Indhobeelka Jihooyinka (Sheeko) – Layla Saalim

Layla

Haddii aad I aragtaan aniga oo mid idinka mid ah ku jiidhaya jidka ha I caayina, candhuufna ha igu tufina. Waxa aad tidhaahdaan:” Waxa mahad leh Allaha naga caafiyay waxyaalo uu dadka ku ibtileeyay, ee naga fadilay noole badan oo uu abuuray.”

Dhibta I haysataa waxa ay tahay in aan u arkayo walxuhu in ay u socdaan dhan lid ku ah xagga ay u socdaan: kor ka-u-socda waxa aan u arkayaa in uu hoos-u-socdo, ka hoos-u-socdana waxa aan u arkayaa in uu kor-u-socdo, ka duulayaa waxa uu iigu muuqdaa mid soo hoobanaya, ka soo hoobanayaana waxa uu ila yahay mid cirka isku sii shareeraya.Ka midig u socdaa bidix ayuu iila socdaa, waxa dhaqaaqayaa waa ay ila taagan yihiin, wixii taaganina waa ay ila socdaan. Sidaas darteed, maalintii waxa aan galaa tobanaan shil iyo mushkilado aan dhammaa. Dhibtaydu waxa ay xigtadayda u soo jiiddaa mushkilado aan dhammaad lahayn. Ehelkaygu waxa ay u tageen dhakhtar, waxgarad, faaliye, fooxiso iyo cid kasta oo ay ku tuhmayeen in ay wax ii qaban karto, balse dhammaan dadkaas sare dawo, tuf iyo qalliinba waa ay ku guuldarreysteen arrinkayga.

Waxa qasab ah in xal loo helo dhibaato ay ka dhalanayaan boqollaal dhibaato oo kale. Mid ka mid ah dhakhtarradu fikir dheer kaddib waxa uu natiijo kamadambays ah ku soo saaray in xalka kaliya ee dhibtayda lagu furdaamin karaa uu yahay in indhaha la iga soo rido. Xigtadaydu markii hore arrinkaa ma ay ogolaan, balse dhakhtarka ayaa ku qanciyay markii uu u sheegay in ay tani ka hortagayso shilal badan oo dhici lahaa, iyo in aan naftayda ku waayi karo shilalkaas.

Hawlgalkii waa la fuliyay, dhakhtarkiina indhihii ayuu iga soo riday. Markii aan suuxintii ka soo miiraabay, waxa yimi dhakharkii si uu u hubiyo guusha qalliinka.
Dhakhtarkii waxa uu igu bariidiyay: ” Mahad Allee, soo ma nabadqabtid” Balse qolkii ayuu ka baxay isaga oo aan eray kale ku dhawaaqin, waxa aanu iga tagay gacantaan islahaa ku salaan oo u fidsan dhankuu iga xigay mooyee dhinaca kale!!!

Waxa Carabi ku qortay: Salma Saalim Al-sum
Waxa Soomaali u turjumay: Cali Ileeye

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here