaaskii waa kaa idleeyay. Maxaan shidan doonaa? Mooyi, dee Hooyo ayaan lacagta gaaska ka qaadayaa, Hooyadee? Ma tan, ee, een. Mooyi!. ”

Baylisada madow ee afka hore ka diisan qiiqa iyo uumiga afkeeda ka soo baxaya ayaa laydha macaan ee jawiga saaka sii dhex qaaday, makhaayada haddeer oo kale ayaa gaafaydhka laga cabaa, tuulooyinku weligoodba koobka gaafaydhka xalad gaar ah bay u sameeyaan. Wakhtigan oo kale makhaayada waa laysku xaal waraystaa. Nin gadh cawlan oo salxanyo dhaadheer leh baa geeska ka soo jeeda, wiilka maqaaxida ka shaqaynayaa ayuu koob shaaha oo dheer ka dalbaday. Markii loo keenay isagga oo qiiqu ka duulayo, inta uu markiiba dhulka qaaday ayay kaga foodhiyay. Waa abuu xaraarad waa shaahyo cab is-nacay, dhidid waawayn oo duuduuban baa dhafoorkiisa qalalan ka soo yaacay. Halkaasaa sheekada lagu laba lugoodinayaa. Deegaankaa reer guuraa badan ayaa ku soo hayaamay, dhibicdii u horeysay ee guga ayaa ka hoortay tuulada iyo baliyada ku hareeraysan, baliga tuulada daad xoortiisana qoortaa shishe ee magaalada looga baxo ayuu soo tuuray. Shimbirta laxanka naxariista kor hoos u qaadaysa ayaa baalka biyaha soo hadaafaysa, waa barwaawo sooraan, dooga iyo dureemadii baa baarka la baxay, geeljirihi waa ka raystay tayuubkii culayska badnaa ee ceelka dheer kaga waraabin jiriin geela. Geelu aad buu uga raystay qudhiisu foosto gobolooyinkii cidhiidha ahaa. Dhismayaasha mutulaha ee sarabka lagu bineeyay ayaa tuulada ku badan, waxaad arakaysaa sakad dhan oo mutule ah aanan wax kalaa u dhaxayn. Dadka tuulada badankoodu waxa ay dhaqaale ahaan ku tiirsanyihiin reer guuraaga. Widhwidh waa magaalo haddeer uun baalka la sii gashay nolol ka qab wayn tii hore.

Qaxa faraha badan ee dhan walba ka soo galay ayaa is-beddel xoog leh u yeelay. Bulsho kale oo tii tuulada horey u joogtay ahayn baa magaalooyinka waawayn ka soo gashay. Tuuladu waa ay koobantahay, hase yeeshee kobac baaaxad leh baa ku socda. Sidaa daraadeed bilahan danbe way soo kala gurmaysaa. Tuuladu dhisme ahaan bay is bilaysaa. Waxa u bilowmay, dhismayaasha dhoobada iyo dhagaxa ka samaysan, dhimsayaal dadan oo dusha jiingad laga deday. Waa daaro, magac ahaan xataa deegaanka waa ay ku cusubyihiin. Waa sababta daaro dhowr ah oo si teelteel ah isugu xiga oo daanta galbeed magaalada kaga yaala loogu bixiyahay Daarooleey. Markii hore Widhwidh waxa ay u kala qaybsanayd labo qaybood, qayb dhanka ceelka xigta oo bacaad ah, waxayna ahayd meesha ay reer miyigu caanaha iyo subaga magaalada ka soo galin jireen. Halkaas ayay reer guuro isugu tagaan, waxa ku yaala maqaaxiyo waawayn oo lagu qayilo. Had iyo jeeraale kaftanku reer miyigu waa uu sii xumaadaa markasta oo uu dhabta gaadho. Qoryo wada cusub, oo subag looga soo dhaashiyay baa mid walba agtiisa yaala. Farta oo keebka ku booda waa ficilka labaad ee haddalka ka danbeeya. Xabada ololaysa ee laabta fadhiisatana waxa kusoo dunta baroor iyo qaylo. Ruuxa Soomaaliga ahi waxa uu geesinimada ka dhaliyaa ficilka cadowtanimada ah ee uu samaynayo. Naf dhan oo uu aakhiro u diro ayuu raganimada ku lamaaniyaa. Geesinimadu horta waa maxay? Shakhsiga Soomaaliga ah ee miyiga ku nool geesinimadu waa ficilka uu marba ku jawaabo. Habeenkii marka uu waraabuhu xerada u dhaco ee uu neef inta oo qawlasha ka buuxsado isla jaro, wiilka geesiga ahi waa ka inta uu iska daba maqiiqo waranka labada garab isu dhaafiya. Waa geesinimo ku dhisan ficilka uu ku jawaabay. Geesinimadu waa inaad naftaada goobta dagaalka dhex dhigtaa oo guul iyo guuldaraba ay dhiiga ku fooldhaqataa. Geesinimadu waa inaad naftaada aanad mahligin oo aad warmaha is dhaafaya ugu tudhaa. Intaasiba waa geesinimo ficilku uu hogaaminayo.

Hodan iyadda oo jahwareersan oo daaqad murugo ahina ah ku furantay ayay bilowday inay tukuto. Ma salaad bay tukan kartaa? Qalbigii baa labo kala noqdaye! Waxa yari inay is daawato jecelaa. Horta Faynuuska qisada ku xidhaysayo waynaa. Weger ma aanan garan. Culays uun bay is-leedahay iska rid. Inta ay salaadii xidhatay ayay faataxadii dudubisay, waata rukuucday ee haddana sujuud degdeg ah iska dabagaysay. Laba ilbidhiqsi oo kale waa taaa salaanta labada jiho u qaybisay. Inta ay degdeg u kacday ayay cadaygeedii dayday miiska dushiisa ayay xalay kaga tagtay. Dibada ayay u soo talowday kaabad yar oo seeska mutulaha ku dhegan ayay ku fadhiisatay. Laydhii waaberiga soo dhacday ayaa haddaa sii jeesatay, cirkana daruuro cadcad oo fudud baa iska soo xidhay, saaka jawigu si buu u aamusanyahay. Saaka geedka gobka ah ee guriga dhiniiciisa kale ku yaal caleemihiisu si maydnimo ah bay u taaganyihiin, dhaqdhaqaaq ma leh, shinbirtii yareydii aroortii ku geedka soo fuuli jirtay si ay Hodan ugu heesto ma ay san soo korin saaka. Waa tan daruurtii kala carartay, cirkii soo kan dhankaa daruurtu iska fayday. Saaka amuuro waawayn baa soo fool leh. Bisinka iyo burdaha!. Inta ay isa soo xayday oo cadeygiina awood u wayday ayay halkeedii cabbaar iska sii kadaloobtay. Hodan waxa ay deriskaba caan kaga tahay waa quruxdaa faynuuska ay habeenkii ku daawato. Horta Qurux aanad aaminsanayni ma Qurux baa? Arki doonaa. Bal wejiga widhwidhayee nuurka is-bidiya eeg, dhabanadaa shushuban bal daawo. Alla qurux waynaa. Meeye quruxdii Suleekhiyo qaararkii Hodan. Suniiyaashaa qalinka ah ee dhafoorka isku dhererinay arkood. Timaha dhabarka dhaafiyo, waxa lagu masaalayaa hablihii quraysheed iyo qawmkii firdawsa. Hodan quruxdaasaa Eebbe qayb u siiyay aan lagana qaadayn. Kalsooni buuxda ayay quruxdeedaa ku qabtaa. Inta gabadh lagu amaano ayaa loo dhameeyay. Dhalinyarada deriska oo dhan mid ku dhaca waa la waayay. Qudheedu waa naag af gaaban oo aan haddalka sidaa u furfuri aqoon. Quruxdu waxa ay badbaadinaysa aduunyada. Quruxdu waa dareen fog oo laabta aadmiga hoos u xulay, macno lagu sheegana ma leh. Waa dareen…. Waa Qurux.

Xayn riyo ah baa ugu xaraysan xero yar oo jikada gadaasheeda ah, waa ta intay wahabkii dulsaarnaa iska tuurtay oo ay firfircooni isu yeeshay kor u kacday oo dhankaa iyo jikada aaday. Inta ay weelkii gacanta dhex qaadsiisay ayay kala soo dhex baxday bidhiq yar oo ay riyaha caanaha kaga soo listo. Xayntii yarayd ee riyaha ahayd gidaarka dhaxan awgeed ku dhegay ayay bilowday inay caanaha ka listo. Kolkay caanihii ka listay ayay waxarihii edega uga so daysay oo ay u dhigtay. Caanihii riyaha ay ka soo listay qaar intay falastii shaaha ku cadaysay ayay intii soo hadhayna Hooyadeed oo darmo yar buulka agtiisa ku fadhida gaysay. Dabadeed markaasay bilowday inay riyaha xerada ka sii dayso, si ay ugu darto adhiga tuulada ee ayda loo daaq geeyo. Lexo jecladu waa fir, hooyadeed Racwi sidaas oo kale ayaa ah u lexjeclo badan tahay. Ruux dhaqaaqa oo ka lexjeclo badan lama arag oo lama maqal. Hodan intay ul yar oo duur ah dayrka kala baxday ayay xayntii riyaha ahayd la daba gashay. Wadooyinka danbe ee guriga dabadiisa mara waa waa tamuux, ciid cas oo is jiiddanaysa ayay leeyihiin. Dacaskii ay gashnayd Hodan ayaa ku dhex lumay cidaa bacaadka ah ee marasay. Waa tan marba lug xoog u qaadaysa, sidaasay kaga gudubtay lilaa ay rawaxa yaree buurta dahabo gaadhay. Buurta xiiran ayaa adhiga la is kula sugaa, iyada oo taahaysa oo labada lugood jiidaysa ayay adhigii kale gaadhay. Kolkay ku hubsatay ee ay cabbaar dushaa ka sii eegtay ayay dib iskaga soo noqotay. Weli dareen bay qabtaa Hodan saaka, sidii hooto waran laabta kaga mudan. Cabsi baa isku qarisayba. Wejigeeda qaybtii farxada ayaa ka duushay. Uurkutaalo ayuun bay goconaysaa. Ajal baa soo maqiiqan. Sidii iyadoo socodka iyo taahu is garabsanayaan ayay rawixii yaraa soo dhaaftay, mar uun baa waxa ay dhankaa qorax u dhaca ka ba`alo daymootay waxaad gorgor moodid oo dhulka in yar u jira. Inta ay eegmada dhankaa u wada leexisayay oo indhaha marmaratay bay eegtay. Wuxu gorgor ka wayni, oo guux ayuuba leeyahay. Waa diyaarad joog hoose ku duulaysaa, labo kale ayaa garab socda. Mar uun baa Hodan lagu kacay. Waa ta iska qaylisay, dareenkii baa faraha ka baxay. Hortaa banaan bay u hadashay. Qaylo, baqdintii baa ku sii waynaatay. Mar qudha ayay lugihii iyo gacmihiiba intay waynaadeen ayay bacaadkii socon kari wayday. Diyraadihii inta ay magaalada joog hoose ku mareen ayay dhankaa bari u abqaaleen. Diyaarad aa! Tuulada dadkii joogay oo dhan dhagihii baa waynaaday. Ruux waliba halkiisii ku qalalay. Jidhidhico iyo naxdin baa dadkii lagu wada muday. Waa ta la wareeray ee marba meel loo yaacay. Naxdintii baa calankeeda lulaysa, wejiyadii faraxsanaa waxay isu beddeleen kuwo ilmadu ka hiqleedahay. Dhoolacadayntii baa mugdi u wareegatay. Ubadkii waxa ku saseen guuxii diyaaradaha. Iswaydiintii hadhyeelatay. Diyaaradahani maxay ahaayeen? Oo saddex diyaaradood bay ahaayen. Haah, mid baa hor kacaysay. Maxay yihiin, ma lagaranayaa? Waydiintii baa xadhkaha soo jabsatay. Hodan awood bay is biday, waa taa intay kabihii dacaska ahaa gacmaha ku soo qaadatay orod isku soo taabatay. Siday u soo ordaysay ayay Hooyadeed Racwi oo aqalka xagiisa hore Haweenay dhowr ah la taagan u timi oo faraqa ku dhegtay. Dadku waa wada yaabanyahay maanta. Hodan waxaaba waxaa u dheer dareenkii saaka ay iska dhex heshay. Diyaarad baa u soo noqotay guux aad ah samaynasa, duryamkii iyo qayladii baa meel isugu wada yaacay. Nin laf wayn oo gadh cas baa go’a kashmiira ka lulaya geed mirimira dushiisa. ”Waar ka xarooda, waa fadhi mayaalo.. Meesha iskaga carara. Ha sii eeganina qof walbow naftaada la carar. ” Alla naftu macaanaa, hubsiimihii dhimay. Dadkiina is aamini waa. Wakhtigi culus wax waliba way qiimo beelaan. Is beddelka murugada galbinayaa sugitaan ma yeesho. Diyaarad baa dib u soo noqotay marka uu ninku sidaa leeyahay, joog hoose oo xawaare leh bay ku soconaysaa, ninkii isagga oo aan geedkii weli si fiican uga degin ayay gantaalo culus qabadsiisay. Waa gantaal jugta uun ku qarxaya. Magaaladii bay marba gantaal meel qabadsiisaa, daarihii dhawaanta la dhisay ee bilicda tuulada ay isku tookhaysay ahaa ayay gantaalo culus ku bilbishay. Dad iyo Iyo duunyana wixii ku jiray ay ku goo go’een. Naf waliba way fakatay, jihadii ku beegnayd bay nafteeda ula carartay. Gantaalo qadiimiya ayay ahaayeen, dhulka inta aanay ku dhican toos baa loo arkayay iyagoo isa soo rogrogaya, ilaa ay meel adag ku dhacaan oo jugtaa baaruudu qaraxdo. Tuulada qaybta bacaadka ah ee tamuuxdu ku badantahay gantaaladii ku dhacay may qarxin.

Racwi intay Hodan gacanta ku dhegtay bay la carartay, xabaalaha tuulada iyaga oo sii ordayaya ayaa diyaraad kale gadaashooda madaxa kala soo kacday. Guux carcar leh bay kaga qawdhaminaysaa. Dadkii tuulada deganaa intii ordi karaysay oo dhan waxa ay u soo carareen dhanka buuraha. Waxa ka soo horeeya xabaalahii tuulada oo meel caris ah oo dimcadku ku badan yahay ku yaala. Marka ay dadkii xabaalaha la simanyihiin, ruux walbana uu naftiisa iyo ubadkiisa la carar is leeyahay ayaa diyaaradaasi giirka la soo kacday, halmar ayaa qoriga dheega kaga xidhani tacshiirad sidii qasabad biyo ah oo rasaas ah ugu rusheeyay maatadii meesha nafahooda la cararaysay. Racwi, markaasay naxdiintii soo ridatay. labaddii ruug dhulka ayay dhulka ku dhufatay. Hodan, ilmadu dhaban ayay ka shalalax leedahay, dhabankii godod yeeshay siday ilmadu u tiflahayd. Tacshiirad kale ayuu ku kala celiyay. Hooyo ilmo yar sinta ku wadata ayaa xabadii isaga dhex baxday, qaaqdii ilmaha yar baa dhanwalba u dhacday, qoriga codkiisuna dhawaaq xanuun badan ayuu samayayaaa. Alla axadkaasi arxamdaranaa, oo intuu xunyahay badanaa. Hodan iyo Hoyadeed weli tacshiiradu ma soo gaadhin, dadka hore ee anay weli diyaaradu gaadhin bay ku jirtaa, se waa ay aragtaa in aan dadkii waxna ka hadhin, magaaladii labadii diyaaradood ee kale ayaa u kala baxaya, oo ganataalada ku bilbilaya. Daarihii cadcadaa ee xaaji kaariye aroortii isagoo laabta ka qoslaya shaaha ku hor cabi jirey, maanta oohin bay gondaha la dhigteen. Daartii daawad oo diirka gantaal lagag qaaday baa ka soo qaawan dhankaa bidix. Afar talaabo oo talantaaliya ayaa Hodan iyo Racwi hore u qaadeen, markaasaa laba xabadood oo culculus cidhbahooda ku dhaceen. Hodan ayaa tacshiiradii labaad xabad ka saloolatay. Af gembi bay u dhacday. Diyaraadi markii ay tacshiiradii u danbaysay Hodan ku hubsatay ayay casiraad qurux baddan dusheeda ku samaysay, oo xagaa iyo dhanka tuulads u ekaatay. Cir iyo dhulba gibil madow oo fooxun baa isku daboolay. Nacaybkii baa daahyadiisa soo daayay. Habeen dam ah oo gudcur ah ayay arladii mar keliya wada noqotay. Fiin baa geed qudhaca oo maydkii Hodan u dhow soo kortay, halkaasay laxanka dhiilada marba dhinac u tuurtaa. Daruur culus oo madow baa cirkii isku jartay, dabayl qadhmuum oo urtii dhiiga dhan kasta ka soo aruurisay ayaa kor u kacday, roob culus baa uuro kaga kiciyay raqdii maydka. Daad wada dhiig ah baa mulucyeeyay, dooxooyinkii tuulada ku hararaysnaa ayaa suntii iyo baarudii ku fiday.

W/Q Abshir Umal (Mooge Mooge)

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here