Fanka Boqran iyo Fanka Bahdilan! – Cali Ileeye

Cuud

”Fanku waa fasirka ay dadku ka bixiyaan nolosha, iyaga oo ku muujinaya qaab curin leh oo loo sii marayo: muusig, shaxan, aslid, dhisme, masrax, filin ama suugaan; taas oo ay dadka dunida oo dhammi garan karaan.” *

”Xilligii Baraarugga waxa soo baxay fikir fanka kula dagaallamaya magaca diinta, oo raba in uu abuuro jewi ka madhan fanka iyo quruxda. Waa fikir dunida ka dhigaya meel halgan mooyee aan debecsanaaniba ka jirin. Sidoo kale waxa ka soo dhex baxay xertii fanka kuwo diinta ka cabsi qaba, oo u arka caqabad iyo dabar xakamaynaya. Waxa saaxadda ka maqan helitaanka Isfahan dhex mara fanka iyo diinta, waayo waa labo mataano ah, oo aanu midna ka kale ka maarmin.” *

Sidaas ayaa aan aniguna -Cali ahaan, dhibbane ugu noqday labada aragtiyood ee sare, laba xilli oo kala duwan: mar aan fanka u arkay waxa keliya ee dadka midayn kara ee dhaqankooda ilaalin kara –aniga oo ka indho qarsaday kaalinta diinta –iyo mar aan fanka u arkay qalab shaydaan oo dadka ka jeedinaya yoolkii loo abuuray. Sidaas ayaa ay ku soo baxeen laba maanso oo sannado kala danbeeyay: Heestaydaay Dhegaha ii Cul iyo Qalbiga Heesaha ka Maydh!

Carruurta markaan tusaayo
Afkeenna cabboonidiisa
Maroodi cadhoole sheeko
Tix aan curiyaan baraaye
Markaan ku canqariyo luuqda
Heestaydaay dhegaha ii cul!

Waxa uu xilli hore ku qoray Dr. Turaabi buuggiisa ‘Diinta iyo Fanka’ oo uu ku xardhay in fanku uu baadigoob ugu jiro bandhigga quruxda koonka, deegaanka, dadka iyo nolosha. Ma aha fanku –sida uu sheegay al-callaama Qardaawi-gebigiisuba hees uun, mana aha heestuna jacayl uun; maangalna ma aha in jacaylka gebigiisuba uu ku soo ururo gabadh uun. Iyada oo gabadhu ay noqotay fanka bahdilan dhexdiisa jidh keliya; taas darteed ayuu u holcay dagaalka ka dhexeeya fanka iyo diintu, xilligan dibusocodka ah.*

Fanku wuu laamo badan yahay ee waxa aan qalinka u qaatay heesaha, oo aan u qaybinayo heeso boqran iyo kuwo bahdilan.

Heesaha Bahdilan

Fan aan qurux lagu binayn
Qasdiga dadnimada ku haga
Ayaa qabyo laga dhaxlaa.

Fan aan qodob lagu hagayn
Hannaan qaran iyo midnimo
Ayaa qolo laga dhaxlaa.

Fan aan qiyam lagu hagayn
Wixii qasan laga tirtirin
Ayaa qudhun laga dhaxlaa;
Xumaan iyo qaawanaan!

Heerarkii ugu hooseeyay ee hoobadka iyo dibudhaca, oo dhan kasta ah ayay Soomaalidu ku jirtaa. Waa dal xooggii dhaqaajin lahaa ee dhallinyarada badhna tahriibeen, badhna u hanqaltaagayaan in ay u dhuyaalaan dhulal shisheeye, waana wax la garan karo in uu fankuna burburkaas raaco. Ha se ahaatee innaga uun dhibtu innaguma koobna, oo waxa jirara dalal badan oo aynu fan-wadaag ahayn oo iyaguna ka cabanaya hirarkan waaweyn ee fan-xumada ah.

Waxa uu yidhi hoobal Majduub Ownasa, oo Soodaani ahi: ”Saaxaddii fanku waxa ay noqotay mid is doorisay, oo aan wanaag badan laga filayn, hoosudhac weyn ayaana ku yimi heesihii. Dadkii fanka dhegaysanayay waxa ka lumay dareenkii dhadhansiga, mana kala garanayaan heesta wanaagsan iyo ta hoobadka ah. Heesaha hoobadka ah ayaa ay dhallinyaradu jecel yihiin, heesaha nafta leh ee wacanna cid danaynaysaa ma jirto, suuqna ma laha. Taas ayaa keentay in fannaaniintii da’da yaraa ay u leexdaan dhanka heesaha liita, iyaga oo lacag u galaya; oo aan dan ka lahayn masuuliyadda faneed iyo ta suugaaneed ee saaran, iskana indho tiraya raadka ay heesaha xumi saaxadda kaga tegayaan.” *

Fankayaga waxaa dilay
Midho dalable oo jaban
Laxan aan dareen wadan
Muusig daasad loo tumay
Codka oo dinaahiya!

Waxa lagu qeexi karaa fanka bahdilan (hoobad): ”waxqabad faneed oo nuxur ahaan ka soo hor jeeda halbeegyada anshax ee bulshada, nashqad ahaanna ka hooseeya halbeegyadii quruxda.” *

Fanka bahdilani waa fan ku-dayasho ah, oo curintu ku yar tahay. Kaas oo markasta isku daya in uu budulraaco fankii hore ee qiimaha lahaa, balse aan gaadhi karin. Waa fan mar-adeegsi loo sameeyay, oo aan suuqa fanka ku waari karin, ee markaba suuqa ka baxa. Waa fan aan farriin sidin ee keliya loo sameeyo maaweelo iyo mirqaan. Waa fan anshax ahaan qaldan oo qaawani, qoob-ka-ciyaar iyo qolal madow ka yimaadda, laguna dhagaysto. Amaba waan fan aan dhegaysiba ku habboonayn. Waa fan marar badan awoodi waayey in uu hanto maqalka dhegaysteyaasha, taa lidkeedana miciin biday bandhigga xubnaha jidhka, si indhuhu ugu yaraan u daawadaan!

Heesaha Boqran

Tixdiyo heestu waaba tiir culusoo,
Bulshada tabantaabo teed u ahee,
Ha tirin eraygii turxaan badan

Dadka ku xeeldheer abla-ablaynta fanku waxa ay heesaha ku sheegaan inay yihiin: fanka isku lammaaneeya midho dux leh, cod debecsan iyo muusig dananaya, oo helay dheg la jaanqaadda quruxda habdhacooda. Fanka tilmaantaas lehi waa mid ka siman yihiin dhammaan ilbaxnimooyinka dunidu.

“Muqdishiyo Hargeysaba
Heellaa xoreysee
Wallee hoobalkoon jirin
Libi soo ma hoyateen…” *

Heesaha boqrani waa caroog baraarug oo bulshada hurdada ka toosiya. Waa dhawaaq midnimo oo dadka u ururiya dhismaha, difaaca iyo dhawrista dhulkooda. Waa agab ay dadku ku soo bandhigaan dareenka uurkooda ka hugmaya ee waddaninnimo, kooda waalidnimo, kooda boholyaw, kooda jacayl, kooda guubaabo iyo kooda samofariseed. Waa askari ay bulshadu ku dhawrto diintooda, ku ilaaliso dhaqankooda, kuna adkayso sawracooda.

Gunaanadkii waxa aynu qormadeena ku soo xidhaynaa dardaaranka Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, ee ah: ”maanta ka dib, ma doonayno in aynu ku aragno –nolosha Islaamka loollan ka taagan dalalkeenna –kaas oo u dhexeeya dhaqanka diinta ee dhexdhexaadka ah iyo fanka dabran. Waa in la helaa isfahan ka dhexeeya labadan awoodood ee saamaynta leh. Ha noolaato xorriyaddu, hana noolaado fanka dhaqanka ku dabrani, fikirka iyo xertiisuna ha noolaadeen, dalka iyo dadkiisuna ha noolaadaan.” *

Cali Ileeye

Tixraacyo

  • Suugaanta iyo Fanka, Kaadim Saalax (Carabi).
    *Kulanka Fanka iyo Diinta, Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir (Carabi).
    *Isla tixraaca sare.
    *Waraysi Tiifiiga Niilka Buluugga ahi la yeeshay fannnaanka.
    *Shaacsanaha Fanka Hoobadka ah, Jammaal Badaru-dawla (Carabi).
    *Hoobal, Hadraawi.
    *Kulanka Fanka iyo Diinta, Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir (Carabi).

Faallo reeb

Please enter your comment!
Please enter your name here