Bulsho Jahowareer ku Dhacay – Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

In badan saw dhegahaaga kuma soo dhacdo ayada oo lee yahay, si la doona ba ha loo ga hadlayo e “bulsho heblaayo,”? Marna maankaaga ma ku soo dhacday wayddiin odhanaysa “horta bulsho waa maxay? Bulsho ma qabiil baa? Ma qaran baa? Ma qoys baa?” Bulsho koox dad ah, inta ay doonaan ba ha leekaadeen e, oo dhul ku wada nool baa ay ka curantaa, taasi oo xidhiidh ku dhisan jid iyo habraac nololeed oo loo wada dhaqmo, qiyam iyo xeerar faldhaqankooda hannaaniya iyo iskaashi dhinac kasta ba ahi ka dhexeeyo, ama ba aynnu nidhaahdo innaga oo macnaha meel dhaw ka soo qabanayna: bulshannimadu waa isku noolaansho iyo isu noolaansho aan ku dhisnayn qolaysi qabiil oo dad meel ku wada nool ka dhexeeya! Maxaa aan u idhi “aan ku dhisnayn qolaysi qabiil?”, jawaabtu waa mid fudud, haddii ba la isla garanayo oo, is-sheegashada dadyowga qabiil ka wada tirsani kama unkanto deegaanka dhulka ay wadaagaan iyo wali ba baahida wada-noolaanshahoodu illaa xad iyo baaxad inta ay leeg dahay; waxa ay se ka unkan tahay abtiriin oday la yidhi waa la gu arooraa dhanka meelkasoojeedka oo la yidhaahdo hebel. Si kale ba, aan u dhigo e, iyada oo gaaban, is-sheegashada qabiil kuma dhisna dadnimo, mana xeeriso taas, ta bulshannimo se, heerka dadnimo iyo isu hilowga dadnimo iyo bulsho ahaan baa ay tahay oo weynaysaa.

Bulshannimadu haddii ay tahay isku xidhnaanshaha nololeed ee dadyow meel ku wada nool, iyada uun baa dal iyo dawlad noqota oo haayado shardajineed oo la gu kala baydho samaysata iyo waliba kuwo maamula oo hadba wixii noloshoodu ka maarmi waydo ee ay dajistaan ee xeer ah ku kala haga. Waxa ay noqotaa bulshadaasi mid danteeda guud iyo waxa u yaalla ka tashata illaa heerka nolosha oo yeelata urursami ku dhisan hadba sida xirfad-nololeedda dadku isu gu dhaw dahay oo waxa ay yeelataa urursami hoose sida: kuwa gaadiidlayda, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada, beeralayda,  iyo wixii la halmaala ba u samaysan.

Bulshannimadani, qofkastaa ba inta kale baa ay noloshiisu ku xidhan tahay oo uu u baahan yahay, baahideeda guud na waa mid, xalkeedu na, waa mid.

Dabcan, sida aynnu u nool nahay ba, bulshadaas aynnu tilmaanay waa ay u samaysnaan kartaa habka qabaliga ah ee abtirsiinta reer hebel, laakiin waxa aynnu isku noolaan iyo isu noolaan ku tusaalaynay taasi waxba kama galin. Tusaale ba haddii aynnu fiirino isku xidhnaanta nolosha dadyowga magaalooyinkeenna waaweyni ma ku xidhan tahay habka qabaliga ah? Magaalooyinka dad aad u badan oo isir iyo qolo kasta ba leh baa ku wada nool. Waa magaalooyin qof waliba dego, dhan kale na, qof waliba qof kasta oo kaleeto ayuu rabaa in uu wax ka gado oo ay noloshiisu ku xidhan tahay. Dhammaan wax baa la iibinayaa: mid shay iibiya, mid aqoontiisa iibiya sida dhakhtar iyo aqoonyahan, iyo mid xooggiisa iibinaya sida kuuli iyo wastaad. Aqoonyahanku dadkuu wax ka iibinayaa oo aqoontiisa ayuu u ka iibinayaa, dadku na, wax baa ay ka baranayaan oo waxa ay ka iibsanayaan aqoon!; hadda ba, dadkaasi aqoonta u baahan iyo aqoonyahankaa dad uu aqoon ka iibiyo u baaahan, isu baahnaantooda nololeed mooyaane miyay reerhebelnimo isu keeni karaysaa? Dhakhtarku dadkuu u baahan yahay, isna u baahan oo uu dawaynayaa, miyay ku shaqo yeelan kartaa qolohebelnimo? Waa sidaas oo xataa kuuligu halkii uu masruufkiisa ka helayo ee shaqo u taallo buu u baahan oo aan qolo ku xidhnayn. Noloshani bulshannimo qabiil kuma xidhna oo mid aad isku qolo tihiin iyo mid aydaan dhanka reerhebel isbixin ba isku si baa ay noloshiinu isu gu xidhan tahay oo aad isu gu baahan tihiin.

Hadda ba, mar ba dadku waxa ay yihiin baa ay hoggaankeeda u baahan yihiin, oo bulshaynimadani hoggaan mid ah oo si mid ah danaheeda oo mid ah u ga shaqeeya baa ay u baahan tahay oo lagamamaarmaan ah; hoggaanku na, sidiisa ba, waxa dadkiisu yahay baa uu u dhigmaa. Waa ta Cumar iyo Cali , Ilaahay raalli ha ka ahaado labadaa saxaabi e, midkood la ga hayo hadal u micne dhaw “hoggaanku waa camalkii dadka oo la isu soo ururiyay; Ilaahay kuma imtixaano hoggaan wanaagsan dad xun, ama dad wanaagsan hoggaan xun.”

Dadyowgu waa kala heer. Waxa jira wakhtiyo ay dadku garan waayaan waxa ay yihiin ayna sidaa darteed, garan waayaan hoggaanka ay u baahan yihiin ka uu yahay. Waa marka dadka uu ku dhaco xanuunka jahawareerka ama jaho-habowga la yidhaahdaa oo is ahaantooda, danahooda iyo aayahooda ayaa ay garan waayaan ama ba ay si qaldan u fahmaan. Waxa waxwal oo mideeya bulshada, marka jirrada jahohabawgu ku dhaco ka indhosaaba is-sheegashada hoose ee reerhebelnimo, dabadeed na, waxa ay noqdaan umad isaqoonsan wayda ama ba dheh isgaran wayda oo wixii ay doontaba, qolo wali ba, magaca reer hebel ku raadiso. Xidhiidhka isku xidhnaanta nololeed ee bulshannimo ayaa furma, dabadeed waxa xoogaysta isu hilowga tolliimo ee aanay ahayn in bulshadan uu boos u ga bannaanaadaa.

Waa heerka umaddeenu taagan tahay wakhtigan oo umad ahaan iyo abtirsiin qaran ahaan ba isu garan maayaan; danahooda iyo hoggaankii ay u baahnaayeen na garan maayaan oo tallaabadii ay qaaddaan ba khasaare ayaa ay u ga dhaadhacayaan.  Qof waliba wuxuu isu arkaa qolo reer hebel la yidhaahdo oo danaha qarannimo ahaan u ga dhexeeya ee aanay ku kala maarmahayn ma arkaan. Waxa uu qof waliba moodayaa  in danaha noloshiisu reerkiisa ku xidhan yihiin. Waa taas sababta uu qof waliba u doonayo hoggaan reerka uu ka dhashay ah oo dawladda qabsada, haddii aanu qabsan na, waxa qof waliba ku doodaa in uu saami weyn ku yeesho hoggaankaa aan reerkoodu qabsan. Hadda in uu magaca reer hebel qof ku abtirsada hoggaanka la doonayo ma ah e, dan kale oo uu asagu xataa garanayo in uu qofkaasi reerkooda gaar u siinayo oo dadka reer hebel qof walba meeshiisa ku soo gaadhaysaa ma jirto; waxaa ba la ga yaabaa in uu qofkaas uu reerhebelnimada ku doortay isaga dulmiyo oo dantiisa, xaqiisa iyo xuquuqdiisa ba duudsiyo, waa na sida dhacda inta badan malahayga.

Bulsho bulshannimadooda reerhebelnimadu dhexgashaa qaran iyo dawlad toona kama dhaxayn karo, uma na dhismi karaan, haddii ba uu jiro wax ay qaran iyo dawlad ku magacaabaan sida teena Somaliland oo qarannimada iyo dawladnimada ay sheegataa qolfoof madhan oo qabaa’il dhexyaalla buu ahaadaa oo kolba qolo qabsanayso, kuwa kale na, dibadjoog ka yihiin oo dabada hayaan si aanay u kicin, ilayn reerhebel kale ayaa hoggaanka ku fadhiya e. Horumar iyo in deegaan kastaa dhismo, qof waliba na halkiisa xaqiisa iyo xuquuqdiisa muwaadinnimo ku helaa na waa mustaxiil.

Waxa ay bulshada noocan ahi, markasta u gu jirtaa halis in ay dunto, oo inta yar ee wadadegenaanshaha qabaa’ilka ka dhexeeyaa uu meesha ka baxo; waayo reer hebel wax ma wada yeeshaan ama ba dheh kama wada dhexeeyo e, wixii iska gala kolkaba waa ay la kala baxaan. Waa dhaqanka reerhebelnimada kaasi oo qolo wali ba, qolada kale ayaa ay waxeeda sidii ay u soo dhici lahayd falawgeeda ku jirtaa; oo haddii beryihii hore qabaa’ilku geela kala dhici jireen, maanta waxa halkii geela ku jira manaasibta dawliga ah ee bulshada oo sidii geela loo kala dhacayaa, sidee ayaa uu markaa qabaa’il qarannimo iyo dawladnimo  u ga dhaxayn karaan? Waa sinna ba.

Waxa aanan ka shaki qabin in run kasta oo mawduucan ku saabsan aanu daah ka saarnayn qofkasta umaddeena ka mid an, bal e, ay wada yaqiinsan yihiin, qof wali ba na, kolka ay hadal gole joogto uu ka ga hadlo. Immisa ayaa aad gole dhalinyaro ama mid waayeel ama ba madalo munaasibadeed ka maqashaa iyada oo afka la gu ballaadhinayo in inta aynnu qabiilka iyo qarannimada isku dhexwadno horumar qarannimo oo umadeed inaga dheer yahay. Waxaa ba la ga yaabaa inta markasta ku fooggan dhaqanqabiileedka in aad kolka ay hadal gole joogto ka maqasho sidaa!

Kolkasta oo xilli doorasho soo dhawaaado ayaa hadalkasta oo xaqiiq ah oo qofkastaa ba ka garaabayo la illaawaa, qarannimada iyo dhismaheeda waxa keeni kara iyo waxa umadeed ee dadka ka dhexeeyaa sida uu ku qumi karo ba waa la illlaawaa, dabadeed na, qof waliba muraayadda qabiilka ayuu si otomaatik ah u gashadaa. “Haddii aynnu reer hebel nahay waa in aan reer hebel inaga guulaysan e, aynnu innagu qabsanaa xukunka,” ayaa qolo wali ba si hoose isu tidhaahdaa, si calan ah na marmarka qaarkood afka loo gu ballaadhiyaa. Waa taa dabadeed qarannimadu noqotay laf dhurwaayo  dhextaalla! Qabaa’ilku waa sida waraabayaal, qarannimadu na haddii ay noqoto mid qabaa’il dhextaalla, waa sidii laf waraabayaal dhextaalla; bal sawiro laf waraayaal la gu dhextuuray?

Xanuunka jaho-habawga ama jahawareerku qofkasta oo umadeena ka mid ah halkiisa ayuu ku indhotiraa oo sida aynnu soo xusnay, qof waliba dantiisa, ta qarannimo iyo dawladnimo iyo waxa bulshada uu la nool yahay ee kala duwan mideeya ayuu illaawaa oo waxa uu u tafoxaytaa magaca reerhebelka uu yahay qof ku abtirsanayaa sidii uu u gu soo dhici lahaa waxa umadeed ee dadyowga ka dhexeeya, tookh iyo faan af ah buu dabadeed la istaagaa oo in reerhebelkiisu jabiyay reerhebellada kale ayuu af labadii ku doodaa kolka danbe na. Waxa qof waliba illaawaa duruuftiisa, ta qoyskiisa, deegaankiisa, ubadkiisa, qarannimadiisa, waxa uu illaawaa waxa waajibka ku ah si intaasi ba horumar magaca muwaadin iyo dal u gu wadagaadhi lahaayeen. Waajibkaasi oo ahaa inuu u istaago doorashada hoggaan intaa ba, isaga iyo muwaadin kasta oo dalka kula dhaqan, horumarintooda ka shaqayn kara. Waxa qofkaasi markaa qolonimo ku garabi-istaagaa hoggaan xun oo qaranimadiisa, dantiisa iyo ta umadda ba in uu u ga daro mooyaane aan wax u tarin. Hoggaan baa taga, mid kale na wuu yimaaddaa iyada oo umaddu halkeedii taagan.

Waxa la yidhaahdaa gabyaagii weynaa Mutanabi baa qarni fog caashaq dhimasho ah u qaaday gabadh, iyadii na garaqshiiyo ka waayay. Isaga oo ladhka dareenkiisaa cabiraya buu gabay ku yidhi bayd Af Soomaali ku noqonaya:”Gacallayaal, aniga ka hor miyaad aragteen qof la dilay oo u ooyaya kii dilay jacaylkiisa?!” Jahohabawga iyo Jahawareerka umaddeena isaqoonsi la’aanteeda abtirsiinta qaranimo sababay, waxa uu keenay in yar illaa weyn, umaddu ka tagi waydo reerhebelnimada aan qarannimo ku qumi karin in ay ku dunto mooyaane; dabadeed na maanay umadda reer Somaliland ka dhignayn, sidaa Mutanabi, umad dibudhacsan dhan wal oo aad eegto oo hadda na u ooyaysa, in ay ka tagto na aan oggolayn waxa dibudhaca u gu wacan ee horumar umaddeed iyo mid qaranima ba ka hortaagan?! Cabdi Yuusuf Xasan (Cabdi-Dhuux) Deellaydiisii waxa ka mid ahaa:

“umad yahay wax kuu daran
Iyo waxa dantaada ah
Haysku darine kala daa
Qalbigaaga daahiri
Damiirkiinna weheshada
Dawga toosan wada mara.”

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: ccaaden@gmail.com
Kampala, Uganda.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here