Cajabeey Cajiibeey: Hibadii Boqorrada Fanka

Hadraawi

Waxa ay ahayd caways ay neecaw qaboobi dhacaysay. Cirka waxa ku shaqlanaa daruuro hadoodilay dayaxa, se nalka waddada hareereheeda ku taxan ayaa iftiimiyay aagga oo dhan. Waxa aan fadhiyay beeraha nasashada ee ku teedsan jidka wabiga Niil, ee ku leexaysta badhtamaha caasimadda Khartuum. Saxansaxada iyo udgoonka rayska ee ka soo kamkamayay dhinaca wabiga ayaan sanka la raacayay. Cimilada wacan waxa bilayay dad raxanraxan ah, si wanaagsanna u labisan, oo ku soo qulqulaya dhinaca beerta –oo qoys qoys iyo qofafba lahaa. Koob qaxwe ah oo ay i soo hordhigtay gashaantida reer Itoobiya ee meherada shaaha goobta ku haysatay ayaan mar horeba laastay.

Jawiga deggan ee aan ku jiray, waxa dhadhan u sii yeelay koox dhallinyaro Suudaani ah oo cuud ku tumanayay meel agtayda ah, oo aan dhagta u raaricinayay heesaha dabacsan ee ay darandooriyayeen. Lurka daltabyada iyo boholyowga aan u qabay dalkii iyo dadkii, ee ay igu sii kaakiciyeen barbaartaas dhulkoodii hooyo ku damaashaadayay, ayaan dabdamis uga dhigayay dhagaysiga heesaha qaraamiga ah ee moobilka iigu jiray, kuwaas oo aan kolba mid saarayay. Xusuusta berisamaadkii ayaan dhex mushaaxayay, marka aan maqlo codka dananaya ee hobolada Waaberi iyo kuwii ka horreeyay ee Walaalo Hargeysaba.

Dananka dhagtayda soo gaadhayaa ma xareedintii boqorka codkaa? Haa, waa laftiisii. Ma hoobal kale ayaa kaga dubaaxiya dareenka nool ee fanka dhadhansada. Midhaha i beerqaadayaa, ee xididada wadnaha xanxantaynayaa ma mucdii boqorka maansadaa? Oo ma hal-abuur aan Hadraawi ahayn ayaa sidaa u falkin kara erayadaa farshaxanka ah. Laxanka macaan waxa beerihihii waaritaanka ka soo curiyay hormuud Xasan Sabriye Afrax (Gareyd). Gacan macaanaa xerta tumaysaa. Astaantii midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya ayaa ka dhadhamaysa habdhaca muusigooda.
Wada garate, heesta aan ka sheekaynayaa waa heestii ‘Cajabeey Cajiibeey’

Cajabeey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa.

Dadka ku xeeldheer abla-ablayta fanku waxa ay heesaha ku sheegaan inay yihiin: ‘fanka isku lammaaneeya midho dux leh, cod dabacsan iyo muusik dananaya oo helay dhag la jaanqaadda quruxda habdhacooda, kaas oo ay wadaagaan dhammaan ilbaxnimooyinka dunidu.’ Heesta cajabeey waxa ay isku darsatay luuq halaasiya oo aan laga xiiso goynayn, midho soohan oo dareenka la falgalaya, laxan quluubta beerqaadaya iyo muusig ruuxda xaradhaaminaya.

Qaabka geeraarinta ah ee uu isugu kalabixinayo hoobalku hordhaca heestu, waxa uu ku galinayaa dareen la mid ah ka xiinka ka horeeya, inta aanay dhibicda heegadu ku soo gaadhin, ee aad feejignaan ku dhawrayso. Erayo jacayl ah oo xeeldheer, muhasho ka dhalatay daymada koowaad ayuu abwaanku kugu soo gaadhsiinayaa hab farshaxana.

“Waa ashqaraar iyo amakaag, maya waa hoodiyo ayaan bilicdan aan arkayaa, haa garaadkiiba waad xaday.”

Cajabeey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa.

Intaa kadibna dhibicdii ayaa ina soo gaadhay, caydhkiina wuu ina qabsaday.

Hormada Koowaad

Marka laga hadlayo afmaldahana, gaar ahaan qalabka eekeeyaha, heesaha ugu qotoda dheer haddii cod loo qaado, aragtidayda waxa aan afarta kaalmood ee hore kala gelin lahaa heestan ‘Cajabeey’, ‘Sida geed caleenlo’, ‘Sayloo guyaal badan’ iyo heesta ‘Guuleed ma joogaa.’
Eekeeyaha heestan ku jira, waxa uu inta hore kaga duwan yahay, waxa uu abwaanku ka leexday qaabka hal-abuurada kale oo aad u adeegsada erayga ‘sida’. Hadraawi waxa uu soo kordhiyay labada eray ee kala ah ‘cad waxaad wadaagtaan iyo ‘biyo wada cabteenoo’ oo qurux iyo curin cusub ku kaabay heesta.

“Waxa aad biyo wada cabteen ama aan lagaa garan, geed dhulkii barakaysnaa ee Calmadow iyo buurtii Daalo ku yaalla, oo aan abaar iyo oon arag. Waa geed dhirta kale ka muuqaal qurxoon, oo ay hoobaan bislaatay rucub rucub u soo laalaado. Ubaxa ayaa kor iyo hoos midabo jaadba jaad ah ku sharraxay, caleentiisuna waa ay is hadoodishay.”

“Sida geed cal iyo buur
Carro hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuuslihi
Laamaha cuslaysoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabaadhyoo
Dusha sare caleentii
Cidhifka isla gaadhaad
Biyo wada cabteenoo..”

Hormada Labaad.

Jilidii koowaad ayaa idlaatay, muuqaalkii labaad ayaa daahyada laga qaaday. Buur iyo Waqooyi ayaynu joognay. Imika waxa uu abwaanku ina horkeenayaa Hawd.

“Cad waxa aad wadaagtaan inanyahay, dhulka oo cosobka iyo cagaarku isa simay, oo aan meel banaan oo cagta la saaro lahayn. Maya e, waad ka qurux badan tahayba! Dhulkaas barwaaqada ah, oo ay goor casargaab ah daruuruhu dul joogaan, cadceedda iyo dayaxana uu midba cidhif ilayska uga soo diray, oo falaadhaha qoraxdu inta ay daruurihii ku dhaceen midab dahabiya heegadii ku fidiyeen ayaa la mid tahay.”

“Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaarloo
Cosobkii is gaadhoo
Cagta meel la saaroo
La cuskado lahayniyo
Fiid cawl horaantii
Cirka oo daruuruhu
Ku dhigeen canjiidoo
Dayixiyo cadceedduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo.”

Hormada Saddexaad

Dhaqanka iyo deegaanku waa rugta ay ka shidaal qaadato suugaantu, halabuur kastaa inta uu ka yaqaanno hiddahiisa, deegaankiisa iyo duunyadiisa ayuu ku soo gudbiyaa hummaagga uu rabo inuu ina la wadaago. Hadraawi waa abwaan midhihiisa aad ka dhadhansan karto baac fogaan iyo hodonimo afeed. Gammaanka oo geela ku wehelin jiray noolaha ugu qaalisan Soomaalida agteeda, ayuu hummaagga eekeeyahan ka soo qaadanayaa. Waxa uu isku lammaanaynayaa kaalintii iyo malkadii uu farasku ku jirijirey iyo qiimaha ay inantani agtiisa ka mudan tahay iyo jacaylka uu u hayo.

“Sida faras dheereeya xilligga duullaanka, oo ninka wataa ku aarsado, kuna ciilbaxo, ayuu raggu u tartamayaa xulashadaada. Haddii xataa aan dhab ahaan kuu waayo, hadhkaaga iyo awaalkaaga ayaa ila nool, oo aan maankayga ka bixin.”

“Sida faras cag fududoo
Cadda horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Ragu kuu cugtamayaa.
Cimri dherer hadhkaagaan
Riyo kula caweeyaa.
Culimada jacaylkee
Cawdayda goysee
I cadaadinaysaay
U calool nuglaadaa
Biyo wada cabteenoo…”

Gunaanad

“Hadaan lay cadaabayn
Rabi ii cadhoonayn
Dadku inu ku caabudo
Madawgiyo cadaankuba
Ku caleemo saartaan
Sow kuma canaanteen!”

Abwaanku wuu afeeftay, waxa uu dhahay ‘haddaan lay cadaabayn’ waayo, waa xaaraan in cid aan isaga ahayn la caabudo; waxa aan dadka ku odhan lahaa heblaayo caabuda, laakiin taas ma samaynayo oo alle ayaan ogolayn.

Heestani waa hibadii boqorrada fanka. Waxa ay ku waari doontaa xusuusta iyo maanka ummada Soomaaliyeed gaar ahaana inta is jecel oo ku dhayi doona dakharada cishqiga. Sidoo kalena inta ruuxdooda dabacsanaanta iyo dadnimo jacaylka la rabta ayaa kaga sifayn doona quluubtooda xumaanta iyo necbaanshaha.

Hadraawi iyo Xasan Gareyd, cimri dherer iyo caafimaad Alle ha siiyo. Hoobalkii heestan inagaga farxiyay, Tubeec, oo hoygii nagaadiga u guuray, Alle ha u naxariisto. Noloshiisa adduunka wuu ina jeclaa, darteenna hibadii ugu qaalisanayd ee Alle ku manaystay, oo ahayd codkiisa ayuu inoogu deeqay. Balse, sidii aynu rag hore ba u hoojinay, ee uga abaaldhacnay, ayuu ina sagootiyay isaga oo aan inaga helin gacantii iyo waynayntii uu u baahnaa. Gaar ahaanna maalmihiisii ugu danbeeyay ifka, oo uu qurbe dagaal kula jiray xanuun haleelay.

W/Q: Cali Ileeye
————–
* Falanqayntani waxa ay hore ugu soo baxday Weedhsan. (Tifaftirid)