Dib-u-dhalashada Cusub

Dhalashada hore waa dhalashada la wada garanayo, waana foosha uu ilmuhu soomaro marka uu u soo baxayo adduunkan. Marka uu dhasho ilmuhu  waxa ay ka qaybqaataan qoyskiisa iyo deegaankiisu in ay qaabeeyaan fikirkiisa iyo qanacsanaantiisaba, iyaga ayaanu ka qaataa akhlaaqda, astaamaha iyo habdhaqannadaba; ha tognaadaan ama ha tabnaadaane.

Marka uu qofku qaangaadho [ma aha qaangaadhkii da’ada ee waa ka garashada’e] waxa uu bilaabaa hayaanka dhab raadiska; waa dhabta jiritaankiisa –hore waxa uu u ahaa mid aan jirin ba e.  Fidrada uu Alle inagu beeray ayaa markasta inoogu baaqda in aynu helno dhabtaas, garsoorka Eebbe dartiina waxa uu markasta inoo soo diraa farriimo maalinle ah bal in aynu toosno. Iyada oo ay taasi jirto haddana dadka orodkoodu waa uu kala duwan yahay, waa cid u liicda dhanka macmacaanka shahwada iyo hoosaynta, oo ka mid noqda kuwa hooseeya kuwa ugu sii hooseeya, ”Ma waxa aad filaysaa in ay intooda badani ay wax maqlayaan ama ay caqliyaysanayaan , iyagu ma aha sida xoolaha mooyaane, laakiin iyagu waa ayba ka jid lunsan yihiin [xoolaha].”[1]  Waxa se jira cid diidaysa in ay u sarreyso oo ay u korto mooyaane sidii aadamihii Eebbe malaa’igta u sujuudsiiyey, ee uu u abuuray qaabka ugu wacan ee noole loo abuuro. Halkan ayaa aynu ku gaadhaynaa dhalashada labaad, waa maxay dhalashada labaad?
Dhalashada labaad waxa ay ka dhigan tahay in aad iska siibto galka ku daboolay mar uun, oo aad muujiso dhabtaada, koofiyadahana aad iska saarto, ” Ciddii idinka mid ah ee doonaya in uu toosnaado.”[2]
In la garto dhabta nafta iyo in uu qofku garto abuurihiisu waxa ay u baahan tahay qiime gaar ah, baraaruggaas iyo ogaanshahaasina kuma dhammaystirmo dhiig iyo xanuun mooyaane, waayo naftu ma soo saarto siraha ku duugan iyo dhabteeda in loo huro wax qaaliya mooyaane.

Waxa uu yidhi Mustafa Maxmuud:  waxa jirta  in midkasta oo inaga mid ahi uu dhabtiisa ku qarinayo koofiyado iyo daahyo adag oo halhaysyo iyo beeno ah, waxa aanu ku sii daayay wejigiisa xijaab is-yeelyeel iyo matalaad ah,  iyo dhoollocaddeyn munaafaqadeed oo jilis iyo  iska-keenkeen ah. Markaas ayaa loo baahday shil daran oo ka dhexbaxa daahyadaas.

Baraarugga oo qudhi waa bilawga, isbeddelka dhabta ahi waa uu xanuun badan yahay, waayo markan waxa uu isbeddelku ka soo dhex baxayaa uurka hoose, mana aha mid korkaxaadis ah, dahaadh ama isbeddel badh go’ a ah. Waa in aad marto foosha mar labaad. Haa, sida markii hore waxa aad dareemi doontaa xanuun daran iyo dareen u dhow neefqabatow. Marka xilligaas lagu gudajiro waxa dhacaya isbeddel qaabaynaya afkaartaada iyo dareenkaagaba.

Fooshan waxa ay u muuqataa in aanay dadka oo dhami marin, balse nebiyada laftoodu waa ay mareen fooshan dib-u-dhalashada. Kani waa jaalkii Ilaahay Ibraahiim (CS) oo u muuqda in uu maray xaalad adag. Waxa uu ahaa wiil barbaar ah markii u socday loolankii u dhexeeyay wixii uu tolkii ku arkay iyo wixii uu garaadkiisa ku  ogaaday fikir iyo fiirsasho-dheer kaddib. ” Markii uu gabbalkii u dhacay waxa uu arkay meere, waxa aanu yidhi kani waa rabbigay, markii uu dhacayna [meerihii] waxa uu yidhi ma jecli kuwa dhacaya. Markii uu arkay dayaxii oo widhwidhaya waxa uu yidhi kani waa rabbigayga, markii uu dhacayna [dayixii] wuxu yidhi haddii aanu eebbahay I hanuunin waxa aan ka mid noqon doonaa qoomka lunsan. Markii uu arkay qorraxdii oo widhwidhaysa waxa uu yidhi kani waa rabbigayga kani wuu waynyahaye, markii ay dhacday waxa uu yidhi tolkayoow beri ayaan ka ahay waxa aad [Ilaahay] la wadaajinaysaan.” al-Ancaam.[3]

Kanina waa kii uu Eebbe la hadli jaray,  Muuse (CS) oo doonaya in uu Eebbe toos u arko, markii uu naftiisa loolan ka dhex oogmay. ” Markii uu Muuse yimi kobtii aanu kula ballannay, oo uu rabbigiisu la hadlay, waxa uu yidhi rabbiyoow iskaytus aan ku arkee.” [4] Kanna waa sayidkii noolaha, nebi Maxamad (SCW)  oo maray fooshan markii uu waxyigu ku soo degay, waxa aanu ku firkanaxay xaaskiisii Khadiija (RC) waxa aanu ku yidhi : (I ded, I ded).

Waa dhab in uu Eebbe –Sarreeye oo korreeye, uu ergaydiisa [Rususha] ka midho dadka kuwa ugu mudan, haddana iyagu waa aadame waxa aanay leeyihiin qalbiyo iyo nafo, sidaas darteed Eebbe waxa uu u diyaariyaa in ay farriinta qaadaan, waxa aanay maraan foosha oo gaadhsiisa minkooda.

Waxa ay u eegtahay in foosha ay maraan nebiyadu ay ka duwan tahay ta ay maraan dadka caadiga ahi, waakaas Cumar Binu Khaddaab (RC) maray foosha markii uu si kedisa u helay tusmooyin ka mid ah suuradda Daaha. Waxa ay ku ahayd sidii danab ku dhacay oo kale, waxa aanay ka dhigtay in uu ka gudbo Cumarkii hore oo uu noqdo Cumar cusub. Haa waxa ay ahayd ilbidhiqsiyo ku filan in ay lilijiyaan tiirarkiisa, oo ay bedelaan wixii naftiisu ku sugnayd oo dhan. Quraanka ayaana dib u qaabeeyay. ”Kama suulo dhismahoodii ay dhiseen [in uu noqdo] shaki quluubtooda ku jira, in ay quluubtoodu googo’do mooyaane, Ilaahayna waa cilmibadane xikmadbadan.”[5]

Haddii aynu eegno qoraayada qarnigan danbe  sida Mustafe Maxmuud, Sayid Qudub, Axmed Khayre al-Cumari; waxa aad dareemaysaa in ay fooshan mareen. Qoraalladoodu waa ay isbeddeleen gebi-ahaanba  intii u dhexaysay  wixii ka horreeyay ilbidhiqsigaas foosha iyo wixii ka danbeeyay. Waxa aad arkaysaa isbeddel xididsiib ah, maha qaabka qoraalkooda oo qudha, ee waa isbeddeka hannaanka fikirkooda iyo noloshoodaba. Waxaas oo dhanna waxa sameeyay raadka Quraanka.

Foosha kahor iyo kaddib.

Waxa uu yidhi Axmed Khayre al-Cumari: shaxanka bulshada ee la inoo geliyaa waa sidii dabin si farsamaysan loo qaabeeyay si uu inooga reebo wixii ugu weynaa uguna gobsanaa nolosheenna. Waxa laga yaabaa qof leh hibo weyn oo hoggaamineed in loo geliyo qool yar oo uu ku qanco, oo uu maamulo shirkad ganacsi; halkii uu hankiisa kor ugu qaadi lahaa oo uu  bulshadiisa iyo ummaddiisaba u hoggaamin lahaa. Waxa laga yaabaa nin leh maskax badan in uu ku qanco shaqo uu ka helayo  waxyaalo aan marna isaga daruuri u ahayn, halkii uu maskax badnaantiisa uga adeegsan lahaa helista waxyaalo midhodhal leh .

Foosha ka hor waxa aad tahay shaxan ay farsamaysay bulshadu, naftaadda hoggaanka uma haysid, mana tihid xor sida aad moodayso. Waxa aad jilaysaa ku dayasho indho-la’aana, waxa aanad u tartamaysaa waxa ay bulshadu u ordayso, waxa aanad u ordaysaa waxa ay bulshadu u ordayso.
Foosha kaddib marka aad gacanta ku haysato doonistaada iyo garashadaadaba, waxa aad dooranaysaa qaabkii kugu habboonaa ee uu Eebbe kuu gartay in aad ahaato. Waa qaabka ay soo mudhbaxayso sifooyinkii uu Alle kuu gartay in aad lahaato. Qofkasta oo innaga inaga mid ahi waxa uu leeyahay qaab aynu dhexdiisa yeelanayno wixii uu Eebbe inoo gartay in aynu yeelanno.

 

Ilaahay qaabkaas kuuma rogo, illaa ay naftaada ka soo go’do in ay isbeddesho oo ay u hoggaansanto isbeddelkaas, waayo Alle waxa uu ina guddoonsiiyay xorriyad dhammaystiran: ciddii doonaysa in ay gaalowdo ha gaalowdo, ciddii doonaysa in ay rumaysana ha rumayso, nafta kuma qasbo wax aan doonisteeda ahayn. Nafna Alle ma baddalo illaa ay iyadu la timaaddo isbeddelka mooyaane, oo ay doonto isbeddel mooyaane: tanna waa is-nadiifinta (hufnaanta), ” Waxa liibaanay qofka hufa [naftiisa], waxaana hoogay ka dhumqiya.”

 

Waxa uu ku yidhi Mustafe Maxmuud buuggiisa ”Quraanku waa jire nool” : haddii ay cimriga ku jiraan ilbidhiqsiyo aan ku faano, waa ilbidhiqsiyada baraarugga. Waa marka aad dhabta ka aragto gadaasha dhallaan-habaabista beenta, ee ay ruuxduna taabato sirta oo ka shishaysa afduubka waaqica; halkaa waxa aan ku arkaa nafaha sidii ay ahaayeen dhabtii, mana aha sida ay muujiso sayladda waaqica iyo sicirkeeda wax dagayaaba.

 

WQ: Taqiyudiin Madduur.
WT: Cali Ileeye.

Dabadheh:

Inta badan baraarugga iyo isbeddelka uu qofku kaga tooso qafladda uu ku jiray  waxa keena dhacdo weyn oo gilgisha jiritaanka qofka. Xaaladahaas waxa ka mid ah xanuun qofka la soo darsa ama xadhig qofku uu galo. Hadraawi waxa uu sheegay in markii la geeyay xabsigii Qansaxdheere, ay ahayd markii ugu horreysay ee u si dhab ah ugu sujuudo Ilaahay, waana markii uu joogteeyay salaadda sida uu sheegay. Intaas ka dib suugaanta Hadraawi waxa ay qaadday jid cusub.

————————————————————-

[1].(أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا)

[2] .(لِمَنْ شَاءَ مِنْكُمْ أَنْ يَسْتَقِيمَ).

[3] (فَلَمّا جَنَّ عَلَيهِ اللَّيلُ رَأى كَوكَبًا قالَ هـذا رَبّي فَلَمّا أَفَلَ قالَ لا أُحِبُّ الآفِلينَ. فَلَمّا رَأَى القَمَرَ بازِغًا قالَ هـذا رَبّي فَلَمّا أَفَلَ قالَ لَئِن لَم يَهدِني رَبّي لَأَكونَنَّ مِنَ القَومِ الضّالّينَ. فَلَمّا رَأَى الشَّمسَ بازِغَةً قالَ هـذا رَبّي هـذا أَكبَرُ فَلَمّا أَفَلَت قالَ يا قَومِ إِنّي بَريءٌ مِمّا تُشرِكونَ)

[4] (وَلَمّا جَاءَ مُوسَى لِمِيقَاتِنَا وَكَلَّمَهُ رَبُّهُ قَالَ رَبِّ أَرِنِي أَنْظُرْ إِلَيْكَ)

[5] (قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّاهَا. وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّاهَا).

 

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here