Gogol Qaran (Maanso) – Cali Ileeye

Cali Ileeye

Magaca :  Gogol Qaran.
Dulucda:  Waddani.
Godka: Saar.
Xarafraaca : G.
Dhererka: 158 Meeris.
Goorta: 01/10/2018.
 

Galbeed waa bari guntii
Galool[1] waa caws qodxo le
Gal weeye badweyn macaan,
Dhulkuna guudkuu jiraa
Cirkuna wuu gaaban yahay,
Ninkani waa gaal muslina,
Gob waa tafaraarruqoo
Midnimo waa talo gunnimo,
Xuduud gobol waa mid qaran,
Axmaar gacal baanu nahay
Soomaalina dab iyo gaas,
Garaadka waxaa dhuroow
Itaal waa garashadee
Miyaad kasmo gaaban tahay
Gargaar ha laguu fidshee?

Dad baa gacan hoo la yidhi
Xiskooda u sii gadee
Ujeeddadu gini miyaa?

Ma maankaagaan gudnayn?

Ma maantuun baa geyigu
Miyaan hore loogu go’in
Wixii taariikh galiyo
Dhacdooyin ma gaaggax[2] baa?

Berriyi waa galab kalee
Dhulkaa gogosheennu taal
Miyaa laga guurayaa?

Dhowaan ninka guursadee
U heesayay gaaridee
Markay gabanno u dhasheen
Walaalkii gawracoow
Haddii guluf cadow ku miro
Gurbood[3] kuma daafacee
Ayaa garabkaaga noqon?

Haddii gabadh qalad ka dhaco
Intaan garacyaley la odhan
Gar baa lagu toosiyee,
Kuwii garashada kufsaday
Wixii gurrac ay dhaleen
Garsoorkee baa jidbixin?

Hayaanku gadaal miyaa
Horseedku gumee miyaa
Hillaacu ma geeri baa
Riyooy kugu soo lug go’ay.

Haddaad tahay geed mudhbaxay
Salkaaga ma gooyabaa
Haddaan xididkaaga guray
Halyeeyo maxaan u galay
Xabaasha dartaa u galay.

Miyaan Axmed-gurey dharaar
Galbeed iyo Adal[4] ka iman
Ninkii gobonimada bilay?

Miyaan Sayid Maxamed galab
Dartaa seefaha u guran
Si uu gaal kaaga raro,
Dhammaan guutada Darwiish
Taleex[5] gobol kale miyaa?

Dhulkaaga hadday gateen
Gumaysiga duul la yidhi
Miyaan gabay Faarax Nuur
Intaa guubaabo wedin
Ma Hawd baa talaw goblomay?

Markuu guluf Sheekh Bashiir
Burcooy gala uu lahaa
Miyaad geesiga aqoon
Wixii loo dilay bal goob?

Muxuu sida aar gurxamay
Muxuu goor daran hanqadhay
Muxuu geeraaray luuq
Hadday gobonimo qof tahay
Garaaddo[6] ninkii hantiyay
Abaalgale Ina Suldaan
Maxaa talow loogu guday
Gashiga Soomaalinimo
Wixii gubayoow ku mee?

Kashiisu ninkay gudnayd
Waddanigii kaalin galay
Ma eexdaha godobta neceb
Wuxuu talo ii guntiyo
Ka guur Afqallooc miyaa?

Guhaadoow been miyaa
Libtaad ila goobayseen,
Ma Iidaan baan gef qoray
Markaan calankiisa gubay,
Ma Gaasiray Aadan Carab[7]?

Gobdeeqa Hadraawiyoow
Tixdaadii Galangaliyo[8]
Gudgude[9] midhahay sideen
Hoobaanta qofkii gurtaa
Miyuu gobol deeqayaa?

Raggii go’ay wuxu u go’ay
Haddaan qiro Gaarriyoow
Wanaag bay goobayeen
Cid gaari dal aanay xidhan
Garsoor qaran lagu hadhsado.

Gobaysane[10] yool la baxay
Gu’yaalka hankaa taxnaa
God hoose intaan ku rido
Miyaan guud saarayaa
Rayiga gacan-fooladkaa[11]?

Haddaan sooyaalka gubo
Mirqaanku halkuu I geyn?

Ma Giriyaad[12] baa dalkani
Gadaal dhalad mii dadkani
Waqooyi  ma geerash[13] baa?
Dhowaan garanwaaga[14] baxay
Galool malla dherersadaa?

 

Wax badan baan gaabsadoon
Afkayga garoocayoon
Abbaartana gees maree
Haddaan go’o Haykaloow
Waxaad gallad ii qortaa
Inaan garabsaday midnimo
Gankii Soomaali weyn.

Dalkani waa gobol qudhee
Wixii kala geynayoow
Ka guura dhulkaanu nidhi.

Wax badan buu gooddiyee[15]
Kas gudhan maya baanu nidhi.

Danaha ii gaara iyo
Haddaan qofnimada gurguray
Wax aan wadarnimadu goyn
Miyaan keli gaadhayaa?

Haddaan qarannimo u galo
Soomaali is-garabsataa
Lib iyo guul dhalin karee
Dan gobol iyo qoysba gaar
Geyiga cadaw baa jiree
Miyuu himilada gobayn?

Wuxuu Guulluhu[16] na faray
Islaamkii gacan qabsoo
Hal mida giddigiin noqdee
Ma Eebbaan gaasiraa?

Hadday Carab geeso tahay
Gumaystuhu kala qoqobay
Israa’iil guuxday bay
Dhammaan uga goojiyaan[17]
Sidii geel awr arkee
Geddooda[18] ahow miyaa?

Shalay gacaltooyadii
Israacu gef muu ahayn
Hargeysi wax may gorfayn
Banaadirna soor ma garan
Xamaasaddu way gudhaa
Xigaalkuna jaris ma gayo.

Galoolku intuu jiriyo
Intii geeraar la curin
Waxaan goblamayn midnimo.

Haddii gabbal baasi dumay
Amaba gudcur dhereran yahay
Rejadu haba gaabisee
Qof waa’ga guduutay iyo
Dharaaro cad goobayaa
Habeenka madow genbiya[19].

Garsoor calankaygiyoow
Cireedoow[20] guudka noqo
Wixii calaloow[21] ku gubay
Gargaar cududeey I sii
Tashiga curadoow mar gunud.

Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Tifaftiraha Faca Cusub.

Erayo Fur.

[1] Galool: Geed qodxo leh oo sarmaanta u eeg; laamihiisa waxa laga sameeyaa: hangoollo, dhigo, udbo, ulo iwm. Maydhaxdiisa waxa laga sameeyaa xadhko iyo kebdo, asal fiicanna wuu leeyahay.
[2] Gaaggax: Neef isaga oo la lisayo oo godladay, inta uu wax qoonsado godolkii ka baaba’o oo caanihii ka iman waayaan.
[3] Gurbood: Carruur; dhallaan; gorbi.
[4] Adal: Boqortooyo ka jiri jirtey Geeska Afrika (1415 – 1577)
[5] Taleex: Magaallo taariikhi ah oo ku taalla gobolka Sool.
[6] Garaaddo: Derejooyin.
[7] Aadan Carab:Abwaan Aadan-Carab  Yuusuf Axmed.
[8] Galangal: Gabay uu Hadraawi curiyay.
[9] Gudgude: Gabay uu Hadraawi curiyay.
[10] Gobaysane: yoolka mideynta shanta Soomaaliyeed.
[11] Gacan-foolad: gacan-ku-rimis; gacan-ku-samays.
[12] Giriyaad: Ban oommane ah oo ku yaalla waqooyiga  gobolka Awdal.
[13] Geerash: Goob la dhigo baabuurta kharaabtay.
[14] Garanwaa: Geed abaareed cagaaran oo aad u bixi og.
[15] Gooddiye: Gooddi; hanjebaad.
[16] Guulluhu: Guulle; Eebbe.
[17] Goojiyaan: Goojin; hasha marka ay awr aragto dabada taagta; baqasho.
[18] Geddooda: Sidooda.
[19] Genbiya: Genbin; Rogis.
[20] Cireed: Calanka bulugga ah ee cirka u eeg ee Soomaaliya.
[21] Calal: Marooyin.

1 COMMENT

  1. Runtii maansadan waxa aan akhrinteeda ku cel celiyay illaa iyo Afar goor si aan u dhuuxo micnaha iyo fariinta ay gudbinayso, waxaana qirayaa inay tahay maanso ay ku idishahay taariikh, ereyo miisaan culus, wax sheeg iyo intaa kasii badan, waxa aan rajaynayaa inay anfacday faca cusub si ay uga dheegtaan sooyaalka.

    Mahadsanid Ustaad Cali Ileeye.

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here