Heesta Miiraale – Sidiiq Cubayd

Sidiiq Cubayd

Farshaxanka iyo midho-cudoonaantu waa qayb ka mida meel-marinda suugaan la curiyay wakhti hore ama se mid danbe ba. Hawraarta iyo murtida Soomaalida ayaa waayo hore ahaa shayada kali ah ee la isugu gudbiyo farriimaha kala gaddisan ee nolosha. Jacaylku waa midka ugu wayn ee laga tiriyay laamaha suugaantu u kala baxdo oo idil.

Qarnigii 20aad waxaa si mug wayn bulshada soomaaliyeed uga dhex hana qaaday curinta suugaanta jacaylka ah, Sida; Calaacalka, Cabashada, Caloolyowga iyo amaanta.

Haddaba qarnigaas, waxaa bulshada ku soo badanaayay hal-abuurka iyo Fanaaniinta kala jaadjaadka ah ee midiba codkiisa iyo midhihiisa ku ciil baxaayay. Xilligan masraxa fanku ma ahayn mid cid gaar ah u xidhan balse, waxaa markaa ku soo hamuumaayay ruuxba ruuxa uu ka codka dabacsanaa kana meel mari ogaa, dhagaha bulshadana si fudud u hanaankaraayay.

Cod macaanayaashaa dhagaha ummadda soomaaliyeed sida hawl yarida ah ku hantay waxaa ka mid ahaa Eebbe naxariistiisa iyo nimcooyinka jannada ha ku maamuusee, Fannaankii Axmed Mooge Liibaan, oo xiliyo kala duwanaa iyo marlaxado adkaa u soo heesay dadkiisii dayaca wayni ka haystay, dhanka jacaylka iyo waddaniyadaba.

Hubanti waxaa ah, noloshu in ayna kolnaba ka maarmi karin jacaylka iyo naxariista haweenka, waana sababtaa waxa keenay in xilligaa hore iyo haddadan ay soo bataan aadna u soo burqadaan suugaanta ku aroorta jacaylku.

Yaanu i jiidan muxibada iyo macaansiga qoraalkuye, bal hadda aan u daadago ujeedkaygii ahaa in aan idiin soo bandhigo, Isna-kiin-baro mid ka mid ahaa Abwaannadii mucjisada fanka ahaa ee ina soo maray wakhti ka mida sabannadii wacnaa.

Abwaan Baashe Ibraahim “Baashe Waraabe cadde” Wuxuu ka mid ahaa hal-abuurka suugaantooda sida hagar la’aanta ah ee farshaxanimada ashqraarka badan ugu soo bandhigi jiray, Curinta cajiibka badan ee ammaanta jacaylku u yahay iba furka iyo balaysinka. Bal ila eeg heestan uu codkiisa luxdan inagu soo gaadhsiiyay Tabliiqigii jacaylka ee Axmed Mooge Liibaan Eebbe godka haw nimceeyee.

Baashe Waraabe Cadde, oo u gol leh, in uu ruuxiisa u caddeeyo halka ay u taagan tahay iyo in ayna haween ula sinayn iyadu. Hadda waa iyadii ee iga qabo waatan e:

” Sida mayay arooryaad,
Miiraale soo kacay,
Meel mahiigaan jilbaha dhigay,
Dhirtu ay magooshoo,
Manka iyo caleentii,
Isku maydhax soohmeen,

Dhulka muruq ka soo baxay,
Muran uu dhaxyeeloo,
Anaa kaa macaaniyo,
Waxaan ahay masciideed,
Hadal la isku mari karin,
Maanshee barwaaqaa ”

Abwaan Baashe kolkuu halkaa marinaayo ayuu haddanna ruuxiisii u sheegayaa in ay la mid tahay quruxdaasi Eebbe wayne uunkiisa ugu deeqay, wuxuu yidhi isaga oo sii wada:

“Muuqooda inanyahay,
Marmar baan ku moodaa,
Amma kugu masaalaa,
Runta lagama maarmee,
Maalintaan ku halacsaday,
Meel dhiman-la’ inaad tahay,
Madmadow iga maad galin”

Kama hadhine, abwaanku haddii uu quruxdaasi ka soo qaatay berrigii iyo nimcadaa aan kolnaba sanku-neefluhu ka maarmin, ayuu isaga oo wali sii wada ujeedkiisii ammaanta, wuxuu mar kale u gudbayaa cirka iyo dayaxaa nuurkooda adduunka oo dhami iftiinsado. Abwaanku Intan ayuu ku xidhayaa isla intii hore wuxuuna yidhi

“Dayaxoo muquuriyo,
Marna gelin daruuroo,
Maalmaha shan iyo toban,
Mudadii ku buuxsaday,
Cadceeduna mudh soo tidhi,
Madaxyada falaadhaha,
Ku mariintay nuurkii,
Midabaysay inanyahay,
Aanse milicna wali noqon,
Isha muuqsigeediyo,
Mililica jaleecada,
Anoo meel ka daawaday”

Ashqaraarkaa miisaan waynidu ku ladhan tahay ayaa ah waxa heestani kaga cajiibsanayd heeso badan oo xilliyadeedii mar la soo baxay, waana sababta ilaa hadda in badan oo bulshada suugaan ku noolka ahi u sii jecel yihiin heestani. Aan ku noqdee Abwaan Baashe oo xilli aanu wada sheekaysanaynay iiga warramaayay heestan iyo xilligii ay soo baxday iyo cidii laxankaasi cajiibka ah ku ladhay ayaa igu yidhi:

“Siddiiqoow, adeer aniga oo qurbaha ka imid fasax koobana ku jooga Hargaysa, ayaa waxaa aanu kulanay Cabdi Maxamed Jaamac, hadda waa kan inala joogee. Kolkii aanu kulanay ayaa waxaa aanu isagana is helnay Axmed Gacayte Yuusuf oo laxamiiste iyo heesaa wanaagsan ahaa, Alla ha u naxariistee.

Axmed Gacayte oo aan jeclaa heesihiisa iyo laxamadiisaba ayaan waxaan markan jaanis isku helnay in aanu wada fadhiisano, ka dib markii aanu qayilaad isku balansanay, ayaa waxaa isna noo yimid oo halkii aanu fadhinay soo galay Fanaankii waynaa ee Axmed Mooge. Alle godka ha ku janeeyee, wax aanu qayilnaba waxaa goor danbe igu soo dhacay heestan “Miiraale” oo muddo ka hor markaa aan sameeyay; waxaa isla markiiba damcay heestan Axmed Gacayte, si uu u qaado isagu balse ma suura galine kolkii Gacayte laxanka sameeyay ayaa waxaa isagu codkiisa ku qaaday oo heesta jeclaaday Axmed Mooge liibaan, Heestuna sidaasi ayay bulshada ku soo gaadhay.”

Hagaag marba haddii ay sidaas ku soo baxday heestu waa ayo, Cabdiga uu inoo sheegay Abwaan Baashe in uu la socday xiligaa?

Cabdi Maxamed Jaamac “Cabdi yare” waa musishan, si aada u tuma aalad kasta oo dananta, ilaa heer jaamacadeedna ka gaadhay culuumta tumista Aaladaha dannana ee fanka. Sidoo kale Cabdi yare, waa macallin wax bara arday ku dhaw ilaa 30 ruux oo barta, Cilmiga Garaacista Musiga casriga ah ee Biyaanaha.
Cabdi Maxamed Jaamac, Hadda waa Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Soomaalilaan.

Yaanan qalin taraatine, bal dib aan ugu noqdo heestiiye wuxuu Abwaan Baashe ku soo khatimayaa heestaasi intan oo mar walba dhextaal ” kooras” u ah, kuna soo noqnoqonaysa heesta.

“Muuqooda inanyahay,
Marmar baan ku moodaa,
Amma kugu masaalaa,
Runta lagama maarmee,
Maalintaan ku halacsaday,
Meel dhiman-la’ inaad tahay,
Madmadow igama galin”

Abwaan Baashe Waraabe Cadde, Naxariistii janno Rabbi ha siiyee, wuxuu dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargaysa, Heesihiisii tirada badnaa ayaanay ka mid ahayd midani.

Qalinkii: Siddiiq Cubayd

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here