Madaxbannaani mise Midnimo? – Cali Ileeye

Kala-maan

Waa galab Sabti ah, bisha Sebtambarna ay tahay 22. Waxa aan jooga xafiis nootaayo ah, oo aan badanka gelinka danbe fadhiisto. Cid lama sheekaysanyo, ee keligay ayaa moobilkayga salsalaaxaya. Faysbuugga ayaan galay. Muddo kaddib waxa iga soo horbaxay muuqaal fiidiyow ah, oo nuxurkiisu u dhignaa sidan: ‘‘ Albaabku mar walba wuu u furan yahay madaxweyne Muuse Biixi, in uu Muqdisho ka soo dego oo uu yimaaddo. Annaga dhankayagana waa diyaar hadday walaalaheen reer Hargeysa ogolaadaan in madaxweyne Farmaajo ka dego Hargeysa. ’’  Hadalkan waxa jeedinayay Khadar Maxamed Guuleed; Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya. Waa nin reer Hargeysa ah oo xil sare ka haya dawlada Soomaaliya. Aniga iyo isagu waxa aanu ka simannahay in aanu isku magaalo ka soo jeedno, iyo in aanu rumaysannahay labadayaduba wadajirka iyo midnimada dhulkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliyeed; oo maanta u kala qaybsan  Soomaaliland(Waqooyi) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya(Koonfur).

Inkasta oo ay u muuqato qoqobnaantii iyo dhibaatooyinkii ka jirey Geeska Afrika in la xalliyay, dawlado col ahaana ay xidhiidhkoodii dib u soo ceshadeen sida: Itoobiya iyo Eretariya, Jabuuti iyo Eretariya, Soomaaliya iyo Itoobiya; haddana sida Khadar ma rumaysni in hadda la joogo xilligii laga hadli lahaa midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waayo, Koonfur kama jirto dawlad ka wada talisaa, taa lidkeedana, xaafado ka mid ah Muqdisho ayaanu Khadar nabadgelyo ku tegi karin. Maamul-goboleedyada ka jira Koonfurtu waa kuwo u dhaqma sidii dalal ka madaxbannaan dawlada dhexe ee Xamar. Dhinaca kale Soomaaliland maanta kama jiro hannaan oggol dhiibashada rayiga xorta ah. Waa run 2001-dii waxa la qabtay afti-dadweyne oo dastuurka gooni-isu-taagga Soomaaliland lagu ansixiyay; balse madmadow, cagojuglayn iyo jujuub ayaa lagu meelmariyay, illaa maantana iska daa qofka gudaha Soomaaliland jooga ee midnimada taageera e’, qofka ku riyooda ayaa la xidhaa.

Aragtidayda shakhsiga ah, haddii ay Koonfurtu hagaagto, oo ay ka dhalato dawlada xoog leh: waa haddii la helo hoggaan aragti leh oo Alshabaabna laga adkaado; Soomaalilandna ay sii jirto: waa haddii ay ka badbaaddo duufaanta qabyaaladeed, caddaalad-darro iyo qaybsanaanta hadda ku dhabanaysa; waxa la isugu iman karaa meel dhexdhexaad ah oo aan ahayn ‘‘ Midnimadu waa lama taabtaan ’’ ama  ‘‘ Madaxbannaanida Soomaaliland waa muqaddas’’ oo ah weedho ay nuxurtireen madaxda labada dhinac. Muddo aan ku qiyaasayo ugu yaraan 5 sanno ugu badnaanna 15 sanno kaddib waxa dhacaysa midnimo ka duwan tii lixdankii.

Marka laga daalo kala-lulashada iyo jiitanka waxa ay Soomaaliland codsan doontaa in shacabkeeda laga qaado afti-dadweyne oo goobjoog laga wada yahay. Aftidaas waxa la qabanayaa ugu yaraan 5 sanno  ugu badnaanna  10 sanno gudahood marka la isku waafaqo qabashadeeda kaddib. Shuruudaha aftida waxa ka mid ah in ay dawlada Soomaaliya codsato in muddadaas shanta ama tobanka sanno ah bilawgooda la sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo aragtidoodu tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, kuwaas oo si xor ah Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba uga ololeeya aragtidooda midnimo-doon.

Haddii uu xaalka Soomaaliya ka soo reynwaayo ama ay Soomaaliland si togan isu beddesho waxa laga yaabaa in Soomaaliland la aqoonsado. Haddii Soomaaliya ay soo kabato, Soomaalilandna ay si taban isu beddesho –waana sida ay u badan tahaye, waxa laga yaabaa in aftida laga maarmo oo ay labada dhinac wada sameystaan Konfederaaliyad. Waa hannaan ka sino ballaadhan Federaalka oo laba waaxood wax loo qaybsanayo boqolley isu dhow, tusaale ahaan 60% vs 40% dhammaan xilalka iyo kuraasta.   Waana sida Tansaaniya iyo Sansibaar ay ku dhaqmaan.

Waan ku celinayaa xaalka hadda ee kala-lulashada iyo jiitanku shanta ama tobanka sanno ee soo socda inuu sii jiraa waa mid aan maangal ahayn.

Xusuusqor, 22/09/2018.
Cali Ileeye.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here