Saamiya Shahiid: Geesiyaddii Rabitaankeeda u Shahiidday – Maxamed-Haykal Muxumed

Maxamed-Haykal

“Qol guriga ka mid ah ayuu Saamiya si xoog ah ugu ducduucay. Waa uu jidhdilay, ka dibna kufsaday. Iyada oo dhaawacyo badan qabta ayay maagtay in ay jaranjarta guriga ka daaddegto, una qayshato cid caawisa. Aabbaheed ayaa mar kale [ninkii] ku amray in uu khaarajiyo!”

Saamiya Maxamed Shahiid, waxa ay ku dhalatay magaalada Bradford ee ku taal gobolka Yorkshire, woqooyiga England. Halkaas ayay kula soo kortay labadeeda waalid oo ka soo jeeda gobolka Punjab ee dalka Pakistan. Saamiya waxa ay waxbarashadeeda hoose iyo sareba ku qaadatay Bradford, jeerkii dambena waxa ay ahayd xirfadle ka shaqaysa qurxinta dumarka. Waxa lagu tilmaamay in ay ahayd qof farxad badan, naxariis badan oo aad u kal furan. Qaar ka mid ah asxaabteeda iyo xubno qoyskeeda ahiba, waxa ay sheegeen in ay ahayd ruux guriga waalidkeed aad looga jeclaa, iyaduna si gaar ah u xushmayn jirtay waalidkeed, gaar ahaanna aabbaheed. Ugu dambayn, waalidiinteeda ayaa loo aaneeyey in ay dhagreen, in si silic ah loo dilana qorsheeyeen. Maxay ku mutaysatay dhagartaa foosha xun?

 Sabab lagu xidhiidhiyey caadooyinka bulshada ay ka dhalatay, ayaa si qasab ah sannadkii 2012 loogu guuriyey nin da’ ahaan ka weyn, horena aanay u arkin oo ay ilma abti yihiin. Magaca ninkaas waxa lagu sheegay Maxamed Shakiil, waxa aanu ku noolaa dalka Pakistan. Muddo yar kolkii ay ninkaa lagu qasbay u mehersanayd, waalidkeedu waxa ay qabanqaabiyeen safar iyagu gadhwadeen ay ka yihiin –iyaduna la socoto –si xaflad aroos loogu dhigo gudaha Pakistan. Waa la is wada raacay, laba maalmood kolkii ay Pakistan joogeenna Saamiya waxa loo gelbiyey goobtii arooskeeda loo diyaariyey. Sida ay kol dambe sheegtay, Saamiya waa ay ka argagaxday muuqaalka iyo debciga ka muuqday ninka loo guuriyey.

Muddo bil ah kolkii ay la joogtay, ayay ninkii loo guuriyey iyo qoyskeedaba u sheegatay dhawr cudurdaar, iyada oo ka codsatay in loo oggolaado in ay England ku noqoto toddobaad – si ay soo dhammaysato –hawlo ka qabyo ahaa. Cudurdaarkaas waa laga oggolaaday, waxaanay si nabad ah ugu soo noqotay magaaladii ay ku dhalatay, kana shaqayn jirtey ee Bradford. Halkan ayaa isaseeg ka dhacay.

Saamiya waxa ay go’aansatay in aanay dib ugu noqon Pakistan, nolol dambena la wadaagin ninkii ay ilma abtiga ahaayeen ee sida jujuubka ah loogu guuriyey. Go’aankeeda waxa ay u sheegtay aabbaheed, waxa aanay ka codsatay in uu ninka uu jeerka hore ku daray ka furo. Odaygii arrintaasi waa ay u cuntami weyday, waxa aanu sameeyey dedaal kasta oo uu Saamiya dib ugu soo celin karo Pakistan. Duco iyo habaar, digniin iyo hanjabaad; dayro iyo dagaal, intaba waa uu ku dayay, waxba se uguma suurtoobin.

Dhawr bilood ka dib, aabbaheed Maxamed Shahiid waxa uu ku soo laabtay England. Imaatinka odayga waxa ka dhalatay xurguf intii hore ka weyn, oo ugu dambayn sababtay in Saamiya guriga qoyska laga caydhiyo, walaalaheed iyo ehelka kalena lagu diro. Saamiya waxa ay dhawr bilood la noolayd qoys oo iyaguna dhalasho ahaan Pakistan ka soo jeeda. Sida oo kale, waxa ay bilowday in ay iskeed isu dabbarto, xirfaddii ay taqaannayna ku shaqaysato.

Iyada oo arrintii ay qoyskeeda ku kala tageen weli cakiran tahay ayay talo kale goosatay. Jeerkan, waxa ay u tagtay nin lagu sheegay in uu ahaa caalim shareecada Islaamka aqoon durugsan u leh. Waxa ay uga warrantay xaaladdeeda, waxa aanay ka codsatay in uu ka furo (ka fasaqo) ninka guurkiisa lagu siray ama lagu khasbay ee aanay doonahayn. Caalimkii codsigeedii waa uu u fuliyey, waxa aanu ku wargeliyey in ay furan tahay, xorna u tahay ninka ay doonto in ay guursato.

Muddo bilo ah dabadeed, waxa ay is barteen Sayid Mukhtaar Qaasim oo isaguna Pakistan u dhashay. Sayid Mukhtaar waxa uu degganaa kana shaqayn jiray Dubai. Waqti uu dalxiis u yimi London ayay kulmeen, waxaana u bilaabmay xidhiidh in door ah socday. Isbarasho iyo isfaham ka dib, waxa ay ku ballameen in ay is guursadaan. Waa guur aanay wax gacan ah ama talo ah ku lahayn waalidkii Saamiya dayriyey. Waxa uu meherkoodu ka dhacay isla magaalada Bradford, waxaana ka qayb galay dad kooban oo saaxiibbada lammaanaha u badnaa.

Waxa xusid mudan in meherkoodu ahaa nooc qarsoodi ah oo kale. Muddo yar ka dib, Sayid Mukhtaar iyo Saamiya waxa ay u guureen magaaladii uu ka shaqayn jirey ee Dubai. Nolol ay labadooduba ku faraxsan yihiin ayaa halkaa uga bilaabatay. Waxa kale oo dheeraad ahayd, dayrinta qoyskeeda ay kala kulantay ka sokow, in aanay mar qudha Saamiya ka calool go’in waalidkeeda iyo walaalaheed midna. Waxa ay si gaar ah ula xidhiidhi jirtey walaasheed, Madiiha, iyada oo ka waraysan jirtey xaaladda guud ee qoyskeeda, iyo gaar ahaan ta caafimaad ee aabbaheed.

Dilkii Saamiya

Sayid Mukhtaar iyo Saamiya kolkii ay muddo laba sano ku siman Dubai ku wada noolaayeen, ayaa bishii July ee 2016-kii Saamiya la soo wacay. Waxa telefoon u soo dirtay walaasheed, Madiiha, iyada uu u sheegtay in ay eeddadeed geeriyootay, aabbaheed Maxamed Shahiidna sakaraad yahay oo cusbitaal jiifo –uuna codsaday inta aanu dhiman in uu gabadhiisii Saamiya ee ay kala fogaadeen arko –si uu ugu dardaarmo, uguna sii duceeyo! Sidaa daraaddeed, walaasheed waxa Saamiya culays ku saartay in ay soo booqato odaygu inta aanu dhiman, safar degdeg ahna ugu baxdo Punjab, Pakistan, oo ku odaygu ku xanuunsanayey.

Arrimahaa kolkii ay Saamiya saygeeda kala tashatay, waxa uu u soo jeediyey in ay aad uga fiirsato, oo aanay ku degdegin in ay Pakistan u safarto. Iyada oo weli lababoglaynaysa, in ay aabbaheed ka soo ducaysatana niyadda ka jecel, ayaa dhawr qof oo kale oo qoyska ka mid ahi la soo xidhiidheen, una sheegeen in xaaladdii odaygu ka sii dartay, oo ay waajib tahay in ay degdeg u ambabaxdo, si ay isu soo cafiyaan. Dadka jeerka dambe soo wacay waxa ka mid ahayd hooyadeed, Imtiyaas Biibis, oo aanay in muddo ah wada hadlin. Halkaas ayay go’aan kamadabays ah ku qaadatay, waxa aanay u xadhko xidhatay safarkii nolosheeda ugu dambeeyey!

16-kii July ee 2016 ayay u dhooftay Pakistan, laba maalmood ka dibna waxa ay gaadhay degmada Pandori oo ah degaankii qoyskeeda ee gobolka Punjab. Saamiya, ka hor intii aanay guriga qoyska aadin, waxa ay baasaboorkeedii iyo tigidhkii socdaalkeeda u sii dhiibatay gabadh ehelada ka tirsan oo ay ku kalsoonayd. Saacado ka dib, waxa ay tagtay guri loo tilmaamay in aabbaheed ku xanuunsanayo. Waa gurigii dhagarteeda lagu sii qorsheeyey! Wax yar kolkii ay joogtay, xaaladduna sidii loogu sheegay mid ka duwan ay ahaatay, ayay dareentay in shirqool loo maleegay, sida ay uga baxdaana adag tahay! Waxa ay farriimo gaagaaban oo degdeg ah u dirtay ninkeedii, Sayid Mukhtaar, iyada oo sawir ka siisay xaaladda ay la kulantay. Sayid Mukhtaar, werwer badan iyo wax uu hore uga sii dhiifoonaa ayaa dhiillo culus ku dhaliyey. Isla muddo daqiiqado gudahood ah, waxa hawada ka baxay telefoonkii Saamiya.

Geerideeda ka dib baadhitaankii la sameeyey waxa lagu ogaaday: markii ay aragtay in dabin loo suryeeyey, in ay isku dayday in ay baxsato. Waxa kale oo la ogaaday: aabbaheed Maxamed Shahiid, in uu amray, ninkii uu sida khasabka ugu guuriyey in uu xoog guriga ugu celiyo, in ay baxdana aanu u oggolaan. Maxamed Shakiil, oo ah ninka lagu khasbay, ayaa Saamiya si xoog ah qol guriga ka mid ah ugu ducduucay. Waa uu jidhdilay, ka dibna kufsaday! Iyada oo dhaawacyo badan qabta ayay maagtay in ay jaranjarta guriga ka daaddegto, una qayshato cid caawisa. Aabbaheed ayaa mar kale Maxamed Shakiil ku amray in uu khaarajiyo! Inta uu ka soo daba baxay, ayuu masar ay hagoognayd ku ceejiyey, sidaasna naftu kaga baxday!

Saacado gudahood, dadkii Saamiya dhagray waxa ay falkiyeen sheeko tuhun badan dhalisay, taas oo ah: in Saamiya wadnaha laga hayay, hal marna lagu soo booday oo ay sidaa ku dhimatay. Waxa kale oo ay sameeyeen in ay meydkeeda degdeg u aaseen. Falkaa waxashnimada ah ee Saamiya lagu dilay waxa lagu sheegay “DIL-SHARAFEED!”

Sayid Mukhtaar, maalin iyo habeen is xiga kolkii uu wax war ah ka waayay xaaskiisii, waxa uu degdeg ugu safray Punjab, Pakistan. Waxa uu war geliyey booliska, isaga oo u sheegay in ay u badan tahay in Saamiya la shirqoolay. Booliskii ayaa baadhitaan degdeg ah bilaabay, soona xidhay gacankudhiiglihii dilay iyo odaygii arxanka darraa ee dilkeeda amray. Baadhitaanka ay sameeyeen booliska Pakistan waxa lagu go’aamiyey —dhimashadeedu in ay ahayd dhagar (homicide) —waxaana la maxkamadeeyey aabbaheed iyo kii ceejiyey. Habka maxkamadayntu u dhacday iyo heerarka ay martay oo muddo jiitamay warar sugan lagama helin.

Dhacdadani warbaahinta adduunka, gaar ahaan ta Ingiriiska iyo Baakistaan aad ayay caan uga noqotay. Tixraacyada aan hadda ka soo qoray waxa ugu weyn filim documentary ah oo BBC-du ka samaysay:

https://youtu.be/VKYJHzA7gMk

https://www.thesun.co.uk/news/5634947/samia-shahid-murdered-for-love-bbc-raped-honour-killing-pakistan-dad/

https://www.huffingtonpost.co.uk/entry/samia-shahid-death-honour-killing_uk_5a8d8e68e4b00a30a2515e2e?guccounter=1

https://www.independent.co.uk/topic/samia-shahid

Maxamed-Haykal Muxumed Cabdi

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here