Qiiqii Ceelcad (1) – Cabdikariim Umal

Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gobloomin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraaradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunnaanadin!!

Bilowga iyo ballaysinka qormadeena toddobaadku ha inoo ahaato qayb kamidda Heestii caan baxday ee Hablaha Geeska Afrika curinteedana uu iska lahaa Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) luuqda iyo naaxiyaddana uu iska lahaa Khaliif Cismaan Cabdi (Sayid Khaliifa) Eebbe weyne cimriga ha u barakeeyo labadoodaba’e. Inkasta oo aan dhawaanahan udbaha u siibay ardaayadii aan ku lahaa Baraha Bulshada isla markaana aannu kala lunnay saaxiibbo badan oo daafaha caalamka ku kala sugan, misna ma mooganaan jrin xaaladdaha kala geddisan ee gudaha iyo dibadda, kuwaasoo intooda badan aan i seegin jirin. Dharaarrahan dambe waxaa si isdaba-joog ah usoo yeedhaya dhaqamo iyo dabeecaddo ugub ku ah ummadda aan afkooda wax ku qorayo ee Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood aan horay sheeko iyo shaahid loo noqon, qaarkoodna ay dhif iyo naadir ku ahaayeen Soomaalidii hore.

Aan indhaha ka qarsho kuwa la falgalay dhaqamada galbeedkee, waxaa sannadkii lasoo dhaafay dhegehaygu maqleen dhawaaq kasoo yeedhay magaalooyinka Boosaaso iyo Galdegob oo laba xilli oo kala duwan lagu kala kufsaday gabdho Soomaaliyeed. Labadaas dhacdo oo dhacay intii aan Baraha Bulshada ka maqnaa haddana waxa aan ahaa mid si dhow ula socday. Qormadeena toddobaadkan waxa aynu ku eegeynaa haweenku qiimihii ay ku joogeen Soomaalidii hore iyo kufsigu waxa uu uga dhignaa.

Haweenku Soomaalidii hore waxa ay ku joogeen qiima sare, dhaxdin iyo dhalasho midday doonto ha ahaatee. Taasna waxaad ku garan kartaa sidii gabdhaha loogu xididi jiray loona kala guursan jiray. Nin  aan xoolo tabcani guur ma maagi jirin ha ugu horrayso in uu geel iyo gammaan tabcadaaye. Nin walbaa waxa uu ku taami jiray inta uusan gabadh reer dhalay u ardaa-dhigin in uu dhaqdo xoolihii kolkaas gabdhaha laga dhiibi jiray. Yaraydka ayaa qiimo kalahaa geyiga Soomaalida, kolkaana ninba ninka uu ka sii guur dambeeyo waa in uu ka yarad bataa si aad uga kor marto ninkii ugu yarad badnaa, sidoo kale gabdhuhu waxay ahaayeen Danjire dahsoon oo xidid iyo xigaalo isku xidha. Waxaa kale oo dheeraa geella iyo gammaanka qoryo iyo hub wixii xilligaas la isticmaali jiray iyadoo labada dhinacba faan iyo tookh u ahayd Ina Hebla waxaan ka bixiyey intaas oo qori, intaas oo geel ah iyo intaas oo gammaan ah. Sidaas si lamidda ayaa reerka gabadhuna ay tookhi jireen in gabadhooda yarad caynkaas ah laga baxshay.

Waxaa ceeb ahayd gabadh la soo doonay oo aan yarad iyo gabbaati laga dhiibin, waxaa kale oo dhici jirtay ninkii gabadh soo doona ama gabadh la baxa oo loo diido ama laga soo reebaa in uusan hore u guursan jirin, xilliyo badanna waaba la arkay nin gabadh doonay oo loo diiday si loogu diidayba iyo nin gabadh lagala hadhay oo aan haasaawe iyo haween dambe dibnaha u kala qaadin. Waxaa lagu taami jiray in lala xidido reeraha degmada magaca ku leh sida cuqaasha iyo nin garboodka qabiilooyinka dhaqanka u qaabilsan. Habab badan ayaa gabdhaha loo guursan jiray, wallow ay aad u yarayd haasaawe sanooyin qaata iyo xodxodasho xilli badan uu ku baxo.

Guurka hidda raaca ayaa ahaa mid aad u calanwanlayn jiray iyadoo xagga aabbaha iyo xagga hooyada laga tixraacayo. Inta bandanna waxaa dhici jirtay in gabadha hooyadeed lagu sifeeyo oo kolkaas amaanta wacan ee hooyadeed degmada iyo beesha ay ku dhex leedahay lagu doono. In badan ayaa loo soo joogay gabadh muuqeeda iyo maqalkeeda aan la aqoon magaceedase inta lasoo helay, kartida, kasmada, quruxda, dhaqanka, iyo dun wanaagga hooyadeed lagu soo haybshay. In badan ayaa goor gabal gaab ah laga soo dul dhacay reero kolkaas uun xoolihii usoo hoydeen oo war ma qabto ah, dabadeedna sidii caadada ahayd halkeer meela inta gole dugsoon looga dhiso lagu sooro kolkaasna ragga wixii qaangaadh ah ee reerka joogaa ay martida iyo socdaalkooda kasoo war bixiyaan. Haddii raggu goortaas rag odayaal ah oo duubab xidhan ay u badan yihiinna waxaa iska caddaan jirtay in arrin dhaqan ay u socdaan, kolkaasna halkaas lagu kala war qaato.

 

Haweenku waxa ay kamid ahaan jireen waxyaalaha raggu isku laayo ee qabiilooyin badan ay isku qoonsadaan. Inta la ogyahay waxaa dhacay goobo badan oo rag badan qudha looga jaray sababteedana ay haweenay lahayd. Sodoh cay iyo foolxumo loo geysto, gabadh la dhaco, afo nin u doonanayn oo nin kale doono, gabadh la aflagaadeeyo, xaas si dhaqanka ka baxsan loola dhaqo iyo gabadh la kusafo ayaa laga xusi karaa asbaabihii haweenka la isugu layn jiray, dagaallo lagu riiqmana horseedi jiray. Malahayga dhacdooyinka la xasuusto kuwooda ugu xasuusta badan waxaa laga xusi karaa Tafadhiig, Qiiqii Ceelcad iyo Salaado Xasan, wallow ay jiraan kuwo kale oo geiyga Soomaalieed lagu xasuusto.

Haweeney la odhan jiray Samawada Axmed Siciid xilli dambena loo baxshay Tafadhiig ayaa ka mid ahayd dhacdooyinkii dumarku sababtooda lahaayeen ee xasuusta aan maydhmin laga qabo. Hillaaddii 1880meeyadii xilli lagu qiyaasay ayaa nin la odhan jiray Faarax Afxakame waxa uu ka dhacay gabadha la odhan jiray Samawada Axmed Siciid nin ay isku tol yihiin ayse kala jifi hoose yihiin oo la odhan jiray Cali Duulane. Gabadhaas la kala dhacay waxaa ka dhashay sheekadii Tafadhiig la baxday ee caanka noqotay.

Abwaanno badan ayaa gabayo ka mariyey dhacdadaas waxaana kamid ahaa Abwaan la odhan jiray Aadan Axmed Dubbe oo Gabayxoog ku magac dheeraa intii u dhexaysay 1845kii illaa 1920kii noolaa. Wax uga dan ah iyadoon la aqoon ayuu ninka gabyaaga ahi dab belbelaa, wuu shidaa oo weliba shiddadii keentay ayuu buunbuuniyaa. Ha joogo deegaanka dhibku ka dhacay ama haka dheeraadee waa kii soo marsha gabayo isku dir ah oo uu ragga utunni dhextaalo kolkaa dirir ku gelinayo, sidii uu iyaga la hayb yahay ayuu usoo hadlaa, dab aan demin ayuu ololshaa, dabadeedna wixii ka dhici lahaa ayaa ka dhaca. Aadan Axmed Dubbe (Gagayxoog) waxa uu tirshey gabay kicin iyo guubaabo ah oo uu dhiigga ku kicinayo ninkii naagta laga dhacay waxaana kamid ahaa gabaygaas:-

Geel waa la kala xoogsadaa, xubin rag weeyaane
wax xiniinyo go’ay xilo ninkii, laga xeraystaaye
Xog ma mooga nimankii fadhiyey, xeradi Beereede
xambaarada ku taal Reer Jibriil, xiiran timihiiye
Cali wuxuu la xadantoonayaa, ximay ku oodeene
Xalwo timira xeedhyaha barnida, malab xawaar dhaaf ah
Dhibaaddii la soo xulay taniyo, xoonkii Habar Yoonis
xubno jeedaleyeey Faarax saw uma xalaaloobin!!!

Sheekooyinka kale ee caan baxay waxaa kamidda sheekadii Xasan Xirsi Dalal oo Xasan-mataan lagu naanysi jiray markii dambena Mataan-ciiddeed la baxay iyo Salaado Xasan oo mar afadiisii noqotay. Mataan-ciiddeed waxa uu ahaa nin kibir, qab, isla-weyni iyo amar-ku-taaglayn badan, dhulkii ciid loo yiqiinay iyo aaggii uu ku noolaana aad looga yaqaanay. Wuxuu doonay Salaado Xasan oo uu xoolo badan iyo yarad ka bixiyey, hase yeeshee halkii la sugayey in uu gabadha la wareego oo dhisto ayuu arrintii gabadhaba ka dan-baxay oo muddo laba sanno iyo dheeraad ah iska maqnaa. Isagoo tilmaamaya in uusan la wareegidda gabadha iyo dhisiddeeda ujeedin waakii lahaa:-

Soonka iyo soonkiis haddaad, socotadey weydo
Iga samir Salaadoy Illaah, nimuu ku siiyaaba!

Xasan-mataan waxaa lagu khasbay in uu gabadha dhisto oo reerkooda kala wareego, hase ahaatee wuxuu ku kacay sheeko aan oday ka sheekayn oo wuxuu xaaskiisii ku yidhi:- ‘’Waxaan ahay Mataan-ciiddeed oo ragga ayaan Boqor u ahay, adna waxaad tahay Salaado-ciiddeed oo dumarka ciid jooga ayaad Boqorad u tahay, mar haddaynu Boqor iyo Boqorad nahay, say iyo afadiina waa nahay balse isma taaban karno, jidhkeenuna isma soo gaadho. Haddii muddo qaabkaas gurracan loo wada noolaa anfacada la wada cunayey hab dhaqankaas waxaa saluugtay Salaado, gurigii Mataan way ka tagtay reerkooduna arrintaas waa ka war qabay. Odayaashii ay Salaado ka dhalatay waxay ergo ugu tageen odayaashii Mataan-ciiddeed waxa lagu ballamay in gabadha laga furo Mataan muddo kadib kolkii in badan la isku murugsanaa Xasan-mataan Salaado waa furay. Jeer dambe ayaa Salaado lasoo doonay, waxaa soo doonay nin la odhan jiray Axmed Buraale, maalin maalmaha kamidda ayuu Mataan gurigeeda ugu galay Salaado kolkaasaa warkii la isu weriyey, isla xilligaas ba Mataan waxaa laba waran kelyaha ka kala geliyey laba wiil oo Salaado la dhashay oo wixii hore ee uu Mataan yeelay iyo waxa uu hadda falayo u dulqaadan waayey.

Sidaynu soo sheegnay marka ay dhacdo noocan ahi dhacdo waa laga gabyi jiray, dhinacyo bandanna waa looga gabyi, mashaqada dhci doonta iyo dhibta soo feel leh baa nin gabyi jirey, nin kale dilka dhacay waa ku faani jirey, nin kale hanjabaad ayuu soo diri jirey, nin kalena dhiigga ragga. colaadda iyo dirirta ayuu ku subkan jiray oo iyadoon faa’iidada uu ka helayo la garanayn ragga warmaha isugu lisi jirey. Waxaa gabay isku dir iyo guubaabo ah soo marshay Aadan Axmed Dubbe (Gabayxoog) oo sidaynu soo aragnayna Tafadhiig kasoo gabyey. Isagoo dab kusii dhex shidaya labadii reer ee dilku kala gaadhay af labadii soo qayshey, wuxuu iska dhigayaa in gabal ku dumay isaga gudcurna ku dhashay, guubaabo aan qarsoonayn iyo dagaal gelin ayuu muujinayaa. Abwaanku marka uu gabayga soo tirinayo waxa uu joogey Cadan, wuxuuna yidhi:-

Gooshaashka dhow bay safruhu, gelin baxaayaane
Garduur nimanka tegayoow farriin, gaaban iga geeya
Nimanbaa Mataan gowracoon, geed xadhaadh bixine
Ma gaadine gadiid maalinay, gabax ka siiyeene
Gadhka dhiigga waxay ugu dareen talo ay gooyeene.

Geyi lagu dhaxaabuu ahaa, geed ay jebiyeene
Anba waan galiilyoonayaa, garashadiisiiye
Alla gaariduu qabayna sow teer, ganba cad maaha
Haddayse geeri kaga yaabayaan, garan ma saareene
Goblanyaye muxuu Yuusuf xoday gool u qalan waayey
Galliin lagama roonee muxuu gaas u bixin waayey!!!

Colaad xun ayaa ciid ka aloosantay, Mataan waa loo aaray, oo waxaa loogu aaray Cali-dhan oo loo arkayey in uu yahay ninka keliya ee Mataan-ciiddeed lagu illaawi karayo, kolkii loo aaray ee warkaasi guryihii yimid ayaa nimankii Mataan la dhashay gabyeen waxa ayna ku gabyeen gabay ay tuducyadani kamid ahaayeen, aniguse aanan helin ninkii tiriyey:-

Kufoow Ina Dubbaa nagu kashifay kooski Cadan weyne
Hadalkii na soo wada karyoo kuu na yidhi yeelnay!!!

Dhacdooyinkaas inta badan geyiga Soomaalida ka caan baxay ee sababtoodana ay lahaayeen dumarku aynu intaas ku dhaafnee waxaa iyana jirtay fal la isku laayo oo rag badanni ay ku naf waayaan. Kufsiga loo geyso haweenka ayaa isna ahaa fal foolxun oo laga dhiidhiyo, ninkii haweysta in uu gabadh kufsadaana uu lama arag lama maqal la kulmi jiray.

Waayadii hore dhaqanka Soomaalida kufsiga laguma aqoon, aad buu ugu yaraa haddii uusan dhif iyo naadir ku ahaan jirin ba. Inkasta oo aan tuke cad inta badan la arag haddana Soomaalida dhexdeeda waxaa caado u ahaan jiray kolkii tuke cad la arko in la maqlo gabadh baa nin meel hebla ku kufsaday. Ninkii kufsi ku kacaa kuma badbaadi jirin haddii uu ku badbaadana wax takooran ayaa laga dhigi jiray oo bulshada kuma dhex noolaan jirin. In gabadh reer dhalay lasiiyaa ma dhici jirin, golayaasha lagu haasaawo iyo garoomada ciyaaraha kama soo muuqan jirin, dayac iyo darxumo ayuu meelahaas kula dibboon jiray. Kasokow xigtada gabadha uu kufsado oo uu dil iyo deelqaaf kala kulmo’e, wuxuu sidoo kale hiif iyo haaraan ka mudan jiray inta isaga ugu xigta oo qoyskiisa oo reerkoodu ugu horreeyo, sidaas daraadeed kufsigu wuxuu ahaa caado xun oo ku kiciddeedu uusan sahlanayn in laysaga dulqaataana ay aad u adkayd. Akhriste waa inoo qaybta xigta iyo Sheekadii la baxday Qiiqii Ceelcad oo aad u xiisa badan !!

Tixraac: Buugga Hilimada Maansadii Hore II ee Aw Jaamac Cumar Ciise iyo xoggo lagu kaydiyey barta Internetka.

W/D: Cabdikariim Umal (Jeen)
Jeendheere10@hotmail.com

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here