Waayaha Fanka Soomaaliyeed – Cabdifataax Amiir.

Cuud

“Mugdishiyo Hargeysaba
Gudin iyo hangool iyo
Heellaa xoraysee
Wallee hobolkoon jirin
Guuli sooma hoyateen… ”
~ Hadraawi.

Muddooyinkan dambe waxaa deegaanno ka mid ah dhul weynaha soomaalida ka soo baxaya baaqyo aan dhumuc weynayn; kuwaas oo sharaynaya hoobolka iyo heesaha soomaaliyeed. Haddaba qormadan waxaynu in yar isku xasuusin doonaa heesuhu halka ay ummaddeenna ugu jiraan, in ay qayb weyn ka yihiin waarista iyo jirista dheer ee sooyaalkeenna afeed iyo sida ay lagama maarmaanka ugu yihiin.
Murtidaa sare ee maqaalkeenna furfurka u ah ee ka soo maaxatay maanka hal’abuur Hadraawi, waxay tilmaamaysaa mugga iyo miisaanka heeska iyo hoobolku ama heesaagu ugu jiraan jiritaankeenna ummadeed iyo waliba daleed. Maansadu waxay ahayd mid kamida awoodihii ay bulshada adeegsanaysay xilliyadii gobanima u dirirka; taas oo sida hiilaac uga iftiintay halgamaddii gobanima doonka iyo dawladmimada. Taasina waxa ay markhaati u tahay inaan cadowga hangool iyo rasaas oo qudha lagula dagaallamin ee af iyo addin xarbiga lagu qaaday. sidaa darteed hoobolka iyo heeskiisu hawl weyn oo gobanimo laga dheehan karo ayay xilligaa codkooda halaasiga ah ugu ciil baxayeen. Tusaale ahaan aynu wada eegno naf hurnimada, damqashada iyo waddaniyadda meeriskan dhex jiifta. Waa heeskii ‘’Haddaan dhimashooy ku diido’’ ee ku jirtay Riwaayaddii indho sarcaad lixdameeyaddii. Ereyada heeska waxaa leh hal’abuur Ismaaciil Sheikh laxankana Cabdilaahi Qarshe ayaa ladhay, waxaana si layaab leh ugu wada luqeeya Maxamed Axmed Kuluc iyo Caasha Cabdoo.

“Inta ay dhulkeennii
Qoqobuhu dhex yaalaan
Een kala dhantaal nahay
Haddaan dhimashooy ku diido
Haddaan dhalashooy ku sheegto
Haddaan dhaqashooy ku raadsho
Haddaan dheregoow ku doono ..”

Waxaa la sheegaa bulshada Soomaaliyeed waligood ba in ay ahaayeen bulsho hadal, bulsho dheg-maal ah. bulsho gabay, bulsho hees. bulsho aan heestu ka maqnayn hawl walba oo ay qabanayaan, heestu waxa ay ku talaallan tahay dhiigga qofka soomaaliyeed. bulsho heesta ku hawl yaraysata xataa haddii ay irbad damacdo in ay dun gashato. Waa tii haweenaydii kebaddii ay samaynaysay u heesaysay lahayd:

“ Geedba geedka u dheer

Laga garaacyeey

Galool muray mulaaxadiiseey..”

Haddaba Haddii heesihii bulshadeenni hore yaqaaneen ahaayeen hees-hawleed iyo hees-ciyaareed, halkee ayeey inaga soo galeen hees fankeedda dambe ee luuqda, laxanka iyo muusigga kala jaadka ah leh ?. sida taariikhda lagu soo wariyay waxay heesahan dambe ee luuqda iyo jabaqa leh sooyaal heeseedka soomaalida ku soo kordheen sannadihii u dhexeeyey 1930-1940kii. Waxaana hal’abuuray nin Cabdsinimo la oran jirey oo reer Boorame ahaa, kol uu caashaq daran u qaaday Khadiijo Cige Khadiijo Balwo. oo mar dambe hoobal caan ah noqotay. Caashaqa iyo ciilka gadhoodha oo lagu tiriyo waxyaabaha dhaliya curis dhab ah ayuu ku alifay Cabdisinimo hees-faneed Balwo la magac baxay oo hagoognayd luuq macaan ood jeclaysan iyo jabaq uu kolkaa tanag ka tumayey dar dambe se muusig u xuub siibatay. miraha heeskaa oo ay ka mid ahaayeen;

“balwooy balwooy hoy balwooy
waxaa i baleeyey Boorama ” iyo

“Laylaay laylay lalalaay..
Haddii quruxdaada layga qarsho
Khadiijo-balwooy qac baan orane..’’

Deedna sidaa ayaa hal’abuurkii kolkaa soo ifbaxay ee balwada tadawurro kala duwan loogu sameeyey. kolkaa kadib Heello ayaa soo shaac baxday iyaduna. iyadiinna waa laga sii gubday oo hees faneeddii ayaa la balaadhiyay heer ay gaadhay in heesuhu kali kali noqdaan mid walbaana lahaato luuq, naaxiyad iyo hoobol xaalado gaar ah ka heesa. Halka awel balwada laga heesi jirey hal arin, oo calaacal daran oo jacayl ah. Dabadeed waa ay sii socotay heestii, Waddanka waxaa soo gaaray qalab muusigeedyo kala dhadhan iyo dhawaaq duwan. Hal’door Abdullaahi Qarshe & Cali Fayruus ayaa ahaa kuwii bud-dhigay Muusigga Soomaalida. Macalin Qarshe isaga si gaara ayaa lagu sheegaa Aabbihii muusiga soomaalida ” Father of Somali music”. wuxuu soo tumay bilawgii hees faneedda soomaalida balwada, heellada & qaraamka. Dhallintii iyo badi bulshada qaybaheedi ayaa u ban-baxay xiisaynta jaadadka cusub ee heesaha. Dabadeed mu’alafiintii iyo mufakarkii Soomaaliyeed ayaa is tusay in heesku yahay jaad mug weyn oo si dhow oo fudud faarriimo loogu gudbin karo bulshada; kuna fahmi karto. jeerkaasna qaybo kala duwan oo nolosha ah looga kala dareen muujinkaro. sida nabadaynta, halganka ummadnimo, Eebbe bariga iyo cibaadaysiga, siyaasadda, falasafadda iyo jacaylka IWM.

Haddaba sida aqoon baadhayaal kala duwan, iyo shakhsiyaadka fanka Soomaaliyeed u dhuun daloola ay ku doodaan oo qoraa Afrax ugu horeeyo waxay sheegaan; in intii u dhexaysay bilawgii lixdanka ilaa bilawgii todobaatanaadkii ay ahayd beri-samaadkii fanka soomaalida ee ugu dahabsanaa. Iyadoo arrinkaasi wax badan ka jiraan aniguna aan ku raacsanahay in xilligaasi ahaa xilligii fanka Soomaalidu bisayl iyo kor u kac weyn gaadhay; haddana noloshu waa socotay fankunna ma faadhisan ee waa sii socday wixii intaa ka dambeeyey. Sidoo kale waxaan la ilaawi karin dabayaaqadii todobaatanaadkii ilaa siddeetanaadka dhammaadkiisi oo kolkaana waa kale oo la yaab leh u beryay fanka soomaaliyeed. Waxaa lagu xusuusan ogyahay inuu ahaa xilligii curashada silasaddii Deelleey taas oo ay ka qayb qaateen ku dhowaad konton hal’abuur oo kala miisaan culus

Xilligaas oo ay bulshada soomaaliyeed ku jirtay xaalado siyaasadeed, gobonimo u dirir (dhanka xornimadii dhulka soomaaliyeed ee Jabuuti & Isku daygii dib u xorayn ee Soomaali galbeed), iyo mid bulsheed oo aad u dhib badnayd. hasayeeshee silsilada Deelley iyo heeso ka gaar ahaa balse la xilli ahaa waxa ay xilligaas kulmiyeen suugaanyahanno aqoon u leh midhaha ay tirinayaan isla markaana aqoon durugsan u lahaa waaqica adag ee dadkeennu marayay, taas oo ay si fudud uga faalloon karayeen arimaha cakiran ee goorahaas lagu jiray. Fanku markaas awood quman baa uu lahaa inuu hal’abuurka uu soo bandhigo, waxaa la hantiyey rag maansada gole-ka fuula, muusig ka dhadhan roon kii hore, hobolo cod dheer intaas iyo ino kale oo is biirsaday ayaan oran karnaa baa saamaxday in ay hal’abuurku qaabka ay doonaan garashadooda ugu maansoodaan wakhtigaa.

Waxaan kaloo tusaale muuqda u soo qaadan karnaa xillayadaa riwaayaddii cajiibka ahayd ee ‘’Xorriyo nin gayaa goormuu dhalan ?’’ taas oo la alifay siddeetameeyadii, Ustaad Maxamuud C. Sangubna alifay kana mid ahayd riwaayadihiii ugu miisaanka cuslaa uguna shacbiyadda badnaa goortaas, heer dawladdii dhexe ee milateri xarrimtay wakhtigaa. iyadoo kacaan-diidnimo lagu suntay maaddaama riwaayaddu duur-xul qaaya leh ahayd. Deedna bilawgii sagaashanka ayaa Soomaalidu wayday dawladnimadeedi taagnayd. Kolkaa ayaa waxa muuqatay waxyaabaha dawladnimadu bilaysay kaliya in aanay ahayd dadka iyo deegaanka ee fanka laftiisa dawladnimadu dugsi weyn u ahayd. Haddaba iyadoo xaalku sidaa yahay haddana dedaadka iyo suxul-duubka hoobalka iyo hal’abuurka soomaaliyeed uga sii shaqaynayeen fanka ma yarayn. Kolkii la qaxay oo dhul shisheeye la martiyey hal’abuurku waxay sii wadeen allifaadda heeso kala jaad ah hooboladuna kama daali jirin soo saarista albannadaas. Iyagoo badankood sheegay in ay isku qabeen kharashaadka isla iyagu. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa burburkii ummadda soomaaliyeed hadheeyay awgiis fankii mugga weynaa ee umadda ee ciyaaraha lahaa, waa fankii heesaha jaadadka badan lahaa, masraxiyadda riwaayaadka lahaa, murtida macnaha weyn iy sarbeebta lahaa ku soo koobmay heeso oo keliya.

Xaalku waxuu soo gebi dhacleeyaba hoobal badan oo cod wanaagsan iyo hal’abuuro dhallinyar oo af yaqaan ah ayaa mar kale kacay; kuwaas aynu ka xusi karno hal’abuur Weedhsame, Laab-saalax, Cabdiraxmaan Fiili, Ilko jiir Iqk. Halka aynu hoobolada ka xusi karno Hodon Cabdiraxmaan, Yurub geenyo, Nimcaan hilaac, Iskalaaji, Suldaan seeraar, Cali dhaanto, Farxiya fiska, Cawaale iyo qaar kale oo cod halaasi ah Eebbe ku galaday Iyo waliba hibo faneed. Arinkii waa socday fankii Soomaaliduna xawaare casri ah oo kale ayuu sameeyey, siiba dhanka muuqaal duubista tayada sare leh. taasna waa casriyoowgii dunida wada gaadhay oo tignoolajiyadda baahday keentay Soomaalidna darafkeeda qabsatay. Waxaa ku ammaanan arinkaa istuudyaal dhowr ahi in ay qabteen shaqooyin culus oo lagu soo saaray muuqaallo hees faneedyo Soomaaliyeed oo hagaagsan, qaarkood caalami noqdeen halka qaar kalena qarka u saarmeen. Maqaalkani wuxuu diiradda saarayaa waxa socda hadduu doono haba gaabiyee inuu dhaamo dhaxagoowga iyo isku dhiibka wax la’aanta.

Waxaa jira bulshada qaybo ka mid ah oo carsiyoowga iyo qaab gudbinta goobaha bandhigga lagu qabto walaac ka muujin. Balse iyagu waa Ibnu’aadam oo is beddelka dadku kolka ba badi ma soo wada dhoweeyaan. Gaar ahaan qofka Soomaaliga ah !. Cusayb-nacaybku waaqiis dadkeenna dhexdooda waa lagu arki jirey. waxaa jirtay xilligii hees faneeddu soo baxday in abwaanno iyo maqaawiir badani walaac ka muujiyeen heesaha oo xilligaa bulshadu xiiso badan la socoshadooda u haysay. Siday ahaataba Gabyaagii Soomaaliyeed ee bulshadu martabadda weyn iyo dheg-raarricinta ku dhex lahaa qiyaastayda suuqiisi maanso ayuu u baqay. isagoo is beddelka iyo socodka xilliyada diidmo kala hortagay. waa tuu Abwaan Cabdullaahi S. Timacadde lahaa isagoo casriyoowgii hees-faneeddii xilligii soo shaac-baxday shuufsanaa; ‘’ maansada qaraamiga yar yar ee qayliyaa dilay’’.

Sidoo kale shaki kuma jiro kuwa badan oo maanta hobol isku haysta ay ka madhanyihiin hibo faneed iyo anshaxa gudbinta labada. meel cidlo ahna loo been qoslay. balse miyeey keenaysaa taasi in fanka dambe siduu u idilyahay qaarkeen dhabarka u jeediyaan oo ka rejo-beelaan ? ogaalkaygana maya, taasi xujo ma noqonayso. waayo mar walba doorasho ayaa jirta kuma khasbanin fanaan beenaadka in aynu dhegaysano inagoo helayna fannaan fankiisu sarreeyo. Sidoo kale u babac-dhigga isbeddel waayeedku waa muhiim. wax jiris la’aantanna waxaa dhaama in wax jiraan haba tabar yaraado waxaas e, taas oo qura ayaa aadanaha rejo ugu filnaan karta. Halka qaarkeen dhalliil qarriban la soo taagnaan lahaayeen had iyo goor waxaa ka qurxoon in qaarka hibada iyo aqoonta u lihi qayb ka qaataan toosinta waxa fanka casrigan ka qalloocda iyo tayeyntiisa. ugu dambayn Fankeennu waa waxa aynu nahay, waa summad ka mid ah sumaddeenna inta aynu jirno waa jirayaa balse waa in laga shaqeeyo sidii jiritaankiisa loo qurxin lahaa ee aan qudh-goyntiisa looga shaqayn. Hobolka haatan heesaa waa lagama maarmaan anshaxa iyo gole-joogga bandhiga in uu toosiyo, qurxiyo oo qiimo u yeelo.

“Waxa hoobal lay yidhi
Aan kuu higaadshee
Hiddo waxaan ku dhaataa
Afkii hooyadeennoo
Hanti waxaa ka leeyahay
Suugaanta hodanka ah
Hubna waxaan ka qaataa
Halabuurka midhahiyo
Hannaankiyo sargooyada
Qalab lagu hufaayoo
Lagu haadiyaayoo
Hugunkayga yeedhaa
Lagu hawl galaayoo
Heellooyinkaygaa
Bulsho lagu hagaayoo
Ka hallawsan weligii
Lagu hogatusaayoo;
Hawraarahaygaa
Dhasha lagu habaayoo
Dadku hadalladayduu
Ka dhigtaa halhaysoo;
Dhegtu heesahaygay —
Hanqal taag ku maqashaa !
Hayhaato meelaan
Halistiyo wax yeellada
Ka arkaa hog dheeroo
Hoydayda yeedhaa
Nacab soo hillaabtiyo
Horror lagu ogaadaa.

~Abwaan Hadraawi.

W.Q: Cabdifataax Maxamuud Dhegbahaaf (Amiir ).
dhegbahaaf@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here