Nafta iyo Ruuxda – Cabdifataax Barawaani

Ruuxda

Naftu diimo, felsafaddo iyo rumaysad-dhaqameedyo fara badan ayaa ku qeexa waa jiritaanka qaab dhismeed aan la mid ahayn ka jidhka oo ku jira noolayaasha.(1)  Nafta ama magaca loo yaqaan ee afka giriigga iyo ingiriisiba “Soul”oo lamid ah erayga “Pscyhe” ayaa ka timid asal ahaan afka giriiga ah oo macnaheedu yahay neefsasho (to breath). Naftu waa awoodda dhimir ee noole leeyahay, hadday noqon lahayd sababeynta/macquulnimada, dabeecadda, dareenka, xuska , xasuusashada, awoodda aragga, maqalka iyo weliba fikirka.

Nafta iyo Ruuxda

Aragtiyaha Felsafadeed:

Iyadoo kolba ay ku xidhantahay hab dhisyada felsafaddeed naftu way dhiman kartaa mana dhiman karto.(2) Haddaynu eegno bariga kiristaan-yuhuuddu waxa ay dhaheen: “Keliya Aadamaha ayuun baan lahayn naf ma dhimato ah, inkastoo kooxdan uu aad u saameeyey faylasuufkii plato”.(3)

Tusaale ahaan: Ilaah yaqaankii kaatooligga ahaa (Catholic Theologian) ee Thomas Aquinas ayaa loo tiiriyaa inuu yidhi:“Naftu waxay ku wada jirtaa dhammaan xayawaanka oo dhan“(4) Hase yeeshee wuxuu ku dooday in keliya naftu aadamuhu aysan dhimanin. Waxa kale oo jirta aragti la dhaho Animism, weedhani waxa ay ka timid laatiini oo ah(anima), macnaheeduna yahay neefsasho ama nolol ruuxi ah, waana rumeysad diimeed kaas oo tibaaxaya walxaha, goobaha iyo abuurka oo dhamiba in ay leeyihiin dareen ruuxeed oo kala duwan.(5) Aragtidan Animism-ka waxay tibaaxeysaa in dhammaan noolayaasha sida: xayawaanka, dhirta, dhagaxaanta, webiyada, habdhisyada cimilada, gacan sameyska aadamuhu xattaa weedhuhu in ay noolyihiin ama nafi ku jirto. Aragtidan waxaa horumariyey Asal-baadhihii reer ingiriis ee Sir Edward Burnett Tylor (1832-1917).(6)

Waxa sidoo kale jirta aragtida Plato ee nafta (Platonic Soul), oo uu u qeybiyey saddex qeybood oo kala ah: (Logos/Logistikon) oo uu hoos keenay fikirka iyo sababeynta/macquulnimada, (Thymos/Thometikon) oo uu hoos keenay dareenka caadifaddeed, ruuxinimada ama ninimada “Masculine”, ta saddexaad oo ah (Eros/Epithometikon) oo uu hoos keenay abateetka, damaca iyo naagnimada “feminine”.(7) Haddaba Plato wuxuu sheegay in saddexda qeybood ee uu nafta u qeybiyey ay ku kala jiraan meelo kala duwan oo jidhka ah kuwaas oo kala ah: Logos, waxa ay ku jirtaa madaxa, maadaama lala xidhiidhiyo sababeynta/macquulnimada aynna maamusho qeybaha kale ee jidhka, Thymos, waxa ay iyaduna ku jirtaa meelo u dhow laabta maadaama lala xidhiidhiyo cadhada iyo dareemada, Eros, iyaduna waxa ay ku jirtaa caloosha maadaama lala xidhiidhiyo damaca jinsi ee qofku uu leeyahay. Waxa iyaduna jirta Aragtida Nafta ee Aristotle oo iyaduna tibaaxeysa sida uu u kala qeybiyey oo kala ah: nafta dhirta, nafta xayawaanka, nafta aadamaha. Waxa uuna u kala  sharraxey, in nafta dhirta ku jirtaa tahay naf dhireed oo tarmidda iyo korriinka keliya ka shaqeysa, xayawaankana ay ku jirto naf dareenley ah oo dareenka ka shaqeysa uun iyo nafta aadamaha oo ah naf sababeyn ah ama fikir iyo wax isweyddiin ka shaqeysa.(8)

Haddaba ilaah yaqaankii kaatooligga ahaa ee Thomas Aquinas ayaa wuxuu yidhi: “Naftu waxa ay leedahay qorshe ku saleysan in aannay xubin jidhka ka mida ku tiirsanayn, sidaa darteed naftu keli ahaanshaheeda way istaagi kartaa jidh la’aan, sidoo kale illaa iyo nafta sababeynta/macquulka ah ee adamaha(Rational Soul) waa walax degan oo aan ahayn wax ka sameysan matter(adke) lamana burburin karo  xattaa haddii la adeegsado habdhisyo dabeecad ah(natural process)”.(9)

Aragtida Fiisikiska:

Haddaba bal aynnu markanna isla eegno waxa uu fiisikisku ka dhahay nafta. Fiisikisyahanka/falagyahanka mareykanka ah ee Sean Michael Corroll ayaa wuxuu qorey in fikradda naftu ay ka hor imanayso aragtida Quantum Field (Quantum Field thoery – QFT), wuxuuna qorey in naftu ku jiri karto oo keliya “Keliya looma baahna fiisikis cusub, laakiin riwaayad ahaan fiisikis cusub oo QTF ah ma jiri karo in lasoo uruurriyo qurubyo ruuxi ah iyo xoogag/awoodo ruuxi ah kuwaas oo dhexgali kara qurubyada joogtada ah laakiin waynnu ogaan lahayn iyaga tijaabooyinka jiritaaneed darteed ee la sameeyey“(10)

Haddaba laanta QFT ee Quantum indeterminism, ayaa soo jeediyey dhawr aragtiyood oo xal u noqon kara dhibaatada ah sida naftu dhexgalka ula sameyso maskaxda, laakiin neurscience-yahankii Peter Clarke ayaa helay qaladaad ku dhex jira aragtidan. Sidaa darteed ma jiraan wax xujooyin ah taas oo uu doorkani ka ciyaari karo shaqada maskaxda. Waxaana lagu soo gebagabeeyey in (Cartesian Soul) aysan sal iyo raad toona ku laheyn Quantum physics-ka.(11) Cartesian soul haddaad maqasho waa aadamuhu wuxuu ka koobayahay laba qeybood oo kala ah: naf iyo jidh waxaana aragtidan iska leh faylasuufkiii Faransiiska ahaa ee Rene Descartes.

Aragtida Baayoolajiga

Haddaynu u soo gudubno laanta Baayoolajiga iyo nafta. Baayoolaji-yahankii reer Kanada Cyrille Barette(1975-2007) wuxuu qorey in: “ Naftu waa kelmad lagu qeexo fikrad aynnu innagu u ikhtiraacney si aynnu ugu soo bandhigno dareenka ahaansho ee waafaqsan jiritaanka xuska ” (12) (13)  Isaga oo sharraxaya adeegsanaya tusaalayaal fud-fudud oo uu maqaal ku sheegay in naftu ay tahay hanti kasoo maaxeysa/ifbaxeysa habdhiska ballaadhan ee adkaha ah ee maskaxda, se laakiin weli illaa hadda laanta baayoolajigu arrimahaas nafta ma faro gashan, oo waa laan khuseysa nolol iyo noolayaasha oo walxaha nool oo keliya xoogga saarta, xataa ku dawakhdey ilma aragtida gaar ahaan virus-ka oo markuu noole kale galo noolaada, markuu dibadda usoo baxana dhinta, fasiraadna ay u waayeen hab shaqeedka noocan ah. 

Aragtida Parapsychology-ga

Qaar kamid ah parasychologist-ga ayaa isku dayey inay sameeyaan tijaabo saynis ah oo ku sahabsan bal in ay jirto naf ka soocan maskaxda aynnu naqaan, iyadoo sida badanka ah lagu qeexo daahiro diimeed intii lagu qeexi laaha arrimo nafeed(psyche) ama fikireed(mind). Sixiroolihii/Indhosarcaadlihii iyo qoraagii reer Mareykan ee Milbourne Christopher(1978-1984) iyo qoraayaddii/saynisyahanaddii reer Mareykan ee Mary Roach ayaa tilmaamay in midnaba uusan ka hirgelin isku dayadii parapscyhologist-yada 14) (15)

Culeyska Nafta iyo Tijaabadii 21-ka Graam

Waxa sidoo kale jirta in la isweyddiiyo culeyska nafta. Haddaba dabshidkii 1907-dii ayaa dhakhtarkii reer Mareykan ee Duncan MacDougall(1866-1920) wuxuu sameeyey tijaabadii la magac baxdey “The 21 grams Experiment” taas oo uu cabbirey culeysyada bukaanno dhawr ah, kaddib dhimashadoodii ayuu haddana dib u cabbirey culeyskooda, ayaa waxa uu sheegay in culeyskii hore ee uu cabbirey wax ka go’een wuxuuna yidhi: “Markaan xisaabiyey culeyska hore iyo kan hadda dhimashada kaddib, waxa uu noqdey “21 grams”, sidaa darteed culeysku naftu waa 21 grams. (16) (17) Fiisikisyahankii reer Mareykan ee Robert Lee Park ayaa wuxuu qorey in tijaabada Duncan MacDougall loo tixgelineyn maanta iyadoon wax xujooyin saynis ah heysan”(18), sidoo kale aqoon-nafeedyahankii reer Kanada ee Bruce Macfariance Hood ayaa isna qorey in “ Laakiin culeyskaa lumey, ma aha mid lagu kalsoonaan karo ama la tuuri karo, natiijaduu helayna wax saynis ku dhisan ma aha’. (19)

Aragtida Diimaha

Diinta Budhiisamka iyo Nafta

Diinta Budhiisamka ayaa iyadu waxa ay qabtaa in shey kasta uu is beddel ku jiro sidaa darteed wax meel taagan in uusanba jirin (20) (21), sidaa darteed aadamuhu ma aha wax joogto ah oo cayiman(22), marka loo eego doctrine-ka (Anatta) ayaa qaba in nafna jirin qofna jirin, kelmadaha (aniga) iwm, aan loo tixgelin karin qof cayiman.(23) Haddaba doctrin-ka anatta isagu ma aha mid Meterialism(walxood) ah. Balse Budhiisamku ma diidana waxyaabo aan walax ahayn in ay jiraan, keliya waxa ay diidanyihiin waa wax cayiman oo meel taagan, haddey tahay naf dhimaneysa oo is beddel joogto ah ku jirta ma diiddana budhiisamku khaasatan doctrine-ka anatta. Maadaama Budhiisamku aaminsanyihiin felsafad ah naftu inay marka ay qofka ka baxdo ay qof kale ku wareegto oo gasho loona yaqaan “Reincarnation”.

Sidaa darteed dugsiyada/madarasadaha fikriga ah ee diinta Budhiisamka ayaa isku khilaafsan middan ah noloshu dhimashada dabaddeed ma sii soconeysa? (24) Tusaale ahaan dugsiga (Yogacara) ee ka tirsan laaanta (Mahayana) ee diinta Budhiisamka ayaa qaba in ay jiraan kayd xuseed/ruuxi ah, oo dhimashada dabaddeed sii socon doona(25). Halka dugsiyo kale sida (Tibetan) Budhiisam ay qabaan in ay jiraan saddex maan/garaad oo kala ah: maanka aadka u xooggan, kaas oo aan xoogga saarin (dhimashada) iyo wixii la halmaala, maanka xooggan oo xoogga saara (arrimaha dhimashada) ama riyooyinka ama xuskaba iyo maanka (gross-ka) ah oo aan jirinba marka uu qofku hurdo ku jiro. 

Diinta Kiristaanka iyo Nafta

Badanka Kiristaanku waxa ay rumaysanyihiin in ay tahay wax xaqiiqa ah, taas oo jidhka dhexgasha kuna jirta lana xidhiidhsan. Waxaana ay ku qeexaan wax mooraal ahaan, ruux ahaan iyo daahirooyin felsafaddeed ah. Faylasuuf diimeedkii Kiristanka ahaa ee reer ingiriis Richard Winburne ayaa wuxuu dhahay: “ Waa raddin iyo dhalleecayn soo noq-noqota oo dadka rumaysan dualism-ku inaysan odhan karin waa maxay naftu?, naftu waa walxo aan la taaban karin oo ku la xidhiidha dhimirka/xuska waxaynna leeyihiin dareen iyo fikir, damacyo iyo rumaysad, nafuhuna waa qeyb muhiim ka ah aadamaha”. Haddaba laanta ugu ballaadhan ee rumaysadka Kiristaanka ee ugu dambeysey (Christian Escathology) ayaa qabta in dadku marka ay dhintaan naftooda waxa xisaabinaya Alle, go’aamin doonana midda janno tageysa iyo mida naar tageysa, se si guud dhammaan mad-habyada/kooxaha Kiristaanka sida: Evengelical-ka, Orthodox-ka bari, Oriental-ka Orthodox-ka ah, Kiniisadaha bariga iyo mainline protestan-ka ayaa dhammaan wada dhiga/aaminsan in Nebi Ciise N.N.K.H uu door muhiima ka ciyaarayo badbaadinta dadka Kiristaanka ah.(26)  

Waxa sidoo kale jira fahamyo ku abtirsada diinta Kiristaan ah, oo ay kamid yihiin in naftu ay tahay nolosha, sidaas darteed dhimashadu ay tahay hurdo, qolyahaas waxa kamid ah (Christian Conditionalism), waxaana rumaysadkani ku dhisanyahay dhaxal dhaqameed sheegaya in nafaha aan wanaagsaneyni sii jiri doonaan intii ay ku silci lahaayeen ciqaabta/naarta “Annihilationism”, oo ama aad janno tageysid ama aad dhulka ku raaxaysaneysid. Sidoo kale waxa jira faham kale oo loogu yeedho “Universal Salvation” ama badbaaddada caalamiga ah, oo ah in aan cidna ka hadheyn iyagoo aaminsan in nafaha xumi ay Alle hortii loogu dembi dhaafi doono sababa la xidhiidha jaceyl iyo keliyeyn, se laakiin doctrine-ka ay diinta kiristaanku ku dhisantahay ayaa middaas kasoo horjeeda oo qaba wax loogu yeedho “Special Salvation” ama badbaaddada shakhsiga ah oo dad gaar ahi ay muteen, inta kale-na ciqaab ay muteen, waaba badiba sida ay diimuhu tibaaxaane.

Mufakiriintii Kiristaanka reer galbeedka ah mid kamida kuwii ugu saameynta badnaa waa Augustine e, ayaa wuxuu yidhi: “Naftu waa walax gaar ah taas oo xukunta jidhka aadamaha”. Halka Kiristaanka qaarkii rumaysanyihiin wax loogu yeedho “Trichotomic” taas oo ka hadleysa in aadamuhu ay ka koobanyihiin saddex qaab dhismeed oo kala ah: jidhka(soma), soul(pscyhe) iyo ruuxda(pneuma).(27) Balse, diinta Kiristaanka ayaa dood adag ka dhex taagantahay marka laga hadlayo asalka nafta, labada aragtiyood ee ugu waaweyn ee kala ah: (Creationism) ayaa qabta in naf kasta Alle si madaxbannaan u abuurey, ha ahaato marka labada biyood ay kulmaan ama kaddiba. Halka (Traducianism) qabto in naftu ay ka timaaddo waalidka si dabiiciyan ah. Sidoo kale aragtida pre-existance-ga ayaa aaminsan in nafuhu ay jiraan isku darsanka biyaha aadamaha hortii. (27) (28) (29(

Diinta Islaamka iyo Nafta

Si guud Islaamku waxa uu aaminsanyahay waxa la dhaho ruux iyo naf, Alle-na meelo qur’aanka kamida wuxuu ku sheegay, in arrimaha ruuxda aqoon yar uun laga siiyey aadamaha, laakiin aqoontaas la sheegayaa Alle agtiisa ayay ka yartahee, se haddii aadamaha loo eego waxaaba maan gal ah in ay meel ay kala dhigaan waayi lahaayeen. Haddaba daahirada fasiraadda labada qeybood, ayaa dadka sida ugu macquulsan u sharraxay waxaa kamid ah mufakirka Islaamiga ah ee reer falastiin Dr. Cadnaan Ibraahiim, oo xalqadihiisa aragtida isbedelka(Theory of Evolution) kaga hadlayey marka uu marayey qeybta “Nebi Aadam: siduu isu soo beddelay ayaa wuxuu dhahay: “ Meesha aynnu ku kala baydhney innaga iyo Homonites-ku waa ruuxda, oo iyaga waxa aynnu ka sinnayn awalkii hore nafta, oo ah wax noole kasta ku jira, laakiin innaga waxa keliya ee macnaha innoo yeelay xayawaankana innaga duwey waa ruuxda, alle-na wuxuu yidhi: “ Markii aan sawiro(Aadam) ruuxdeydana aan ku afuufo u sujuuda… 

Sidaa darteed ruuxdu waa ta innaga dhigeysa innaynu ka fikirno qiyaame, Alle, waxyi, rumaysad iwm. Halka xayawaanku aannay arrimahaas kaba fikirin sababtuna, waa naf oo keli ah ayaa ku jirta ee ruux kuma jirto. Sidoo kale ruuxdu ma dhimato ee nafta ayaa dhimata sida alle sheegay: “ Naf kasta geerida ayey dhadhamineysaa” oo ma odhan ruuxdu geerida ayay dhadhamineysaa.(30) Fahmkan ayaa u muuqda mid maangal ah si wacanna u kala sharraxaya farqiga u dhexeeya nafta iyo ruuxda aynnu badanaa maqalno.

Diinta Hinduusamka iyo Nafta

Hinduusku waxa ay nafta u yaqaannaan weedh afka sanskrit ah “Atman” (31)(32)(33) Haddaba felsafadda hinduusamka gaar ahaan dugsiga fikirka (Vidan-ta) ee dinta hinduusamka, atman waa xeerka ugu horreeya ama aasaaska diinta hinduusamka.(34) Halka lixda dugsi ee ortodhokos-ka diinta hinduusamka ay aaminsanyihiin in ay jirto Atma, aynna ku jirto shey kasta. Balse qodobka ugu weyn ee ay budhiisamku ku kala duwanyihiin ayaa ah in aysan budhiisamku aaminsaneyn naf iyo shakhsiyad labadaba.(35) Walow ay diinta hinduusamka bah-waddaag fikri ah la yihiin meelaha qaar oo naftu ka mid tahay, se diinta jayniisamka oo ah budhiisam iyo hinduusam isku dar ah, ayaa iyadu aan ahayn diin keligeed meel u taagan.

Diinta Yuhuudda iyo Nafta

Diinta Yuhuudda, waxa ay leeyihiin erayo badan oo ay ku qeexaan nafta ama ruuxda, kuwaas oo ay kamid yihiin nafesh(wax nool), ruach(dabeyl), neshamah(neefsasho), chayah(nolol).((36) Haddaba, si guud Yuhuuddu maleh afkaaro badan oo la kala taxo, oo waa wax xidh-xidhan diintaasi, sidaa darteed waxa ay aaminsanyihiin in ay nafi jirto ahna tii Aadam lagu afuufey sida kitaabka koowaad ee towraadda Yuhuudda ku xusan.(37) Balse waxa intaas soo raaca sixirka Yuhuuddu ay caanka ku tahay ee loo yaqaan “Kabala”, oo isagu nafta u qeybiya shan qeybood oo kala ah: Nafesh oo lala xidhiidhiyo dabeecadda, Ruach oo lala xidhiidhiyo dareenka iyo mooraalka, Neshamah oo lala xidhiidhiyo indheergaradnimada iyo wacyiga illaahey, Chayah oo loo tixgeliyo qeyb illaahey kamid ah, Yechidah qeybtan oo iyadu ah mid alle la jirta oo muhiimn-na ah.  Sidoo kale sixirka kabala wuxuu leeyahay faham kale oo diimaha Budhiisamka, Hinduusamka iyo xataa Kiristaanka qaarkii ku jira oo aynnu hore usoo sheegany loona yaqaan “Reincarnation” .

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here