Sixid: Heesta Suuldhabaale ee Cabdi Cali Weyd – Siddiiq Cubeyd

Sidiiq Cubayd
Cabdi Cali Weyd

“Haddii aad xog-moog tahay
Xaajada ha boobin e,
Xog-ogaalka waydii.” Maxamed Faarax

Maalmo laga joogo dhawr toddobaad ayaa waxa aan ka akhriyey baraha bulshadu ku xidhiidho, in nin wariye ahi ku sheegay heeskan “Suuldhabaale” nin aan ahayn mu’allifka heestan. Waa sababta igu dhalisay inaan saxo bulshada iyo weriyaha xogtan soo gudbiyayba, aniga oo adeegsanaya caddaymo innagu filan.

Qarnigii 20aad badhtankiisa waxaa bulshada soomaalida ka hana-qaaday oo kor-u-kac aad ah laga sameeyay fankii iyo suugaantii lagu soo bandhigi jiray masraxyadii (Theatre’s) Muqdisho iyo Hargaysi foollaadka u ahaayeen. Kaas oo lagu xasuusan karo, inuu ahaa xilligii ugu weynaa ee dawladnimada iyo daryeelka uu helay fanku. Waana xilligii ay abwaanka iyo fannaanku ku soo dhawaadeen ka qayb qaadashada dawladnimada iyo gorfaynta waayihii lagu jiray. Waa wakhtigii la curiyey riwaayadihii iyo heesihii ugu badnaa ee macne iyo mug lahaa. Waa wakhti xuskiisa iyo xiisahiisa lahaa.

Haddii aan u gonda-dego halkii iyo goortii ay timid heestani, aan bal bayaamiyo. Sannadkii 1976kii, sida ay weriyeen jilayaashii riwaayaddii, “Nin qasbaaya jacayl, ma loo quudhi karaa?” Ayaa curatay. Taas oo allifkeeda uu lahaa abwaan Cabdi Cali Weyd. Riwaayaddaas ayay heestani ka mid ahayd, iyada iyo heesihii kale ee ay ka midka ahaayeen; Doonidii Jacaylka, Halkan aynu joognaa.. ma jidkii siraad baa? Sida Wegan Gammaan ama Wisiisi iyo Rafiiq caashaq.

kuwaas oo dhammaantood uu curiyey abwaanku marka laga reeno halkan hees ee Wisiisi oo uu riwaayada ku daray Abwaan Xaaji Gujis. Dhammaanna waxa laxanka saaray, Cabdiraxmaan Dheere, kolka iyana laga reebo heesta “Doonidii Jacaylka” oo uu saaray Maxamed Dheere, oo ahaa Cabdiraxmaan Dheere walaalkii.

Riwaayaddani oo ka mid ahayd, riwaayadihii aan nasiibsan masraxyadii Hargeysa iyo Muqdisho ayaa lagu daahfuray magaalada Boorame. Waxa kale oo lagu bandhigay gobollada dalka magaalooyin ka mid ah.

Riwaayaddan kolkii Boorame lagu daahfuray waxa jilayay fannaaniinta kala ah:

1. Xuseen Xirsi Caddib ‘Boon Xirsi’ AHUN
2. Xuseen Jaamac Rooble ‘Xaaji Gujis’ AHUN
3. Aadan Sooyaan. ‘Sheekeeye’
4. Muxumed Ismaaciil Soofe ‘Kaneeco’ AHUN
5. Sahra Axmed Jaamac AHUN
6. Tiriig Xaashi kaahin
7. Cabdiraxmaan Cismaan ‘Dheere’
8. Maxamed Cismaan ‘Dheere’

Sidoo kale waxaa riwaayadan qayb libaax ka qaatay habeenkaas rag Musiishanno ah (Musicians) oo aanay iyaga la’aantood marnaba hirgasheen in heesaha macaankooda loo dhegraariciyo iyo in riwaayadduba ina soo gaadhaan. Raggaas oo kala ahaa:

1. Axmed Yuusuf Islaw, oo tumayay Sagsi-foonka Tanoorka loo yaqaan.
2. Qoor-leex, oo isaguna kaga dananiyay aaladda Sagsi-foon Alto.
3. Jilibay, oo isaguna si hagar la’aan ah u tumaayay aaladda Talan-beerka.
4. Maxamed Xayle, ayaan isaguna garaacayey aaladda loo yaqaan Baytariga, oo aan la’aanteed waxba kala soconayn.
5. Axmed Khamiis Tiifoow, isaga iyo Giitarkiisii kama maqnayn goobtaasi.
6. Caydaruus Xaaji Cali, isaga iyo tobankiisa faroodba wax ay si hagar-baxa u garaacayeen aaladda Organ-ka loo yaqaan, Sidoo kale iyaguna waxaa aan goobta ka dheerayn habeenkan oo ciiltirayaal ahaa.
7. Maxammed Macalow iyo organkiisii.
8. Axmed Shariif iyo Fiisa-Armoonidii laabta u sudhnaan jirtay.

Marka aynu ka nimaadno akhyaartaas isugu timid riwaayaddaas “Nin qasbaaya jacayl” waxa aynu ku caddayn karnaa oo kale heestan, Saw kan maaha Cabdi Cali Weyd, oo ku halqabsanaya maansadii uu kaga qayb galay silsiladdii Deelleey.

Miyaanu lahayn oo nu odhan, 25/01/1980kii, maansadii “Dacawaa cir ku onkoday.”:

Suuldhabaale dabadii,
Murti aan ku deexdiyo,
Suugaan dalayntii,
Dadku igu aqaan jiray,
Inaan daayey lay imood,
Ha yeeshee ma daalani,
Iminkaan diyaar ahay,
Dib u laabad igu jirin,
Darbo aad u dheer baan,
Dacarley, ka soo riday,
Shaxda degalka taallana,
Tusmadaydi baan degay.,

Waxaan filayaa in lahaanshaha iyo sixidda heestan ay inagaga filan yihiin caddaymahani. Run ahaantiina, xog-doon haddaad tahay waatii hore loo yidhi; xog-ogaalka waydiiye, war inuu intan ku dhan yahay baan filayaa. Wixii intaas dheerna aydun tixraacyada hoose kala xidhiidhi doontaan.

“Hadal iyo hilbaba kala qalan.”

Tixraac

1. Cabdiraxmaan Dheere, Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta, Telefiishanka Qaranka Somaliland.
2. Waraysi Tiriig Xaashi, Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Radio Hargeysa.
3. Waraysi aan la yeeshay Sheekeeye iyo Tiriig Xaashi, 2017.
4. Waraysi aan la yeeshay Musician Nagiib Axmed Xaashi, January 2018 Jabbuuti iyo November 17, 2018 Hargeysa.
5. Suul-dhabaale, diiwaanka Cabdi Cali Weyd, oo dhawaan soo bixi doona IA.

Qalinkii: Siddiiq Jaamac Ibraahin “Cubayd”

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here