Wacdiga fanka iyo waanada fannaanka! – Maxamed Dhaaley

Maxamed Dhaaley

Heesuhu waa hab ka mida hababka ay bulshooyinku isugu gudbiyaan farriimaha. Isla helidda miro, muusig iyo cod macaan oo xul wada ah waxa ay dawo iyo doogsi u noqdaan dareenka markaas horseeday habeynta iyo hagaajinta heeskaas, isla markaasna waxa ay dhaxal waara u noqdaan cid kasta oo uu waaya dambe dareenkaasi la soo derso.

Nin ay danta iyo duruufta noloshu dibriyeen oo dabar ku xireen ayaa waxa uu fadhiyaa meel waddo ah. Waxa uu gacanta ku haystaa dhalo uu qamri ku soo dhaansaday. Dadka jidka maraya ayaa uu isha la raacayaa. Cayaalka yaryar ayaa dhagaxaan xaggiisa u soo tuuraya oo caayna u raacinaya. Cirrooluhuna ka ma ay celinayaan e, qaarkood ayaaba qosol u raacinaya. Inta uu ilmeeyo ayaa uu cod dareen leh kula hadlayaa dadka. Waxa uu barayaa qofka uu isagu yahay, iyo waxa ku kallifay in xaaladdaas liidata uu ku sugnaado:

Anigoo han weynoo
Hebel lay yaqaanaan
Hawadayda raacoo
Haradii Iblayskaan
Anigoon harraad qabin
Ka hirqaday belaayo
Dadka hore u marayow
Danihiinna heybshoo
Qamri yaanu idin hodin

Dadkii goobta socday ayaa hal mar wada joogsanaya. Sidii codbaahiye damay ayaa mar qura wixii sawaxan baxayay wada istaagayaan. Dananka Muusigga ayaa noqonaya codka keliya ee la maqlayo. Ninkii sarkhaanka ahaa oo dharkiisa iyo dhogortiisaba ay ur iyo uskag isugu tageen oo aan waayo badan qubeys iyo quruxba arag, ayaa cod midkii hore ka sii dareen badan dhegihii dadweynaha ee xaggiisa dhuganaya ku dhibcinaya:

Sidii harag la qooyoo
Lagu huurshay meeloo
Hoos laga sameeyaa
Hadalkeygu urayoo
Haasawahaygaa
Sanka laga helaaye
Dadka hore u marayow
Danihiinna haybshoo
Qamri yaanu idin hodin

In yar ayaa uu aamusayaa. Tabar iyo taag badan oo uu ku sii hadlo ma haayo. Waa nin ay gaajo dhul-dhigtay oo dheefta la quuto iyo dhuuntiisu ay kala dheeraadeen. Markii uu wax xoogaa shib ahaado, ayaa uu cod hoose mar kale ku dansheeganayaa:

Hadhimada ma cuna oo
Ma hiraabto fiidkoo
Heli waayay soortoo
Waaberiga hiirtaan
Halka lagu tilmaamaba
U hogaansamaayee
Dadka hore u marayow
Danihiinna haybshoo
Qamri yaanu idin hodin

Mar qura ayaa uu sare-u-joogsi haweysanayaa, inta uusan labada lugood dhulka la helin ayaa uu itaalyaridiisa dhulka afka la gelayaa. Isaga oo halkii uu ku kufay kadallooba ayaa uu mar kale dareentebintiisii billaabayaa:

Anigaa hubsadayoo
Hordhacuu lahaa iyo
Hambadiisi laacee
Illeen waa hulleeloo
Hadba meel ku dhacayoo
Xusulladu I hoolmeen
Dadka hore u marayow
Danihiinna haybshoo
Qamri yaanu idin hodin

Dadkii hareerihiisa dhoobnaa, oo si dheygag iyo dhakafaar leh xaggiisa u soo dhuganayay, ayaa marka uu erayga ugu dambeeya afkiisa ka sii dhammaanayo, iyaga oo sii dhaqaaqaya, waxa ay hal mar ku wada qaylinayaan:

Dadka hore u marayow
Danihiina haybshoo
Qamri yaanu idin hodin

F.G: Qormadaan waa mala-awaal aan ka sameeyay hees uu hore u qaaday fannaankii weynaa ee Maxamed Jaamac Joof qaaday.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here