Sida Geed Caleen Leh: Ashqaraarkii Eekeeyaha

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde

Yaraantaydii aroor kasta waxaan dhagta u raaricin jirey codad macaan oo ka bixi jirey raadiyowga aabbahay. Ma aan kasayn waxay yihiin codadkaasi, se waxay ahaayeen kuwo soo jiidasho leh, naftuna ay ku xasilayso. Waxaan ku himiloon jirey, yaa sida Aabbo mar uun ku fahansiiya codadkan macaanka badan. Gadaal ayaan ka ogaaday in ay ahaayeen codadkaasi luuqda Quraanka ee Cabdibaasid Cabdisamad, eedaanka iyo nashiidooyin uu aabbo ka dhagaysan jiray idaacadaha Carabta.

Laba tobanley kadib isla goobtii hore oo ah deegaankii xudduntaydu taalay, ee sudda Waabqurux¹, waxaan mar kale si xiise leh u sugi jirey barmaamijka “Subax Wanaagsan” oo isla raadiyawgii Aabbo aan marti u ahaa. Markan se codadku codadkii way iiga duwanaayeen, oo dhadhan aan kasayo ayay ii samaynayeen. Waxan subaxdii ka dhagaysan jiray kaalmaha suugaanta. Heesaha dhextaalka u ah barmaamijka ayaan ku sawirnaa!

Horta kaalay, heestani iyadu si maalinle ah ayay u soo gashaa, ee ma dookha dadka oo dhan ayay qabsatay? Maya e, malaha Khadar Maxamed Cakulle ayaa si gaar ah u jecel! Waar ma aha, Abiib Iimaan Xasan ayaa ay qalbigiisa hantiday! oo adigaba soo tan ku maanqaadday, ee aad ku wardiyayso. La isku raac amakaagnimada heestan. Heesba ma aha ee waa heeso. “Sida geed caleen leh” waa ashqaraarkii eekeeyaha iyo yaabka ammaantii naxariista dunida –haweenka.
.
Magaca: Sida geed caleen leh
Midhaha: Axmed Saleebaan Bidde
Qaadista: Maxamed Axmed Kuluc
Laxanka: Maxamed A. Kuluc (?)
Godka: Jiifto

Maalin aanu halabuur kale ka doodaynay cusboonaysiinta suugaanta, waxaan ku idhi hummaaggaynta ammaan dumar, ee loo eekeysiiyo quruxda dhirta iyo gammaanka kadib heesta “Sida geed caleenloo” wixii ka dambeeyaa waa “galsho dhurasho” iyo “cajalraac” ee wax nuxur leh oo lagu soo kordhin karo ma garanayo. Waxaan tilmaamayay qotodheerida, mugweynida iyo farshaxanka ku xardhan heestan.

1.

“Sidii geed, geeduhu kala ayaan roone, ku yaalla jeex webi iyo gal irmaan oo aan abidkii gudhayn; oo inta uu durdurka xididdada gashaday, xareedda ka haagay, oo man iyo magool cagaar ah ku hagoogtay, caleentii laamihiisuna ay faraqa dhulka la gaadhay. Geedkaas oo soo daayay ubax, ubaxiina hoobaan inta uu noqday, uu rucub rucub laamaha uga laalaado; oo gu’ iyo jiilaalba cagaaran ayaad la jaad tahay.”

Sida geed caleenliyo
Ubax guud ka qariyoo
Ooy gooni laamaha
Ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo
Guntin midha ah leedahay
Oo soo gandoodoo
Galka faraqa soo daray
Oo godan barwaaqaa
Durdur aan go’ayniyo
Gacan webi ku yaalloo
Oon gu iyo jiilaal
Midab guurin baad tahay.

2.

“Waxaad la qurux tahay sida gammaan faras. Maya e, sida sange aad loo xannaaneeyay, oo jarabar iyo jicsinba loo dhameeyay. Sangahaas oo aan bayhoof iyo balanbal abaareed iyo mid dagaal toona wali arag. Oo Soddon beri miranayay bur caws ah oo biyo u dhaw; oo hilibkii isa simay sararta, gaadada iyo guud ahaan jidhka; oo baruur darteed la socon waayay, quruxna la gaatinaya, oo hadba loo aag gediyo daaqa, sidii halo dhalay labada galin.”

Sidaad tahay gammaan faras
Sange geesi daaqsaday
Oo uu garduur miray
Soddon bil iyo gawdeed
Uu goobay farowgii
Sararta iyo gaadada
Oo galangalcooboo
Cududuhu gamuurmeen
Oo galaba loo raro
Sida ramad gu’yaal dhalay
Hadba kaynta geeda le
Oon guluf colaadiyo
Weli socoto dheer gelin.

3.

“Waxaad la qurux, midab iyo anfac tahay sida Guban oo barwaaqo ah, doogguna siman yahay; ama Hawd barisamaad ah oo geedgaabka iyo cawska inba dhinac u jiifsadeen, dharabka iyo dhalaalka dhirtana aad barqadii la ashqaraarayso. Maya e, intaaba waad ka bilicsan tahay, oo waxa aad la mid tahay, harooyinkii ciideed oo biyuhu dacalka ka jiifaan, shimburuhuna ka cabbayaan iyaga oo raxan raxan ah; hareeraheeduna ay cagaar yihiin xilli kasta.’’

Sida gubanka qaarkii
Dhul gargoorku siman yahay,
Ama maadh galdhiidhoo
Gubatiyo ku taal Hawd
Oo laba gardhooboo
Badhba gees u seexdeen,
[Iyo] dharabka geedaha
Quruxdooda gaarka ah
Ama haro gingimanoo
Guud ka xarfanaysoo
Shinbiruhu ka giigeen
Oon gu’ iyo jiilaal
Midab guurin baad tahay.

4.

“Haddaba inantaadan ashqaraarka iyo quruxdaa lihi, daymadaada oo qudha ayaa igu dhalisa kalgacal aan tagayn; guntin jacayl ayaanad ii xidhay. Wax se intaaba igaga daran in aanan aqoon halka aad i gaadhsiin doonto: helis ama waayitaan.”

Gabadhyahay kalgacal baad
Goortaan ku eegaba
Qalbigayga gelisaa
Wax se aanan garanayn
Ii gunuday caashaqe
Halka aad i gaadhsiin.

W/Q: Cali Ileeye.
______________
*Qormadan waxaan hore ugu baahiyay Geeska Afrika. (Tifaftirid)
1. Waab Qurux: Agagaarka Balligubadle.