Aragtiyaha Cindiidka Ah! (1) – Maanmaal Buureed Gurxan

Maanmaal Buureed Gurxan

Qormadan koowaad iyo midda labaad ee aan idiin la wadaagi doono haddii Alle idmo, waxa aan ku daadifayn doonaa aragtiyo cindiid ah oo ay heeddadaw iyo agnaannimo ku idishahay oo dhowaanahan ba si qoraal ah uga soo foofaayey dhallinyaro Soomaaliyeed oo qalinley ah. Waa aragtiyo aan maanka dhallinyaradan ka soo gaaxan, bal se’ ah aragtiyo dool ugu yimi oo ay ka soo dheegteen dhiganayaal ay qoreen niman aan diinba haysan ama ba ay ka dhigteen dugsiyada Soomaaliyeed ee hannaankooda waxbaritaan uu yahay mid ku qotoma dadyow shisheye noloshooda, aan se’ waxba ka tarayn sida hab nololeedka Soomaalidu u hiddisan yahay.
Aragtiyo weeye ka hor imanaya qaabka diinteennu inoo qumminayso iyo haabka dhaqankeennu ba inoo qun-dhigayo. Aragtiyahan ay dawalinayaan waa kuwo ay dhallinyaradu aanay ba ku darin wax ah bal iska hubso oo kasmee (think) oo ku baadh dhaqankaaga, ama ba ku halbeego diintaada suubban ee aan waxba ka tegin waxa ay aragtidan ka qabto, nasiib-daro se’ midaasba talada ku ma ay darsan oo waa ay ka hoostay, waxa ay xaajadoodu na noqotay “aragtiyaha toobboon ee ah falsafadaha afka iyo dhaqankaaga iyo murtimeerka sugan ee diintaada inta aad ka tagto, u doolaal aragtiyo huubo ah oo waliba aragtiyahaas ha iska hubine intaad qaybto oo ka-reebto (copy) dabadeedna maananka (the minds) bulshadaada ku-reeb (paste).” Waa aafo weyn oo aan laga soo kaban doonin haddii lagu eegto oo aan laga hor tegin aragtiyaha cindiidka ah ee maanka dhallinyaradeenna laga dhaaminayo.

Dharka ruux ka caydhoobay baad maro u dhiibtaaye
Wallee dhimirka ruux ka aradow dhacantay ceebtaadu
(Abwaan Keyse-galaydh).

Haddii aynu nahay dad ka nool lubbiyada ee Alle laabahooda ku sugay diinta la-isu-dhiibay Ilaaha deeqtoon (waa diinta Islaamka ahe), waxa aynu haysanaa hab-dhaqan inoo dhigaalsan oo uu inoo dhiteeyey Nebi Muxamedkii (NNKH) ahaa hormuudkii, horseedkii iyo haldoorkii ugu mudnaanta iyo maamuuska sareeyey dhammaanba inta abuur ah ee Ilaah unkay. Dhabtii na isaga ayaa ah midka ugu mudan in lagu daydo. Sida oo kale, Ilaahay baa aynu ku mahadinaynaaye, wax kasta oo aqoon ah oo ay jaan iyo jidhluhu ba sheegtaan, waxa Eebbe uu inaga ina muhiibsiiyey kaysaha iyo isha ugu murtiyeysan, taas oo ah Quraanka maamusan ee bud-dhigga iyo bidhaaminta ba u ah dhammaan aqoonta ifka iyo aqoonta akhaariba. Alle xumo ka nasahnaa oo kor ahaaye waxa uu yidhi: “Se isagu [Quraanku] waa tusmooyin cadcad oo ku sugan laabaha kuwa aqoonta la siiyay, kamana madax-adaygaan tusmooyinkayaga dulmi-falayaasha mooyaane” Cankabuud 49.

Gaar ahaan, haddii aynu Soomaali nahay, marka laga yimaado nimacada diinteenna dhawran ee Guulle inagu manaystay, waxa kale oo Eebbe inagu galladaystay oo sadbursiiyo inoo siiyey sareedooyin waaweyn oo inaga gaar inoo ah, kuwaas oo kala ah afka, dhaqanka iyo hiddaheenna sugan ee suubban, kuwaas oo ay ku duugan yihiin faracyada aqoonta duunyeed sida aqoonta murtimeeridda (philosophy), aqoonta xaradhka iyo qoraalka, aqoonta waayaha (dabiicada), aqoonta kasmo-qudheedka (psychology), aqoonta xiddigiska (astronomy) iyo xiddig-mooreynta (astrology), aqoonta daawada, aqoonta dhirta iyo xoolaha, aqoonta maamulka, qorshaha iyo maareynta, aqoonta dhabiiltanka iyo dhaqaalaha, aqoonta farsamada iyo farshaxanka, iyo aqoonno kale oo badan oo yaababkooda leh.
Dhammaan faracyada iyo laamahaas aqooneed ee gaarka inoo ah, ee aan qaar kor ku xusay, qaarna aanan qormadan ku xardhin, waxa ay ka soo kala maaxdeen oo jiilba jiilka ka waayo dambeeya u soo dhiibayey, waa maanka iyo xirgiga gudan ee Soomaalidu ay leedahay, waa na garashada (fahamka) sare ee dadkeenna Ilaahay sida gooniyeellan ugu deeqay. Waxa taas inooga marag-kacaya aqoonta noocyadeedu intaas oo farac tahay, in ay ka dhiraandhirsantay dhugta iyo dhooyga garaadka Soomaaliyeed, meerisyadan is-tuducsanaya ee aan ka soo goldooxday gabay la yidhaahdo “Faallada Soomaalida” oo 1972-kii uu tiriyey murtimeerihii darwiishka ahaa ee Abwaan Xaaji Aadan Af-qalooc.

Manqax kooban haddii aan ka meero meerisyadan, murtimeerehu (philosopher) waxa uu inoogu sheegayaa, in Soomaalidu leedahay garasho buuniya oo gudan, dhinmir dheellitiran, xis xidaar ah iyo han gardaadsan. Tusaale waxa uu u soo qaadanayaa in dhugmada Soomaalidu taawo u leedahay hillaadinta iyo odoroska barta hogol mukulli ahi ay ku hoorayso iyo halbeegidda-biyo-shub ee ay goob ku ceegaagsami karaan inta ay le’ekaanayaan. Waxa kale Abwaanku inoo marinayaa, dhiska maanka Soomaalidu inuu midka suureeya oo si male-awaalid ah ku suga, “haddii habeen gudcur ah uu ninni aqal mugdiya uu far ka taago, in ay Soomaalidu ugu yeedho Far-taag, oo ay ka hadliso la na garto midkii uu ahaa.” Taasina waa hab aqool gaar ah oo kasmo-qudheed (psychology).

Waxa kale oo uu inagu jalbeebayaa in Soomaalidu af-aqool taqaanay abuurrada kala gedisan ee noolle iyo abuurka ma-noolleha aynu u naqaan ee siyaha kale u nool, sida ay Soomaalidu u warsan jirtay haddeerna ay u warsatoba, xayawaanka ay ka mid yihiin shimbiraha sida; xidin-xiitka, fiinta, ciyowga, galowga, guuguullaha, ama xayawaanka habar-dugaagga ah sida; libaaxa, dhurwaaga, dawacada ama dhirta qaarkood, ama abuurka kale ee siyaha inaga dahsoon u nool sida; dhagaxa iyo wixii la mid ah. Abwaanka (AHUN) waxa kale oo uu tuducyadan inoogu sii qeexayaa in taagta dhugmada Soomaalidu gaadhsiisan tahay in ay dhaadsanaato oo ay garan ogaan karto qof aan la hadlin waxa uu damacsan yahay, marka ay arkaan muuqiisa duuleed ee hor yimaada. Taasina waa hab-aqool kale oo ka mid ah taawada kasmo-nafeed oo hibo ahaan Eebbe ugu tallaalay garaadka dhiifoon ee Soomaalida, waxa uu na yidhi:
❄ Dadkayagu hubaal fahamka way ugu horreeyaane
❄ Hilaadday gartaan roobka da’a Hiij intuu yahaye
❄ Habaaska iyo qiiqaan naqaan kii ku hoos jira’e
❄ Nin habeen far keli taagey baan hees ku werinnaaye

❄ Hor-u-arag tukaan leennahayiyo daymo haad-adage
❄ Ninna na lama helo tuuryo uu soo hummaajiyaye
❄ Hamhamtaan ka garannaa dibnaha hadal la’aaneedee
❄ Nin kastoo humbaallaynayaan ‘hooy waryaa’ nidhiye!

❄ Himhimowgu meeshuu ku jiro wayska hubinnaaye
❄ Nin keliyoo na hoosaasiyaan hooyadiis dhaline
❄ Ma halmaami karo xaalkayaga hayb nin noo lihiye

❄ Hunnufaa dhurwaa iyo dawaca daba hadaaqaaya
❄ Midna inuu dagnaan naga helaa waa ka habartiise
❄ Ma hanyarine waxaan tiigsannaa heegadaa sare’e

❄ Halka dhexe xayaad inaanu nahay waa hurti la’aane
❄ Sadiiqse nala heshiiyiyo cadawga boqonta heeraaya
❄ Mid waliba halka u waajib ah buu naga helaayaaye

Bulshadeenna Soomaaliyeed in ka badan 75% waa dhallinyaro. Hawlihii ugu kakanaa ee xoog iyo xeeladba doonayey, iyo hawlihii ugu kafaafsanaa ee xirib iyo xaajo xidaarnimo ba u baahnaa, waxa ay ku soo mudh-baxeen oo xilkoodii saran yahan waa xoogga xaruuriga ah ee soo kacay, waa na dhallinta. Haa oo waa dhallinyaradan geyi, gobol, goob iyo guri kasta aad ku aragteen ee gacanta ku haysa hawlaha warbaahinta, waxbarashada, dhaqaalaha, wax-soosaarka, farsamada, farshaxanka iyo fanka, daljirnimada iyo fayo-dhawrka.

Hadda ba dhallinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta maanta waxbaratay, waa kuwa maandhiska iyo han-taaridda bulshada uu xil ka saran yahay, dhabtii waa faca cusub ee laga rabo in ay ku baraarugsanaadaan sidii ay uga sii kobcin lahaayeen hanka bulshadoodu halka uu maanta marayo meel ka sii saraysa; waa dhallinta laga doonayo inay bulshadooda u weelleeyaan oo ay u kaydiyaan iyaga oo baraya aqoonta sugan ee awoowayaashood soo kala dhaxlayeen ee dhex ceegaagsan afka, dhaqanka iyo hiddahooda hooddaaleha ah; dirkan waxbartay ee u soo kacay waayahakan diintooda lama-huraanta ah, waa filka laga rabo inay si qotodheer u dhuuxaan u na dhaadaan u na baadhaan aqoonta iyo sirta nolosha ee ku duugan Quraanka maamusan iyo sunadeenna suubban ee rasuulkeennu (NNKH) inoo dhidbay. Dhammaanba aqoontaas ku kala jirta afka, dhaqanka, hiddaha iyo diintaba waa aqoon sugan oo sidii loo hirgelin lahaa loo na dheefsan lahaa, waa mid laga doonayo inay dhallinyarada waxbaratay ku jirabnaadaan dharaar iyo habeenba ka mira-dhallinteeda.

Waxaa ceeb iyo caallenimo weyn ah qofka abidkiis aan dalkiisa dhinacna u dhaafin, ee maalin iyo habeenno soo taxnaa lagu soo barbaarinayey af hodon ah, dhaqan iyo hidde 97% ku sargo’an dhidibada diinta Islaamka, ee welina Islaam sheeganaya, ee hadda na baalmaraya hibooyinka iyo hantida ma-huraanka ah ee lagu soo canqariyey, halka mararka qaarkoodana ay dhacdo in uu ku ba gefo.

La soco qormada labaad
———————————————————
W/Q: Qaryaan Maanmaal Buureed Gurxan
Xuquuqda qoraalku u sugan
Facacusub.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here