Xamar iyo Xasuusaha Xagaayaha (Sheeko) – Guryasame Cabdi Maxamed

Xamar
”Nabadgelyo dushooda ha ahaato kuwa fahmay macnaha  jacaylka ee aan jacayl na lahayn”
—Jibraan Khaliil.
Waa Muqdisho oo ku jirta mid kamid ah habeenadeedii ugu wacnaay. roobabka xagaayga ayaa si baahsan ugu tiixaya. Jawigu waa mid xasilooni kugu beeraya, deganaan kugu sooraya farxadna kugu salaamaya. Waa fiid hore saacaduna waxay gaadaha ku haysaa 7:25 habeenimo. Jeebabka jaakadiisa dhaxanta ayuu gacmaha kula jiraa  koofiyad madoow ayaa madaxa u saaran. Wuxuu taagan yahay sheeda xage ee laamiga. Dad hal hal u socda iyo qaar laba laba u socda oo dhibcaha roobka ka cararaya ayaa dhan walba u dhaafaya. Qaar baa dallad gabaadsanaya. Qaar kalaa  baabuur muraayadaha loo dallacay ku socda  roobkana ku raaxaysanaya. Miskiin darbi jiifa ah oo dhaxanta xamili waayay ayaa hoos yuurara gidaarada saraha dhaadheer ee sida wanaagsan loo dhisay.
Oday bac yar la ordaya iyo maamo dambiil dusha ku sidata oo maantoo dhan qotalyoom la diriraysay ayaa iyana cagta maalaysa. Kuwa aan socodba karin ayaa dhex gurguuranaya dhiiqada.  Aad buu ula tacajabay sida noloshaan liidata  loogu sii kala liito. Run buu sheegay Ruumi markuu yiri: Naf waliba geerida way dhadhaminaysaa, balse naf walba nolosha ma dhadhaminayso. Mooto ayuu ka raacay meeshii wuxuuna u soo dhaqaaqay xaga badda isagoo wili fekeraya.
Sannad kahor galabtii ay dhacday dhacdadii noloshiisa saameysay ayaa ugu dambaysay halkan aad  buuna ugu jeelay  inuu  badda xaaxigeeda u soo tamashlo tago,  goobaha nasiinada loo darbay ee fadhiyada dabacsana nafta ku sabaaliyo. Inkastuu aad u necay goobtaan hadana wuxuu dareemayaa in imaatinkiisa goobtan ay u dhowaynayso ruux  ka dheeraatay. Ma marka uu halkaan yimaado ayuu ayada xasuustaa  mise markuu ayada xasuusto ayuu halkaan yimaadaa? waa isla-eg isi-suran.
Waa meel qurux badan dadku laba laba,  hal hal iyo kabadan ba way u fadhiyaan. Nalal  kala jaad ah  sidii midabada jeegaanta ayaa ka dhex siraadaya dhir si qurux  badan oo siman loo jaangooyey laguna mariimay gidaarada goobta. Codadka dadka jalbeebanaya aad looma maqli karo haddaadan  adigu  ahayn mid warjecli Alle ku salliday oo dhegtu u doogantahay.
Marmar  ayaad maqlaysaa qosolka  nin aflabadii yeeray iyo  sacabka gabar farxad isla illoowday. Kursiga  ayuu gadaal ugu santeecsaday. Koob koffeey ah ayuu isku yaasiimiyay. Lugaha ayuu is waydaarsaday. Xabad sigaar ah buu la soo baxay.  Dab buu qabad siiyay. Dibnuhuu ku magmagay. Qaac buu feeraha ku kabbisay. Cabbaar buu neefta isku giiyay mardambuu hawada ku barxay daruuro qiic ah. Gar ku baxay oo wejigiisa isku xeeray ayuu shanta farood xaluuliyay oo in cabbbaar ah ku camcamiyay.Caashuu kor u taagay oo laydha macaan halamsaday shaarbahana miiqay sidii inuu dunida ku waarayo. Dayax iftiinka kamilay  oo badda dul taagnaa ayuu ku indhadoogsaday. Si qotodheer buu u daawaday sidii inuu la sheekaysanayo qof dayaxa gadaashiisa taagan. Daruuro cirka ku gaafnaa  ayuu isha la  raacraacay. Saxansaxo qaboow oo dhanka badda kaga soo dhacaysay ayaa naxariis waraabisay.  Waxaad moodaa wax walba oo caawa halkaan uga muuqda  in ay soo xasuusinayaan galabtii ayada ahayd. Cod walba oo dhegtiisu maqasho lar buu ku soo kicinayaa. Dareemaha maskaxdiisa ayuu ka gartay inay caawa u durbaan tumayaan in ay u dawaafiyaan xilli uu ka meermaarayo dib u milicsigiisa. Inuu baajiyo safarkaas ayuu ku fekeray laakin ku fekeritaanka in aadan fekerin ayaaba ah feker kale oo hor leh. Hirar baa dhufsaday. Hibashaa laacdaay. Hilow baa laabqaaday. Muujado feker ah ayuu ku qaraqmay. Wuu is dhiibay,  naftuna xasuus bay dabaalatay, dibna waxay ugu orodday xawaare aad u sarreeya.
Afar sanno kahor galabta uu halkaan ku sugayo ayaa ugu dambaysay la kulankeeda. Iskadaa sanadee saacadaha ayuu tirin jiray sida uu u dhararayay kaliya imaatinkeeda dalka oo ay muddo dheer waxbarasho uga maqneed. Doraad ayay halkaan ku balameen laakin nasiibxumo ma aysan imaan oo hooyadeed baa xanuunsatay qaddartaas wuu ku qancay!   Shalay ayay haddana markale baaqatay taasi mucjiso ayay uga dhigneed dood badan kadibse wuu ku qancay. Waxay ugu dhaaratay in ayadaba  cadaabka sugitaanku qalbigeeda dhalaalinayo laakin uu u samro qaddarkiyo waqtiga. Maxaa ka xanuun badan sugitaanka markaan dhursugayno kuwa aan jecelnahay. Waa marka baalasha waqtigu xawaaraha gaabiyaan,  daqiiqaduhu cuuryaamaan saacaduhuna gurguurtaan sida diinka.
Wuxuu sugaba galabta aad buu ugu faraxsanyahay inuu xaadir ku yahay goobtii ay ku  balameen  iyana ay xaafada ka soo baxday. Waa kanaa isagoo si cajiib ah u soo labbistay midabadii ay jacleyd ayuu wiliba soo xirtay. Howlaha jacaylka ayay kamid tahay inuu dusha noo saaro dooqyada iyo waxyaalaha ay xiiseeyaan kuwa aan caashaqno. Sidii caruus buu isku soo diyaariyay. Waa 36 jir joog xooggan si fiicana naftiisa u daryeelay. Midabkiisu waa maariin dhiig furan. Tima madoow. Dhererkiisu waa meel dhaxaad hilboon. Soo jiidasho leh. Dabci ahaan degan, dabeecad wanaagsan.
Laba saac  xilli laga joogo saacaddii uu goobta yimid ayaa lambarkeedii  ka soo dhex muuqday shaashada moobeelkiisa gacanta oo dul saarnaa miiskuu dul fadhiyay. Si halhaleela ayuu u haabtay maxaa yeelay wuxuu ka niyad xumaa in waqtigii balanta saacado badan la dhaafay samirkiina ka sii gurayo.
Ha i dhihin waan baaqday Sagal”, ayuu ku salaamay.
Inta yara qososhay ayay tiri: sida aan kuugu xiisay awgeed waxaan ku hamminayay inaan baalalyeesho.
Aad buu ugu farxay hadalkaas  kadibna yiri:
Haddaan baaxad leeyahay
Badda sow ma jiireen
Hadaan baalal leeyahay
Berri sow ma duleen ..
Inta ka dhex gashay ayay sii raacisay
Sow bilic haldhaaleey
Barta ay ku nooshahay
Kuma waabariisteen. Way sii hadashay:
Wili ma sidii ayaad u jeceshahay heestaan?
—Haa, ilaa aan ku helo waan jeclaan doonaa.
—Mardhow hadaba waad  nici doontaa.
— oo waayo?
—Waan is helaynaa oo waa annagaan is guursan rabna.
—Waaba sababta aan u dhararayo la  kulankaaga  qaali.
—Ma waxay kula tahay in aan aniguba dhararayn la kulankaaga?
—Galabta dunida oodhami nama kala hor istaagi karto macaanto”, ayuu sii dbiiran ugu yiri.
—Taasi waa rabitaankeena.
—Noloshu miyaysan marna tixgelinayn rabitaankeenna?
—Dammaanad buuxda taas uma haysano.
—Imika xagee soo maraysaa qaali?
—Hadda ayaan xaafada ka soo baxay.
—Waan ku sugayaa.
—Haddii aan kuu imaan waayana?
—iyana waan ku sugi doonaa.
—ilaa goorma? Ayadoo qoslaysa.
—ilaa inta naftaan yari igu jirto.
Markii qadka ay ka baxday ayuu bilaabay inuu dib u dhadhansado hadaladeedii macaanaa. Ma markii ugu dambaysay ee uu codkeeda maqlayaa toloow? U ekaa  Culays baa ka degay. Wuu fududaaaday, nayaayiro ayaana wadnihiisa buux dhaafisay. Sidii  inuu hadda caalamka yimid ayuu indho cusub ku eegay dadkii iyo dunidii mardhow qalfoofta ula muuqatay. Saacaduu fiiriyay waa 4:25 galabnimo wuxuu qiyaasay inta daqiiqo ee ay soo socon karto mataantiisu. Ugu badnaan 30 daqiiqo  waa waqti ku dheer laakin aad uga yar dhowrkii sano ee uu sugayay lakulankeeda.
Fadhiga ayuu qaabaystay shanta far buu dhabanada ku nabay  kursigii uu ugu talagalay inay fadhiisato ayuu soo dhoweystay. Sidii inay ku fadhido ayuu indha laxawsi leh ku  jaleecay.  Waa tan ayadoo sidii geenya shaaximan socodka teelteelinaysa. Waa tan dhoolacadayska ku sawirtay wejigeeda ee sida dayaxa u iftiimisay dunidii. Waa tan ayadoo joog dheer  xagiisa u soo laafyoonaysa. Waa tan sidii boqorad la gelbinayo dadkoo dhami daawasho u sarakacay. Carafta barfuukeedaan  ee naftiisa saaqay markay soo hareer fadhiisatay waa jannooyinkii uu u xiisay mid kamid ah. Dibnahaan  midabka shukulaatada leh ee markay dhabankiisa shuminaysay  ku xanxantaysay  iyana waa mid uu ku sigtay inuu wadnihiisu ka  soo dhaco booskiisa. Indhaheedan madmadoow ee bu’da cad ee sunnayaaha lagu sargooyay waa kuwa uu u abaarsaday galabtase ku indhadoogsanayo. Codkeeda xabeebta yari ku laaqantahay iyo eraygii ugu horreyay ee ay ku tiri “Igaraalli noqo waan kaa soo daahaye..” labaduba waxay ahaayen kuwa ololkii uurkiisa ka baxayay ee kalimimada, xiisaha ,sugitaanka iyo hillowga  naxariis ku waarabiyay  sidii dhool gu oo ku hooray dhul abaarsaday.
 Wuxuu kala garan waayay waxa indhihiisu arkayaan inay dhab tahay iyo in ay tahay dhalanteed naftu u sawirtay. Wuxuu  dabcay inuu gacanta ku taabo dhabankeeda xaada leh laakin  codka naxariista daran ee dhegtiisa ku soo dhacay iyo wejiga daalan ee odayga kor taagan ee ku celcelinaya “maxaan kuu keenaa mudane, cabitaan iyo cunto” ayaa ka kala daadiyay riyadii uu nafta ku sababayay. Hummaagii uu dhoodhoobtay iyo gabadhii uu daawanayay ayaa  sidii balanbaalis ugu hor cararay.   Kabalyeerigii ayuuu hiifay  oo niyada ka habaaray muxuu ahaa malagaan loo soo diray burburinta qasrigaadii qurxoonaa. Wax hurda ka soo baraarugay sidii yahay ayuu is jafjafay saacadana eegay hal saac baa  sidaan ku dhaaftay. Qoraxdii godkaay u faanaguratay. Dhulkii mugdibaa caasha soo saaray. Xanaaq ayaa wejigiisa daboolay. Lambarkeedii ayuu wacay tiro ka shan jeer ayuu ku celiyay laakin hal jawaab ayaa u soo baxday taasoo ahayd in Telefoonkii Sagal aan laga jawaabeyn.
Wuxuu is weyiiyay kun su’aal wuxuu u waayay hal jawaab. Maxaay ilaa intaan ku maqantahay? Sow ma dhihin Soobe ayaan soo maraa? Ma laga yaabaa in ay been ii sheegay? Maya maya wiligeed been iima sheegin!  Galabta hadday baaqato kas iyo bareero ayay u sameysay?  Horta maad go’aan qaadatid maxad sidaan iskuugu dullaynaysaa? Aaway qabkaagii? Aaway  go’aanshaadadii degdega ahayd? maxay tahay dhiig la’aantaani? Maxay tahay dhiila’laaantan kugy habsatay? Ma sii sugaa ilaa maqribka? Sii sugaa aaa, nafta laaga qaadye orod meesha kakac ma qof kaa tashaday baad u soo taagnaanee? Laakin sow ima ay jacleyn ayadu? Jacayl beel! Ma hadday ku jaceshahay ayay sidaan kuugu dheeldheeli lahayd? Ma telefoonka ayay kaa densan lahayd?
 Intaas markuu isweydiinayo wuu socdaa hoteelkiina marhoruu ka soo tagay hadda laamiga  dheer ku baal ordayaa. Magaranayo halkuu u socdo laakin wuu hubaa inuu socdo. Moobilkii ayuu densaday wuxuu go’ansaday inuusan qof biniaadam ah la hadlin. Adduunkoo dhan buu cadaawad u qaaday. Baabuur buu soo raacay. Wejiyada dadka ee quusta ka muuqato ayuu la yaabay, waxay la noqotay in caalamkoo dhan laga ogaaday dhibtiisa oo dadku la wadaagayaan walaaca iyo guuldarada. Laakin ma run baa taasi?
Xaafado isku raran ah buu soo dhex jibaaxay dhowr guri buu soo dhaafay dhowr jid buu la soo leexday ugu dambayn  xaafadiisa ayuu soo galay. Gabar yar oo ooyaysaa ka furtay. Wiligeed ha aydo isagu wuu ooynayaa laakin cidna maqli mayso.  Dad dayrka guriga ku sheekaysanayay ayuu sii dhex maray. nasiib wanaag gurigaan qofna iskama yaqaanaan qolyar buu kiro kaga degan yahay wuuna ku cusubyahay. Qolkiisii ayuu galay hoos ayuu ka soo xirtay hurda dheer buu damcay inuu seexdo.  Wuxuu rabaa inuu is halmaansiiyo wixii  niyad jab soo qabsaday iyo sheeko walba oo Sagal ku saabsan. Laakin  hurda waa ka soo dhici diiday wuxuu go’aansaday inuu telefoonka shito oo Sagal waco bal in ay cudurdaar macquul ah u sheegto iyo in kale. Laakin wuu ka maagay tillaabadaas,  wuxuu isku deyay inuu adkaysto qoftaana noloshiisa ka tirtiro. Hadana qalbigaa sii waan yaayay inuu ka joogo. Waakan telefoonkii daaray durbana lambarkeedii  garaacay dhegtuu saaray waxba isma beddelin wili wuu xiranyahay.
Internetka inuu galo ayuu ku fekeray si uu u fiiriyo inay ku jirto iyo inkale ciwaanadeedii.Wax kale intuusan eegin faysbuuga ayuu furay. Wixii ugu horreeyay ee uu arko wuxuu noqday sawirkeeda sabab? Wiliba waa sawir ay qoslayso ma isaga ayay ku qoslaysaa iyo siday ugu cayaartay? Markiiba wuu ka gudbay hadana waa tan saaxiibadiis qaar kamid ah baa sawirkeedii wareejinaya.Waa sawir laga qaaday  ayadoo howl samafal ah fulinaysa cunug yar oo daruufaysan ayaay dhabta ku haysaa way dhoolacadaynaysaa  isna wuu qoslayaa cunuga yari. Howshaan samafalka waa tii ay isaga iyo Sagal kulmisay iskuna barteen. Wuu sii eegay saa meeshuu u rogaba sawirkeeda ayaa yaala oo hal qoraal oo afcarabi ah oo isku mid ahi ku dul qoranyahay. Kun suaal baa maskaxdiisa ku soo dhacday. Mala guursaday oo aroos baa loogu hambayaynaa? Mise xil  sare baa loo magacaabay ? Miyaa la dilay? ma ..ma..ma. Suaalahaan intuusan jawaab u helin ayuu go’aansaday bal inuu wax hubsado faalada sawirka ku dul qorana si degan u akhriyo.  Wuxuu ka shallaayay inuu moobbilkiisa shido wuxuu se ka sii shallaayay in uu faysbuug furo wuxuu kaloo ka shallaayay inuu akhriyo warkaas baas ee dhiillada xambaarsanaa. Dhaxan baa jirkiisa ku fiday, wuu qarqaray wadnahaa xoog u  garaacmay  wuxuu is arkay isagoo qar ka sii dhacaya haadaan gudcurana ku sii hoobanayo.
Sheeko gaaban—Xamar iyo xasuusaha xagaayaha

Qalinkii— Guryasame Cabdi Maxamed

guryasamo89@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here