Nagu Saabsan.

cropped-13700209_1280756778624536_277409744397808_n.jpgFaca Cusub

Facacusub waa hoyga maskaxmaalka iyo dhallinyarada maanka furan ee Soomaaliyeed. Waxa aanu u taagan yahay: daahfurka, kobcinta iyo kaalingelinta da’yarta leh hibooyinka waaweyn ee curineed.
Ururinta fikradaha iyo farsamooyinka cusub, ee maanka Soomaalida ka soo maaxdaa; waa yoolkagaya ugu mudan. Si loo helo bulsho hodan ah oo isku filan, waxa aanu rumaysannahay falsafadda ah: ‘biyo sacabkaaga ayaa lagaga dhergaa,’ iyo hawraarta Timacadde ee ah: “Macaluul wax kaagama taraan maal laguu guray”.

Hiraal (Fiiro)
Inkasta oo Sebenxumaadka iyo dharaaraha qaayabeelku ay qariyeen quruxda iyo qaayaha Soomaalida iyo Soomaalinnimada, haddana waxa si aan madmadow lahayn ugu muuqata bahda Faca Cusub:
Bidhaanta dhulkii “Udugga iyo Ayaanka”
Dhawaaqa “Quruuntii Gabayga iyo Geeraarka”
Iyo ilbaxnimada “Dirkii Gobta iyo Geesiyaasha”

Hiraalkayagu waa ka midhadhalinta iyo abuuritaanka berisamaad cusub, annaga oo maanka ku haynna halhayska ah: “qarfo waxa ku xiga aayatiin lagu qaboobaa,” Cabdi Iidaan.

Himilo (Farriin)
Faca Cusub waxa uu u taagan yahay: abuuritaanka bulsho Soomaaliyeed oo leh sawrac iyo baadisooc sugan, oo ku aslan aroorka isirkeenna, suugaanta afkeenna iyo sooyaalka arligeenna, iyo dal Soomaaliyeed oo xor ah, oo ay ku nool yihiin bulsho Soomaali ah; oo raynrayn iyo riyaaq ku naalloota.

Hayaan.
Xilliga tolnimada amma sebenxumaadka ka hor, Soomaalidu waxa ay ku noolayd carradan boqran ee Geeska Afrika, iyada oo ku dhaqnaan jirtay hannaanka “Xeerka Samaale”, wax aanay dhidbeen ilbaxnimooyin guun ah.
Haddaba, si loo soo celiyo berisamaadkaas waxa la gudboon Faca Cusub, in ay la yimaaddaan dedaal weyn oo nafhur leh, si loo gaadho hayaan badhaadhe iyo guulaha Barwaaq. Waajibkeenna bulsho iyo hilinmarka Bahda Faca Cusub waxa ka mid ah: in lagu dhaqaaqo dhalanrogad dhankasta ah, sida:
Dib-u-akhrinta fahanka diinta Islaamka.
Dib-u-shaandhaynta dhaqanka Soomaalida.
Cusboonaysiinta suugaanta iyo eraybixinta afka.
Qaabaynta iyo nashqadaynta fikirka iyo falsafadda faca dambe.

Halgan
Dharaaraha qaayabeelka waxa dhisay oo ay ku taagan yihiin saddex dhardhaar, oo lagu tilmaami karo dhardhaarrada sebenxumaadka, kuwaas oo Faca Cusub halgankoodu ku wajahan yahay. Dhardhaarradaasi, waa dhaabado ku dhidban dhabbaha loo mari karo libin nololeed; diiradda Faca Cusbina wax ay ishaaraysaa sidii dhan la isa ga leexin lahaa.
Saddexda dhardhaar wax ay yihiin:
Kas-caddaale (siyaasi)
Kur-wadaad
Koofiyad-bacle (Suldaan)

Halkudheg
Fac Cusub … Soomaali Cusub … Nolol Cusub.

Hawraar
“Gudcur laga tallaabsaday ilays baadi lagu goobtay,
Gamas iishay, gaashaan burburay gawrac laga maarmay,
Dunidoo giblada iidsanoo gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo garasho nuurkeed dheh.”
Gudgude, Hadraawi.

Tifaftiraha Faca Cusub
Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
caliileeye@gmail.com

contact@facacusub.com