Farriintii ka timi Mars! – Cabdillaahi Saalax

Cabdillaahi Saalax

Fiidnimo qaboow badani dhacayo ayay ahayd.Cabbaar ka hor ayuun bay barandadda kasoo kacday kadib markay koob shaaha dayaxa kula sheekaysatay. Midhaha iyo cuudka cuddoon ayay cidlada ka weheshanaysay iyadoo aan is ogayna la qaadaysay.

“Dayaxiyo cadceddaa

Dorraad layga yeedhoo

Daruuraha korkoodaa

Durbaan layga tumayee

Dariiqaan ka laabtana

Dabaylihii jacaylkaa

Igusoo degaayo

Deris aannu noqonee….”

Suaalahay iswaydiinayso ‘ maxaad warkiisa u maqli wayday’ ayaa u culus. muddo gacaliyaheedii way is moogyihiin, adduunkeedana wuu ka tegay. Caawa way yaabban tahay oo wuxuunbay maqli jirtay aaminsanaydna qofka la yidhaa adduunka wuu ka tegay inuu dhintay. keeduse ma dhimane wataa dayaxa foolkiisii ka dheehanaysa.

Maxammed waa da’ dhexaad karti iyo aqoon eebbe ku mannaystay. dhalinyarada ugu firfircoon dugsiyada sare ee tansaaniya ayuu ka mid ahaa. Qoys soomaali ah oo waqti aan dhowayn dalka soo degay ayuu ka dhashay. Ma sinji guurin soomaalinimadiisu, sababtuna waa qoyskiisa oo dhaqanka ku adkaa.Si walba oo ula fal galay jiilka dalka uu ku dhashay haddana kugu adkaan mayso inaad ka dhex soocdaa.Awoowihii Naallaye waqti aan dhoweyn ayuu dalka soo galaly.Ganacsade afrika isaga goosha ayuu ahaa.isagaoo inan yara ayuu qoyskooda oo xoolo dhaqato ahaa ka socdaalay. Tobaneeyadiisii isagoo ku jira ayuu miyiga kismaayo kasoo baxsaday.Abtigii oo uu tilmaam kusoo helay ayuu kismaayo ugu yimi. Wax lasoo raad guroba magaaladii ayuu aabbihii ugu yimid, canaana  dhegaha kaga jaray.inuu garaaco ayuu damcay maalintaase abtigii ayaa isku duubay. Isla gurigii abtigii ayuu habeenimadii ka baxsaday oo dibjiray aydana galay.shan cisho ayaan meeluu jaan iyo cidhib dhigay la arag. Habeenimadii uu baxsadayba dhanka xeebta ayuu u kacay, yaryarka xaaxiga ku ciyaaraya ayuu maalintii hore isku dayay inuu la ciyaaro, wayse dileen oo eryad dareen.Nafta oo ku ciyaaraysa ayuu kalluumaysato u tegay.Biyo iyo cunto aan badnayna wuu ka helay.Kadib markay haybsadeen mid ka mida kalluumaysatadii ayaa adeer u noqday.Gacanta suu usoo hayay ayuu xaafadahoodii keenay.aabbihii ka quusay, oo saddex cishoo dambe doondoon markuu ku waayay ayaa la yidhi haddii la helo aan kaa soo daba dirro ee iskaga tag. midhaasi Way ku adkaatay ayaamo kalena wuu sii joogay. Nasiib wanaagna isagoo jooga ayaa la helay.

Naallaye Xaafaddii ayaa la keenay isagoo diif ba’ani ka muuqato, qacdii horebain  xabaal laga soo saaray ayaa loo qaatay. Aabbihii oo cadho madax martay ayaa dhirbaaxo uga soo gooyay ‘ mucangagyohow ma adaa jiif iyo joogba noo diiday’ Feedho isa sudhan ayuu bakhtigooda ka kacay.Qol ayaa lagu soo xidhay, arrinkiisana laysaga yimid. Talo waxa lagu gunaanaday inaan lagu celin miyigii ‘ sow berriba soo baxsan maayo !’ ayay islaantii gurigu ku tiraabtay. Bal haddaba aabihii midhaasi haka degto. In laga dhaadhiciyo ayaa laysku hawlay “ninkan annaga noo daa oo inta kale ku mintid halugu yidhaahdo, markay weynaadaaniyagaa geela dhiciddiisa iyo dhicintaasaba kaaga filane kan ka maaran halagu qanciyo” Way adkaatay in laga dhaadhiciyo markii se laysugu tegay wuu ogolaaday.Talo waxay ku gooyeen in adeerkii oo muqdisho jooga loo diro , ciidanka cusub ee talyaanigu qoranayona ku dar la yidhaa.

Labaatan cisho kadibba muqdisho ayuu joogay, magaalo cusub ayuu ku khasbanyahay inuu cimiladeeda la qabsado.Inuu xarakaadka yareeyo ciidanka magaalada daadsan ee dadka beerka ka laadayana iska ilaaliyo ayaa lala socodsiiyay.

Adeerkii cawaale oo ganacsade ahaa ayaa indho gaara talyaanigu ku hayay, dhalinyaro badan oo soomaali ah ayuu gacanta ku hayay oo si hoose tacliinta u bari jiray. Qaarkood miyiyada magaalada ayaa saddexdii cishoba farta loogu soo xarriiqi jiray.indhaha gumaystaha ayaa aad u hayay, dhowr jeer oo la xidhayna waan-waan ayaa lagu sii daayay. Naallaye markii loo keenay ujeedada loo wadayna loo sheegay aad buu uga xumaaday, gumaystaha aad ayuu u necbaa, in la yidhaa ehelkaagu haw adeegaanna dhimasho ayuu ka xigay.Sidaas ayay ku baaba’day riyadii Naallaye ee ahayd askari baad noqon doontaa.Isagu sida loo riyoodoba ma aqoon e xoolo diid ayuu ahaa, isagoo yar ayuu ku baraarugay nolosha aan xigmadeedu sii durugsanayn ee reer guuraaga.Abaarta waa u calaacal iyo cabasho iyaga iyo xooluhuna isku si ayay u madhaan.gu’gu markuu u curtona waa u tookh iyo qab bilaash ah. Noloshaas qorfaha ah ayuu ka cararay mooyaane askari iyo baarashle toonna farqigooda ma uu garanayn.

Adeerkii ayuu gacanyare u noqday oo hawlaha ganacsi ka saacidi jiray.sidii ayuu sanado badan kula joogay ilaa uu cawaale  lagama maarmaan u noqday. Muddo kadib Ganacsiga dhanka xeebta ayuu la wareegay oo adeerkii masuul uga noqday.wuxuu markii u horreysay ku safray doon xeebaha Mombasa ku xidhanaysay. Badeecooyin kala duwan ayuu si qarsoodi ah kusoo qaaday.si dhayala laguma gelin karayn soonaha kiiniya eeingiriisku haystay. Saqda dhexe  ayay doonyaha ka daadan jireen, meel kiilomitiro dekedda u jirtana badeecadaha loo sii dhigay ka qaadanayeen. Khabiir buu ku noqday ciyaartaa dhuumaalysiga ilaa uu gaadhay heer la yidhaa badeecaddaanu raacin soo badbaadi mayso. Laba dab dhexdooda ayuu ku ciyaari jiray, ugaadhsiga ingiriiska iyo talyaanigu midba gaarkiisa ugu hayay ayuu u dhexeeyay. Mar dambe ayaa la qabtay xabsi kiiniya ku yaalana la dhigay. Laba sanno ayuu ku laacay. Isagoo bahaloobay oo badi jidhkiisa timo qariyeen ayuu kasoo baxay. Beryo ayuu ehelo ka raadinayay kiiniya. Bilo ayuu halkii joogay eheladiisii muqdishona wuxuu ku  warceliyay in ilaahay gacantii cadowga kasoo furfuray.

Talooyin badan ayuu baadhay, muqdisho iyo ku noqoshadeeda waxa uga soo biiraya ayuu isa suaalay, Ugaadhsi hor leh oo talyaani daafad uma haysid ayuu is yidhi. Halka uu joogo inuu ka shaqaysto ayuu damcay. Asxaabtiisi ayuu mombasa ka raadiyay, kama uuse helin oo qayb la xidhxidhay iyo qaar muqdisho soo dhaafi waayay ayay u qaybsameen.

Ganacsato cusub ayuu is baray,  inuu u adeegayo oo koonfurta afrika ugu gooshi doonona ku qanciyay. Khibraddiisa ayay ku kalsoonaadeen heshiisna wada gale. Shaqadiisii badmaaxnimada ayuu sii watay xeebaha afrikana ukala gooshayay marka kuwii dalkiisa hooyo laga reebo.

Sannado ayuu socdaalkaa ku jiray ilaa u markii dambe dal cusub ayuu daahfurtay. Cimilo ahaan, ganacsi ahaan iyo sababo kaloo isaga u gaar ahaaba sansibaar ayuu u bogay.waareer-guuraa e’ Muddo markuu joogay ayuu tansaaniya u gudbay. Ganacsi ayuu rukun berriga ah uga sameeyay. Asxaabtiisii badmaaxayaashaa ahayd ayaa badeecado kala duwan  usoo dejin jiray. Qoysas soomaali ah oo aan toban tiradoodu gaadhayn ayaa dalkiisan cusub deggan. Nin bulshaawiyuu ahaaye markiiba dadkii way isdhexgaleen. Bilo hadduu deganaa ina warfaa oo qoys meesha ku xididaystay ka dhalatay ayuu  usoo geed fadhiistay. Waa lasoo dhoweeyay, gabadhiina loo meheriyay sidii dhaqanku ahaa. Qoys cusub ayuu yagleelay dibad wareegii iyo xeeba-jibaaxiina wuu ka nastay. Ganacsigiisii ayuu sii dardar geliyay badeecooyin kala duwan wuu dhoofin jiray. Wuxuu kaloo joogteeyay dhaqan uu adeerkiisii soo gacan qabtay ka dhaxlay, dhallinyaro dhaqdhaqaaq dalka gudihiisa ka waday ayuu waxtari jiray. Qalin iyo qori midkay u baahdaanba kaalin mug leh ayuu ka geysan jiray. Qoyskii Naallaye wuu ballaadhay,ganacsade magac dheer ayuu noqday, ubadna badanna ilaah waa ku galladay.

 

***

Maxammed curadkii qoys cusub oo la unkay ayuu ahaa, nolol fiican oo tii awoowgii si walba uga duwan ayuu ku barbaaray. Yaraantiiba qalqaalinimo ayuu lasoo baxay. Si dhakhso ah ayuu u korayay waqtiguna wuu cararayay. Markastuu waxsameeyo waalidintiisuna inay dilaanama si uun kale khaldka uga qabtaan aydamacaan awoowgii ayaa isku duubi jiray ‘ war duf ku baxee inanka ha lay daayo’ ayuu dhowr jeer ku canaantay.

Da’dii iskuulka ayuu gaadhay maxamed, waalidkiina dugsi weyn oo aad dalka caan uga ah ayay ku dareen. Shanti sanno ee horraysayba wiil kalaa soo baxay, wiil caqli badan oo aad loo majeerto ayuu noqdo. Sidii ayuu dugsigii hoose iyo kii dhexeba ku dhammaystay.

Inkastoo isagu iyo aabihiiba dalka ku dhasheen haddana magac weyn ayuu soomalidii tansaaniya usoo jiiday. Burburkii soomaaliya kadib,soomaalida ninba meeshuu islahaa waad ku baxsanay ayuu afka saaray. Tansaaniya waxay magan gelisay dad aad u dhibaataysnaa, oday Naallayena soo dhoweynta dadkaa dhibaataysan kaalin weyn ayuu ka qaatay. Soomaalida xaaladahaa kala duwan ku sugnayd ummaduhuna u arkayeen dad bilaa caqli ah oo dalkoodii gubay ayuu maxamed magacooda dhasku fuulay boodhka ka jafayay. Mid ka mida dugsiyada sare ee ugu wacan dalka ayay dhibcihiisu geeyeen. Sannado kooban ayuu dhexda xidhay, sidii lagu yaqaanna guulo horleh waxbarashadii ka gaadhay. Sanadkii u dambeeyay ee dugsiga sare wuxuu ka mid noqday shantii arday ee ugu sarraysay dhammaan ardadii dalkaa. Guul uu aad ugu raaxaystay ayay ahayd, waxa farxaddiisa sii siyaadinayay safarka uu bilo kooban gudahood isu diyaarinayo, si uu usoo dhamaysto  deeqda waxbarasho ee uu dalka maraykanka ka helay.

Qoyskiisa iyo guud ahaan soomaaliduba aad ayay u bogaadinayeen, hambalyo iyo ducooyin bandanna way usoo direen. Hambalyooyinkaa mid waxaba uga qaalisan ayaa ku jirtay. Warqad yar oo ubax casi dheegga kaga jiro ayuu furay.

“ hambalyo gacaliye, waan kula faraxsanahay Guulo kale oo badan waan kuu rejaynayaa. Ballaca warqadda iyo kelmadaha ku qoran haddaad isu eegtid ha yaabin ereyadii  aan ku qori lahaa ayaa igu dhexlumay….” Jacaylkaaga,bilan.

Dhoollacdayn ayuu ku khatimay akhriskii, xasilloonina dareemay. Culayska hawl kastuu gacanta ku hayo codkeedaa ka khafiifiya.Waa garabkiisa uu miciinka bido marka dunida oo dhammi dhabarka u jeediso.sannad kahor ayay isbarteen.

Sannad ka hor subaxnimo isaga iyo aabbihii oo ku wajahan safaaradda maraykanka si ay usoo dhammeeyaan hawlo eheladooda oo socdaalaysay kaga xidhnaa, ayay arkeen inanta ninka cad ay murmayaan codkuna ka dheeraaday. Muuqeeday  qiyaaseen, soomaaliyad inay tahayna yaqiinsadeen. u tage arrintiina aabbihii ayaa dhexgalay. warqado ayay dhowr cisho ku celcelinayeen safarkeeda maraykankanna ku adkeeyeen. Xal kasta ooy raadiyeen waxa ay usheegeen dukumintiyadeeda waxbarasho in aanay dhammaystirnayn, sannadna ay dib u dhacayso. Maxammed iyo aabbihii hawlihii  markii ay dhammeeyeen ayay inantii hore usoo qaadeen,  jidka intay ku jireenna maxammed ayay is barteen. Xaafaddeedii ayay geeyeen labadii qoysna is waraysteen. Maxammed intaaba inantan ayuu aad ula dhacsanaa, muu dayacin fursaddaa e meel uu kala xidhiidho ayuu kalasoo hadhay.  Bilan iyo qoyskeedu aad ayay qoyska maxamed ugaga dambeeyeen soo gelitaanka dalka. Ka hor burburkii soomaaliya ayay hargaysa kasoo guureen, caasimaddana yimaadeen.Waxbadan iyagoon joogin ayaa dagaaladii sokeeye bilowdeen. Socod dheer oo kiiniya kusoo galeen, waxa u xigay tansaaniya oo ay sal ka yeesheen. Halkaa ayay bilan sannado kadib ku dhalatay, barbaartay, heerarka kala duwan ee waxbarashadana ku qaadatay.

Xidhiidh jacayl oo qotadheer ayaa dhexmaray labadooda. Maxamed oo sannadkii u dambeeyay ee dugsiga sare sugayay iyo bilan oo sannad safeerkeedu dibudhacay ayaa waqtigu isku simay. Wadajir ayay qorsheeyeen inay u baxaan, ugu dambayna waxa soo dhowaatay dhammaadka waxbarashada maxammed. Qabanqaabo ayaa loo galay diritaanka labadooda, farqiga waxbarashadoodu keliya wuxuu ahaa in aan ta bilan deeq ahayn.

Inta ay sugayeen waqtiga safarkoodu ku beegan yahay dhowr jeer ayay kulamo dareenkooda jacayl laba jibbaaray qaateen.Waxa la gaadhay xilligii bixitaanka. Isla diyaaradda uu maxamed raacayay ayay bilanna tigidhka u goosatay.Sagootinta eheladoodii ayaa dhammaad ku dhowaatay.Wejiyo aan doonayn inay kala faaruqaan ayaa gegida diyaaradda wada taagan. Qofkasta kan kale ayuu macasalaamaynay waqti wacan iyo isusoo laabasho nabadeedna u rejaynayeen.

***

Saddex sanno ayaa kasoo wareegay maalintii uu daarasalaam kasoo duulay.Tacab badan buu maray, markii ugu horaysayba  cimilada maraykan ayaa qariibisay oo uu xilli aad u qabow ku beegmay. Wax badan buu tebayay halgan ayuu se u diyaar garoobay. Dhulkii dadkiisii ayuu markii ugu horraysay si toosa uga fekeray.Awoowgii iyo aabihiiba umay ogolaan inuu tansaaniyaan noqdo, deegaan soomaaliyaysan ayay ku ababiyeen.Xaaladda dhulkii awoowgii ayuu wararka kala socday.dadka iyo xaaladoodana waxba kumay seeganayn.

Waxbarashadii heerkii koowaad ayuu culuumta xiddigaha iyo meerayaasha koonka ka diyaariyay.Taniyo yaraantiisi wuu jeclaa sheekooyinka awoowgii iyo magacyada kala duwanee xiddigaha. Cawaysyo badan ayuu awoowgii uga sheekeeyay sida xiddiguhu ula baxsadeen iyagoo  badda dhexdeeda dawgu ka habaabay. Halkaas ayaa xiisuhu kasoo raacay caalamkaa kale ayuuna tan iyo maalmihii dugsigiisa baadhista u badan ku hayay.

Ka hor qalinjebintiisii waxaa tababbaro khaas ah loogu qaadi jiray  xarunta Weyn ee NASA. Waxa loo diyaarinayay inuu ka mid noqdo sahamiyayaal dhowra oo loo dirayayaadista  meeraha Farraare (Mars) Markii u horraysay ee bani’adam loo diro sahannadii Viking I , II  kadib. Muddo ayuu ku guda jiray daawashada caalamkaa cusub.Wuxuu ku raaxaysanaya dhex mushaaxida caalamkii khayaalka ee awoowgii.Waqtiga badankiisa diirado cirka ku wajahan ayuu indhaha ku hayn jiray, Sawiraadooda iyo la socoshada hawlaha kusoo kordhana ku mashquulsanaan jiray.

Ayaamaha soo socda khibraddiisii u horaysay ayuu soo qaadan doonaa, riyooyin badan ayuu soo rumayn doonaa. Xiddigo kala duwanna wuu dhex mushaaxi.

Waxa la gaadhay waqtigii socdaalka, waxba dhulka kama yaalaan.Keliya waa inuu sii maraa bilan oo gobol ka durugsan joogta.Hal usbuuc oo fasax ah ayaa la siiyay. Muddo ayay kala maqnaayeen, mar iyo laba ay is arkaan mooyaane inta kalena farriimo ayay iswaydaarsanayeen. Waayahooda ayaa midba kan kale waydiiyay. Bilan oo waqtiga badankiisa shaqo iyo waxbarashadan ay gebagebaynayso ku qaadata ayaa si wacan usoo dhowaysay jacaylkeeda, waqtigii fasaxa uu soo qaataynaayaamo lama illaawaan uga dhigtay.

Xaruntii NASA ayuu kusoo noqday. Qalab qafacan oo hawo ku rakibantahay iyo agab kaloo dhammaystiran ayaa lagu raray. quudka ay muddada aadka u badan isticmaali doonaan ayaan laga reebin.

Sii diirran ayaa shaqaaluhu usagootinayeen, iyaguna waxay kusii dhammaanayan jaranjarta agabkii u qaadi lahaa daahfurka dunida kale!

Hawada ayay galeen iyagoo daaqad ka daawanaya gacan-haadiska marba marka ka dambaysa sii yaraaanaya. Muddo bilo ah ayay eeri go’an ku jireen, ugu dambaynna ciidda cas caga dhigteen.Wuxuu dareemay cidlo fara badan markii hore, iminka se waakan deegaanka meerahan cusub si walba u jeclaaday.Shaqo adag ayay ku jireen.Suurtagalnimada nolol iyo daahfurro kala duwan ayay baadhistooda ku hawlanayeen y.Sahamintani kuwii hore waxay kaga geddisan tahay, waa in saynisyahanno noloshooda khatar lagu soo geliyay. Diiqadda sahamiyayaasha kale heerkii ugu sarraysay ayay maraysay. Calaacalkooda dhowr jeer oo uu xamili waayay wuxuu dhegaha ugu riday inuu reer-guuraanimada soomaali u yahay. In ay dabciga noloshooda tahay in aanay muddo xidhiidha meel joogin ayuu u sheegay, kaftanna wuxuu ugu soo gunaanaday in isagu xeerkoodii jebiyay, oo layskuma ogayn buu yidhi si walba haloo guuree in dhulka la dhaafo.Waa la wada qoslay, xaaladdana sideedii hore ayuu ku dabbaalay.

Muddo markuu joogay ayuu qolkoodii qafacnaa qaybtii mashiinka farriimuhu yaaleen hawada u dabbaashay. Daqiiqado ayuu dul fadhiyay isagoo ka fekeraya farriinta uu doonayo inuu gacaladiisii u qoro, wuu bilaabay.Farriinta dhakadeeda ayuu baaq u dhigan bilan gaadhsiiya ku qoray.

“Gacalo, waan ogahay inaad iga werwersantahay.Waan nabad qabaa, xiisahaaga oo igu laba jibbaarmay waxaan ahaynna waa ka ladanahay, adigana sidoo kale ayaan rejaynayaa. Mid xasuusnow, markasta oo aad lahadalkayga u hollatid keliya xiddigaha soo eeg, laabta ayaynu ka sheekaysan. Halkaa ayay dadka isjecli kawada joogaan.

Gacalo Si kasta haw adkaatee middaan doonayo inaad ogaatid waxa ay tahay, oo dabcanna aan hubo in aanay ku farax gelin doonin… Ha ila yaabin  haddaan ku idhaahdo Mars ayaan degayaa. Haa runtii, Waxaan ka daalay dhibaatada dhulka taal, cimilo-geddoonka carrada ka socda, dilka iyo xasuuqa uu ina aadam badhkiisa kale ku hayo , goodigga joogtada ah ee hubka nugliyeerka, Matiiriyaaliyadda ama walaxaysiga cirka isku shareertay ee dhulka ka taagan, dhiigmiiraystayaasha masaakiinta waxoodii afka u dhigtay.bal tan guud ka tagoo  dhulkeenii yaraa ee qaaradda madow cidhifkeeda ku yaalay waxa ka socda suuree; is-xasuuqa diimaysan, isku tookha bilaashka ah , sinji takoorka tira beelka ah, iyo caqli xumada ka taagan oo dhami waxay igu khasbayaan inaan deegaan cusub samaysto. Mayee aan inoo sameeyo. maxaa diiday inaan xaawiyo aadam halkan ka ahaanno… Maxaase ka qiimo badan ubad bilaa naxli ah inaan halkan ku abuurno, si walbooy suurtagal u noqon karto ka hirgelinta nololna u raadinno. Waxba ayay ila taha., waan jeclahay gacalo in jawaabta farriintaydani soo baqoolkaaga noqoto…” jacaylkaaga, maxammed.

Farriin xiddigo kala duwan soo jiidhay ayaa xarunta dhexe ee NASA kusoo dhacday, cinwaankeeda hadday akhriyeena waxay isu dhaafiyeen Bilan.Iyadoo hawl faraha ku haysa ayay sanqadha taleefankeeda maqashay dhankii uu ka xigayna usoo dhaqaaqday.Way furtay oo intay la fadhiisatay akhrinteeda bilowday.

Marba marka ka dambaysa ilmada dhabankeeda dareeraysa ayaa sii badanaysay. Intay dhammaysay ayay oohintii sii laba jibbaarantay niyaddana ka hiiftay‘ doqon ma intaasaad xammili wayday!’. Habeenkaa laba indhood isumay keenin, barteediina kama ay kicin, iyadoo aad moodid inay ka dhuumanayso indho meel  fog kasoo eegaya. Fikrado badan ayay maskaxdeedu rogrogaysaa, inay xarunta berri tagtona niyadday ku haysaa weli se wax go’aana may gaadhin.

W/Q : Cabillaahi saalax.

2 Falcelinno

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here