Cadaabtii Shaqaalaha – Abshir Umal ‘Mooge’

Mooge

“Baroorta iyo xiisahaan
Isku baanan doonaa,
Bartuu igu xereeyaan
Ka dhex baaqi doonaa,
Ubax baal casuus laan
Ku dhex beeri doonaa,
Biyihii webi Ganaanaan
Ka butaacin doonaa…

Isaga oo miis yar oo duug ah labada suxul saaray qoortana intuu hoos u soo laaladiyay labada suxul dhexdooda ku aasay ayuu heestaa qaaday, sidii cod feedhaha ka soo baxaya oo lafta dhabarka jebinaya. Shaqo dhib badan buu haddeer ka soo rawaxay, daalka ka muuqda waxa kaga sii daran xusuustaa marba ku soo maaxanaysa ee ammin hore oo tegtay ku tuuraysa. Waa xusuus si fudud u dul maraysa xadhig dhuuban oo xabad yar oo tin ah la moodo, isla markaana sida nabar la ganay dushiisa u maraysa. Xawaarahaa ay jarrayso ayaa wakhti lagu magacaabaa. Xadhigaa dhuuban baa boos loogu yeedhaa labadooduna waxa ay samaynayaa xaalad, waxa ay abuurayaan nolol saaran xawaarahaa oo xadhigaa dhuuban garabkiisa ka daawanaysa xaaladaa. Xidhigu meelo badan buu ka sagsaaganyahay, taasoo keenaysa in xawaaruhu uu marba dhibac u ciiro, ilaa ee marka danbe toos u wasa dheeliyo oo hadaan ka dhaco. Guuleed waxa uu kor u yara jaleecay saqafka sare ee qolka, waxa ay indhihiisu qabteen safiiito cagaar ah oo daliigo is dhex yaacsan ay ku xardhanyihiin, isaga oo weli safiitadii eegaya ayuu feker u baxay oo ku anbaday mawjadaha is moodsiiska. Shirkadii uu shaqadeeda haddeer ka soo baxaya buu ka soo qaaday isaga oo leh oo sibitoor ku jeedalaya shaqaalaha. Hadana inta uu xafiiska shirkada tegay oo lacag wacan jeebka ku hubsaday ayuu makhaayad heersare ah u shaah doontay. Mar kale ayuu qiimaha shaqaalanimada is waydiiyay isaga oo ku qeexaya cabsi ka soo bilaabantay fakhri. Qoortaa daashay oo dib buu ugu soo noqday adduunyadii caadi ahayd, inta uu farta murdisada dhafoorkiisa ku taagay ayuu bilaabay cod aad moodo inuu meel fog ka imanayo.

“Xareedda laguma wacnaado
Abaartana lama xumaado
Adduun xunbo maaha gudhaya”

Timaha gafeedhu ay biyaha ka soo saydhinayso  ayaa muraayadii tuwaleedka qariyay, kolkaasay intay gafeda gacanta bidix ku qabsatay gacanteeda midig diriceeda ku soo qabatay oo muraayada biyaha ku duulduulay kaga tirtirtay. Tuweleetkaa ay galabta taagantahay baa nolosheeda qayb wayn ka qaatay, sida aya xaragadu ay nolosheeda uga mid tahay. Ruux qurux badan oo xarago badan oo mar kasta inay iyada oo xaragoonaysa oo dhabankeedu dhalaalayo tuweleetkaa isku daawato jecel baa ku jirta. Deeqa waxa ay galabta isu diyaarinaysaa xafaladii arooska saaxiibteed milgo oo caawa dhacaya. Milgo iyo Deeqa waayo badan bay soo wada qaateen, in badan bay ku sharatameen wax ay ula baxeen Halyayga Riyooyinka. Galabta waxay indhaheeda oo shan ah dirac wil ah ugu soo labisatay arooskii saaxiibteed milgo. Waxa ay yaqiinsatay in halyaygeedii laga badiyay. Waxa ay u sii dhaqaaqday dhinaca albaabka iyada oo gacanta ku haysa foodadii wilka, inta aanay albaabka  toos uga wada bixin ayay heestii Sahra Axmed xusuusatay, habeeno badan oo sharadkii Milgo ay iyadu guusha ugu goodinaysay bay dib ugu laabatay oo cod yar oo sii diiniqaya ku qaaday.

”Fahfaahin maayee
Fahanoo ujeedada
Farasakaagi laga badi….”

Deeqa iyaduna niyadeeda marnaba quus may galin, waxay dhexda u dhuujisatay oo niyada ku dhisatay rejo qurux badan iyo nolol wacan.  Milgo galabta waxa ay cilaanka u saaranaysaa oo boqolka kareen ee midabada kala duwan leh dhankeeda u saaraysaa si ay caawa ninkay nolosha wadaagayaan ugu qanciso. Sannad ka hor bay ahayd aroortii Milgo iyo samatar lays baray. Aad bay u garanaysaa oo aroor aanay ilaawi karin weeye. Nasiibkii Samatar Milgo ku xidhay ayaa wanaagsanaa sida ay Milgo aaminsantahay. Samatar sannado badan oo uu Afrikadaa bari ka xamaalanayay waxa uu maalinkii danbe ku fekeray guur iyo siduu u raadin lahaa cid ay nolol wadaagaan. Dhawr maalmood oo isku xigta ayuu sahra oo inaadeertiis ah oo dalka joogta arinkaa uga waramay, waxa uuna ka codsaday in ay arinkaa wax kala qabato, oo gabadh qurux lagu majeerto ku soo xidho. Sahra waxba kamay odhan oo ogoli bay ugu warcelisay. Maalmo yar kadibna Milgo oo ay sahra isku xaafada ahaayeen bay arinkuu u soo bandhigtay, sidaa ayayna Milgo iyo Samatar isku barteen, shukaansi daba dheeraaday oo sannado soo jiitamayayna galabta cilaankii gabagabadiisa u saaranaysaa.

Deeqa waxa ay Milgo ka ximinaysaa waa xoriyadaa faraha badan ee aanay iyadu haysan. Filadaa dheer oo quruxda badan waxa ay kaga door bidaysaa buulasha horteeda ku yaala ee farxadu taalo. Inta agab guri la dhigo oo aan gurigooda u ool ma jiro. Qurux la shego oo aan filadooda lahayn ma jirto. Xaafada ay magaalada ka deganyihiin gurigooda ayaa summad u ah. Sidaa oo ay tahayna Deeqa qanaacadii baa filadani kaga fadhiisatay. Qool aanay aqoon bay lugta kula jirtaa. Dhalinyarta ay isku ayniga yihiin oo dhan baa ka warwareegta oo aan danba ka galin. Waxay is arkaysaa iyada oo gaarkeeda xagal yar oo madow kadaloobta. Wax kale ma aha, waa dabaqada ay ku nooshahay, maya reerkoodu ku noolyihiin dhiig miiratad ah. Waa dabaqad ka samaysan kibir iyo isla-wayni. Dadkan ay iyadu la yaabantahay, waxa ay ka dideen iska waynida reerkooda, kibirka iyo tilmaanta ay dabaqadaasi leedahay. Balse waxaas oo dhami waxay ay dulmiyeen oo xagal madow ku aruuriyiin Deeqa. Ruux aan isla wayni, kibir iyo tilmaan kale oo xun lahayn baa dhibane u noqotay dabaqadaas nolosha kaga aroorta asalka gumaysiga danyarta iyo foqorada.

***

Malaawaalka ayaa uu ku abuuray nolol kale oo adoonimadu ay tahay cadawga koobaad ee ay leedahay. Waxa uu Guuleed aad ugu fekerayaa hadh iyo habeen shaqadan dhibka badan ee siidhka adoonimada hoos u raacda. Hal wax oo kaliya ayaa shaqadaa ku xidhaya oo ku kalifaysa inuu sii joogo, waa mushaharkaa oo uu daldalool badan oo qaraashtku ka mid yahay ku daboolo. Sidaa daraadeed ayuu uga xeeladaysanayaa inuu ku dhaco garoonka busaarada ee siiigada jahligu ka soo kacayso. Cabbaar kadib waxa uu far murdisada dhafoorkiisa ku hayo waxa uu si ogaan la’aan ah u jaleecay warqad yar oo Dubbad u keenay. Warqada gadaasheeda qoraalka kaga yaalay ayuu akhriyay. Waxa uu dareemay inay tahay kaadhka xaflad aroos oo ka dhacaysa huteelka Deero. Xaflad aroos! Durba waxa uu maankiisa galiyay inay tahay xaflad aroos oo dad jeeb ladani dhiganayaan, hadana mar kale ayuu ku fasiray farxad iyo aroos, isaga oo qolkiisii wali dhex fadhiya ayuu maskaxdiisa ka daaray cajiladii xaflada iyo farxada halkaa taal. Hadduu doono inuu qolkan madow dibada mar uga baxo oo halkaa u foof tago ayuu goys danbeedka ku hubsaday. Asalka horeba waxa uu meel madow kaga soo hadhay farxadii fakhriga lagu sheegi jirey. Shilinka yar ee daynta ku dhamaada wax farxada oo uu watana muu arag, nolosha shiidka ahna iyadana kuma arag.

Labis iska dhexdhexaad ah ayuu isku taagay, waxa laga yabaa inaanu labisna ku soo xisaabtamin, ee xafladaa uu ka soo wardoonay. Balse Dubbad si wacan buy u soo labistay caawa, si ay indhuhu u qabtaan ugu yaraan. Suudh madow oo uusan i muddo xidhan buu caawa si xarago leh dhex isagu soo dhuujiyay tintana si wacan u soo shanlaystay. Hoolkii xafladu ka dhacaysay oo dad badan oo nooc walba leh joogaan bay gudaha u soo galeen. Muusig debacsan baa meel hore oo caruuska iyo caruusada fadhiyaan ka baxaysa. Waa milgo iyo Samatar oo wada ciyaaraya gabdho kale ayaa iyaguna agtooda mid waliba gaarkeeda isu ruxaysaa. Buuqii iyo sawaxankii hoolka ayaa sii hulaaqay oo sida ay marba dadka u soo badanayaa. Kursi caag ah oo meel gees ah yaala isaga oo ku fadhiya sidaa ayuu marba indhaha uga biixinayaa hablahaa quraxda badan ee caruuska iyo caruusada ka ag ciyaaraya. Nolosha oo dhan ba waxa uu ku eegayaa hirdan u dhaxeeya quwadaha, marba waxa xiligaa ereyga awooda ku baratamaya. Shaqada uu dhibkeeda doonayo inuu wax walba oo suurto gal ah isku ilawsiiyo ayuu dib u jaleecay, isaga oo dhiilka qarashaatka ee daynta iyo cashuurka cunto sida. Beryahan danbe oo dhan kacdoon hoose oo holac ah buu nafsadiisa ka dhex bilaabay. Waxa uu nolosha oo dhan ku qiyaasay miisaan hal kafad ah saarantahay oo dhinac u janjeedha, dhinaca kale ee miisaankuna isaga oo aan kafadi saarnayn kor u dalacmay. Shaqaalaha xiligan la joogo dhiigooda ayay ka mid noqotay shaqadu, sidaa daraadeed kama kaaftoomayaan ilaa ay fakhri iyo gaaajo gondaha la dhigtaan. Waxa ay arwaaxdooda u soo bandhigayaan sidii badeecad suuq taala oo kale, taasoo marba la daalaa dhacaysa is bedbeddelka suuqa ee mawjadaha sicirka iyo qiimuhu ku hirdamayaan.

Deeqa oo aad moodo inay dhaxamoonayso ayaa kaligeed meel shishe soo fadhida. Cabbaar ayay saaxiibteed milgo ka ag ciyaartay oo weji qurux badan ku qaabishay iyada oo dhoosha uga qoslaysa, sidii iyadoo oo farxad iyo jacayl ugu hanbalyaynasa dabadeed waxa ay iyada oo kaligeed ah isku soo aruurisay kursigaa yar, si ay xoogaa u nafisto. Guuleed oo soo jeedkeeda soo fadhiya ayaa marba indhahooda is dhaafayaan, laba qof oo midba gaarkiisa u maqanyahay baa si ogaan la’aan ay indhaha iska bixinaya. Ilayska sida dhalaalaya hadana, indhaha aan waxba yeelayn ee deganaantu ka sokoyso ayuu dareemay, indha marba dhinac baala daymoonayay oo il qoodhka wax ka eeg eegayay baa qumaati u istagaay oo mar qudha u qaabilay Deeqa. Aayar aayar buu jidhkiisu dhaqdhaqaaqa u joojiyay sidii qof koronto ku dhegtay. Jidhidhico dhibcaha roobka laala’eg baa ku istagtay. Waxa uu daawanayaa quruxdan ku beegiisa soo fadhida ee qaylada iyo iyo buuqaa hoolka ka baxaya aan la haysan ee gaarkeeda u fadhida. Huga ay wadato iyo xaragada ka muuqata ayaa dareen ku dhalisay. Mid waliba waxa uu gaarkiisa u jafayaa qar, labadooduba waxa ay waydiimo ku harqiyeen nafahooda yaryar ee dhibanaha u ah xaaladaha kala duwan ee adduunyadu marayso. Deeqa waxa ay karaahsatay noloshan diiqada ka samaysan ee darbiga isla waynida af saarta lagaa dhigay. Waa dabaqadan burjawaasiyada ee silsilsadaha adoonsiga ku jabisay barotelaariyadan habaarka qabta, ee dusheeda lagu maleegayo sharka.  Sidaa si lamid ah ayuu Guuleed hoosta uga nacdalayaa dhiilkan fakhriga ee uu intaa walwaalayo.

Siduu saaka u soo galay haddeer ayuu in yar oo nasiino ah helay, isaga iyo Dubad oo wada shaqeeya ayaa makhaayad shirkada horteeda ku talaa u shaah doontay. Dubbad waxaad moodaa inuu dareemay is beddelka ku soo kordhay Guuleed. Dhawr jeer oo isku xiga ayuu dhaqanka maamulaha shirkada ku tilmaamay kalitalsnimo, sidoo kale waxa uu beryahan oo dhan ku kacsanaa shaqaalanimada, isaga oo ku doodaya inay tahay qayb kamid ah addoonimada casriga ah. Dubad doodahaas oo dhan waxa uu kaga iimaan badan yahay shilinka yar ee uu meesha ka shaqaysto, laakiinse waxa uusan dafirin karin dhabnimada dooda Guuleed iyo xaqa ay ku taagantahay. Koob bigays ah oo malqacad yar la socoto ayaa la soo hordhigay guuleed, inta uusan koobka shaaha ah wali gacanta saarin ayuu buug uu watay dhabta saartay oo horay u soo yara fadhiistay isaga oo koobka dhegta ku sii dhegaya. Guuleed oo bishimaha iyo dhuuntaba hadal u qoystay baa isaga oo koobka sii dhigaya cod xabeeb leh bilaabay.

– “Waa run oo dhaqanka ninkan maamulaha ah waxa uu tusaale cad u yahay dooda odhanaysa shaqaalanimadu waa addoonimada casrigan aynu joogno.. Taasoo ka dhigan, addoon iyo mudanaheed, oo ah innaga iyo maamulaha shirkada.”

– “Maya, labadeenaba waxa inaga dhaxeeya dan, balse waa in midkeen mar kasta danayste yahay. Sidaa daraadeed, markasta inaga ayaa ah kuwa danaysan…”

– “Runtii fikradaasi waa waxa wiiqay awoodeena. Waa sababta keentay in shaqaaluhu tusaale fayow u noqdo addoonimada casriga ah, taasoo suuqa sidii badeecada marba qiimaheeda is bedbeddelo.. Si aynu arinka uga hortagno, waa in baroletaariyadu ay aamintaa inay tahay quwada koobaad ee ay burjawaasiyadu ku shaqayso, taasi waxa ay inaga kaalmaynasaa in la helo qiimo isu dheelibtiran oo labadooda ka dhaxaysa, meeshana ka saaraysa aragtidii ahayd isku dul noolanshaha iyo dhiigmiirashada..”

Ayuu yidhi Guuleed isaga oo buugga dhabta u saaran gacabta bidix dhakada ka saaraya.. Dubad oo buuga uu Guuleed wato arka ayaa si kaftan ah u waydiiyay..

– “Buuggaasina maa kii baaqa shuuciyadaa?..”

– “Haa waa kii markis iyo anjel qoreen..”

– “War dee beryahan markiis oo dhal ah baad noqotay..”

– “Maya, Markis waxa na mideeya dookha aragtida, sidaa daraadeed baan ugu helay aragtida uu ku cabiray loolanka dabaqada ee taarikha bulsha waynta adduunka saameeyay. Kaas oo aah wax soosaarka bulshada iyo dhuunta raasamaaliyada ee xaraysa wax soosaarkaas.. ”

– “Imminka ma waxaad iga dhaadhicnaysaa noloshu waxa ay ku wareegaysaa xagasha dhaqaalaha ee fakhriga iyo hantida u dhaxaysa..”

– “Dabcan…”..

Indha buseelay, oo wax kasta oo qurux badan u jeelay oo doontii boholyowgu ay badwayn madow  marinayso ayuu ku eegay baabuurta laamiga makhaayada ka horeeya sunsumaysa. Waa laami dayac badan ka muuqdo, waxa uu laamigaasi astaan u yahay hadhaagii kacaanka ee jeeniga ku sii qaatay wax kasta oo wanaag iyo xumaanba kafadaha garsoorka loogu saari lahaa. Sidaa daraadeed ayaa ubadkii kacaanka ee dambarkii dayowga iyo habowyga lagu anqariyay ay xinjirtii colaada ugu burburiyeen laamigan sii dhamaanaya. Waxa ay ahaayeen ubadkii kacaanka ee sida qoriga loo rido oo ajasha loo dhaafiyo cid kasta oo kacaanka ka hortimaada lagu soo barbaariyay dabadeena markay dhiigii ay cabi jireen waayeen qoryo dab ah oo ololaya isu beddeleen. Siyaabo kala duwan ayay mucaaradnimadooda ku cabireen, qaar waxa ay ku doodayeen badbaadada qarankan ay askarta jaaani gacan maroojisay. Halka qaar kalana ay ku macneeyeen gadoodkooda habka ugu wanaagsan ee kaligii taliye jiritaanka looga qarin karo sidaa darteed ay qoriga dhegta u saarteen. Si kastaba waxa ay ahaayeen mucaarad aan yool iyo hiigsi toona lahayn, waxa ugu wayn ee ay qoriga u watena uu ahaa dano gaar ah, iyo hab qabiil. Marka laga soo reebo inay ku baratamayaan sidii ay maamulkaa dhulka ula simi lahaayeen. Taasina waxa ay keentay oo ay maanta nolosha ku sogaatisay laamiga jeexjeexan ee uu guuleed indhihiisa ku daaliyay.

Wakhtigii yaraa ee nasashada loo siiyay oo gabaabsi ah ayay dhibaca shirkada u soo dhaqaaqeen. Guuleed iyo saaxiibkii Dubbad oo si niyad xun talaabooyinka ula foorarsanaya ayaa shirkada afaafkeeda hore si kadis ah ula kulmay maamulihii shirkada Aaden gelow iyo nin sida cuqaasha u labisan oo gaadhiga ka soo wada degaya. Iyaga oo aan wali gaadhiga la laaban oo kaabada lugta markaa saaray ayay ku war heleen daaqada gaadhiga oo si xoog leh loo xidhay. Waa nin dhalinyaro ah, oo joog quman. Waxa uu da’ ahaan qiyaastii madaxa la sii galayaa da’da sodonka oo weji dhalaalaya iyo dheg qurxooni ku soo sagootiyay cimrigii labaatanka. Xaafiskiisa ayuu Aaden ku qaabilay caaqilkii. Waa kan isaga oo qosol samaysay ah iyo dhoola cadayn iska keenkeen ah dibnaha uga muujinaya caaqilkan maanta xaqii reerkooda shirkada Aaden-gelow ka soo raadiyay. Waxa uu caaqilkaasi rumaysanyahay in saldanadan caaqilnimada ee uu cimaamada u wato ay tahay kaadhka loo xoqdo quudka, sidoo kale ay tahay awooda suuqa lagu hantiyo. Taasi waxa ay si cad uga marakacaysaa wiilkan dhalinyarada ah ee uu shaqada uga raadinayo shirkada. Aaden-gelow, waa ruux sida laysugu danaysto oo laysaga faa’idaysto yaqaana. Oday dhaqameed awooda uu maalinkaa maanta ah leeyahay iyo sida uu meel walba uga adeego ayuu aad u fahansanyahay, sidaa daraadeed codsigii shaqada ee uu ninkan dhalinyarada ah u waday ayuu aqbalay Aaden-gelow, sabtida soo socotana in uu shaqo isu soo diyaariyo ayuu ku wargeliyay.

***

Wuxu af xumaa oo dabeecad qalafsanaa. Alla axadka baasi intuu xunyahay badanaa! isaga oo is kojinaya oo sanka ka hadlaya ayuu Guuleed far ugu yeedhay, isaga oo dhinaca xafiiskiisa tilmaan u siinaya. Guuleed oo yaab iyo amakaag Alle isugu keenay ayaa xafiiska galay. Waxa uu bilaabay Aaden inuu canaan dhaga ka saaro, oo ugu goodiyo in uu shirkada banaanka ugu saarayo, maya in uu shaqada uu hayo maanta laga bilaabo ay fasax ka tahay isaga oo ku eedaynaya in uu Guuleed sharciga shirkada u yaala baal maray, taasna uu ku mutaysanayo caydhid iyo shaqada oo laga eryo. Guuleed isaga oo fuqa taagaya oo aan inyarna jixinjixin ayuu deganaanta laasimay ilaa uu Aaden hadalkiisa dhamaysanyo, dabadeed albaabka aayar oo dhalatay u xidhay. Saddex maalmood kadib maanta ayay saaxiibkii Dubbad ku kulmeen makhayadoodii ay ku casariyey jireen. Galabta labadoodu ba dareeno kala duwan ayuu  midba walba gaarkiisa ula shaxayaa balse walwalka mustaqabalka ka qabaan ayaa kulmiyay. Dubbad isaga oo saaxiibkii Guuleed eegaya ayuu waxa uu dareensiiyay sida ay xidhiidhka u leeyihiin shirkaa laga caydhiyay iyo caaqilkii ay maalinkii dhawayd kadinka hore ku arkeen isaga oo gaadhiga Aaden ka soo degaya. Sidoo kale waxa uu Dubbad u xaqiijiyey in booskii uu Guuleed ka shaqaynayay ninkii dhalinyarada ahaa ee isaguna markii danbe gaadhiga ka soo deyay lagu buuxiyay. Dubbad oo wejiga gibil madow iskaga dahaadhay oo gacanta dhafoorkiisa ku salaaxata ayuu bilaabay cod aad moodo inuu hoos u sii baxaya sidii qof jaranjaro dhulka u daloosha ka sii daadegaya.

-“ Shirkadahan waawayn ee aynu nafteena ku haligayno ammaanad shaqo inooma balan qaadayaan, sidaa maanta adiga shaqalaanimadaadii wejiga caaqilkaa loogu gubay ayaa shaqaalaha kale oo dhan sugaysa.”

– “ Waa wax laga xumaado Saaxiib. ” ayuu ku yidhi Guuleed saaxiibkii isaga oo aan dareenka murugada iyo farxada midna wejigiisa ka muuqan, walina sidii qof maahsan u eegaya saaxibkii. Arintaa caaqilka iyo shaqadii laga caydhiyay ayuu isku xidhay waxana uu  ka soo saarat natiijo ah saldanad u adeegta tabardarrida, fakhriga, qabyaalada, iyo caalwaga.

Deeqa oo barandada hore ee aqalka fadhida oo dhirta kala nooca ah daarada lagu beeray indhaha ugu raaxaynasa ayaa kor u yara jaleecday, dabaqa sare ee hadhkiisa daarada qariyay, iyada oo ku beegiisa banaan ee cirka un ka muuqdo eegaysa, waa ay ogtahay oo waxaa hortiisa soo kamadhuusha aqalada yaryar oo kala jaad ah, buulal, qolal midba gaarkiisa u taaganyahay, jagooyin banaan. Deeqa oo wahabka saaran ee nuxuusta ka dhigay ka fekeraysa ayaa farxada iyo liibaanta maskaxdeeda ka baadhay. Waxa ay marba is arkaysaa iyada oo liibaanta ku qiyaasaysa nolol maalmeedka, xaalada markaa la joogo iyo duruufta. Aqalada quruxda badan iyo kuwa foosha xun ba farxadu waa ay joogtaa, sida aysan hal meel oo qudha ugu koobnayn. Waxa jirta farxad samays ah oo uu fakhrigu ku doodo, taas oo lid ku ah nolosha malyan dheerta. Fakhrigu waxa uu ki noolyahay cabsi u siidh foorarta qarashaatka, sidaa daraadeed ma jiro farxad uu gaar kala yahay hantida.

Xili ay casar gaabkii tahay ayay dhinac suuqa soo aaday iyada oo gaadhigii xaafada saaran. Labadii nin ee Guuleed iyo Dubbadna makhaayadii ayay wali is ag fadhiyaan oo mid walibaa aamuska ciirsaday. Guuleed wax kasta macno daro iyo dheeldheel buu u daayay, oo farta murdisada inta uu dhafoorkiisa ku qabtay ayuu wjahada makhaayada qumaati isugu beegay.  Gaadhi laangaruusal ah oo madibka dambaska oo kale leh baa bartii uu Guuleed eegayay si degan uga soo laabtay oo dhibaca bidix isteerinka u soo qabtay darawalku, waxa wada Deeqa mid yar oo walaalkeed ah iyadan kursiga danbe ayay fadhidaa. Si feejigan oo dareen leh buu muuqa Deeqa u hubsaday oo indhaha ugu buuxsaday dabadeed habeenkii xaflada inantii uu arkayay muuqeedii dib ugu noqday. Waa laftigeedii! Wejigii ilayska iyo iftiinka uu ka sokeeyay balse sidii laanbad meel cidla ah ka baxaysa kaligeed cadow madow kursiga ku fadhiday. Guuleed waxa uu galay dareen kale oo si guud uga gedisan kuwii hore oo dhan. Waxa uu aad uga fekeray Deeqa iyo halka ay nolosha kaga abtirsato.  Gaadhiga ay saarnayd waxa uu ka waatay fikrad uu isku ilawsiin doono sawirkii quruxda badnaa ee uu maankiisa sida ogaan la’aanta ah u sudhay, sidoo kale waxa uu araga Deeqa caawa ku soo hulaaqiyay buufiskii uu ka qabay dabaqada sarre. Mid walibaa caawa waxaa uu gaarkiisa ula cawaynayaa xaalada uu ku jiro iyo tashuushka aragtida uu nolosha ka qabo. Labadooduna Waxa ay si dhab ah jiritaanka ugu sugayaan. “laba kala bariday kala warla’!..”

Qorraxdii mar dhawayd godkeeda gashay waxa ay waydaaratay habeen gudcur ah, oo mugdigiisi ku fidiyay ifka, guuleedna waxa uu isaga oo fiino yar xidhan qadaadka ugu jiifaa sariir duuga ah oo jiiqjiiqleh, markasta oo uu far qaadaba way dhawaaqaysaa sariirtaasi sida inay nuuxsanayso. Xabad sigaar ah oo royal ah buu leetaraka ku shiday dabadeed dibnihiisa jiilku maray ku habay isaga oo nuugaya. Qiiqa sigaarka ayaa daliig yar isku qaabeeyay oo kor u baxay isaga oo darbiga isku dhererinaya, halkaa ayuu Guuleed wax kasta oo maskaxdiisa ku soo dhacaba is dhaafsiiyaa, balse markan waxa uu si layaab leh u dul istaagay xidhidhka ka dhaxeeyay shaqadii laga caydhiyay iyo caaqilkii ay kadinka sida kadiska ah ugu kulmeen. Guuleed arintan waa uu sawiran kari waayay, balse hadana layaab iyo qaadawaan buu ku noqotay in caaqilkaasi shaqadiisii u qoonsaday, maya uu Aaden-gelow ugu adeegsaday si shaqada looga baaciyo, madaxiisana uu caawa xabad sigaar ah oo nolosha busaarada iyo shiidka uu sawirkeeda ugu gubayaa maskaxdisa. Aaden-gelow isaga oo maamule ka ah shirkada intaa la’eg ee dalka badankiisa isgaadhsiintiisa maamusha ayuu hadana waxa uu sidii addoon yar oo mudanihiisa raaligalinaya jilbaha ugu dhigtay oday dhaqameed aan shilin isku furan, marka laga yimaado nasabka uu ku arooro oo uu afkiisa wax ku cuno, waxna ku cabo.

Xeerka beegta ay odayada dhaqanku ay meel walba la ordayaan waxa uu beddel ka noqday xeerkii caadiga ahaa ee ummadani dhigatay, kadib markii la waayay awood uu xeerkaasi garabkeeda ku shaqeeyo. Dadku waa indha ku garaadle, awoodana waxa ay ula dhaqmaan marba sida ay u falceliso. Sidaa darteed xeer kasta oo qeexaya jiritaanka shacabka, si xaquuq siman oo loo wada dhanyahay loo  helo waa in ay jirtaa awood dhexe oo gacanta sare iyo ta hooseba goob joog u ah. Taasoo ka dhigan, habkan qabiilaysiga ahi waxa uu ka dhashay fawdadii dawlad la’aantu ay bulshada ku reebtay. Xabadii sigaarka ahayd ee uu cabbaar ka hor bilaabay ayuu haashkeedi darbiga ku damiyay, dabadeed inta uu labada gacmood madaxa hoosta ka mariyay ayuu bilaabay inuu is dabbaaliyo, oo maskaxdiisa fikirka ka dilo si uu xaynta ula noolaado oo uu san tuko canbaar leh bulshada uga dhex noqon.

Abshir Umal ”Mooge”

abdibulux4982116@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here