Dhambaalkii Dilaaga – Abshir Umal ”Mooge”

Mooge

Meeel shishe oo ceelka xoogaa u jirta ayay ayay geela ku horayaan Diraac iyo laba nin oo walaaladiisa ah. Waa Qaasim iyo Kaahin. Dhankaa bidix ayuu geelka ka horayaa, waxa ay sugayaan ceelka ay geela ka waraabin lahaayeen. oo niman kale oo ay kala jifi yihiin ka cabayaan. Waa abaar, cirkuna waa qaawanyahay qoraxdana halkan dhaw baa la keenay, dhididka dhafoorka qalalan ee Diraac ka soo dhaqaaqa ayaa cagahiisa jeexjeexan ee safanka wayn ku degaya. Inta neef raqdii sii foolxun uu fuursan baliga dhinacyadiisa ayaa dabayl kululi inata ay dhinacyada ka soo gasho marba dhan u kicinaysaa, markaasaa kulaylka cadceedu wejiga ka leefayaa Diraac. Go’a calalka ah ee boodhka wayn ee uu wato ayuu madaxa ku duubanay, haddana iska furayaa markuu urtiisa u adkaysan waayo. Daal badan iyo cadho ayaa wejigiisa isku mar ka soo wada baxaya, kolkaasuu candhuuf is jiidanaysoo qadhaadh oo foolxun hortiisa ku tufayaa, dabadeedna janbalka indhala-qaadkii ka qaadmay hoostiisa ku cadiijinayaa. Geeska uu geela ka celcelinayay mooyaane dhanka kale ayaa hal irmaani ka dhababacaysay, oo xaga ceelka isu maqiiqday.

Ul madheedh ah oo qoyan oo uu watay ayuu kala daba orday. Hashii oonkii baa dhinbiil kulul beerka kaga haya e’ siday u soo dhababacaynasay ayay Ceelkii afkaga shubtay. waa hal baratay ceelka ay ka cabi jirtaye ceelkii oo ragiii kala aan weli geelu uga fulin bay ku soo dhex dhaxday. Culayska tayuubka iyo milicda feedhaha qalalan ee aad mooda inay qaaxadu ku raagtay ku dhacaysa ayaa Warfaa neef culus iyo hiinraaga aarka oo kale ah ka yeedhsiinaysa. Isaga oo tayuubka sii walwaalaya ayaa hashaasi mar keliya sida nabar la soo tuuray darkii ugu soo dhex dhacday. Warfaa waa ka inta oo qaar la kuday laba xanuun kulul ku rogay. Inta ay ololkii cirkaa ku shareertay ayay dib u booday is cuncunaysa. Diraac oo ushiisii madheedhka ah hashii kala daba haliilaya ayaa soo gaadhay, ninkii Warfaa oo hashii irmaaneed sarwaameeyay. Inta uu cadho jiq noqday oo uu gacanta midig ushii ku qabsaday ayuu isagoo Warfaa indhaha ku gubaya ku soo dhaqaaqay. Haddalkiiba ku istaagay cadho awgii, jidhkiisu meel la saro ma leh, indhihii baa mar qudha kabbo dhiig ah u ekaaday.

-Waar hasha maxaad nooga u dhangdaynasaa? Ayaa diraac ku yidhi warfaa isagga oo indhaha kaga bidhiqbidhiqsiinaya. Warfaana qudhiisa cadho hor leh buu ugu warceliyay isaggo is qamandhicinaya oo qoorta dadbaya.
-War intaanu dhangadayno ayaanu weliba sutida u qabanaynaa.
-Ma adigoo ina hebel ah baad sidaa i leedahay? Oo aad waliba geelayagii dhanagdaynasaa?
-indhahaaga oo shan ah baan dhangadaynayaa waar.
-Washeesi washeesi dhalay baad tahaye, hadaanana laba kuu kala jarin.

Tooray maaraysatay oo dhinacyada ka xoqontay buu iska soo jaray Diraac, oo dabadeedna Warfaa oo aa weli haddalka ka bixin dusha kagala yimi, oo halkaa jeeniga hortiisa kaga xareeyay. Jabaadkii warfaa iyo taahii buu haddnaa mar labaad u celiyay oo caloosha kaga soo riday. Kolkaasuu jirjir cadka u dhacay Warfaa sidaasayna aguugtay. Mar keliya ayaa hadhkii geedka gobka ah ee ceelka agtiisa ka taagnaa ku soo wareegay, oo aamuskii fiday. Hashii baa foosta gobaladii geelu ku cabayeen si naxariis leh uga dheregtay, kolkaasay faruurta ka dul ruxday raqdii warfaa oo hadh madowi dusha kaga soo dumay. Dhiiga qabow ee suulka dushiisa ka soo dareeray iyo culayska gacanta ayuu Diraac ku miyirsaday. Dareen culus oo wayn baa dubaaqiisa soo koray, kolkaasaa welwel lagu taagay. Tooraydii oo gacanta midig weli si baar la’a ugu laalaada ayuu ku dul fakeray. Raqdii Warfaa oo hortiisa taal baa nabar wadnaha kaga taagan ku noqotay, wejigiina qalfoof madow oofoolxuni isku dahaadhay.

Qawdhanka iyo carcarta ragii kale ee Warfaa walaaladii oo ablayda la soo qoodhaadhaya ayuu ku soo miyirsaday. Inta uu tooraydii iska tuuray ayuu cagaha wax ka dayay. Suryadii ugu dhawayd buu ku laabay. ilaa uu naftiisa yaree fulayda ah ku hubsaday hayjad waaqla ah halkaasoo codka shinbiraha mooyaane cod kale ka baxayn. Naftan yari fulaysanaa oo welweli ogaaa. Durba waxuu isku qaaday inuu ka fekaro ficilkuu sameeyay iyo sababtii ku kaliftay. Markaasoo dareen yar oo gabaabsi ah iska soo dhex qabtay. ” Ninku sow hashii dhamayd ee geelaba ka irmaanayd muu dhangadayn.?…Bagga, eyga eyga dhalay. ” .. Haddana naxdin baa mar keliya isku soo taagtay, markaasuu isaggoo dhanba qaboobaa. Mar kale ayuu dib ugu noqday inuu xaalada uu ku jiro ka fikiro, haddana baqdin hor leh buu ka sii qaaday xasuusta ficilkuu sameeyay. Isaggoo gacantiisa dhiigu ku qalalay eegaya oo argagax ka muuqdo ayuu cod hoose oo diniiq ah iskula hadlay ”Ma ajal dhan baad goysay? Alla oo ilee maandhar baad tahay.. ” Macnaha dilka waxa uu u yaqaanaa geesinimo, waxa uu isku halaynayaa falkii uu galaal berigii dhawayto sameeyay. Galal waxa uu dilay inaadeerkii, oo uu xabad cas salaanta kaga jiiday, dilkiina kibir iyo qooq uun buu ka sii qaaday. Deegaanka oo dhana magaciisa iyo xabada ayaa isku si ugu wada fiday. Xabaddii meel ka dhacdaba waxa loo aanayn jirey Galaal. Sidaa daraadeed, xasuusta uu galaal soo xasuusto ayaa hootada laabta kaga taagan ka jaraysay. Xasuustu sideedaba waa daaqad marba neecowda aad doontid aad ka qaadan kartid. Marbaad Murugo iyo uurkutaalo xanuun baddan ay ku gelinaysaa, haddana sanqadha wareega ee xasuustu samaynaso ayaa dhadhan macaan kuu samaynaya. Alla macaanaa, oo hadana qadhaadhaa.

Jeexa ceelka sabarkaa bari ka saaran ayuu sii xulay, sidii u ordayay ee uu wadnaha farta ugu hayay baa qoraxdii godkeedii gashay, habeenkiina daahyadiisii soo rogay. Waa ay cidlo ah oo abaarta bilowgeedii laga hayaamay, jabad oodo dhamac ah leh ayuu dhexda u galay halkaasuu habeenkii oo dhan marba jabaq dhagaystaa. Koorta geela mayracaya fiidkii ayaa dabayshu marba dhan kaga keentaa kolkaasuu naxariis ka dayaaoo wheel is moodsiis ah laabta ololaysa ku habaa. Markaasuu jidh dubaaxiya oo dhidid waawayn oo qabowi dhabanka soo taraaraxaa. Sidiisaba waxa uu ahaa Diraac ruux wanaagsan oo qoyska oo dhan ka dabeecad duwan, aabihii bile waxa uu ahaa nin dabeecad qalafsan leh, oo cadhadu indhaha ag ka saarantahay. Indho kulul sidii inay aakhiro ka soo jeedaan ayuu dadka ku eegi jirey, waa nin maag iyo adyad miidhan ah. Hasa yeeshee kama dhaxlin dabeecadaa abihii, weligiiba Diraac waa u ka garaabi khaladka uu galo. Dabeecadaa wanaagsan ee uu qoyska kaga duwanaa ayaa uu aabihii ku colaadin jirey. Waxa uu jeclaa inoo dabeecadiisa oo kale yeesho. Maalin dhawayd Diraac kuray yar oo geel jire ah ayay lagdameen, dabadeed Diraac ayaa laga xoog batay oo dhulka la dhigay.Qoyskii ayuu warkii gaadhay. Maalinkaa Bile aad buu u xanaaqay. ”War wuxu jilicsanaa. Ballanka ilaahay cad naageed buu leeyahay. Siduu isaggoo inna Bile ah wiil yar oo geeljire ah, oo weliba laangaab ahi u legdaa?.. War caanaha geela ilee bilaash baad u dhantaa. ” Diraac oo horfadhiya ayaa Bile sidaa maaga ugu daldalaa. Hadhuubkii uu caanaha ku cabayay inta uu ciil iyo cadho hayn kari waayay ayuu dhulka si xoog leh ugu dhuftay kolkaasuu intuu raarta isku qaaday dhebi wayn oo shan iyo sodan ah kala soo baxay. Maalinkaa siduu ayda u wareegay oo marba geela sumadiisa eegayay bal inuu geelii kii yaraa noqdo ayuu ka soo quustay. Diraac, maalinkaa aad buu welwelay, waxa uu ka naxsanaa ficilka uu samayn doono raadka uu reebi doono. Timaadadada madow ee uu maalmaha ku xardhi doono. Runtii waxa uu ka qoomameeyay dareenkii nacasnimada lahaa ee guubaabadii Aabihii ku dhaliyay. Maalinka waxa uu garwaaqsaday inay Laandheeranimadu tahay, asalka ficil kasta oo la quudhsado. Bal eeg, ajal dhan buu maalinkaa laandheeranimadiisa isaggoo ilaashanaya jari gaadhay. Taarikh duug ah, oo aan asal sii raaridan lahayn baa Aabihii Bile u laqimay sidaas laajigeed ayaa hilibkiisu dirayaa. Waa laandheeranimo jidadka jahanama ku aroortaa. Waa qab wayni ka soo ragmata togag naar ah oo nacaybku ceegaago.

Kaahii waaga baa dhankaa bari ka soo kacay, kolkaasuu aayar aayar u fiday oo haddana caad yar oo cad cirkii isku daboolay. Dhaxan yalaxleh baa soo dhacday. Diraac oo indhihii xalay ku soo jeedo, oo wejiga barar wayni ka fuulay baa jabadka badhtankiisa soo yuuqyuuqsan. Qoraxdii baa baalka la soo baxday, kolkaasay falaadhaheedii midba dhinac u gantay. Codkii shibiraha iyo jiiqjiiqda geedaha ay dabayshu ruxayso ayaa dhan walba u dhacay. Urtii dhiiga ayuunbaa dabayshii qaaday oo jawiga ku mishay. Ur qadhmuun oo dhiig jiidanaysa ayaa ma keliya uraal ku xidhay arladiiba. Faraha Diraac ee xinjiru ku qalashay baa dabayshu ruxday. Isagoo mawjado lulo ah dhex dabaalanaya ayuu si kedia ah isha ugu dhuftay xinjirta dhiiga ah ee gacanta midig kaga dhegan. Degdeg buu booday oo labada lugood dhulka xoog ugu dhuftay. Mar kale ayuu dubaaqiisa ka soo guray xasuustii shalay layaabayna ku noqotay. ” Gacan ku dhiigle ayaa tahay” waa ereyga qudha ee nabarka ku noqdo. Calooshaa kala wareegtay oo matag buu la fadhiistay. ” Runtii waa wax qornayd inaan sidaasi dhacdo. Waa qaddar xaga rabi ah. Qalin iyo warqad baa lagu qoray. ” isagga oo jeexa sii xulaya ayuu ereyadaa niyada ku dejiyaa. Laakinse waxa uusan ilaawayn, markuu toorayda maarta leh daabkeeda haystay ee uu lahaa. ” Ma adigoo laangaab ah baad geelayaga dhangadaynasaa” Waa xasuusta kulul ee uusan marnaba is dhaafin karin. Shaadhkii uu watay oo dhirtuu ilaa shalay soo jibaaxayay ay xagxagatay ayuu inta u garabka saartay wadada ku soo cabay. Geedi buu galayaa. Xasuustaa madow ee aan layskaga hadhayn buu maalmaha tirsamaya ee Ayaan-darada la guurguuranaya dhexdooda ku tooganayaa.

Qiiqa rasaasta ayaa dhan walba u fiday, baroortiiba hadh yeelatay oo dabaysha xagaagu dhan walba u qaaday. Dilkii Warfaa masiibo wayn baa ka dhalatay. Dagaal lagu shuf beelay baa labadii reer ka dhex dhacay. Warfaa walaaladii ayaa Qaasim dhagta dhiiga u daray. Codkii dhiilada ayaa Bile dhaga barjeeyay. Faruurkiisii xumaa baa ciirsaday, baarudii baa ka qaraxday deegaankii abaabarta xumina markii horana garaacaysay. Bile misigta ayaa xabad lagaga jiiday isagoo goobtii dagaalka sii dhukucsan. Balan bay reer geele ugu qaadeen inay bakhtigiisa ka dul heesi doonaan. Se Qadarkaa uga hiilayay. Waa Qadarkii dadnimada ka solay miskiin Diraac ahaa. Utun colaadeed oo baaxad wayn baa labadii reerood ka dhex aloosantay, kadib markii ay Bile iyo reerkoodii ka gaabiyeen inay magatii Warfaa bixiyaan. Sharkiiba calankiisa maalin cad ka taagay deegaankii labada reer wada deganaayeen. Dhan walbana rasaasta sida darandooriga ah uga dhacaysa iyo raqda foolxumada wayn ee dacalada baliyadda io xoolo daaqsimeedkii gorafsan baa caado ka noqotay. Qoriga iyo ablayda soofaysan ee cadceeda cawarayso ayuunbaa raganimadii iyo noloshii geeljiraha oo dhami ku soo aruurtay. Baroorta haweeynayda ninkeedii dhagta dhiiga loo daray ee laxanka murugada leh kaga dhawaajinaysa ayaa shinbirihaa dhirta saarnaana ka biibeen. Kaahin oo ahaa ninkii labbaad ee Diraaac la dhashay waxa uu u baxsaday reer abtigii, baqdin uu ka qaaday balankii reer geele u qaadeen Bile. Waxa ay dhaar kaga xawsiiyeen inay gabaahiir boodh wayn soo istaajin doonaan, kadibka marka ay qoyskiisa oodhan gumaadaan, dabadeedna laba cascas shafka ka dhejin doonaan. Alla Cadosanaa oo dadnimo yaraa! Bile qudhiisa durbaankii sharka ayuu reerkiisa la dhex wareegayaa oo oo marba gole gadhcastu gabrantahay ka dhex tumayaa. Sidaa daraadeed kaahin waxa naxariis biday reer abtigii. Diraac oo loo aanaynayo inuu fidnada warankeeda la haliilay meel uu jaan iyo cidhib dhigay laysma yaqaano. Markastoo la soo hadal qaadana male iyo waydiin taagtaagan baa lagaga soo hadhaa. Sharwale armuu dhintay. Dhimasho aa?..! Malaha wuu baxsaday ninkaasi. War hadduu doono meelahaasaa bahal ku cunay. Ma ninkii waynaa?..! Geeriyo magla’aan ku dhimo. Maxuu na baday.. Haweenay wiilkeedii curad geeradiisii loo sheegay baa baroor af labadii qabsatay, kadib markay raqdii wiilkeeda oo waran gaadada inta la geliyay hadanna si argagax leh loogu ligligay.

Daaraha dhaadheer ee cirka ku libdhay, iyo dikhowga hawada ee naqaska kulul ee lagu cabudhayo ka soo duulayo, ayuu jahwareer ka qaaday. Waxaad roob moodid oo qoyan baa cirka tarab tarab uga soo dhacaya, waa dhibco qoyan oo hawadaa uskaga ahi ay samaynaso. Surkii baa dheeraaday siduu marba dabaq toban biyaano ah u eegayay. Buuq iyo qaylo xoog leh uun buu is arkayay isaggoo dhex lugaynaya. Markaasaa dhagahii waawaynaadeen oo badownimadiisii ciirsaday. Hoonka baabuurta laamiga sunsumaysa ee hadba dhinac u socoto ayuu ku indho-daraandaray. Isagoo bac madoow oo boodh iyo siigo dhinacyada ka saarantahay ayuu ulyar uu tuurta ku wato dhexda ka geliyay oo sagaad moodid hal duq ah oo saxare maraysa magaalada soo dhadiiqiyay. Alla wuxu foolxumo waynaa oo indhaha u daranaa! Laba dhafoor oo kuuskuusan, oo aad moodid laba udub ayaa ka taagan. Weji balaadhan oo madow, maariin dayac iuo darxumo la guduutay. Daamam waawayn iyo madax sida kubada oo kale ah. Indho madmadow oo god madow ka soo jeeda. Bishimo balqasan oo hoos u dabacsan. Hoonka gaadhiga yaree maarsheediska ah baa dhaga barjeeyay, waaka sidii neef xoolo ah u diiday, oo lugaha mid ba meel u qaaday. Socodkii uu jeexa ka soo qaaday, ayaa marba hayjad ku soo tuura, oo hadana ayd cidlo ah sii dhiga. Ilaa ay tuulaba tuulo u dhiibtay sidii lax muqlaysan. Baxsadkii uu ceelka ka soo baxsaday ayaa maanta Nayroobi keenay. Xagar dheer ayuu bil ku soo nagaaday, dabadeed islaan ay isku jifi yihiin ayaa laa soo tilmaamay sidaasuu isagga oo baaga muudo ah oo diifadaysan Nayroobi ku soo galay. Waxaaba waxa u sii dheer badawnimada. Nayroobi wakaa durba gaadhi jiidhi gaadhay oo sidii neef xoolo ah u diday. Mudo ku siman laba sanno ayuu miyi iyo tuulooyin wareegay. Waxa uu markii hore ka soo cararay Hawdka xuduudka saaran ee Buuhoodle u dhaw. Waxa ay reerkoodu deganaayeen baliga shilalka ha qaadin, waana baligii uu Warfaa ku dilay. Mudo badan buu silic iyo rafaad marba mawjad uga baxay, oo haddana hirarka tiiraanyada marba dhan uga degayay. Laakiinse saaka jawi kii hore ka duwan ayuu dhex jibaaxayaa. Kumanaan dareen oo Cabsi leh baa dhan walba ka soo galay. Mar waxa uu ku farxay inuu miyigii hawdkii ka soo baxsaday oo uu magaalo iyo dhul shisheeye oo aan laga aqoon soo galay. Markalana waxa uu la tiraanyoodaa denbiga culus ee garbaha ka saaran. Mooyi cid u sheegtay waa danbi. Dilka waxa uu deegaankoodii ka ahaa wax dabiiciya, oo rasaastii meel ka dhacdaaba inay naf yaroo miskiin ah galaafatay waxa ay ahayd xaqiiqada kaliyee qadhaadh. Balse Diraac dareen kale oo dadnimo ka soo kankamayso ayaa marba dhinac xasuustaa kaga mudaya. Gacmihiisii dhiiga lahaa, raqdii warfaa ee sida xun u wadhnayd. Waxa uu intuu xagar dheer joogay ka war helay in deegaankii dagaal ba’an oo naf iyo maalba lagu la’day uu ka dhacay. Geeridii walaalkii qaasim ayaa loo sheegay oo nabar hor leh ku noqotay.

Ugu danbayn waxa ay is heleen islaantii ay isku jifida ahaayeen ee Diraac tilmaantiisa haysay. Iyadoo markii horeba safarkiisa ogayd ayay haddana waxa ay la socotay inuu Diraac badow reer baadiye qarafaadhug ah yahay. Sidaa daraadeed ayay degdeg ugu timi si uusan magaalada ugu lumin, dabadeedna jeelasha islii ee naxariista layska iibiyo loo gelin. Xaali waa dadkii xiligii burburka ka soo cararay dalkii oo Nayroobi xili hore soo galay. Waanna garoob oo nin hore ayay caruur u dhashay oo ay mar hore kala tageen. Laba wiil iyo gabadh ayay dhashay, labadii wiil dalka dibadiisa ayay jiraan, gabadhiina Soomaaliya ayay degantahay. Waa qof xishood baddan, oo diintu ay qanjaha u joogto. Xijaab iyo sharabaat bay xidhantahay, oo jidhkeedu wejigaa meel banaan leh. Waa dadka diinta ka bartay wadaaddada Nayroobi jooga ee soomaalida ah, sidaa oo ay tahayna kakanaan iyo ad adayg ay dhaqankaa wadaaddada ka dhaxashay bay leedahay. Jidhiibana inay xanaaqdo oo dhiigu ku kaco ayaa la arkaa. Diraac oo bacdii sidii tuurta ugu sita ayay isa soo garab galeen. Waxa ay degantahay dabaqyada islii ee dhankaa waqooyiga ku yaala. Wa xaafad wayn oo soomaali badan oo nooc walba leh ay degantahay. Qol yar oo madow ayay ayay riixday iyadoo farta ugu sii fiiqaysa. ”Qolkaa dhiggo alaabta. Maanta waxii laga bilaabo Isaga ayaad degaysaa. ” intay tuwaal cas oo cusub u dhiibtay ayay ku tidhi orad soo qubayso. Awalba badow aan suuli aqoon buu ahaaye, cabaar buu iska dhex taagnaa suuligii ilaa ay markii danbe Xaawo dushaa uga tilmaantay. Nolol cusub oo tii hore ka duwan buu galay. Xarago iyo magaaluu isku helay. Laakiinse weli hootadii baa laabta kaga mudan. Waa nabar markasta oo qolkiisa galo oo fakar u baxaba ku soo laba kacaya. Mudo badan kadib waxa uu galay iskuul waxbrashada dadka waawayn, sidaasuu noloshii Nayroobi dhiniciisa u qaaday. Wax badan oo uu is waydiin kaga hadhi jirey buu ogaaday. Balse wali mucjisadii qadarka ayuusan dhana u qaadin. Waa ay cidlo ah, oo cidii tagtaa aanay dib u soo noqon. Maqaadiirtaa is jiidanaysa ee xadhkaha waawayn jiidanaysa weli fahan kama uusan helin. “ Waa maxay Qadar? Waa inaad intaad qof unuunka u dheeraysid aad welwel iyo walbahaar la catowdid. Maya, waa jid dheer oo aakhira toos ugu aroora. May, may waa falka loo anaynayo wax aan la garanayn. Miyaanay doonistu marka horeba jirin? Doonis maxaya.. War naga tag. …” Ayuu cod yar oo dabacsan iskula hadlay isagga oo mid cidlo ah kursi soofe ah ku dhacdiida. Deegaankii weli sidii baa xabadu uga wisleedahay oo raqdii maydku u tira beeshay. Balse waxa u arkaa inuu yahay rejada kaliya ee uu deegaankiisu leeyahay. Waxa uu isu arkaa ubaxii nabadda ee dhul shisheeye ku qaayisay.

Fad galbeed baa taako yar oo caad ah dusheeda ku fiday, isaga oo qoraxadii sii galbinaya. Habeen madow oo cabsi iyo argagax lehna soo dhawaynaya. Waa habeen gudcur ah, oo aan xidig yarina cirka taagnayn. Mid waliba iyadoo oo naxdiin la gariiraysa ayay carartay. Qolkiisii yaraa ayuu diraac dhex fadhiyaa isagoo siduu galabtoo dhan u daawanayay gidaarka indhihii soo goteen, oo daal badani ka muuqdo. Feker buu ku daalay, oo is waydiin culus baa jahwareer ku riday. Waxa uu ku jiifaa sariir yar oo duug ah oo derbiga ku dhegan, labada gacmeedna inta uu madaxa hoosta ka mariyay oo kor ugu soo yara qaaday ayuu labada lugoodna derbia ku dhereriyay. Waa siduu galabta u soo galay, suuqa inta uu fahmi waayay ayuu qolkiisa dib ugu soo noqday. Maskaxdiisu waxay ku maqantahay deegaankoodii iyo dhibaatada ka taagan ee uu isagga qoriga fitnada la dhex orday. Wuu is hiifayaa, oo doqoniimadii ku kaliftay inuu ajal dhan aakhiro u diro ayuu eerasanayaa. Waaka dib isu yara guray oo laba sanno ka hor dib ugu noqday. Waa maalin duhur ah, oo cadceeda halkan dhaw la keenay, oo uu mawacis foolxun uu wato iyo go’o calal ah oo googa’an, waa ka haddana cajiladda xasuusta gadaal u duubay oo ceelkii yimi. Waa isaggoo daabka haysata tooraydii maarta lahayd ee uu Warfaa nafta kaga gooyay. Soo yar noqo bal eeg, maxay ahayd hashii baasayd ee uu Warfaa dhangadeeyay? Dee hal xun oo abaartii raacday bay ahayd. Waa ka qalbiga ka ooyay oo danbi awgii la qiirooday. Macnaha denbiga weli ma uusan fahmin. Balse inuu ficil wayn oo jariimo ah galay maankiisa ayuun baa u sheegay. Waa Denbi! Waa maxay dareenkan aad u malaynasid inaad fal doqoniimo ah oo cadowtinimo ah samaysay.Tiiraanyada ayaa bartay inay tahay danbi. Waka danbigiisii tuurta ku sita ee qolkiisa la dhex yuurura. Caawa inuu seexdo ma doonayo, oo riyo xun baa laga soo taagay. Habeen dhawayto ayuu waxa uu ku riyooday, Warfaa oo dhuunta tooray ugu shubay oo maydkiisii ay cidlo ah ku fuuray, halkaana raqdiisii waraabe ku mirey. Waa ka intuu samadaa u booday ashahaada isku daldalay, oo quraan iyo ducooyin isku tufay.

Cabaar waxa uu qolkiisii yaraa sii dhex jiifo, mar danbe ayuu iska dhex helay fikrad ah inuu deegaankoodii uu Fariin nabadeed u diro, si inta reerihii ka hadhay aanay isagga dartii u dhiman. Inuu u sheego inuu noolyahay, kuna wargeliyo masiibadaa dhacday ee diraac bilowgeeda leeyahay uu dusha u rito. Baga, waa fikrad wanaagsan. Waa inaan imminka bilaabaa. Ayuu iskula hadlay isagga oo sidii hore ka soo yara dabcay, nabaradii ku mudnaana ay ka fuqeen. Xaashi cad oo miiska saarnay ayuu qalin cas oo duug ah ku dul qabtay. Markaasuu bilaabay isagoo wejigu madow yahay, oo murugo fara badani ay ka muuqato. ” Magacaygu waa Diraac Bile waxa aan salaan diiran halkan ugu soo gudbniyaa aabahay, Bile iyo Hooyaday Qamar. Waxa aan dirayaa baaq nabadeed. Waxa aan baaqaa u dirayaa cid kasta oo doonaysa in naf miskiin ah godadka naarta ee kulul darteed ku mutaysato. Cid kastoo xabadda soo afuufaysa oo nacaybka qiiqa dhexdiisa ku riminaya. Runtii waan baqayaa oo cabsi baa dhibac kasta iga soo gashay, waxa aan dareemayaa Denbi. WaaDanbi culus oo garabaha iga saaran. Qalinkaygu wuu sii liicayaa markasta oo hootada laabta igaga dhegani ay xasuus igu celiso. Dhiigii Warfaa ee geeridii Qaasim ka dhalatay baa gondahayga yimi, sidaa darteed ayaan baaqa u dirayaa. Abaartii culusayd ee deegaanka soo martay iyo dhiigii Warfaa labaduba waxa ahaayeen masiibo waawayn oo in badan soo guurguuranaysay. Midhaheedii waa inaggaa Faruurka iyo dabajexa ku guranay. Waa idinkaa tolkaygiiyow naxariistii fogeeyay oo foolxumadii boqraday. I dhagaysta, oo weeleeya baaqayga. Kaca oo istaaga, waan idiin baaqayaa e qoriga dhiga. Qaata qalinka, dabeecada udgoonka badan sii daawada oo ka taga colaada. Welwelkii maalmihii qadhaadhaa ee aan dhiigii warfaa isku saydhay aan ka soo miistay baan maanta iska diirayaa oo aan doonayaa inaan iska maydho. Sidee baan iskaga diiri karaa? Miyaan soo celin karaa naftii Warfaa? Maya, taasi tagtay oo god madow baa lagu xareeyay. Waa wax qornaa in badan, isaga oo cad ah oo caloosha hooyadii ku jira ayaa qalin lagu daabacay. Waa wax mar hore la sii maamulay. Qalinkaa ka horeeyay oo Qadarkaa ka adeegay. Balse waxaan ku diirayaa inaan naftaydan gubtaanyoonaysa aan xaqa ku qalo. Waxa aan ku maydhi karaa, inaan ajashaa kale ee hadhay aan badbaadiyo… Qoriga xabadda afuufayoow joogso, nag joogso nacaladi ku kortaye. Soo laabo naxariistaay oo gadaal u soo fidi daahyadaadii. Dabayshii nacaybkaay kac oo sii jiido raqdaa meel walba gorofsan. Dayaxow iftiin waa habee dam aha aduunkiiye . ”Markay qalinka sidaa u dhigtay gacanta gariiraysa ee qabow, ayaa cod iyo taah culusi iska soo guray oo baalasha u geliyay indhaha ilmad ku taagantahay. Hurdo uusan in muddo ah dareenkiisaba geli ayuu sardho wayn dhinaca ula dhacay.

W/Q Abshir Umal (Mooge Mooge)
abdibulux4982116@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here