Guryanoqoshadaydii -Fartuun Sakhaawe.

Fartuun Sakhaawe

Waxaa jira dareen igu riixaya in aan sheekeeyo, se waxaan garan la’ahay sida ugu fudud ee aan ku soo koobi karo dhacdooyinkii i soo maray safarkaygii xagaaga ee sannadkan. Waa tan sheekada ee ila safar.

Bishii shanaad 15-keeda 2015-kii ayay ahayd markaan dalkayga ka baxay. Gebi ahaan qaaradda Afrikana waxaan macsalaameeyay dhawr bilood kaddib. Muddadaa dabadeed, hayaankaygii nololeed wuxuu dib uga curtay dalka Iswiidhan. Saddex sano iyo dhowr bil ee aan halkaa ku noolaa, marar badan ayaan niyadda geliyay in aan Afrika ku laabto, laakiin iima suurtagelin. Bishii lixaad saddex iyo tobankeedii, sannadkan ayuu ii suurtogalay hammigaasi. Aad buu ii xiiso gelinayay safarkan, weliba aniga oo aan aad u hubin sida aan ku dareemi doono marka uu rasmi ahaan bilawdo. Hase ahaatee, waxba waxbaa ka sii qiimo badane, waxaan xaqiiqsanaa dad badan oo safarkani na kulmin doono dartood in aan u farxayo, welibana aan xusuuso wanaagsan ka dhaxlayo. Qoys baan ahayn aad u faraxsan oo ay hooyadood hoggaamiso kana kooban saddex gabdhood iyo wiil. Dhammaanteen waan faraxsanayn, diyaargarowgiina mid walba doorkiisa ayuu ka qaatay. Isla maalintaa aan ka soo dhoofaynay magaaladii aan ka degganayn Iswiidhan (Umeå), waxay ahayd maalintii iskuullada la xirayay ee uu bilaabmayay fasaxa. Sidoo kalena waxay ahayd gebi ahaanba maalintii iigu danbeysay iskuulka! Dareemo badan ayaa ii kulmay! 

Sida caadada ii ah, marka aan safar ahay, welibana uu mid dheer yahay, welwelka ayaa igu bata, hurdadayduna way yaraataa. Aniga oo aan u baahnayn, jirinna duruuf sababaysa ayaan subixii kallahay, oo aan toosay lixdii subaxnimo. Isla xilligaa ayaanba anigu diyaargarowgayga u diyaarsanaa, se reerka oo dhan way hurdayeen, maaddaama saacado badan ay ka hadhsanyihiin safarkayaga, muddo kaddib waa la soo wada toosay, oo qof walba wuxuu ku hagaagay danihiisa. Markii hawlaheennii maalinnimo ay noosoo dhammaadeen ayaan kazoo anbabaxnay guriga iyo magaaladiiba, qofba qofka kale ayuu ugu hanbalyaynayay safarka. Waxaan sidoo kale ku loollamaynay qofka hooyo agteeda fadhiisan doona! 

Kadib saddex maalmood oo aan dib u dhac xagga diyaaradda ah u joognay caasimadda (Stockholm), waxaa innagu dhacay isbeddel dhaawacay, dareenkeennii ku dhisnaa, farxadda, qosolka, sheekada, kaftanka iyo saadaasha wacan. Wax nagu la wargeliyay in aysan Afrika noo raaci karin hooyadeen, baasaboorkeeda oo dhicistiisa dhowdahay awgii! Qarracan iyo lama filaan ayay nagu noqotay! Farxaddiina waxay isu beddeshay ooyin! Dhammaanteen waxaan qaadannay go’aan ah in aan iska wada baaqanno tigidkuna iska gubto, maadaama ay nagu adag tahay in aan hooyo la’aanteed safarno. Qorshahaasi se ma ahayn mid suurtagal ah, oo hooyo waxay ku talisay in aan innaga iska baxno, iyaduna ay xal uun raadsan doonto. Waanan isku raacnay ugu danbeyn. Waxaan soo dhoofnay innaga oo bilaa hooyo ah! Midba midka kale la ma hadli karin, ilmada naga qubanayso aawadeed. Sidaas ayuuna safarkeenna bilawgiisii ku noqday mid aan farxad ku dheehnayn. Balse waxaan ku qasbanayn in aan is dhiirrigelinno, carruurta naga yarna aan niyadda u xoojinno. Waan isku dayaynay in aan jewiga cakiran iska saarno, se aad bay noogu adkayd. Waxaan si hoose u go’aansaday toddobaad kadib in aan dib u soo laabto oo aan hooyo wehliyo. Niyaddana waxaan ku sabay in aan go’aankaa ka dhabayn doono marka aan sammo tagno, haddaanay hooyo xal helin. 

Laba iyo toban saacadood oo safar ah kaddib, waxaan soo caga dhignay Kambaala. Daal iyo rafaad badan baa indhaheenna laga dheehan karayay, waxaan se hubay dadka aan u soconno in ay naga bi’in doonaan waxaas oo duruuf ah. Intii yarayd ee aan baaritaannada garoonka gudahiisa maraynay waan sugi kari la’aa oo dulqaad umaan heyn. Shamsa, oo ah qofka ugu horreeya ee muhiimadda u yeelayay safarkeenna, ayaan u xiiso qabay in aan arko. Xaawa ayaan aad u rabay in aan laabta geliyo. Sidoo kale, waxaan si dhab ah u doonayay in aan maqlo erayga “Hooyo”, kana maqlo Duniyo-yar iyo Cumar-yare. Dhammaantoodba waxay ahaayeen qayb qoyskayga ka mid ah, balse macne gaar ah u leh naftayda, aragtidooduna waxay ii ahayd raynrayn.

Halkaa waxaa iiga bilowday, maalmo xanbaarsan, jacayl, farxad, damaashaad, masuuliyad, ixtiraam, weyneyn, iyo xusuus keydin badan. Wuxuu ahaa wakhti aanan dhihi karin maalmo e, waayo badan ayuu la qiimo ahaa. Dharaarahaasi, keliya ii ma ahayn kuwa aan reerkayga la qaato. Balse waxaan la kulmay oo aan bartay saaxiibbo horleh, oo aan wax badan ka faa’iiday kana faa’iidi doono barashadooda. Bulsho badan oo qaddarin iyo jacayl ii heysana kulamo badan baan wada qaadannay. Barnaamijyo badan ayay dhallinyar halkaa ku nool igu casuumeen, iyaga oo ujeeddada laga lahaana ku sheegayay in ay manaafacaad iga la hari doonaan, xaqiiqaduse waxay ahayd in aan anigu helay aragtiyo badan oo qiimo badan, wax aad u weynna aan ka bartay. 

Markii aan Kambaala imi, waxaa meesha ka baxay qorshe aan markii horaba sal buuran ila lahayn, oo ahaa in aan Soomaaliyana ku darno socdaalkeenna. Waxaan niyaystay, welibana ii caddayd in aan dhulkii hooyo tegi doono sannadaha soo socda, haddana aan halkan uun ka laaban doono. Wuxuu se ku suurtagalay fal cajiib ah, oo aanan ku fikirayn in uu dhici karo. Siduu ku dhacay, iyo siduu u ekaaba waxaan ku bartay, waxyaabo aanan aqoon u lahayn. Sidoo kale waxaan xaqiiqsaday kalsoonida iyo ku dhiirrashada ay wakhtigayga go’aamintiisa ku qabaan saaxibbaday. Dhacdo aad u xiiso badan oo u dhabbo xaartay wejigii labaad ee safarkayga ayay ahayd runtii.

Farax oo ah walaashay, isla markaana aan wada wadnay qorshihii hore ee ahaa in aan Soomaaliya tagno, hase ahaatee aniga aan suurtagalnimo cad ii lahayn, iyaduse aad ugu hanweynayd, ayaa aad u taban taabisay safar degdeg ah iyada oo kaashanaysa qaar ka mid ah saaxiibbaday  oo weliba ay ka damacsanaayeen in ay kedis iguu gu sheegaan, waxaanan ogaaday laba maalin ka hor habeenkii aan bixi lahayn. 25kii juulaay habeennimadeedi ayay noo qorshaysay in aan baxno. Isla wakhtigaa aan baxaynay, saacado ka hor waxaan ka qaybgalnay barnaamij aqoon kororsi ah oo  ay samaynayeen dhallinyar Kambaala ku nool, oo ay ii garteen in aan ka qayb qaato welibana aan u daaddihiyo. Saacadihii ugu danbeeyay ee kulankaasi, ayuu safiirka Ugaanda u fadhiya Soomaaliya oo madasha marti ku ahaa  nagu wargeliyay tacsina ummadda u diray, qaraxii gobolka Banaadir! Aad baan uga naxay welibana u welwelay. Niyaddayda oo cabsi weyni gashay, ayaa ii saadaalisay in sababta aan Xamar u tagayo ee aan caawa u safrayaa tahay in aan ku soo dhiman doono. 

Aniga oo dareen ahaan baqdin baahsani i heyso ayaan xaafaddii imi. Waan cashayn kari waayay oo dhexdaan ka ololayay, waan se iska qarinayay reerka intiisa kale si  aynan iiga dareemin walbahaarka. Si degdeg ah ayaan ku diyaargaroobay, oo waa in aan diyaaraddaydii iska xaadiriyaa, xilli horana baxaa aniga oo ku xisaabtamayo inta garoonka loo sii socon doono. Gaarigii inna qaadi lahaa wuu inoo yimi.  Sidii caadada ahayd waxaa noo bilowday dareenkii foosha xumaa ee macsalaamaynta. Aniga oo markaygii horaba gudaha ka ooyayay ayaan fursad u helay in aan si caadi ah u muujiyo ilmadayda nuucyada badan oo ay ku kulmeen, sagootinta iyo murugada dhibaatada ku dhacday dadkaygii Muqdisho iyo baqdinta dhimashada ee iga dhex guuxaysa. 

Afartii saac ee aan Xamar safar u soo ahaa, wuxuu ii ahaa wakhti beddelnaan. Waddankaygii aan ka maqnaa ku dhawaad shan sano, ayaan u socdaaye, waajibku wuxuu ahaa in aan farxad iyo dhoollacaddayn ku soo dhoofo. Hase ahaatee waaqica taagan baa ii diiday. Xilli duhur ah ayay diyaaraddii i wadday soo gashay hawada Soomaaliya. In aan dusha sare ka arkay halkii aan ku dhashay wax weyn iyo nasiib aan dad badan dheerahay baan u dareensanaa. Weli se waxaa igu lammaanaa maxaad kala kulmi doontaa markaad gudaha u gasho. Isla naftaydii ayaa isla yaabbanayd, oo waxaan malayn kari la’aa in magaaladii aan ku dhashay welibana dhowr sano ka hor uun aan ka baxay in aan sidaan uga baqayo. Waan xaqiiqsanaa in aanay isyeelyeel iga ahayn, keliyana waxaa i fahmi kara qof ka soo maqan oo qarax iyo weji xun uun loo tebiyay. 

Garoonkii diyaaradaha ayaan soo cagadhigannay, oo gudaha ayaan u sii galay. Dal ku galkii ayaan qaatay! Meel shishe ayay Farax iga tustay shaqsi aan ku farxay aragtidiisa. Saaxiibkay Axmed Daahir!  La kulankiisii oo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan aqaano oo aan arko markaan Muqdisho ka soo degay, farxad bay ahayd. Axmed wuxuu noo soo gelbiyay bannaanka. Anna waxaan bilaabay eegmo aad mooddo in la i yiri, cirka, dhulka, iyo hareerahaba aad u fiiri ma waxbaa ku soo kordhay intii aad maqnayd. Mar qura ayaan meel aad iiga fog ka arkay, saaxiib aan nolol dheer oo waxbarasho soo wada qaadannay, haddana aan nahay saaxiibbo isku dheer, waa Samatar. Si farxad iyo laabfurnaan ku dheehan tahay ayaan isu salaannay. Bal sawiro adiga oo helay saaxiibbo aad is kaftan iyo sheeko taqaannaan, muddana aad kala maqnaydeen! Isla markiiba waxaa ii bilowday maalmihii farxadda iyo qosolka. 

Gaarigii aan garoonka ka raacnay ilaa aan xaafadda ka tagno sheeko iyo qosol baan ku jid marnay. Waddo walba oo aan marayno ayaan ka faalloonayay, oo aan magacyadooda u sheegayay si sax iyo qaladba leh. Lahaansho badan oo qalbigayga soo buux dhaafinayay, wuxuu igu sii kordhay markii aan tagnay degmadii Shibis oo ahayd halkii aan ku dhashay, kuna noolaan doono inta aan Xamar joogo. Daalkii isugu jiray mid maskaxeed iyo mid jireedba, mar keli ah ayuu i daayay. Sidoo kale waxaan iska waayay baqdintii igu lammaanayd. Waxaan tagnay xaafaddeennii iyo qoys na wada sugayay. Way igu wacnayd in aan isla markiiba magaalka galo oo aan wareeg bilaabo. Balse in aanan awoodayn indhahayga ayaa laga garan karayay oo xitaa haddaan aniga dalban lahaa la iga ma aqbali lahayn. Saaxiibkeenni Axmed Daahir ee na soo dhaweeyay, ilaa gurigana na keenay wuxuu na faray in aan iska nasanno, oo uu caawa na kaxayn doono. 

Anigu ma hurdin, keliya se waan seexday si aan u nasto. Wakhtigii aan ballannay aad buu ii la dheeraday oo mar walba waxaan fiiriyaa goor-sheegta. “Marti ayaa idiin timi e, ma soo geliyaa” ayaan albaabka bannaankiisa ka maqlay. Hadalkaa iyo soo gelistii Ramla Gobdoon iyo Zahra Qorane ayaa isugu kay xigay. Waan u qaadan waayay, oo waan farax qoslay. Waan garan waayay mid aan ku hormaro oo aan laabta geliyo. Ramla ayaa ii soo dheereysay, aniga oo aan sariirtii ka soo deginna ii timi. Si aan la qeexi karin, oo qiiro iyo jacayl ku dhisan ayaan isu soo dhawaysannay. Ma na jirin farxaddeenna halbeeg lagu cabbiri kari lahaa, haddii la isku dayo in la garto caddadeeda. Sidoo kale kulankooda wuxuu iga caawiyay in wakhtiga ii soo koobmo, illaawana sugi waagii i hayay. Dhowr saacadood kadib way bexeen, innaguna waxaan bilownay diyaargarow. 

“Fartuuneey, Xasan Mukhtaar baa ila soo socda, ma na oga cid aan u socdo, oo waxaan rabaa in uu kedis kugu arko e, markaan guriga hor imaanno ee aan ku soo waco noo soo bax” ayuu saaxiibkay Axmed Daahir oo telefoonka iga soo wacay i yiri. Kedisku waa falkaan jeclaaye, si qanacsanaan ku jirto ayaan u aqbalay. Xasanna filan waa ayay ku noqotay in dadka uu arkayo ay yihiin Farax iyo Fartuun. Kedis baa isdabayaale, waxaan u dhaqaaqnay badda, oo ay ku ballansanaayeen dhammaan bahdii Ifiye, oo aan ka war heyn in aan imaannay. Is aragtideennii way qaadan kari waayeen saaxiibbaday, oo xitaa aniga ayay ila ahayd in aan riyo ku jiro oo waxaan dhacayaa aanay dhab ahayn. Balse xaqiiqo qurux badan bay ahayd. 

Dad i jecel iyo dal layga jecelyahay ayaan tagay. Wax badan oo weynayn ah ayaa la i dareensiiyay. Cid walba oo i taqaannay ama aan aqaannayna dhulka waa la ii quuri waayay, oo intii aan Xamar ku sugnaa ma jirin maalin aanan saaxiibbo u qaabilin si wanaag iyo kalgacayl xanbaarsan. Dad badan oo aan baraha bulshada iska barannay ayaan soo muuq bartay. Saaxiibbo horlehna waan soo yeeshay. Runtii bulshaan u tagay si weyn u dhaqaaqday. Magaal baan tagay fanka aad looga xiiseeyo. Waagii aan baxayay iska daa, in caways fannaaniin iyo kaban loo wacdo e, ma jirin goob ay dhallinyar isugu timaado oo hees laga shito, iyadoo aan aroos iyo munaasabad weyn jirin. Haddana waa lagu jimceystaa, oo bunkii aan ogaa in habeenka jimcaha la dubo ayuu wehliyaa kabanka, oo dhallinyarada qaar baa jimce walba samaysta. Dhowr habeen ayaan madallo kala duwan oo kaban, boonge, luuq macaan, iyo heeso dhiigga dhaqaajinayaba leh xadro iyo jaas uga soo ciyaar gutay. Sidoo kale, gabdhuhu aad bay u xarragoodaan, oo midba midda ku xigta oo kaa soo hor baxdaa way ka sii cajiibsan tahay. Ku darsoo, xarragadu maaha gabdhaha oo kale ah e, wiilasha ayaa iyaguna aad ii cajab geliyay. Dhowr mar bay naftayda si hoose u tiri “wiilashan intii aad Xamar joogtay maad arki jirine, tolow miyay qarsoonaayeen? Mise markaa ma jirin amniga iyo horumarka hadda idin kulmiyay e, sababtu waa taa!!” Se yeelkeede, Xamar dhan walba dib u kabasho samaysay ayaan la kulmay.

Xamar in ay dhaqaaqday waxaan ku gartay carwooyinka ku yaal hareeraha waddooyinka waad la ashqaraaraysaa sida ay u sharraxan yihiin iyo hantida la geliyay. Ma jiraan udug iyo labbis aad damacday oo aad ka waayaysaa. Sidoo kale, hoteello iyo maqaayado aanay qaar badani rumaysan karin in ay Xamar ku yaallaan bay ganacsato ka hirgeliyeen. Quruxda dhismaha, cunnooyinka iyo cabbitaannada ay sameeyaan, waxaa ii dheerayd oo aan aad ula dhacay dhallinyarada ka shaqaysaa howlkarnimadooda iyo weliba u jajabnaanta shaqada iyo soo dhawaynta ku duugan. Dhammaantood iyaga oo dhoollacaddaynayo ayay dalabkaaga kuu fulinayaan. Weliba adigii ay kugu waajibka ahayd mahadda ayay kuu mahadcelinayaan. Alla cajiibsanaayeenaa. 

Liido ayaa noqotay meel aad u horumartay oo laga hirgeliyay goobo badan oo lagu caweeyo. Jimcaha oo keli ah ayaan ogaa in ay dadka isugu yimaadaan e, hadda xitaa habeenkii waa la buuxaa. Habeenno badan oo midba ka kale uu ka qurux badnaa ayaan halkaa ku soo qaatay. Farriimo badan oo ay Xamar naftayda u waddayna halkaa ayaan u soo dhigay. Si hoose ayaan Liido isu xaal waraysannay. Waxaan uga sheekeeyay waayahayga iyo waxa aan ku maqanahay. Xitaa waxaan u sheegay waxa aan maaganahay iyo hankayga doorka ay ku leedahay. Dadka oo dhan ayaan kala sinnaa ku layrsiga iyo ku nefisaadda dhaqaaqa hirarka iyo dabaylaha badda. Anigu se macne iyo dareen gaar ah ayay ii samaynaysay. Biyaha, webiyada iyo baduhuba oo aan aaminsanahay in dareen ahaan ay aad ii fahmi karaan, ayay badda Liidana ka sii xagjirtaa, oo iyada waxaa ku lammaan dareenkii lahaansho. Taa ayaa sababaysay in niyaddayda ay si dhiirran ugu xog warranto. 

Dhacdooyin badan oo cajiib ah baan Muqdisho ka dhaxlay. Dad badan oo noloshayda qiimo u lehna way na kulmisay. Maalin baa jirtay aad cajiib u ahayd. Habaryartay Xamda Cigaal ayaa Hargeysa ka imaanaysay. Waxaan dejinnay qorshe aan Farax iyo saaxiibbadii kale ee safarka kediska ah ii dejiyay aan uga aarsan karo. Waxaan ka codsaday in aanay cidna u sheegin. Maalintii ay imaanaysay, duhurkii ayay Xamar ku soo beegnayd. Saaxiibkaygii Samatar ayaan ballansaday si uu ii raaco. Waan soo kallahay, oo ilaa habeenkii waxaan ka fekerayay haddiyad aan ku soo dhawayn karo. Anoo ku dawakhsan bay ruuxdayda i tusisay in aan guddoonsiiyo haddiyo waxaan ugu jecelahay oo ah ubax! Aniga iyo naftayduba waan isla qaadannay. Farax, Zahra Qorane iyo Axmed Daahirba waxaan ka codsaday in ay iigu yimaadaan Karmel oo aan ka wada qadayno, doonayana in aan kala hadlo arrin. Yaab bay la ahayd arrinkan aan u ballaminayo ee aan kala hadlayo. Midba gaarkii ayuu isku dayay in uu iga soo saaro, se waan ku adkaystay in aan fadhi ugu sheegi doono. Waxaan tagay garoonkii saacado ka hor xilliga ay imaanaysay. Way ii wacnaan lahayd in aan isku soo beego wakhtiga ay diyaaradda soo cagadhigato. Sababta oo ah waxaa iga kala yaraan lahaa weydiimaha ah “ma ninkaaaga oo soo degayo ayaad ubaxa u waddaa” iyo in dadka oo dhani ii wada fiirinayaan si gaar ah, ubaxa aan wado awgii! Aniga iyo saaxiibkay Samatarba si hoose ayaan u qosolnaa oo waan dareensannahay in dadku na la yaaban yahay. Fadhi badan kadib way timi diyaaraddii wadday. In aan arko welibana aan si farxad iyo naxariis leh laabta u geliyo waxay ii ahayd rejo wayn oo ii rumowday iyo faa’iido aan ka dhaxlay safarkayga. 

Waxaan u soo wadnay hoteelkii ay degi lahayd. Kadibna waxaan sii aadnay halkii aan ku ballamiyay saaxiibbaday ee ay ku filayeen in aan arrin ugu sheegi doono, se ay ku arki doonaan si kedis ah Xamda Cigaal! Yaab iyo filan waa ayay dhammaantood ku noqotay, balse waa sidaan doonayay iyo macaanka kediska. Farxad, kaftan, qosol, jacayl iyo boholyow badan baan ku wada qadaynay. Kediskii baa isa sii daba yaale, saaxiibadday Nasra Gadafey, maadaama ay lug ka jabnayd oo aan madashan ku ballamin karin, waxaan kediskii ugu geeyay fadhigeeda aad bayna ugu faraxday. Farxaddaasina waxay sii dhalisay in aan Nasra iyo gurigeeda oo markii horaba noo ahaa saldhig aan ka duulno kuna soo daal goyno, aan la qaadanno wakhti badan oo door ah. Habeen baa jiray innaga oo koox ah uu na mideeyay guriga Nasra. Habeenkaasi wuxuu ahaa cajiib. Waan wada cashaynay, oo muufo, suqaar, moos iyo macsaraba, si weyn baan uga xiiso goynay habeenkaa. Sheekooyin iyo wax is weydaarsi dheer. Kaftan iyo qosol xiiso badan. Waxaa noo sii dheeraa xujooyin maad iyo madadaalo xanbaarsan. Barnaamij baa noo furnaa aan dhihi karo saldhiggiisu wuxuu ahaa “haddaad hadli karto, waad heesi kartaa!” Qaar innaga mid ahaa oo malaha cod macaani isku ogaa kalsooni badanna isku qabay ayaa mashruucaa nagu  furay. Qof baa heesayay kadibna wuxuu dooranayay qof kale oo heesa. Ruuxaa la doortana wuu ku qasbanaa. Waxay socotaba, aniga ayay igu timi! Bal yaa u sheega in ooyinta iyo in hees la i yiraa ay ii fududdahay ooyinta. Haddii si loo eegana ayba isku egyihiin labadaydaa marxaladood. Codxumaa la ii ciqaabayaaye dhagahiinna u naxa cid iga maqashaa waan waayay. Si kasta oo ay ahaataba waan ku qasbanaaye, aniga oo is kallifay ayaa ku tuuray heestii ahayd:

“Wadnahayga inankii
Kalgacayl ku waabee
I waraabshay caashaqa
Wakhtigaan is barannaa
Na la kala wareejee
Waayuhu dhib badanaa.”

 Ma garanayn sabab dhaafsiisan in aan jecelahay heestaa oo aan ku doortay. Markii aan intaa ku jaray ayay saaxiibbaday oo niyadjabka codxumada ii diidayo ku qayliyeen “wad wad, fadlan wad”. In aan wado daaye anna intaa baan wadno xanuun ku qaaday. Halkii ayuuna cawayskii iyo heesihii ka sii socdeen ilaa aan ku baraarugnay in ay tahay labadii/siddeed saac oo habeennimo. Kadib ayaa innaga oo mid walbaa aad u faraxsan yahay xaafadaheennii kala aadnay. Sidaana waxaan ku helnay habeen ka mid ah habeennadii ugu qiimaha badnaa oo ay Xamar nagu soo dhawaysay nagu na sooryaysay. 

Xamar baan sii dhex tibaaxay oo aan dhan walba u raacay. Xilliyo badan oo kala duwan baan dhex socday. Anoo og in Xamar tahay Xamartaydii aan aqaannay, ayaan gees kasta dheehday oo aan dhugtay. Sidoo kale, yaanan kuu hadal dhaafine, Xamar waa anigii muddo ka maqnaa. Muddo aan badnayn, misna yarayn. Xiiso aad u badan bay igu heysay, dhowr marna waan ku hamiyay in aan imaado, walow aysan dhicin oo qaddari dhinnayd. Isbeddelo aad u badan baa Xamar ka dhacay, sidaan hore u sheegayba. Ma ahayn tii aan dhowr sano ka hor ka tagay. Qofkii sidayda oo kale marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay goobjoog u ahaa, uun baa fahmi kara halka uu xaal marayo. Xamarta aan hadda imi waxay igu salaantay waddooyin wada xiran. Waxaan ogaa Xamar meelo gaar ah uun xiran yihiin, haba u badnaadeen xarumaha dowladda iyo guryaha madaxda waddooyinka gala e. Hadda se, arrintu taa way ka duwanayd. Degmo walba, weliba xaafadaha dhexdooda ayay dhagxo yaallaan! Xaafadaha qaar, iska daa baabuur iyo bajaaj e, gaariga cuuryaanka ma geli karo! Taasi waa xaqiiq aan soo arkay, balse aan garan waayay faa’iidada laga dhaxlay iyo qorshaha amni ee laga leeyahay. Ciidamada lagu amray in ay waddooyinkaasi xiraan iyo dadweynahana dhib aad u weyn bay isku qabaan. Askariga wuu ku qasban yahay in uu jidkaa xiro, welibana ciddii dan ka soo gashaa uu ula hadlo si aan jixinjix lahayn, illeen ma sii deyn karo, waayo waa shaqadiisa oo sidaa baa la faraye. Shacabkuna way ku adag tahay in ay fahmaan duruufaha ku xeeran iyo in amar ka weyni uu hagayo wiilashan. Sidoo kale, mishkilada ugu weyn iyo qaladaadka waddooyinka ka dhaca, waxaa badanaa sababa dhallinyarada bajaajta waddo! Dhego wax maqla, dulqaad wax suga iyo sharci qabta maleh intooda badan. Waana qayb ka mid ah sababaha ay dilka ugu badan yahay.  Iyaga oo lagu amrayo in ay istaagaan, ayay ka dhego adeegaan. Meel aan loo oggolayn in ay maraanna way isku dayaan, askartuna qorigaa ka soo horreeya! Sidaas oo ay tahay, bajaajtu waa horumar ka mid ah horumarrada aan Muqdisho ku soo arkay. Sidoo kale waa gaadiid sahla isu socodka iyo in aad si dhibyar oo fudud ku tagto halkaad rabtay. Waxaadna ku dareemaysaa xorriyad iyo nefisaad badan, haddaad isku hesho waddo furan iyo bajaaj muusig ka siraaddan tahay!

Bajaajtu, malahayga maba joogsato oo afar iyo labaatanka saac way shaqaysaa. Sidaa waxaan u leeyahay, ma kula tahay in Xamar la dhex socon karo ilaa shanta subaxnimo uu waagu baryo? Welibana ay dhex socon karaan gabdho iyo wiilal aan wax hub ah iyo ilaalo wadan? Ku darsoo aan gaari wadane, halka ay joogaan iyo meesha ay u socdaanba ka raaca ee u raaca bajaaj. Bajaajtuna ay xilligaa waddooyinka ka shaqayso! Aniga ayaa kuu xaqiijinayo. Dhowr habeen oo kala duwan, ayaan wakhti ku qaadannay Pizza house iyo Karmel, oo labaduna ah goobo lagu caweeyo oo kuyaal Banaadir, intii Xamar joogta ama tagtay way taqaane. Hase ahaatee, labadaas goobba waxaa ugu danbeyn la xiraa kow iyo tobanka/shan saac oo habeennimo. Marka la xirayo ayaan ka tegi jirnay, innaga oo koox ah. Bajaajtu waa diyaar oo goob walba albaabkeeda ayaa laga helaa. Kadib, waxaan u socdaali jirnay, maqaayad la yiraa ‘Like and share’ oo kutaal waddada Shaqaalaha. Waa mid shaqaysa ilaa waagu baryo. Ujeedka aan halkaa u tagaynana waa in aan halkaa ku qaxweyno sheekadeennuna ku sii wadanno. Si xiiso iyo dhadhan gaar ah leh ayaan halkaa ku dareemi jirnay. Fadhiga waxaan codsan jirnay in uu noo ahaado kuraasta gaagaaban ee dhulka u dhow. Shaaha, kafeega iyo macmacaankuna ay noo soo saaraan miis isna gaaban oo kuraasteenna ku soo baxayo. Si nefis ah, farxad ku dheehan tahay, nabadna aan ku dareemayno ayaan u sheekeysan jirnay. Qaarkeen baa iyaga oo hurdoonayo u sheekeyn jiray si maad iyo macaanba madasha u yeesha. Markay doonaanba ha qarow hadlaane. Dad aad jeceshahay, goob aad xassilooni ku dareemayso, macmacaan iyo shaah mucammir ah isku hel, waa nimco aan nusqaan lahayn. Xilliyada qaar waxaan abuuranaynay mowduuc aan ka doodno oo aan aragtiyo isku weydaaranno. Sidoo kale, sheekadu kuma koobnayn kooxdeennii wada socotay e, dhallinyaradii goobta ka shaqaynayay ayaa na la waday cawayska oo iyaguna noo qurxinayay madasha.

Marka mid walba oo innaga mid ah si awooddiisa ka baxsan uu u fiiriyo saacadda hurdada soo heyso awgeed, ayaan meesha ka soo kici jirnay. In aan weyno bajaaj aan xaafaddeenna ku tagno, iyo cabsi kalaba nagu ma jirin. Dhowr dhugdhugley ayaan isdaba dhigan jirnay. Wiilasha markaa na la socda oo gaar iyo garhayeenkuba noo ahaa, ayaa qorsheyn jiray sida xaafadaheenna u kala sokeeyaan oo ay noo geyn karaan. Midba midda ay ka sokeyso ayayna ku sallimi jirin qofka daggan. Habeen ka mid ah habeennadaas, waxaan xusuustaa innaga oo marayna masaajidka Biyamaalow in salaaddii subax la addimay! Bal sawiro, annaga oo saddex gabdhood ah, wiil na la socda iyo darawalka uun baa bajaaj wadanno! Waddooyinku waa cidlo. Laamiyada qaar uun baa laba iyo hal dukaan ka furan yahay! Markii aan addinka maqalnay, dhammaanteen mar keli ah ayaan wada qosolnay. “Yaa rumaysanayo xilligan baan Xamar nabad ku dhex soconnaa, innaga oo aan ilaalo iyo hub toona wadan?” Ayaan saaxiibbaday weydiiyay. In aanay cidna rumaysanayna waan isla garannay. Waxaan kale oo aan ka sheekeysannay xaqiiqo jirtana ay tahay, in marka Xamar laga maqan yahay iyo marka la yimaado farqi weyn oo aragti iyo baqdin ah u dhexeeyo. 

Runtii, Xamar waa magaalo hiil weyday. Xamar waa magaalo qaali ah. Waana geed har weyn. Sidoo kale Xamar waxay soo saartaa dadka Soomaali ugu qiimaha badan. Xamar dadkeeduna waa gob karti iyo dulqaad badan. Markaa intaa leeyahay macnaheedu ma aha, magaaladaydii oo aan amaan u huwinayo. Balse waa xaqiiqo uu caddayn karo qof walba oo Xamar ku dhashay kuna dhaqday. Si kastaba, Xamar maanta waa nabad! Si awood iyo ku dhiirrasho leh ayaan u leeyahay “Xamar maanta waa nabad”. Qaarkiin badan ayay intaasi la tahay dhalanteed iyo in aan qiiro hadlayo, se waan kuu sababaynayaa. Marka aan iraa “Xamar maanta waa nabad” kuma fiirin indho xanbaarsan isbarbardhig, la ma aan dhererin, Stockholm, Paris, Toronto iyo qaar badan oo waddamada horumaray ah. Sidoo kale, dhulka hooyo kaalaye, ma dhinac dhigin, Hargeysa, Ceerigaabo, iyo Burca. Balse waxaan ku eegay kuna cabbiray indho iyo maskax Xamar ku sugnaa dagaalladii ugu adkaa qayb ka mid ah, la na kulmay kalahaadkii 2009kii. Welibana dagaalladii oo socda la yiri dhar iid baa laguu soo gadayaa, ee la mariyay waddadii loo sameeyay magaca caanka ka dhex noqday Xamar ee “Farjanno”.  Indhaha iyo maanka sidaa ah marka aan ku fiiriyo, ee aan milicsado dhacdooyinka aan hadda kala kulmay iyo qaar kale oo badanba Xamar maanta waa nabad, farqi weyn ayaana u dhexeeya Xamartaa iyo tan! 

Xamar waxaan u rejaynayaa, welibana uma rejaynayo oo keli ah, waayo rejo ma rumowdo ilaa dadaal lagu daro e, nafaheennuna aan farayaa Xamar oo aan ka shaqayno sidii ay nabad waarta iyo dowladnimo sal leh u heli lahayd. Sidoo kale, wuxuu waajib naga saaran yahay sidii aan u horumarin lahayn baahiyaha aasaasiga ah ee bulsheed. Aniga oo og in awood dowladeed ay tahay laga ma maarmaan, ayaan haddana ku kalsoonahay in dedaalkeenna iyo is gacan qabsigeenna aan wax badan ku beddeli karno. Keliya se ay nooga xiran tahay in aan awooddeenna qirno, iskaashi iyo u wada heelannaanna aan wax ku wada qabsanno. Qof walba oo ila mid ah waxaa ku waajib ah in uu ku mahadiyo In Ilaahay Xamar ka beeray. Waa dhul dhaqasho iyo taariikh fog leh. Sidoo kalana waxay caasimadda iyo hooyo u wada tahay Soomaali oo dhan, siday doonaan ha ku kala maqnaadaan oo halkay doonaan ha ku kala dhashaan ama ha u dhashaane, way ku soo hirtaan, gacmo furanna way ku sooryaysaa. Guul iyo gobonnimo ayaan u rejaynayaa soomaali oo dhan gaar ahaan reer Muqdisho. 

Fartuun Sakhaawe
fartuunsakhaawe@gmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here